XUKUNKA KIIS KA SOO BILOWDAY TIKTOK..

0
1742

Garsoor (Mogadishu)- Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” iyo Maxamed Faarax Maxamed ayaa is gacan qaaday habeen ka hor geerida Marxuum Saciid Cabdi Cali.

Sharma’arke ayaa 29 -kii June soo watay Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxamed Cali Cusmaan oo kawada tirsan ilaalada shacaka NISA, waxa uu CR u soo watay in ay kaalmeeyaan maadaama habeen ka hor isaga iyo Maxamed Faraxa ay isku qabteen gabar TikToker ah oo CR la socotay.

Qorshuhu waxa uu ahaa in Sharma’arke iyo Maxamed ay iska miirsadaan oo aan cidna soo dhex gelin laakiin Marxuum Saciid Cabdi Cali oo aan war u hayn heshiiska nimanka ayaa kala celi is lahaa, waxaana xabad afsaar ah madaxa mariyay Maxamed Abuukar Dayax, isla meeshaas oo Bosh ahayd ayuuna ku naf baxay Marxuumka.

Maxamed Cali Cusmaan oo isna NISA ka tirsan ee ay wada socdeen wax waajib ka gudasha ah ma sameyn, waxaana sabab u ahayd in ay iyaga dhan wada duulaan ahaayeen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa qaaday fadhigii u dambeeyay ee kiiskan 22-kii July, waxa ayna ku kala xukuntay 1- Maxamed Abuukar Dayax Dil toogasha ah, 2- Maxamed Cali Cusmaan Shan-sano oo xabsi ciidan ah halka Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” lagu xukumay Sanad, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

 

NISA- MAXAMED ABUUKARAY DAYAX - DIL
NISA- MAXAMED ABUUKARAY DAYAX – DIL
NISA- MAXAMED CALI CUSMAAN - SUULEY
NISA- MAXAMED CALI CUSMAAN – SUULEY
TIK-TOKER- SHARMA'ARKE XUSEEN JICMAALE "CR"
TIK-TOKER- SHARMA’ARKE XUSEEN JICMAALE “CR”