XUKUNKA ASKARI SAAXIIBKIIS U DILAY CARO UU KA QAADAY TURUB AY WADA CIYAARAYEEN.

Muqdisho (Garsoor) Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Ex Dable Booliska Libaan Nuux Sooc oo ay kawada tirsanaayeen Ciidanka laanta ilaalada canshuuraha Booliska, falkaasi, ayaana ka dhacay degmadda Xamar jajab, taariikhdu markii ay aheyd labo iyo tobankii bishii todobaad ee Sanadkaan 2026.

Eedeysanaha ayaa ka carooday in loo diiday Turub ay askartu dheelayeen, madaama loo arkay in uusan wax aqoon ah u laheyn Ciyaarta, waxaana uu doontay  Qori AK-47 ah, si xoog uu ugu Ciyaaro, marxuumka ayaana isna ku adkeystay go’aanka Diidmada Turubka uu isagu lahaa.

Intaasi kadib Eedeysane Nuur, ayaa aflagaado iyo xabado tiro beel ah is daba dhigay, isaggoo adeegsanaya Qori Ak-47 ah, taasi oo keentay geerida Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Kowdii Bishaan October 2026.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

XUKUNKA DARAWALKA IYO XAASASKII ARGAGIXISADA EE LALA QABTAY ALAABTA QARAXYADA..

Garsoor (Mogadishu)- Kow iyo Labaatankii April sanadkan ayay ciidamada nabad-sugidda ku qabteen Number -50  Gaari Layla Calaawi ah oo Kuunya ka soo shiraacday, waxa uu waday agab laga farsameeyo qaraxyada iyo Xaasas Argagixisada ugu safary Duurka si’ay u soo xaaja gutaan.

Sideedii August ayay Maxkamadda Ciidamada Dhegeysatay kiiskan, waxa ayna dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa

Maanta ayay Maxkamadda ku kala xukuntay kow Yusuf Cali Nuune Aadan Darawalkii gaariga Sedax sano oo Xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka uu soo qaaday

Maxkamadda ayaa go’aamisay in ay Muqdisho ka bixi karin Maamooyinkan muddo laba sana ah  oo ah ilku haynta Boliiska, Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi

waxa ay Maxkamadda sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.

Darawalka - Yusuf Cali Nuune Aadan
Darawalka – Yusuf Cali Nuune Aadan

 

XUKUNKA EEDEYSANIHII DILAY INJINEERKII KENYANKA AHAA.

Garsoor (Mogadisu) – Xasan Cabdiraxman Indha-yare waxaa uu eedeysane u ahaa dilka Fredrick Odhiambo Owino oo kenyan ah iyo ka tagista goob shaqo fasax la’aan.

Labaatankii bisha July ee sanadkan eedeysane Xasan Cabdiraxmaan ayaa xabad uu ka tuuray Bistoolad biljim ah madaxa kaga dhacday Fredrick sagoona is hor istaag ku sameeyay dhismo halkaasi ka socday, waxaana markaas uu ka cabanayay tubo biyo wasaqeysan ku sii dayso guri uu waardiye ka ahaa, Injineerka dhintay ayaana markaas ka howlgalayay dhisidda guri ku yaala agagaarka Airport ka Aden Cadde ee Muqdisho..

Baaris dheer kadib Afar iyo Tobankii bishan xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidmada qalabka ayaa maxkamdda darajada kowaad ee ciidamda hor keentay kiiskan, si jawaab loogu helo wixii dhacay.

Dhinacyada dacwadda, maragyadii la keenay ayaa isku daraf ka istaagay howlka dacwadda, waxaana ay isku raaceen in kas dhaaf uu ku yimid kiiska dilka ah.

Maanta ayay maxkamadda darajada kowaad ee ciidmada qalabka sida ku xukuntay Xasan Cabdiraxmaan Indha Yare Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Magdhow la siiyo Ehelka Fredrick Odhiambo Owino sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xasan Cabdiraxman Indha-yare
Xasan Cabdiraxman Indha-yare

XUKUNKA KIIS KA YIMID MURAN LA XERIIRO ISIR ….

Garsoor (Mogadisu) – Xassan Xussen Nuur oo ka Tirsan Xoogga Dalka gaar ahaan ilaalo qarann  ayaa loo soo xiray dhaawac xabadeed oo u geystay Marxuum Xussen Maxamed Xirsi kaasoo ugeeryooday dhaawicii Xabadeed oo u geystay shan iyo tobankii bishii April ee sanadkaan , falkaas oo ka dhacay Dagmada Warta-Nabadda sideed iyo labaatankii bishii Maarso ee Sanadkaan.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Xassan Xuseen Nuur waxaana laga ogolaaday sadaxdii bishii Juun ee sanadkaan.

