XUKUN KASOO BAXAY KIISKA GENERAL-KII BOOLISKA EE GURIGIISA LAGU DILAY.

Muqdisho (Garsoor) Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” ayaa loo soo Xiray Dilka Taliyihii hore ee hoggaanka isgaarsiinta iyo Tiknooljiyadda Booliska sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed, kaasi oo gurigiisa lagu dhex dilay labadii bishii Lixaad ee sanadkaan 2026.

Eedeysanaha koowaad Jamaal Xasan Cabdulle, ayaa ahaa ilaaliyaha gaarka ah ee Janaraalka, waana wiilkii uu barbaariyey ilaa uu damiin kaga noqday, kana diiwaan geliyey ciidanka booliska Soomaaliyeed, tababar kadib, ayuuna usoo beddelay hoggaanka isgaarsiinta Booliska oo markaasi Janaraalka uu ka ahaa Taliye hoggaan, labo boqol mushaarka ciidanka ah iyo shan boqol oo gunno ah, ayaana u dhici jirtay eedeysanaha ilaa geerida Taliyaha.

Muran ku saabsan lunsashada qoray AK47 ah oo uu ku qornaa marxuumka, Eedeysanahana uu gacanta ku hayey si ilaaliye ah, ayaa billowday, balse qorigii wuu iibsaday Jamaal, isaggoo lacagtii iibka saartay 1Xbet, taas ayaana keentay in Jamaal lagu war geliyo in uu kusoo laaban guriga isaggoo aan wadin qorigii dowladda laheyd.

Kowdii bishii Lixaad ee Sanadkaan 2026, Jamaal oo aan looga baran in uu kasoo dib dhaco guriga, ayaa xilli dambe soo gurya noqday, waxaana ugu dambeyn uu ku kacay inuu dilo Sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed, kadib seddex baalooto AK47 ah oo uu kaga dhuftay dhabarka dambe iyo gacanta.

Wax caawimaad ah uma fidin marxuumkii soo gacan qabtay, waxaana kasii darneyd inuu tir-tiray dhiigga & raadka cadeymaha, si loo marin habaabiyo baarista, shukumaan iyo garan uu lahaa marxuumka ayuuna u adeegsaday inuu ku masaxo, sidoo kale waxa uu tuuray fooqii rasaasta, waliba banaanka hore ee guriga sida laga arkay CCTV Camera ku xirneyd guriga marxuumka.

Eedeysanaha Labaad Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” Engineer IT Qorbe joog ah isticmaalayna aqoonsiyo & darajo ciidan oo been abuur ah, ayaa isna ahaa saaxiibka Sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed tan iyo 2019, iyaggoo Kuwada joogay saaxiibtinimo salka ku heysa cilmi & farsamo shaqo, xiriirkaas, ayaana gaaray inay wada degaan hal guri.

Mustaf Kaamil ayaa, si gaar ah loogu eedeeyay gacansiin dembi, la shaqeynta eedeysanaha Koowaad Jamaal, Qarin faldembiyeed iyo caawin u fidin la’aan uu dilka kadib gudaha kusii jiray muddo 12 daqiiqo ah, sidoo kalana xaqiijiyey in banaanka uusan qof joogin, isaggoo saraakiishii timidna ku marin habaabiyay warbixin qaldan.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo tobankii Bishaan October 2026.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta oo ay taariikhdu tahay Labo iyo labaatanka Bisha October 2026 kiiskaan waxay kasoo saareen go’aan..

  1. Ex- Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle ayey maxkamadu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed.
  2. Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” ayaa isna lagu xukumay hal sano oo il ku-heyn amni ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka Shabakad Alshabaab ah oo ay u dhamaystiranaayeen Adeegyadooda Ciidan

Garsoor (Mogadishu) – Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Koox loo haystay Argagixisanimo, waxa ay kawada shaqeeyeen Dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo Arbushaad ah.

Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkan Jidmariixaan Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahalanaatay Ciidamada aan Muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.

Kooxdan ayaa ka koobnaa Koox Jugta Culus ah oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, waxa ay sidoo kale lahaayeen Madax Maaliyadeed, Madax Caafimaad, Bajaaj iyo Gaari raaxo.

Qaarkood oo gacmaha dhiig ku leh kuwan kalane ay ku jireen Gurya qarsoon oo ay kooxdu ku lahayd Muqdisho Sida Gubta, Xaawa Cabdi, OOd-weyne, Alxayaat-Ceelasha, Ciise-Cabdi iyo Cali-Turcaaye ayay ciidamada amniga soo qabteen.

Dhammaan habraacyadii Maxkamadeed ayay soo dhamaysteen 10-kii December Bishan aynu ku jirno.

Todobaad kadib Maaan ayay Maxkamadda ku kala Xukuntay :-

1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku  Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkan.

1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah
1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawacd dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon.

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil
2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil

3-4 Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa lagu wada xukumnay Min Sideed Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka

Caddow Axmed Calasow -  8 sano Xabsi Ciidan ah
Caddow Axmed Calasow – 8 sano Xabsi Ciidan ah

Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud - 8 sano Xabsi Ciidan ah
Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud – 8 sano Xabsi Ciidan ah

5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah.

5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen - 5 sano oo Xabsi Ciidan ah
5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen – 5 sano oo Xabsi Ciidan ah

6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada ayaa lagu xukumay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah.

6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle -3 sano oo Xabsi Ciidan ah
6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle -3 sano oo Xabsi Ciidan ah

7-8 Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ayay Maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, waxa ayna u celisay Xorriyadooda –

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.

XUKUNKA ASKAR KU DISHAY BARIIRE CARUUR BEERALEY AH

Garsoor (Mogadishu)- 11-kii June sanadkan deegaanka Bariire ee gobalka Shabellada Hoose waxaa ka dhacay dil fool xun oo lagu Eedeeyay Askar ka tirsan Military-ga Somalia

Kadib, dilkaas waxaa dhacay Banaan-baxyo ay ku Cabanayaan bulshada deegaanka, waxaana ku baxay Isla xilligaas Saraakiisha ugu sarayso Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa loo soo xiray dhacdadaas laba Askari oo ka tirsan Gor-gor iyo mid ka tirsanaa Qaybta 60-aad ee Military-ga.

Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi oo ku hubaysnaa Qoryaha ay walaalaha Turkey siiyeen Ciidamada ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay in ay kala dileen Labada Marxuum ee dhalinyarada ahaa oo xilligaasi Farshaxan isaga baranayay School duq ah oo dhinaca Liinta magaalka kaga yaal, waxaana marxuumiinta lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq.

Halka Askariga Sedaxaad Maxamed Isxaaq Guuleed uu Eedeysanayaasha markii hore u soo raacay in dadka ay dhacaan laakiin wax walba ay isku badaleen si ka duwan sidii hore ay ugu soo tashadeen, waxa ayna labada kale Ee la eedeysan xitaa isku dayeen in isaga Dilaan si raadka uu u dhumo, sida Maxkamadda laga Cadeeyay.

Xeer Ilaalinta oo ku soo wareegay kiiskan ayaa ugu damayn Codsatay in la Muddeeyo dhegeysiga Dacwadda ka dhanka Sedaxda Eedeysane August Dabayaaqadeedii.

Fadhigii u dambeeyay ee Maxkamadeed ayay Maxkamadda gaba-gabaysay kowdii bishan.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku kala Xukuntay Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi Dil toogasha ah oo Qisaasta Marxuumiinta kala ah Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq, halka ay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Maxamed Isxaaq Guuleed sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Guuleed Xamse Maxamed-Dil toogasha ah

Cabdi weli Jaamac xersi- Dil toogasha ah

Maxamed Isxaaq Guuleed- Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah

xukunsa-yaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban Karaan Rafcaan.

Xukunka Askari u Dilay qof Shacab ah Mucaawino

Garsoor (Mogadishu)- Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” ayaa loo soo xeray Dilka Allah Unaxariiste Marxuum Saciid Xasan Shiiqow 29-kii April Sanadkan.

Galab, Bishii Ramadaan ee ina dhaaftay ayuu marxuumka u dhintay Xabad uu si kas ah ugu Dilay Gaduudow Marxuum Saciid Xasan Sheeqow oo afur u soo raadsaday Xerada Agoonta Boliiska Raashin loogu qaybinayay Bulshada kaalmada u Baahan.

25-kii May sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada Ogolaaday in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.

Baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka October.

Qareenka U doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.

Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow”

 

Daacisho loo xukumay Miino uu u Aasay Ciidamada Haramcad.

