XUKUNKA ASKARI SAAXIIBKIIS U DILAY CARO UU KA QAADAY TURUB AY WADA CIYAARAYEEN.

Muqdisho (Garsoor) Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Ex Dable Booliska Libaan Nuux Sooc oo ay kawada tirsanaayeen Ciidanka laanta ilaalada canshuuraha Booliska, falkaasi, ayaana ka dhacay degmadda Xamar jajab, taariikhdu markii ay aheyd labo iyo tobankii bishii todobaad ee Sanadkaan 2026.

Eedeysanaha ayaa ka carooday in loo diiday Turub ay askartu dheelayeen, madaama loo arkay in uusan wax aqoon ah u laheyn Ciyaarta, waxaana uu doontay  Qori AK-47 ah, si xoog uu ugu Ciyaaro, marxuumka ayaana isna ku adkeystay go’aanka Diidmada Turubka uu isagu lahaa.

Intaasi kadib Eedeysane Nuur, ayaa aflagaado iyo xabado tiro beel ah is daba dhigay, isaggoo adeegsanaya Qori Ak-47 ah, taasi oo keentay geerida Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Kowdii Bishaan October 2026.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka Askari Dilay Taliye Unugiisa.

Garsoor (Mogadishu)- Maxamed Nuur Sheikh Waarre ayaa loo haystaa dil uu u gaystay Allaha Unaxariiste Axmed Cali Cabdi oo ay kawada tirsanaayeen Boliiska Soomaaliyeed, Dilka ayaa ka dhacay Hodan gaar ahaan xarunta Waaxda Kacaan March 17-keedii Sanadkan.

Maalma kadib ayay Ciidamada Amniga ku soo wareejiyeen Eedeysane Maxamed Nuur Sheikh Waarre Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Xabsiga dhexe loo gudbiyay 26-kii March isla bishaas Garsuge ahaan.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsaday in la Maxkamadeeyo Eedeysane Maxamed Nuur Sheikh Waarre May bartamaheedii.

Maxkamadda Ciidamada ayaa aqbashay dhegeysigii ugu horeeyay ee kiiska 31-May  bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda keenay ilaa shan marag oo ay kuwada jireen shaqada Qaranka, maragyada ayaa isku raacay In ay Murmeen  Eedeysanahe iyo Taliye Unugii geeriyooday, waxa ay sido kale Maxkamadda ka hor sheegeen in Maxamed Nuur Sheikh Waarre uu dhameystiray Marxuumka oo ku dhaawacmay xabidihii ugu horeeyay.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto Askariga maadaama Muranka ka yimid howl adag oo dheeraad ah oo askariga ka soo bixi waayay, magtana laga qaado Boliiska.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Maxamed Nuur Sheikh Waarre Xukun Dil ah oo ah Qisaasta taliye Unugiisii Marxuum Axmed Cali Cabdi oo ay kawada tirsanaayeen Boliiska Sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamda Qalabka Sida.

Maxamed Nuur Sheikh Waarre – Boliis- Xukunsane.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Bamba-tuurayaal lagu kala xukumay Xabsi & Dil

Gasoor (Mogadishu)- Cabdi Xasan Rooble Maxamed, Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed ayaa loo haystaa Bambooyin ay mar  qura kuwada tuureen Baro Ciidan iyo kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada Alshabaab.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed oo magiciisa Afgarashadu yahay “Afay”  ayaa loo haystaa in uu Alshabaab kamid ahaa, waxa uu ka qayb galay dhowr weerar oo ay maleeshiyada ku qaaday Fariisimo ay Ciidamada ku leeyihiin deeganno ka tirsan Gedo iyo Shabeellada Hoose.

Waxa uu sidoo kale ku Eedeysanaa ka qayb galka Dil loo gaystay Allaha Unaxariiste Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo ka tirsanaa wasaaradda Gaadiidka iyo in uu Bam ku tuuray saldhiga degmada Hodan.

Cusmaan Xasan Macalim Aadan oo Alshabaab ugu howl-galayay “Anas” waxa uu Alshabaab kala qayb galay weeraro ay ka gaysteen qayba kamid ah Jubbooyinka, waxaa sidoo kale lagu soo qabtay Bam uu ku tuuray Warta-Nabadda.

