XUKUNKA ASKARI SAAXIIBKIIS U DILAY CARO UU KA QAADAY TURUB AY WADA CIYAARAYEEN.

Muqdisho (Garsoor) Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Ex Dable Booliska Libaan Nuux Sooc oo ay kawada tirsanaayeen Ciidanka laanta ilaalada canshuuraha Booliska, falkaasi, ayaana ka dhacay degmadda Xamar jajab, taariikhdu markii ay aheyd labo iyo tobankii bishii todobaad ee Sanadkaan 2026.

Eedeysanaha ayaa ka carooday in loo diiday Turub ay askartu dheelayeen, madaama loo arkay in uusan wax aqoon ah u laheyn Ciyaarta, waxaana uu doontay  Qori AK-47 ah, si xoog uu ugu Ciyaaro, marxuumka ayaana isna ku adkeystay go’aanka Diidmada Turubka uu isagu lahaa.

Intaasi kadib Eedeysane Nuur, ayaa aflagaado iyo xabado tiro beel ah is daba dhigay, isaggoo adeegsanaya Qori Ak-47 ah, taasi oo keentay geerida Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Kowdii Bishaan October 2026.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

XUKUNKA ASKARI DILAY MUWAADIN FARYAAMO AHAA.

Muqdisho (Garsoor) Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu Naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo ahaa Muwaadin Ku Shaqeysta Xirfadda Dhismaha Guryaha ee Faryaamo, kaasi oo Xilliga la dilayo saarnaa Mooto Bajaaj isaga u Kireysneyd, si uu u gaaro Hoygiisa, Maadaama ay aheyd Xilli galab ah oo uu kasoo baxay shaqadiisa.

Eedeysane Soddon oo Waddada Xaafadda Iga-daba-geey ee Degmadda Garsabaaleey u taagan Mooto uu raaco, ayaa Joojiyey Bajaajtii uu saarnaa Marxuumka, Qaab u eg Awood Sheegasho, ayuuna ula hadlay, si loo sii qaado, balse waxaa loo sheegay inaysan qaadi karin, Maadaama isku jiho aysan u socon, Jawaabta Eedeysanaha, ayaana noqotay inuu hakiyo Bajaajta, kadibna ku handado inuu ka shakiyey oo ay tahay in la hubiyo, Waxaana Muran kadib uu riday Labo Baalooto oo Mid dhulka ku dhacday, Tan Kalana Caloosha Ka haleeshay Marxuumka oo Kireystihii Mootada ah, Isla goobtaasi ayuuna ku geeriyooday, Falkaan, ayaana dhacay Lix iyo Labaatankii Bishii Todobaad ee Sanadkaan 2026.

Eedeysanaha oo isku dayey inuu baxsado, ayaa ku dhuuntay geedka Soomaalida ay u taqaano Cali garoobka oo ku yaalla meel aan ka foggeyn goobta falka uu ka dhacay, Balse dad shacab, ayaa ciidamada ammaanka u tilmaamay halka uu ku jiro, sidaas ayeyna ku suurta gashay in la qabto.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Lix iyo Tobankii Bishaan September.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim “Soddon” Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka Shabakad Alshabaab ah oo ay u dhamaystiranaayeen Adeegyadooda Ciidan

Garsoor (Mogadishu) – Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Koox loo haystay Argagixisanimo, waxa ay kawada shaqeeyeen Dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo Arbushaad ah.

Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkan Jidmariixaan Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahalanaatay Ciidamada aan Muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.

Kooxdan ayaa ka koobnaa Koox Jugta Culus ah oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, waxa ay sidoo kale lahaayeen Madax Maaliyadeed, Madax Caafimaad, Bajaaj iyo Gaari raaxo.

Qaarkood oo gacmaha dhiig ku leh kuwan kalane ay ku jireen Gurya qarsoon oo ay kooxdu ku lahayd Muqdisho Sida Gubta, Xaawa Cabdi, OOd-weyne, Alxayaat-Ceelasha, Ciise-Cabdi iyo Cali-Turcaaye ayay ciidamada amniga soo qabteen.

Dhammaan habraacyadii Maxkamadeed ayay soo dhamaysteen 10-kii December Bishan aynu ku jirno.

Todobaad kadib Maaan ayay Maxkamadda ku kala Xukuntay :-

1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku  Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkan.

1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah
1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawacd dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon.

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil
2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil

3-4 Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa lagu wada xukumnay Min Sideed Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka

Caddow Axmed Calasow -  8 sano Xabsi Ciidan ah
Caddow Axmed Calasow – 8 sano Xabsi Ciidan ah

Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud - 8 sano Xabsi Ciidan ah
Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud – 8 sano Xabsi Ciidan ah

5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah.

5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen - 5 sano oo Xabsi Ciidan ah
5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen – 5 sano oo Xabsi Ciidan ah

6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada ayaa lagu xukumay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah.

6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle -3 sano oo Xabsi Ciidan ah
6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle -3 sano oo Xabsi Ciidan ah

7-8 Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ayay Maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, waxa ayna u celisay Xorriyadooda –

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.

Xukunka, Xukunsane ku Dilay Daraawal BL Balcad Isbaaro tiilay

Garsoor (Mogadishu)-  “Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa lagu xukumay xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo uu Dilay Shilimaad uusan Xaq ugu lahayn 29-kii November bishii tagtay” Sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsane Cabdiraxmaan waxa uu joogay Isbaaro tiilay Balcad meesha looga baxo.

Maragyadii saarnaa Gaariga shacabka ah waxa ay sheegeen in Xukunsanaha uu  si ku tala gal ah u dilay Marxuumka.

Marxuumka ayaa ahaa Darowal si wayn looga yaqaano tuulooyinka iyo degmooyinka Shabeelada Dhexe oo uu muddo ku safrayay.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa maalin ka hor ka soo Muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed - Xukun Dil ah
Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed -Xukun Dil ah

 

 

XUKUNKA ASKAR KU DISHAY BARIIRE CARUUR BEERALEY AH

Garsoor (Mogadishu)- 11-kii June sanadkan deegaanka Bariire ee gobalka Shabellada Hoose waxaa ka dhacay dil fool xun oo lagu Eedeeyay Askar ka tirsan Military-ga Somalia

Kadib, dilkaas waxaa dhacay Banaan-baxyo ay ku Cabanayaan bulshada deegaanka, waxaana ku baxay Isla xilligaas Saraakiisha ugu sarayso Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa loo soo xiray dhacdadaas laba Askari oo ka tirsan Gor-gor iyo mid ka tirsanaa Qaybta 60-aad ee Military-ga.

Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi oo ku hubaysnaa Qoryaha ay walaalaha Turkey siiyeen Ciidamada ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay in ay kala dileen Labada Marxuum ee dhalinyarada ahaa oo xilligaasi Farshaxan isaga baranayay School duq ah oo dhinaca Liinta magaalka kaga yaal, waxaana marxuumiinta lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq.

Halka Askariga Sedaxaad Maxamed Isxaaq Guuleed uu Eedeysanayaasha markii hore u soo raacay in dadka ay dhacaan laakiin wax walba ay isku badaleen si ka duwan sidii hore ay ugu soo tashadeen, waxa ayna labada kale Ee la eedeysan xitaa isku dayeen in isaga Dilaan si raadka uu u dhumo, sida Maxkamadda laga Cadeeyay.

Xeer Ilaalinta oo ku soo wareegay kiiskan ayaa ugu damayn Codsatay in la Muddeeyo dhegeysiga Dacwadda ka dhanka Sedaxda Eedeysane August Dabayaaqadeedii.

Fadhigii u dambeeyay ee Maxkamadeed ayay Maxkamadda gaba-gabaysay kowdii bishan.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku kala Xukuntay Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi Dil toogasha ah oo Qisaasta Marxuumiinta kala ah Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq, halka ay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Maxamed Isxaaq Guuleed sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Guuleed Xamse Maxamed-Dil toogasha ah

Cabdi weli Jaamac xersi- Dil toogasha ah

Maxamed Isxaaq Guuleed- Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah

xukunsa-yaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban Karaan Rafcaan.

Basaaskii ugu xirfadda badnaa Alshabaabka Muqdisho oo la Xukumay.

Garsoor (Mogadishu)- November sanadkii tegay bartamaheedii ayay ciidamada Amniga ka soo xeraan xaafadda Oodweyn ee degmada Dayniile Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow oo loo haystaa in uu Alshabaab u qaabilsanaa Howlaha Basaasnimada.

Xilliga ay ciidanka qabanayeen waxa laga helay Agabyada Basaasnimada loo isticmaalo sida, OOkiyaal Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telephono.

Waxa uu lahaa Gaari uu kula shaqeeyo Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay 2015 ilaa 2020 Bajaaj, Sedax meel oo lagu kala magacaabo Kaabe Travel Agency, Salaama stationary & Tamaam printing Center oo uu isaga lahaa balse mar dambe uu iska xaraashay.

Waa 28 jir ku dhashay Muqdisho, kana baxay Jaamacadda Jamhuuriy, waxa uuna ka bartay Computer Science.

Waxa ay sidoo kale Hay’adama amniga cadeeyeen xeriir gaar ah oo uu lalahaa u qaabilsanaha Alshabaab Arrimaha Dibadda.

June bishii ina dhaaftay ayay ciidamada Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.

Baaris dheer kadib Xafiiska xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la mudeeyo dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow, waxa ayna Maxkamadda aqbashay 16-kii bishan aynu ku jirno.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow  15-sano oo xabsi ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow

 

 

 

 

Deeqo oo loo Xukumay Kaydinta Hubka iyo Hubinta Howlagallada ay Alshabaab ka sameeyaan Kaaraan.

Garsoor (Mogadishu)- Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi ayaa loo soo xeray February Sedaxdeedii sanadkan u sahminta howlgallada dilalka Qarsoon ee maleeshiyada Alshabaab iyo Kaydinta hubka fudud sida BamGacmeed iyo Bistoolad.

May dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loo diray Garsuge ahaan.

Deeqo Alshaab waxaa ku tashkiiliyay nin ay kala tageen mid saaxiib la’ah, waxa ay keedii hore iyo kan dambe kawada tirsan yihiin Alshabaab, laba sano ayaa laga joogaa markii ay ku biirtay kooxda, waxaana lacag ahaan loo siin jiray Boqol dollar bishiiba.

Deeqo Maxamed Cabdi oo magaceeda Afgarashadu yahay Faadumo ayaa laga soo qabtay degmada Kaaraan, waxa ayna xilligaasi joogtay Askari katirsan Dowladda oo ay dileen Argagixisada gurigiisa oo ay daris ahaayeen, waxa ay Qoyska reerka ka shakiyeen sida ay u leedahay dhaqan gaar ah oo ka baxsan dareenka reerka maalintaasi ay qabeen, Ciidamada Amniga oo baaray Deeqo gurigeeda ayaa ka soo helay BamGacmeed iyo Bistoolad wadato Todobo rasaas ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Deeqo ayaa laga Ogolaaday billowgii Bishan July ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Deeqo kaalintii ay ku lahayd Askari lagu Dilay Kaaraan iyo Sida ay Warbixinta Dilka kadib ula wadaagtay Horjoogaheeii Argagixisada ay wakiilka uga ahayd Kaaraan.

Qareenka u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday in loo Naxariisto Deeqo oo ah hooyo Afar Caruur ah u dhashay Cabdullaahi Xasan Yusuf oo isna Alshabaab ka tirsan balse ay kala tageen 2018-kii.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi 15-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu dhincyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Deeqo Maxamed Cabdi

Xukunka Askari u Dilay qof Shacab ah Mucaawino

Garsoor (Mogadishu)- Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” ayaa loo soo xeray Dilka Allah Unaxariiste Marxuum Saciid Xasan Shiiqow 29-kii April Sanadkan.

Galab, Bishii Ramadaan ee ina dhaaftay ayuu marxuumka u dhintay Xabad uu si kas ah ugu Dilay Gaduudow Marxuum Saciid Xasan Sheeqow oo afur u soo raadsaday Xerada Agoonta Boliiska Raashin loogu qaybinayay Bulshada kaalmada u Baahan.

25-kii May sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada Ogolaaday in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.

Baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka October.

Qareenka U doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.

Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow”

 

Xukunka Yacquub Cabdullaahi oo ay u dhaawaceen Ciidamada Amniga Bam uu tuurayay

Garsoor (Mogadishu)- Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan “CabdiNaasir”  ayaa loo soo xeray kamid ahaanshiyaha Alshabaab oo uu ka tirsanaa ilaa 2018.

Baaris dheer oo ay ciidamada Amniga ku hayeen kadib ayay ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida May Sanadkan, Isla xilligaasi ayay Maxkamadda Ogolaatay in loo gudbiyo Xabsiga Dhexe Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo Dowrkiisa baaritaan qaadanayo ayaa isku howlay sidii uu u soo dhamaystiri lahaa hab raaca Muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan oo magiciisu afgarashadu yahay CabdiNaasir.

Yacquub ayaa isku maray laba tababar oo uu ku kala qaatay Jilib Marka iyo Mubaarak, waxa uu la jir la ahaa labadiisii sano ee ugu horreeyay Jabhad Shabeellada Hoose ka dagaalanto oo dhowr weerar oo isugu jiro jid gal iyo Arbushaad ka sameeyay Gobalka, Sanadii 2021 ayaa loo soo wareejiyay Qaybta Amniga, waxaana si gaar ah loo baray Degmooyinka Hodan, Howlwadaag Warta-Naadda iyo Dayniile oo markii hore ku degay Gabar Walaashiis ah oo daganeyd.

Isla Sanadkaas ayaa dib loogu celiyay tababar kale oo la xiriira Dilalka Qorshaysan iyo Tuurista Bamka.

Bam ayuu ku tuuray Bar hubin oo ay leeyihiin Ciidamada Amniga oo ku taal Warshadaha Xerada Warsame Dool July sanadkii tegay, sidoo kale August  kowdeedii sanadkii ina dhaafay ayuu Bam kale ku tuuray Waaxda Taleex ee degmada Hodan waana marka ay Ciidamada Amniga laba Xabadood ay ku dhufteen, wixii xilligaas ka dambeeyay Dowladda Soomaaliya ayaa la tacaalaysay Xaaladiisa Caafimaad.

Maxkamadayntiisa ayaa soo bilaabatay June Bartamaheedii oo ay Codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Qareenka u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday in loo Naxariisto Maadaama uu isaga laftiisa Dhaawac u noqday dhibaatooyinkii uu maleegayay.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan ku xukuntay Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan 20-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.


Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan “CabdiNaasir”

 

Daacisho loo xukumay Miino uu u Aasay Ciidamada Haramcad.

Garsoor (Mogadishu)- Cabdullaahi Xaanshi Axmed ayaa loo soo xeray kamid ahaanshiyaha Daacish iyo in uu ku howlanaa Miina Aasid oo uu si gaar ah ugu qorsheeyay Ciidamada Haramcad ee Ilaalada ka haya dhismaha waddada xiriirisa Shabeellada Dhexe iyo Muqdisho May 21-keedii Sanadkan.

June Bartamaheedii ayay Hay’adaha Baarista Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo isna xilligaas codsaday in lagu hayo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Cabdullaahi Xaanshi oo magiciisa afgarashada yahay Qaasim ayaa isku maray kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo uu kamid ahaa ilaa 2008.

Waxa uu tababarka dilalka qorshaysan iyo Qaraxyada ku soo qaatay buuraha bari ee Puntland sanadkii ina dhaafay.

Ciidamada Haramcad ayaa ka qabtay Suuqa-Xoolaha Hilwaa isaga oo u dhigay qarax goob Fariisin Nasiino u ahayd.

Fariimo ay is dhaafsanayaan isaga iyo horjoogihiisa ka hubinta howlaha loo diray ayaa ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ay sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen Maxkamadda Sawirradii ugu horeeyay ee la helay ka hor Qaraxa iyo kadib Qarixii ay Fashiliyeen ciidamada gaarka ah ee Haramcad.

Abuukataha u dooday Eedeysanaha ayaa u sheegay Garsoorka in Cabdullaahi Xaanshi uusan ku jirin Kooxaha ka dagaalama Soomaaliya muddadaas laakiin uu Alshabaab billowgeeda isaga haray, waxa uuna Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto.

Dabayaaqadii June ayay Maxkamadiisa bilaabatay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Cabdullaahi Xaanshi Axmed “Qaasim”