Garsoor (Mogadishu)- Cabdullaahi Xaanshi Axmed ayaa loo soo xeray kamid ahaanshiyaha Daacish iyo in uu ku howlanaa Miina Aasid oo uu si gaar ah ugu qorsheeyay Ciidamada Haramcad ee Ilaalada ka haya dhismaha waddada xiriirisa Shabeellada Dhexe iyo Muqdisho May 21-keedii Sanadkan.

June Bartamaheedii ayay Hay’adaha Baarista Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo isna xilligaas codsaday in lagu hayo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Cabdullaahi Xaanshi oo magiciisa afgarashada yahay Qaasim ayaa isku maray kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo uu kamid ahaa ilaa 2008.

Waxa uu tababarka dilalka qorshaysan iyo Qaraxyada ku soo qaatay buuraha bari ee Puntland sanadkii ina dhaafay.

Ciidamada Haramcad ayaa ka qabtay Suuqa-Xoolaha Hilwaa isaga oo u dhigay qarax goob Fariisin Nasiino u ahayd.

Fariimo ay is dhaafsanayaan isaga iyo horjoogihiisa ka hubinta howlaha loo diray ayaa ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ay sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen Maxkamadda Sawirradii ugu horeeyay ee la helay ka hor Qaraxa iyo kadib Qarixii ay Fashiliyeen ciidamada gaarka ah ee Haramcad.

Abuukataha u dooday Eedeysanaha ayaa u sheegay Garsoorka in Cabdullaahi Xaanshi uusan ku jirin Kooxaha ka dagaalama Soomaaliya muddadaas laakiin uu Alshabaab billowgeeda isaga haray, waxa uuna Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto.

Dabayaaqadii June ayay Maxkamadiisa bilaabatay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Cabdullaahi Xaanshi Axmed “Qaasim”

 

Xukunka Askari Dilay Taliye Unugiisa.

Garsoor (Mogadishu)- Maxamed Nuur Sheikh Waarre ayaa loo haystaa dil uu u gaystay Allaha Unaxariiste Axmed Cali Cabdi oo ay kawada tirsanaayeen Boliiska Soomaaliyeed, Dilka ayaa ka dhacay Hodan gaar ahaan xarunta Waaxda Kacaan March 17-keedii Sanadkan.

Maalma kadib ayay Ciidamada Amniga ku soo wareejiyeen Eedeysane Maxamed Nuur Sheikh Waarre Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Xabsiga dhexe loo gudbiyay 26-kii March isla bishaas Garsuge ahaan.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsaday in la Maxkamadeeyo Eedeysane Maxamed Nuur Sheikh Waarre May bartamaheedii.

Maxkamadda Ciidamada ayaa aqbashay dhegeysigii ugu horeeyay ee kiiska 31-May  bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda keenay ilaa shan marag oo ay kuwada jireen shaqada Qaranka, maragyada ayaa isku raacay In ay Murmeen  Eedeysanahe iyo Taliye Unugii geeriyooday, waxa ay sido kale Maxkamadda ka hor sheegeen in Maxamed Nuur Sheikh Waarre uu dhameystiray Marxuumka oo ku dhaawacmay xabidihii ugu horeeyay.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto Askariga maadaama Muranka ka yimid howl adag oo dheeraad ah oo askariga ka soo bixi waayay, magtana laga qaado Boliiska.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Maxamed Nuur Sheikh Waarre Xukun Dil ah oo ah Qisaasta taliye Unugiisii Marxuum Axmed Cali Cabdi oo ay kawada tirsanaayeen Boliiska Sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamda Qalabka Sida.

Maxamed Nuur Sheikh Waarre – Boliis- Xukunsane.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Bamba-tuurayaal lagu kala xukumay Xabsi & Dil

Gasoor (Mogadishu)- Cabdi Xasan Rooble Maxamed, Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed ayaa loo haystaa Bambooyin ay mar  qura kuwada tuureen Baro Ciidan iyo kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada Alshabaab.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed oo magiciisa Afgarashadu yahay “Afay”  ayaa loo haystaa in uu Alshabaab kamid ahaa, waxa uu ka qayb galay dhowr weerar oo ay maleeshiyada ku qaaday Fariisimo ay Ciidamada ku leeyihiin deeganno ka tirsan Gedo iyo Shabeellada Hoose.

Waxa uu sidoo kale ku Eedeysanaa ka qayb galka Dil loo gaystay Allaha Unaxariiste Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo ka tirsanaa wasaaradda Gaadiidka iyo in uu Bam ku tuuray saldhiga degmada Hodan.