Maxamed Abuukar Ibraahim oo isna isticmaali jiray magaca “Sakariye” Alshabaab dhexdooda ayaa isna ka soo dagaalamay qayba kamid ah Shabeellada Hoose, waxaa lagu soo qabtay kadib Bam uu ku tuuray Saldhiga Boliiska ee Howl-wadaag.

Mucaad Maxamuud Maxamed oo ina magac ahaan Alshaabaab dhexdooda u isticmaali jiray “Ducaale” waxa uu ka dagaalamay Shabeellada Hoose, waxaana loo soo wareejiyay Muqdisho, waxaa la soo qabtay isaga oo Bam ku tuuray saldhiga Yaaqshiid.

Dhammaan afarta Eedeysane ayaa mar qura kuwada tuuray Bam F1- AH saldhigyada Warta-Nabadda, Howl-wadaag, Hodan & Yaaqshiid, February Sanadkan 22-keedii.

30-kii March sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxaana isla xilligaas loo gudbiyay xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Baaris dheer oo ay xafiiska xeer ilaalinta kaalintooda ku qaateen, waxa ay codsadeen in la maxkamadeeyo April billowgeeda, Maxkamadda ayaana Ogolaatay fadhigii koowaad 21 May bishii ina dhaaftay.

Fadhiya kala duwan kadib oo ay qayb ka ahaayeen dhinacyada dacwadda, sida xeer ilaalinta qareenada iyo Caawiya-yaasha  kale sida maragyo iyo dhibanayaal, maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay sida dhinacyada dacwadda uu la wadaagay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayashaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed ayaa lagu xukumay Dil-toogasha ah, kadib markii ay Maxkamadda ku heshay dilka Allaha Unaxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo ka tirsanaa wasaaradda Gaadiidka, dilkaasi oo ka dhacay Wadajir gaar ahaan Xaawo taako February 20-keedii Sanadkan.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed

Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed  ayaa lagu wada xukumay min 15-sano o Xabsi Ciidan ah.

Cusmaan Xasan Macalim Aadan

Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar

Mucaad Maxamuud Maxamed

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Xukunka tuugo dhac u gaysatay Carwo ku taal Soobe

Gasoor (Mogadishu)- Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayaa markii ugu horraysan ka soo Muuqday Camerada Carwa Kaah Electronic oo ku taal degmada Hodan gaar ahaan  Taleex 29-kii June Sanadkan iyaga oo dhac u gaysanayo Carwada.

Faarax iyo Maxamed ayaa Carwada ka qaaday IPHONE,  SAMSUNG iyo agab kale oo electronic ah oo qiima ahaan ku kacayo $12945 Dollar.

Laba Alifle Boliis Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  ayaa u gacan galay Ciidamada Dowladda labadii July oo isla xilligaasi lagu wareejiyay Hay’adda dambi baarista Boliiska CID.

Baaris dheer kadib ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay billowgii August sanadkan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo   xilligaasi ka codsaday garsoorka in loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa isku howlay sidii ay u samayn lahaayeen baaris kale oo ay ku xaqiijinayaan eedeymaha Boliiska, waxa ayna billowgii Oktoobar bishan codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga dacwadda 12-kii Bishan.

Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo kamid ah Xeer Ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku eedeeyay labada eedeysane ee midi baxsadka yahay in ay magaallada dhac baahsan ka  gaysteen balse ay tahay Camerada kaah meesha kaliya ee laga helay cadayntooda, waxa uu sidoo kale soo bandhigay dambiya kale oo uu gaystay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida dhaawac uu hore dhibane ugu gaystay.

Maxkamadda ayuu ka codsaday in lagu xukumo ciqaab u dhiganto qodobada ay ku soo eedeeyeen.

Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”
Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kala xaalaan Carwa Kaah magta qaybtooda, sidaas darteed ay Maxkamadda ka ogolaatay in laga qafiifiyo xukunka.

Dable Asluub Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayay Maxkamadda amar soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ah u jartay hay’adaha amniga 26-kii September sanadkan.

Maxamed Abshir Maxamed “Camey”- MAQANE

Garsoorayaasha Maxkamadda oo fursad u siiyay dhinacyada dacwadda kaalintooda Maxkamadeeda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta qiimaha lacageed ee ku xusan Dambiga ay galeen sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha heerka Koowaad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30 cisho.

