Xukunka Dil ka dhashay Muran Boosaneer……

0
121

Garsoor- (Mogadishu)- Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud (Booyada Kabaale) oo ah Baxsad ay ku raad-joogaan Hay’addaha ammaanka, ayaa lagu eedeeyey dilka Marxuum Ex- Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Dharkiinleey Labaatankii Bishii July ee 2024.

Sababta Dilka ayaa aheyd muran sababay gacan ka hadal, kana dhashay Boosaneer ku yaallay wado luuq ah oo la maro, halkaasi oo uu deganaa marxuumka, eedeysanahana uu ku mari jiray Moto Fekon.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waana laga ogolaaday.

Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn ku xukuntay Ex.Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud oo ah Baxsad ay ku raadjoogaan hay’adaha amaanka Dil Toogasho oo ah qisaasta Ex- Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe  Muxumad Maxamed Cumar oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada 1aad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.