Xukunka Argagaxiso Masjid ka dhaxtuuri Rabay Bom F1.

Garsoor – (Mogadishu)-  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Maankeey), ayaa iska Diwaan Geliyay Safka argagixisada, isaggoo qaatay tababaro kala duwan oo lagu barayay adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan,  kagana sii gudbay Qeybta Jabhadaha ku dhuumaaleysta goholka Shabeellaha Hoose.

Soddon Dollar  oo mushaar ahaan uu u  qaadan jiray, ayaa isku beddeshay Afartan Dollar, Waxaana loo soo wareejiyey magaaladda Muqdisho.

Xoogsade dhismaha guryaha ka shaqeeya ayuu gabbaad ka dhigtay, waxaana ka hoos socday indho indheyn uu ku soo sameyn jiray baraha hubinta Ciidamada Amniga.

Labaatan iyo labadii bishii maarso ee sanadkaan, ayaa lagu soo qabtay isaggoo isku dayey Xilli Ramadaan ah in uu Bam F1 ah ka dhex tuuro Masjidka Dabaqa ah ee Xaaji Bashiir oo ku yaalla Degmadda Deyniile, Mid ka mid ah Jameecada Masjidka ayaa gacanta ula tagay Dhagarqabaha, kuna simay laamaha amniga.

Ibraahin Isaaq Aadan Cali (Dawiil) waxa uu 2018 ka mid noqday argagixisada, Waxaana uu Tabbar hal bil ah u qaatay isticmaalka Hubka noocyadiisa kala duwan.

Si la mid ah Eedeysanaha koowaad Jabhad ku dhuumaaleysata Shabeellaha hoose qeybo ayuu kamid ahaa, isaggoo la galay dagaalo lala galay ciidanka Xoogga dalka.

Mar danbe ayaana loo soo beddelay kooxda dilalka gaadmada ah ka fulisa caasimada, Bakaaro ayeyna Khawaarijta uga Camireen miis Gabbaad ah uu ku iibinayay Ookiyaalaha Xaragada iyo Saacadaha, Mushaar Ahaana waxa uu u qaadan jiray 30 Dollar bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Kow iyo Labaatankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Maankeey) Toban Sano oo  Xabsi Argagaxiso ah, halka Ibraahin Isaaq Aadan Cali (Dawiil)  isna lagu xukumay Lix Sano oo xabsi Argagaxiso ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka Dil ka dhacay Kismaayo.

Garsoor – (Mogadishu)-  Ex Dable Nisa Maxamed Buulle Muumin ayaa, lagu soo eedeeyay dilka Alifle Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow) iyo dhaawaca dhibanayaal Dable Nisa Maxamed Cabdulaahi Maxamed iyo Alife Nisa Cabdullaahi Axmed Cabdiqaadir (Ilkacase), falkaas oo ka dhacay Magaaladda Kismaayo, Labaatankii bishii Jun sanadkii 2023.

Fal dambiyeedkaan, ayaa dhacay habeen Saq dhexe xilli ay Hurdaayeen marxuumka iyo dhibaneyaasha, Eedeesanaha ayaana ku dooday in sababta dilka keentay in ay aheyd muran dhul oo kala dhaxeeyay Marxuumka.
Dilka ka dib Maxamed Buulle ayaa ka baxsaday magaaladda Kismaayo, isaggoo isku-dhiibay Khawaarijta, kuna wareejiyay qorigii Dawladda ay siisay.
 
Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, isaggoo ku dhuumaleysanaya Sagaal iyo Tobankii Bishii April ee Sanadkaan.
 
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo Tobankii Bishaan .
 
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Nisa Maxamed Buule Muumin Dil toogasho ahna qisaastii Marxuum A/Le Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow) .
 
Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Xukunka Horjooge Tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay…

Garsoor – (Mogadishu)-Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare” ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku Tashkiilin jiray inay ku biiraan kooxdaasi iyo Marin habaabin caruurta Soomaaliyeed tan iyo 2009.

Horjoogahiisa Xuseen Fiidoow ayaa u Magacaabay Marin habaabinta Jufada Hoose ee uu ka dhashay Eedeysane Horjooge Daqare, waxaana Ka mid noqoshada Khawaarijta uu ku tashiiliyey Ex Dhamme Shariif Maxamed Barqadle (Shariif Jeego)  iyo Ex Dable Xoogga Maxamed Cabdulle Nuur Abkoow Biyamaaloow.

Shariif Cagaweyne oo Qeybta Dhagaraha ka tirsan ayaa isna ahaa Horjoogihii uu Daqare ku wareejiyay Jeego iyo Biyamaloow oo markii danbe geystay Qaraxyadii Muqdisho Mall 2019, Baar Cagaweyne oo ku yaalla agagaarka Hotel Wehliye 2019 iyo weerarkii Dabley Khawaarij ah loogu dusiyay airport ka Aden Cade 2022.