Cusmaan Xasan Macalim Aadan oo Alshabaab ugu howl-galayay “Anas” waxa uu Alshabaab kala qayb galay weeraro ay ka gaysteen qayba kamid ah Jubbooyinka, waxaa sidoo kale lagu soo qabtay Bam uu ku tuuray Warta-Nabadda.

Maxamed Abuukar Ibraahim oo isna isticmaali jiray magaca “Sakariye” Alshabaab dhexdooda ayaa isna ka soo dagaalamay qayba kamid ah Shabeellada Hoose, waxaa lagu soo qabtay kadib Bam uu ku tuuray Saldhiga Boliiska ee Howl-wadaag.

Mucaad Maxamuud Maxamed oo ina magac ahaan Alshaabaab dhexdooda u isticmaali jiray “Ducaale” waxa uu ka dagaalamay Shabeellada Hoose, waxaana loo soo wareejiyay Muqdisho, waxaa la soo qabtay isaga oo Bam ku tuuray saldhiga Yaaqshiid.

Dhammaan afarta Eedeysane ayaa mar qura kuwada tuuray Bam F1- AH saldhigyada Warta-Nabadda, Howl-wadaag, Hodan & Yaaqshiid, February Sanadkan 22-keedii.

30-kii March sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxaana isla xilligaas loo gudbiyay xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Baaris dheer oo ay xafiiska xeer ilaalinta kaalintooda ku qaateen, waxa ay codsadeen in la maxkamadeeyo April billowgeeda, Maxkamadda ayaana Ogolaatay fadhigii koowaad 21 May bishii ina dhaaftay.

Fadhiya kala duwan kadib oo ay qayb ka ahaayeen dhinacyada dacwadda, sida xeer ilaalinta qareenada iyo Caawiya-yaasha  kale sida maragyo iyo dhibanayaal, maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay sida dhinacyada dacwadda uu la wadaagay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayashaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed ayaa lagu xukumay Dil-toogasha ah, kadib markii ay Maxkamadda ku heshay dilka Allaha Unaxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo ka tirsanaa wasaaradda Gaadiidka, dilkaasi oo ka dhacay Wadajir gaar ahaan Xaawo taako February 20-keedii Sanadkan.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed

Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed  ayaa lagu wada xukumay min 15-sano o Xabsi Ciidan ah.

Cusmaan Xasan Macalim Aadan

Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar

Mucaad Maxamuud Maxamed

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo ay Dil ku Xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Gasoor (Mogadishu)- Xasan Maxamuud Dhiblaawe ayaa loo haystaa Dilka Marxuum Maxamed Cawil Jaamac uu u dilay August 2019, Dilkaasi oo  ka d hacay Hodan gaar ahaan Tarabuunka.

Kadib dilkii uu gaystay Xasan waxa uu isaga baxsaday guud ahaan goobaha dowladda, waxaana isla bil kadib September 2019 ay Maxkamadda Ciidamada Waaran soo Qabasha ah u jartay eedeysanaha, Amarka soo Qabashada ayaa lagu socodsiiyay fadhiyadii uu ka tirsanaa iyo cid kasta ee ay qosayso Kiiskan.

Ciidamada Boliika gaar ahaan laanta Dambi baarista CID ayaa ku soo wareejisay Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 18-kii December Sanadkii tegay kadib markii uu u soo Gacan galay bilowgii Bishaas.

Wixii intaasi ka dambeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay isku aadinta Natiijada hay’adaha Baarista iyo Is waafajinta kaalinta kaga aadan ee Horgeynta Maxkamadda Ciidamada, Xafiiska ayaana Codsaday in la mudeeyo dhegysiga Dacwadda ka dhanka ah Eedeysanaha billowgii Janaury Sanadkan.

Maxkamadda ayaa mudaysay dhegeysiga kama dambaysta ah ee kiiskan 25-ka bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid Qiraalka Eedeysanaha, Sedax marag, Baarihii Kiiska, Xaanshida Dhimashada Marxuumka iyo oo ay u dheertahay Waaran uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ka Codsaday Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida soo Qabashada Eedeysanaha September 2019-kii.

Maragyadii goobjoogga u ahaa kiiskan waxa ay sheegeen Marxuumka oo Bajaajla ahaa isla markaana iska xaraynayay mootadiisa maadaama ay xilli dambe ahayd uu sababsaday Xabad uu Riday Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo xilligaasi Maqaaxi lagu Qayilo ka baxay.