Maragyadii maxkamada la hor keenay ayaa cadeeyay in sababta Dhaawaca uu u dhintay Marxuumka ay eheed muran salka ku hayo jiir naceeb

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukumay Xassan Xuseen Nuur dil toogasho ahna Qasaastii Marxuum Xuseen Maxamed Xirsi.

Sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

XUKUNKA YUSUF DUQOW OO BOM F1 – AH TUURAYAY

Garsoor (Mogadishu)- Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, waxa uu Argagixisada kaga biiray Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray $70.
Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si’uu uga fuliyo Muqdisho Dilal iyo Qaraxyo.
14 May sanadkan ayaa Yusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.
Waxa uu sahmin ku sameeyay baro koontarool oo ku kala yaala Shiirkole, Warshada Taraqa iyo Sigaarka, Baar Ubax, iyo kan lagu soo qabtay oo ku tuuray Bam F1 ah.

Baaris dheer ka dib Xafiiska xeer ilaalinta maxakamadda ciidamada ayaa codsatay qaadista kiiska Yuusuf waxaana laga aqbalay Labaatan iyo afartii bishii Juun ee sanadkaan.

Habraacyadii Maxkamadeed kedib, Maanta ayaa lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunka Taliye Xigeenkii Hangashta ee sababta geerida u noqday Aadan Gaarac.

Garsoor (Mogadishu)-  Gashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ahaa baare ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa dil ka dhashay biyo hafin u geystay Aadan Gaarac Habarwaa 23-kii bishii labaad ee sanadkan, dilka ayaana dhacay intii lagu gudi jiray baarista kiisas argagixiso oo ay ugu horeysay maleegidda Qaraxii lagu dilay Taliyahii Ururka 28 aad ee ciidanka xoogga dalka .

26-kii isla bisha labaad ee sanadkan ayey maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dhageysatay kiiskan .

Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu baarayay Alshabaab isla markaana uu hayay waajib shaqo Qaran, sidaas darteed Maxkamadda ayuu waydiistay in la saaro bixinta magta taliska xoogga dalka.

Qareenka eedeysanaha ayaa isna Garsoorka waydiistay in lagu xukumo eedysanaha Diya adag.

Ugu dambayn maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay14-ka bisha Maarso ee sanadkan  2023 ayay  maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida ku xukuntay Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble  Diya adag  oo ah Qisaasta Marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo Shan sano oo Xabsi Ciidan ah sida uu warbaainta u sheegay Gaasaanle Sare Xasan Cali Nuur Suute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukunsanaha ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Xukunka Taliye Ururkii loo haystay Qaraxyo Argagixisanimo

Mogadishu (Garsoor)- Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, waxaa loo soo xeray  in Gawaari qaraxya ah uu Muqdisho soo geliyay, waxa uu Gawaaridaas ku Baakimay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar iyo Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019.

ilaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha Bulshada ayaa ku geeriyooday Qaraxyadaas inta Diiwaanka Dowladda ku jirto, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tira intaas ka badan.

Eedaha kale ee loo haystay waxaa kamid ah iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo ah Rasaastiisa.

Xeriirka technologyada ayaa laga tix raacay soo qabashadiisa kedib weerarkii garoonka Diyaaradah Aadan Cade 23-kii March Sanadkii tegay 2022 balse waxaa la waysnaa ilaa  November 19-kedii 2022 markaas uu soo galay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Marinta habraacyadii Dacwadda kedib, Maxkamadda Ciidamada ayaa dhegeysiga fadhigii ugu dambeeyay gashay 7-dii January Sanadkan 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ku xukuntay Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle Dil toogasha ah oo ah Qisaasta marxuumiinta ku naf waayay Gawaaridii Qaraxyada ahaa ee uu dhigay, waxaa sidaas Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle
Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle

Xukunsanaha ayaa ka soo mid ahaa Ciidamada ilaa Dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu ka gaaray Ciidanka Darajada Kabtan, waxa uuna soo noqday taliye Urur, waxa uuna la soo shaqeeyay General Cabdikariim Yuusuf Adan (Dhaga-badan) Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ciidamada Xoogga Dalka oo uu noqday Darawalkiisa gaarka ahaa.

Sedax iyo Konton Jir ku dhashay Mudug waaye.