Horjooge Daqare Dadkii Kale ee uu ku biiriyay Khawaarijta, Jufadiisana ahaa kadib Tahskiilintiisa waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku xiggeenkii hore ee Arrimaha Bulshadda Degmadda Hodon Shariif Nuur Cali Awliyo oo lagu helay la shaqeynta Khawaarijta, uuna u ahaa Basaas iyo Dhagarqabe Maxamed Cali Kaahiye oo wali la shaqeysta Khawaarijta, kana tirsan Duur ku jirta  ku dhuumaaleysta Gobolka Mudug.

Cabdixakiim Axmed Diini Cawaale (Wadne)  oo Sargaal Xiggeen ka ahaa Xoogga Dalka, ayaa isna lagu eedeeyay in uu ku biiray Khawaarijta, kadib Tashkiilinta Abtigiis Hooyadii la ina Adeera, waana Horjooge Daqare.

Waxaa looga faa’iideysan jiray soo gelinta Caasimada Gawaarida Qaraxyada Lagu Diyaariyo  iyo dhaafsiinta control-lada Ciidamada Amniga, iyaggoo xittaa raran, Madaama u heystay Aqoonsiga Ciidamada.

Hay’adaha Amniga oo si hoose ula socday dhaqdhaqaaqa Dhagarqabe Daqare ayaa gacanta ku soo dhigay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishii May ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay  Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud Daqare Xabsi Daa’in, halka Cabdixakiim Axmed Diini Cawaale(Wadne) isna lagu xukumay Afar Sano oo xabsi Argagaxiso ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka Shabakad lagu eedeyay in ay argagixisada u qaabilsaneyd dhagaraha Dilalka iyo qaraxyada….

Garsoore (Mogadishu)- Eedeysaneyaasha kala ah Maxamed Nuur Cali, afgarashadiisuna tahay Cabdimajiid, Cabdullaahi Xuseen Maxamed iyo Deeqoow Aadan Barre Balse kooxda dhaxdeeda loogu yeero Cumar oo dhamaantood isku wada tabbabar ah, Ayaa Shabakadaan uga wakiil ahaa Dilalka qorsheysan ee Gaadmada ah.

Nissa oo ku duulaysa xogo sirdoon ayaa samaysay Howgallo Qorsheysan oo ka hortag  ah seddex Goboodna ka kala dhacay, waxayna ku soo qabatay Eedeysaneyasha iyo Hub ka kooban Seddex  Bastooladood iyo laba Bam F1 Sideed iyo Tobankii Bishii August 2024.

Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed  Webka, ayaa lagu  eedeeyay in uu si gaara Shaqadiisu aheyd Qeybta Qaraxyada, waxaana galkiisa laamaha amniga ku jira in Qarax nooca Miinada Dhulka lagu aaso ah ka fuliyay laamiga dheer ee Degmadda Kaxda, qaraxaasi oo ay ku geeriyoodeen tiktokers muuqaalo ku duubaayey laamiga hareerihiisa, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka, ayaana qabatay isagga labadiisa Horjooge ee Yaasir iyo Guuleed  oo uu u kala gudbinaya Subag.

Farxaan Aadan Xassan, ayaa Qoryoolay uu ku dhashay uga soo cararay dugsi Diidnimo, waxaana laga diiwaan geliyay Safka Khawaarijta, Gaar ahaan Qeybta Dilalka qorsheysan iyo Qaraxyada.

Xassan Cali Ciire Kuuloow, ayaa isna lagu  eedeeyay in uu  shaqo suga u ahaa shabakadaan, waxaana uu gacan galay kadib tilmaam laga helay eedeysane Farxaan oo ay isku shaqa ahayeen.

Baaris dheer ka dib xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday Mudeynta Kiiskaan, waana laga aqbalay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

  • Maxamed Nuur Cali, Cabdulaahi Xuseen Maxamed iyo Deeqoow Aadan Barre ayey Maxkamadu ku xukuntay min Toban Sano oo Xabsi Argagixiso ah.
  •  Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed Webka, ayaa lagu xukumay Sadax sano oo Xabsi argagixiso ah.
  • Farxaan Aadan Xassan  ayaa isna lagu xukumay Shan sano oo Xabsi Argagaxiso ah.
  • Haalka Xassan Cali Ciire kuuloow dib loo siiyay Xuriyadiisa.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

 

Xukunka Dil ka dhashay Muran Boosaneer……

Garsoor- (Mogadishu)- Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud (Booyada Kabaale) oo ah Baxsad ay ku raad-joogaan Hay’addaha ammaanka, ayaa lagu eedeeyey dilka Marxuum Ex- Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Dharkiinleey Labaatankii Bishii July ee 2024.

Sababta Dilka ayaa aheyd muran sababay gacan ka hadal, kana dhashay Boosaneer ku yaallay wado luuq ah oo la maro, halkaasi oo uu deganaa marxuumka, eedeysanahana uu ku mari jiray Moto Fekon.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waana laga ogolaaday.

Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn ku xukuntay Ex.Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud oo ah Baxsad ay ku raadjoogaan hay’adaha amaanka Dil Toogasho oo ah qisaasta Ex- Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe  Muxumad Maxamed Cumar oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada 1aad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

Xukunka dil ka dhashay muran ay sababeen Kaararka Barakacayaasha…..

Garsoor – (Mogadishu) – Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” oo ka tirsan Guutada 7-aad ee XDS, ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug uu u geystay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo”, Taariikhdu markii ay aheyd Sagaal iyo Tobankii Bisha Labaad ee sanadkaan 2024.

Dilka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday qeybinta Kaararka ay bixiyaan hay’addaha caawiyo dadka danta yar, muran iyo Isqab-qabsi kadibna waxaa xigtay in Eedeysanaha uu rasaas ku furo Marxuumka, halkaas ayuuna ku geeriyooday Xasan Cabdullaahi Axmed.

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddexdii bishaan September 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo”

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

Xukunka Askar Dishay Sargaal ay dhaceen……

Garsoor – (Mogadishu) – Dable Asluub Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” , Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac( oo maqane ah) iyo Axmed Daahir Cabdi “Shiiqaal” (oo maqane ah), ayaa lagu soo eedeeyey Jidgooyo iyo dhac ay ka dhalatay Dhimashada Ex Labo Xidigle Cabuqaadir Muxudiin Aadan oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, falkaasi oo dhacay Habeen ku Tariikheysan Lix iyo Tobanka bisha labaad ee Sanadkaan.

Marxuumka iyo mid ka mid ah saaxibadiisa ciidmada oo ka soo baxay goobtooda shaqo oo aheyd Xerada Damaanyo ayaa ku soo dhex dhacay Eedeysanayaasha oo isbaaro u taalla laamiga dheer ee Xoosh ee degamdda Garasbaaley.

Eedeysane Maxamed Musiibo Qaran oo ku hubeysnaa qoray Ak 47 ayaa labo Xabad ku dhuftay Marxuumka, isaggoona ka qaatay Bistooladii uu watay.

Hay’addaha Ammaanka oo ku raad-joogay Eedeysaneyaasha, ayaa gacanta ku dhigay Dable AsluubMaxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” Afar iyo Tobankii Bishii April ee Sanadkaan, waxaana baxsad ah Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi “Shiiqaal”.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Tobankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

1- Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabuqaadir Muxudiin Aadan.

Halka 2- Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo 3- Axmed Daahir Cabdi “Shiiqaal” oo labaduba maqane ah ay Maxkamadu ku xukuntay min sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

Xukunka Xasan Laari iyo Kooxdiisii…..

Garsoor – (Mogadishu)- Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska Eedeysanaal gaaraya Todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amin iyo ku takrifal dhul dowladeed.

Eedeysaneyaasha oo kala ah Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey, Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi, Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, Dable xoogga C/qani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayaa racfaan kasoo qaatay Xukun ay horey ugu riday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Afartii Bishii August ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey iyo 2-Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inay bixiyaan Boqol Halaad oo geel ah “Diyo Muqalado ah” ahna Magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo Min shan sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Dable Xoogga Xasan Cabdulle Samatar ayey maxkamadu ku xukuntay Todobo sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen 5- Dable Xoogga Cabdiqani Cali Xaaji 6- Dable Xoogga Nuur Cabdi Maxamed 7- Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada QS ku xukuntay min seddex Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Xukunka Walaallo wada dhashay……

Garsoor -(Mogadishu)- Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd Sodonka Bishii Maarso ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Sodonkii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka
Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Xukunka Rag loo haysto Dilka Arday………..

Garsoor – (Mohadishu)- Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow) , Dable Nisa Cabdi Axmed Cadow Axmed iyo Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi, ayaa si wadajir ah loogu soo eedeeyey in ay geeysteen Dilka marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo ahaa arday siddeed iyo toban jir ah oo dhiganayey sanadkiisii ugu horreeyey ee dugsiga sare.

Waxaa kale oo diiwaankooda eeda ku jirta Afduub iyo Bur-burinta gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku fureen rasaas.

Eedeysaneyaashaan oo isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya ayaa dilay Marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo marayey inta u dhexeyso Deyniile iyo Garasbaaleey, xilli  uu la socday saaxiibadiis oo ay wada saarnaayeen Gaari Propox ah, marxuumka ayaana u geeriyooday rasaas ay eedeeysaneyaasha ku fureen gaariga taariikdu markii ay aheyd Tobankii bisha April ee Sanadkaan  2024.

Ka hor falkaan waxay si khasab ah ku afduubteen Dhibane C/wahaab Siyaad Jamaal oo wade ka ahaa gaari Nooha oo ah kii lagu horjaray gaariga marxuumka uu saarnaa.

Eedeysaneyaasha o baxsaday dhacdadaan kadib, ayaa gacanta Hay’adaha ammaanka oo ku raad-joogay waxay soo galeen maalmo kala duwan oo is xig-xigay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Lixdii Bishaan July.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku  xukuntay, Ex Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage “Qataatow iyo Ex Dable Nisa Cabdi Axmed Cadow Axmed dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq, halka Ex Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi lagu xukumay seddex sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.