Maxamed Cabdullaahi Khaliif  oo ka tirsan Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale Maxkamadda hor keenay Eed kale oo ah in Eedeysane Xasan Maxamuud Dhiblaawe uu iibsaday AK47 oo ah Hantidii Qaranka ee lagu aaminay taasi uu eedeysanaha Maxkamadda ka hor Qirtay.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto oo ay Maxkamadda U fiiriso Sifaalaha Dambiga Fududeeyo Maadaama Uu Qiraal-yahay Eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn maanta go’aan ka soo saartay waxa ayna ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe Dil-Toogasha ah oo Qistaasta Marxuum Maxamed Cawil Jaamac, sida uu dhinacyada Dacwadda u Sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Xasan Maxamuud Dhiblaawe

 

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Nin Watay Boorso Qarax ah…

Mogadishu (Garsoor)- June Todobadeedii Sanadkan  sii dhammaanayo ayay Ciidamada Amniga ka  qabteen Xasan Cabdullaahi Aadan Ex Control Afgooye xilligaasi oo  isu soo diyaariyay Sidii uu isugu Qarxin lahaa Xarunta Murtida iyo Mada-daallada oo uu maalin ka hor sheegay in uu soo fiirsaday “Istidhlaac”.

Diifta ka muuqatay darteed ayay Ciidamada Amniga uga shakiyeen, waxa aysa dhalisay Baaris kadib in laga dhex helo Boorsadiisa Jaakadka Qarax, Isla xilligaasi ayay Ciidamada Amniga  u gacan geliyeen Hogaanka Baarista Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in Sanad iyo xoogaa uu la soo shaqeeyay Alshabaab, waxa uuna Alshabaab kaga biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Bakool 2018.

Tuullo la yiraahdo Ugunji oo hoos tagata degmada Jannaale ayaa la keenay kadib markii lagu Qanciyay in uu Naftiisa gooyo isaga oo sii Salfanaya Bulsha aan waxba galabsan.

May 2020 ayaa ugu dambayn loo keenay Jaakada iyo Boorsada uu wada Isticmaali lahaa si’uu isugu Qarxiyo, waxaana la tusiyay Sedax badhan oo mid kastaahi laga qarxin karo Jaakadda iyo Boorso wada jira ee Argagaixisada dhawaan Isticmaalkeeda Billowday .

August Bartamaheeda ayay iska soo wareejiyeen Hey’ada Baarista, wixii xilligaasi ka dambeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna hubin ku bilaabay daba galka iyo jiritaanka Eedaha Hey’adaha Amniga Baarista.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah Xasan Cabdullaahi Aadan, waxa ayna Maxkamadda ballamisay 26 bishii Tobnaad Sanadkan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Maxkamadda ayaa billowday dhageysiga Kiiskan, xilliya kala duwan ayaa la isugu soo noqday si’ay Maxkamadda jawaab waafi ah uga hesho sida lagu qabtay qof Naftiisa haligaya oo agab qarxa wata, waxa ay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Ciidamada Cadeeyeen In Eedeysanaha uu isku dayay in uu baxsado laakiin ay agabka iyo Eedeysanahaba ay ka wada dajiyeen Gaari Dadweyne.

Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu  u jeedkiisa ahaa in isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay Xarun ay degan yihiin Ciidamo Dhar Cad ah laakiin tilmaamata Cadeymaha ayaa Muujineyso in u jeedkiisu ahaa Tiyaatarka Qaranka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysanaha loo Naxariisto Maadaama ay Alshabaab kaga Faa’ideysteen Aqoon la’aan iyo Duurka uu duruuf kula noolaa.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumo Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu Rafcaan ku dalban karo muddo 30 Cisha ah xukunka Kadib.

Askari  loogu xukumay Dil kufsi uu gaystay !

Muqdisho “Garsoor”-Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay  degmada Wadajir.

 

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID.

 

Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo dii  waan geliyay qiraalkii ka dhashay  horgeyntiisa Maxkamadeed.

 

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan.

 

Intii ay socotay Maxkamadeynta  Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray.

 

Eedeysanaha oo isna kamid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa markale ku jawaabay in uu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay  inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.

 

Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in ay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.

 

Qareenada u dooday eedeysanaha  ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in Maxkamadda ay siiso fursad ay  kula macaamilaan  ehelka dhibanaha.

 

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.

 

Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.