Xukunka, Xukunsane ku Dilay Daraawal BL Balcad Isbaaro tiilay

Garsoor (Mogadishu)-  “Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa lagu xukumay xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo uu Dilay Shilimaad uusan Xaq ugu lahayn 29-kii November bishii tagtay” Sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsane Cabdiraxmaan waxa uu joogay Isbaaro tiilay Balcad meesha looga baxo.

Maragyadii saarnaa Gaariga shacabka ah waxa ay sheegeen in Xukunsanaha uu  si ku tala gal ah u dilay Marxuumka.

Marxuumka ayaa ahaa Darowal si wayn looga yaqaano tuulooyinka iyo degmooyinka Shabeelada Dhexe oo uu muddo ku safrayay.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa maalin ka hor ka soo Muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed - Xukun Dil ah
Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed -Xukun Dil ah

 

 

XUKUNKA ASKAR KU DISHAY BARIIRE CARUUR BEERALEY AH

Garsoor (Mogadishu)- 11-kii June sanadkan deegaanka Bariire ee gobalka Shabellada Hoose waxaa ka dhacay dil fool xun oo lagu Eedeeyay Askar ka tirsan Military-ga Somalia

Kadib, dilkaas waxaa dhacay Banaan-baxyo ay ku Cabanayaan bulshada deegaanka, waxaana ku baxay Isla xilligaas Saraakiisha ugu sarayso Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa loo soo xiray dhacdadaas laba Askari oo ka tirsan Gor-gor iyo mid ka tirsanaa Qaybta 60-aad ee Military-ga.

Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi oo ku hubaysnaa Qoryaha ay walaalaha Turkey siiyeen Ciidamada ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay in ay kala dileen Labada Marxuum ee dhalinyarada ahaa oo xilligaasi Farshaxan isaga baranayay School duq ah oo dhinaca Liinta magaalka kaga yaal, waxaana marxuumiinta lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq.

Halka Askariga Sedaxaad Maxamed Isxaaq Guuleed uu Eedeysanayaasha markii hore u soo raacay in dadka ay dhacaan laakiin wax walba ay isku badaleen si ka duwan sidii hore ay ugu soo tashadeen, waxa ayna labada kale Ee la eedeysan xitaa isku dayeen in isaga Dilaan si raadka uu u dhumo, sida Maxkamadda laga Cadeeyay.

Xeer Ilaalinta oo ku soo wareegay kiiskan ayaa ugu damayn Codsatay in la Muddeeyo dhegeysiga Dacwadda ka dhanka Sedaxda Eedeysane August Dabayaaqadeedii.

Fadhigii u dambeeyay ee Maxkamadeed ayay Maxkamadda gaba-gabaysay kowdii bishan.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku kala Xukuntay Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi Dil toogasha ah oo Qisaasta Marxuumiinta kala ah Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq, halka ay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Maxamed Isxaaq Guuleed sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Guuleed Xamse Maxamed-Dil toogasha ah

Cabdi weli Jaamac xersi- Dil toogasha ah

Maxamed Isxaaq Guuleed- Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah

xukunsa-yaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban Karaan Rafcaan.

Basaaskii ugu xirfadda badnaa Alshabaabka Muqdisho oo la Xukumay.

Garsoor (Mogadishu)- November sanadkii tegay bartamaheedii ayay ciidamada Amniga ka soo xeraan xaafadda Oodweyn ee degmada Dayniile Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow oo loo haystaa in uu Alshabaab u qaabilsanaa Howlaha Basaasnimada.

Xilliga ay ciidanka qabanayeen waxa laga helay Agabyada Basaasnimada loo isticmaalo sida, OOkiyaal Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telephono.

Waxa uu lahaa Gaari uu kula shaqeeyo Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay 2015 ilaa 2020 Bajaaj, Sedax meel oo lagu kala magacaabo Kaabe Travel Agency, Salaama stationary & Tamaam printing Center oo uu isaga lahaa balse mar dambe uu iska xaraashay.

Waa 28 jir ku dhashay Muqdisho, kana baxay Jaamacadda Jamhuuriy, waxa uuna ka bartay Computer Science.

Waxa ay sidoo kale Hay’adama amniga cadeeyeen xeriir gaar ah oo uu lalahaa u qaabilsanaha Alshabaab Arrimaha Dibadda.

June bishii ina dhaaftay ayay ciidamada Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.

Baaris dheer kadib Xafiiska xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la mudeeyo dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow, waxa ayna Maxkamadda aqbashay 16-kii bishan aynu ku jirno.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow  15-sano oo xabsi ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow