Xukunka Askari Dilay Taliye Unugiisa.

0
966

Garsoor (Mogadishu)- Maxamed Nuur Sheikh Waarre ayaa loo haystaa dil uu u gaystay Allaha Unaxariiste Axmed Cali Cabdi oo ay kawada tirsanaayeen Boliiska Soomaaliyeed, Dilka ayaa ka dhacay Hodan gaar ahaan xarunta Waaxda Kacaan March 17-keedii Sanadkan.

Maalma kadib ayay Ciidamada Amniga ku soo wareejiyeen Eedeysane Maxamed Nuur Sheikh Waarre Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Xabsiga dhexe loo gudbiyay 26-kii March isla bishaas Garsuge ahaan.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsaday in la Maxkamadeeyo Eedeysane Maxamed Nuur Sheikh Waarre May bartamaheedii.

Maxkamadda Ciidamada ayaa aqbashay dhegeysigii ugu horeeyay ee kiiska 31-May  bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda keenay ilaa shan marag oo ay kuwada jireen shaqada Qaranka, maragyada ayaa isku raacay In ay Murmeen  Eedeysanahe iyo Taliye Unugii geeriyooday, waxa ay sido kale Maxkamadda ka hor sheegeen in Maxamed Nuur Sheikh Waarre uu dhameystiray Marxuumka oo ku dhaawacmay xabidihii ugu horeeyay.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto Askariga maadaama Muranka ka yimid howl adag oo dheeraad ah oo askariga ka soo bixi waayay, magtana laga qaado Boliiska.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Maxamed Nuur Sheikh Waarre Xukun Dil ah oo ah Qisaasta taliye Unugiisii Marxuum Axmed Cali Cabdi oo ay kawada tirsanaayeen Boliiska Sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamda Qalabka Sida.

Maxamed Nuur Sheikh Waarre – Boliis- Xukunsane.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.