XUKUNKA ASKARI SAAXIIBKIIS U DILAY CARO UU KA QAADAY TURUB AY WADA CIYAARAYEEN.

Muqdisho (Garsoor) Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Ex Dable Booliska Libaan Nuux Sooc oo ay kawada tirsanaayeen Ciidanka laanta ilaalada canshuuraha Booliska, falkaasi, ayaana ka dhacay degmadda Xamar jajab, taariikhdu markii ay aheyd labo iyo tobankii bishii todobaad ee Sanadkaan 2026.

Eedeysanaha ayaa ka carooday in loo diiday Turub ay askartu dheelayeen, madaama loo arkay in uusan wax aqoon ah u laheyn Ciyaarta, waxaana uu doontay  Qori AK-47 ah, si xoog uu ugu Ciyaaro, marxuumka ayaana isna ku adkeystay go’aanka Diidmada Turubka uu isagu lahaa.

Intaasi kadib Eedeysane Nuur, ayaa aflagaado iyo xabado tiro beel ah is daba dhigay, isaggoo adeegsanaya Qori Ak-47 ah, taasi oo keentay geerida Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Kowdii Bishaan October 2026.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

XUKUNKA ASKARI DILAY MUWAADIN FARYAAMO AHAA.

Muqdisho (Garsoor) Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu Naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo ahaa Muwaadin Ku Shaqeysta Xirfadda Dhismaha Guryaha ee Faryaamo, kaasi oo Xilliga la dilayo saarnaa Mooto Bajaaj isaga u Kireysneyd, si uu u gaaro Hoygiisa, Maadaama ay aheyd Xilli galab ah oo uu kasoo baxay shaqadiisa.

Eedeysane Soddon oo Waddada Xaafadda Iga-daba-geey ee Degmadda Garsabaaleey u taagan Mooto uu raaco, ayaa Joojiyey Bajaajtii uu saarnaa Marxuumka, Qaab u eg Awood Sheegasho, ayuuna ula hadlay, si loo sii qaado, balse waxaa loo sheegay inaysan qaadi karin, Maadaama isku jiho aysan u socon, Jawaabta Eedeysanaha, ayaana noqotay inuu hakiyo Bajaajta, kadibna ku handado inuu ka shakiyey oo ay tahay in la hubiyo, Waxaana Muran kadib uu riday Labo Baalooto oo Mid dhulka ku dhacday, Tan Kalana Caloosha Ka haleeshay Marxuumka oo Kireystihii Mootada ah, Isla goobtaasi ayuuna ku geeriyooday, Falkaan, ayaana dhacay Lix iyo Labaatankii Bishii Todobaad ee Sanadkaan 2026.

Eedeysanaha oo isku dayey inuu baxsado, ayaa ku dhuuntay geedka Soomaalida ay u taqaano Cali garoobka oo ku yaalla meel aan ka foggeyn goobta falka uu ka dhacay, Balse dad shacab, ayaa ciidamada ammaanka u tilmaamay halka uu ku jiro, sidaas ayeyna ku suurta gashay in la qabto.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Lix iyo Tobankii Bishaan September.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim “Soddon” Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

XUKUNKA DARAWALKA IYO XAASASKII ARGAGIXISADA EE LALA QABTAY ALAABTA QARAXYADA..

Garsoor (Mogadishu)- Kow iyo Labaatankii April sanadkan ayay ciidamada nabad-sugidda ku qabteen Number -50  Gaari Layla Calaawi ah oo Kuunya ka soo shiraacday, waxa uu waday agab laga farsameeyo qaraxyada iyo Xaasas Argagixisada ugu safary Duurka si’ay u soo xaaja gutaan.

Sideedii August ayay Maxkamadda Ciidamada Dhegeysatay kiiskan, waxa ayna dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa

Maanta ayay Maxkamadda ku kala xukuntay kow Yusuf Cali Nuune Aadan Darawalkii gaariga Sedax sano oo Xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka uu soo qaaday

Maxkamadda ayaa go’aamisay in ay Muqdisho ka bixi karin Maamooyinkan muddo laba sana ah  oo ah ilku haynta Boliiska, Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi

waxa ay Maxkamadda sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.

Darawalka - Yusuf Cali Nuune Aadan
Darawalka – Yusuf Cali Nuune Aadan

 

XUKUNKA KIIS KA SOO BILOWDAY TIKTOK..

Garsoor (Mogadishu)- Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” iyo Maxamed Faarax Maxamed ayaa is gacan qaaday habeen ka hor geerida Marxuum Saciid Cabdi Cali.

Sharma’arke ayaa 29 -kii June soo watay Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxamed Cali Cusmaan oo kawada tirsan ilaalada shacaka NISA, waxa uu CR u soo watay in ay kaalmeeyaan maadaama habeen ka hor isaga iyo Maxamed Faraxa ay isku qabteen gabar TikToker ah oo CR la socotay.

Qorshuhu waxa uu ahaa in Sharma’arke iyo Maxamed ay iska miirsadaan oo aan cidna soo dhex gelin laakiin Marxuum Saciid Cabdi Cali oo aan war u hayn heshiiska nimanka ayaa kala celi is lahaa, waxaana xabad afsaar ah madaxa mariyay Maxamed Abuukar Dayax, isla meeshaas oo Bosh ahayd ayuuna ku naf baxay Marxuumka.

Maxamed Cali Cusmaan oo isna NISA ka tirsan ee ay wada socdeen wax waajib ka gudasha ah ma sameyn, waxaana sabab u ahayd in ay iyaga dhan wada duulaan ahaayeen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa qaaday fadhigii u dambeeyay ee kiiskan 22-kii July, waxa ayna ku kala xukuntay 1- Maxamed Abuukar Dayax Dil toogasha ah, 2- Maxamed Cali Cusmaan Shan-sano oo xabsi ciidan ah halka Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” lagu xukumay Sanad, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

 

NISA- MAXAMED ABUUKARAY DAYAX - DIL
NISA- MAXAMED ABUUKARAY DAYAX – DIL

NISA- MAXAMED CALI CUSMAAN - SUULEY
NISA- MAXAMED CALI CUSMAAN – SUULEY

TIK-TOKER- SHARMA'ARKE XUSEEN JICMAALE "CR"
TIK-TOKER- SHARMA’ARKE XUSEEN JICMAALE “CR”

 

XUKUNKA KIIS KA YIMID MURAN LA XERIIRO ISIR ….

Garsoor (Mogadisu) – Xassan Xussen Nuur oo ka Tirsan Xoogga Dalka gaar ahaan ilaalo qarann  ayaa loo soo xiray dhaawac xabadeed oo u geystay Marxuum Xussen Maxamed Xirsi kaasoo ugeeryooday dhaawicii Xabadeed oo u geystay shan iyo tobankii bishii April ee sanadkaan , falkaas oo ka dhacay Dagmada Warta-Nabadda sideed iyo labaatankii bishii Maarso ee Sanadkaan.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Xassan Xuseen Nuur waxaana laga ogolaaday sadaxdii bishii Juun ee sanadkaan.

Maragyadii maxkamada la hor keenay ayaa cadeeyay in sababta Dhaawaca uu u dhintay Marxuumka ay eheed muran salka ku hayo jiir naceeb

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukumay Xassan Xuseen Nuur dil toogasho ahna Qasaastii Marxuum Xuseen Maxamed Xirsi.

Sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Xukunka Taliye Xigeenkii Hangashta ee sababta geerida u noqday Aadan Gaarac.

Garsoor (Mogadishu)-  Gashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ahaa baare ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa dil ka dhashay biyo hafin u geystay Aadan Gaarac Habarwaa 23-kii bishii labaad ee sanadkan, dilka ayaana dhacay intii lagu gudi jiray baarista kiisas argagixiso oo ay ugu horeysay maleegidda Qaraxii lagu dilay Taliyahii Ururka 28 aad ee ciidanka xoogga dalka .

26-kii isla bisha labaad ee sanadkan ayey maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dhageysatay kiiskan .

Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu baarayay Alshabaab isla markaana uu hayay waajib shaqo Qaran, sidaas darteed Maxkamadda ayuu waydiistay in la saaro bixinta magta taliska xoogga dalka.

Qareenka eedeysanaha ayaa isna Garsoorka waydiistay in lagu xukumo eedysanaha Diya adag.

Ugu dambayn maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay14-ka bisha Maarso ee sanadkan  2023 ayay  maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida ku xukuntay Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble  Diya adag  oo ah Qisaasta Marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo Shan sano oo Xabsi Ciidan ah sida uu warbaainta u sheegay Gaasaanle Sare Xasan Cali Nuur Suute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukunsanaha ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Xukunka Xaaska Horjoogaha kooxda Daacish.

Garsoor (Mogadishu)- Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa) ayaa loo soo xeray kamid ahaanshiyaha Daacish iyo u qaabilsanaanta arrimaha lacagta 21/03/2022.

Degmada Hilwaa ee xaafadda suuqa xoolaha ayay ka soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ay hay’adda Nabad-Sugidda ogaatay in xeriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee dunida Bilal-Alsidani, Bilaal ayay howlgal gaar ah ku dileen ciidamada caawiya Soomaaliya, sida 27-kii January ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Waxa ay tahay hadda Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho.

2012-kii ayay Khawaarijta Cabduqaadir Muumuin u direen wakiil ahaanshiyaha dhulka Bari ee Puntland, way la guurtay, waxa ayna ugu dhexeysay meelaha uu ku dhuunto inkasto deegaan rasmi ah u ahaa Gaalkacyo.

2021 ayay u soo guurtay Muqdisho, waxa ay si gaar ah ugu xil-saarnayd lacag u diridda teleefoono gaar ah oo ay badi lahaayeen haween la safan Daacish, waxa ay marti gelin jirtay xubnaha Daacish ee magaalada ku dhuumaalaysto ama kuwa ku cusub.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun

Fadhigeedii u dambeeyay ee Maxkamadayn ayay soo dhamaysatay 17-kii January 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah , sida uu waraahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Fartuun Cabdirashiid Xuseen

Xukunka Odoyaashii Xarardheere kula heshiiyay Khawaarijta.

Garsoor (Mogadishu)- Ciidamada Amniga ayaa Cadaado ka soo xeray December 27-keedii Sanadkii tegay Odoyaal heshiis kula soo galay Xarardheere inta aan laga fara maroojin Khawaarijta 16-kii January sanadkan 2023.

Odoyaasha ayaa diiday amar dowladda ka yimid oo ahaa in aan lala macaamili karin Argagixisada oo ay dowladdu dagaal kula jirto, waxa ayna is geeyeen si’ iskood ah Xarardheere iyaga oo mar-marsiyo ka dhiganayo dhaqan aysan ku matalin reer ka mug wayn go’aankooda.

18-kii January sanadkan ayay soo dhamaatay Maxkamadaynta Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow.

Maanta ayay maxkamadda kuwada xukuntay Shan Sano oo isugu jirto Xabsi ciidan iyo il ku haynta Police-ka, sida uu warbaahinnta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Odoyaasha ayaa haysto fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte)
Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte)

 

Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare)
Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare)

 

Sugaal Warsame Cali Yarow.
Sugaal Warsame Cali Yarow.

Xukunka Taliye Ururkii loo haystay Qaraxyo Argagixisanimo

Mogadishu (Garsoor)- Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, waxaa loo soo xeray  in Gawaari qaraxya ah uu Muqdisho soo geliyay, waxa uu Gawaaridaas ku Baakimay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar iyo Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019.

ilaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha Bulshada ayaa ku geeriyooday Qaraxyadaas inta Diiwaanka Dowladda ku jirto, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tira intaas ka badan.

Eedaha kale ee loo haystay waxaa kamid ah iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo ah Rasaastiisa.

Xeriirka technologyada ayaa laga tix raacay soo qabashadiisa kedib weerarkii garoonka Diyaaradah Aadan Cade 23-kii March Sanadkii tegay 2022 balse waxaa la waysnaa ilaa  November 19-kedii 2022 markaas uu soo galay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Marinta habraacyadii Dacwadda kedib, Maxkamadda Ciidamada ayaa dhegeysiga fadhigii ugu dambeeyay gashay 7-dii January Sanadkan 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ku xukuntay Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle Dil toogasha ah oo ah Qisaasta marxuumiinta ku naf waayay Gawaaridii Qaraxyada ahaa ee uu dhigay, waxaa sidaas Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle
Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle

Xukunsanaha ayaa ka soo mid ahaa Ciidamada ilaa Dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu ka gaaray Ciidanka Darajada Kabtan, waxa uuna soo noqday taliye Urur, waxa uuna la soo shaqeeyay General Cabdikariim Yuusuf Adan (Dhaga-badan) Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ciidamada Xoogga Dalka oo uu noqday Darawalkiisa gaarka ahaa.

Sedax iyo Konton Jir ku dhashay Mudug waaye.

Xukunka, Xukunsane ku Dilay Daraawal BL Balcad Isbaaro tiilay

Garsoor (Mogadishu)-  “Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa lagu xukumay xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo uu Dilay Shilimaad uusan Xaq ugu lahayn 29-kii November bishii tagtay” Sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsane Cabdiraxmaan waxa uu joogay Isbaaro tiilay Balcad meesha looga baxo.

Maragyadii saarnaa Gaariga shacabka ah waxa ay sheegeen in Xukunsanaha uu  si ku tala gal ah u dilay Marxuumka.

Marxuumka ayaa ahaa Darowal si wayn looga yaqaano tuulooyinka iyo degmooyinka Shabeelada Dhexe oo uu muddo ku safrayay.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa maalin ka hor ka soo Muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed - Xukun Dil ah
Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed -Xukun Dil ah