XUKUNKA ABUUKAR MACALIM OO DHAC IYO DIL KA GAYSTAY DEEGAAN DALXIISEEDKA JASEERA

Mogadishu (Garsoor)- Abuukar Macalin Axmed Hilowle ayaa loo haystaa Dhac iyo Dil uu gaystay  Marxuum Axmed Cali Nuur 19-kii March Sanadkan, Dilkaasi oo ka dhacay deegaanka Jasiira.

Ciidamada deegaanka oo  ku soo wareejiyay Eedeysanaha Hey’adda baarista Boliiska CID  ayaa Iyana Baaritaan dheer kadib ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dabayaaqadii March.

Isla xilligaasi Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday in Eedeysane Abuukar Macalin Axmed Hilowle loo dhaa-dhiciyo xabsiga dhexe garsuge ahaan, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Qalabka sida ka aqbaleen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada dalabkoodii.

Kowdii June  iyo15-kii June sanadkan ayaa loo kala fariistay laba fadhi oo ay dhageysiga Maxkamadda qaadatay, waxa ayna dhinacyada dacwadda ku soo bandhigeen Fadhiga Maxkamadda kaalmaha sharci ay leeyihiin.

Eedeysanaha ayaa Marxuumka  oo u damaashaad tegay Jaseera isku dayay in uu dhac u gaysto laakiin sida Maragyada Qaar ay sheegeen Marxuumka uu ku adkaysatay in uusan teleefoonkiisa dhiibin Maadaama uu Aaminsanaa inaan lagu dhici Karin Xeebta loo dalxiiska tego ee Jaseera.

Waxa ay saaxiibbadiisa maalinkaasi la damaashaad tegay ay u sheegeen Garsoorka in Marxuumka kadib uu eedeysanaha isku dayay Baxsad isaga oo ugu soo riday gadaal xabado raacda reeb ah.

Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in Eedeysanaha uu dilka u gaystay ku tala gal isla markaasna uu isku dayay in uu Baxsado, sidaas darteed ayuu ka codsaday Garsoorka in lagu xukumo Ciqaab u dhiganto Qodobada ay ku soo Eedeeyeen Abuukar Macalim.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Iyana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto Eedeysanaha  oo laga qaado diyo Maadaama Marxuumka uusan dhacayn balse uu kaga baqay Naftiisa.

Maxkamadda ayaa muddo kadib go’aan ka soo saartay Kiiska Abuukar Macalin Axmed Hilowle maalintan, waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qisaasta arxuum Axmed Cali Nuur sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa 30 cisho uu Rafcaan ku Qaaadan Karo.

 

 

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday askari dilay Arday

Muqdisho (Garsoor)- 26 july sanadkan ayuu dable Boliis  Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud  degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir.

Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo   ahaa arday dhiganayay  School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka in uu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya Askariga dilka geystay.

Isla xilligii  uu geystay dilka ayay Ciidamada amniga xireen,  waxa uuna saldhiga Boliiska Xamarjajab ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta oo ah goobta laga dhaqaajiyo gal dacwadeedka.

Maalin kadib ayay Garsoorayaasha u direen xabsiga dhexe Eedeysanaha garsuge ahaan.

19 bishii tagtay ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Baashi Mustaf Cumar Dhaqane, 26 bishii sideedaad ayay ballamisay maxkamadda darajada koowaad dhageysiga dacwad ka dhan Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.

Xafiiska Xeerilaalinta ayaa Maxkamadda horkeenay  Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka,  warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47.

Markaatiyaasha Maxkamadda hortaagnaa oo laba ahaa ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in askariga dilka geystay uu umuuqday mid isticmaalay wax yaabaha Maanka-dooriya, waxa uu sidoo kale midkood uu sheegay in Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud uu ku dhawaaqay ha idilin, waxaa nolosha ka leeyahay hammi sare balse nasiib xumo uu toogtay Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.

Laba xidigle ismaaciil Salaad Maxamed  oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dooday in Eedeysanaha Maxkamadda hortaagan uu ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka waxa uu ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo diltoogasha ah.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan  miirkiisa joogin.

Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida kasoo saartay go’aan waxaana ay maxkamadda ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud,  sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda ayaa ka furan rafcaan muddo la siman bil xukunka kadib.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Eedeysane  dhaawac geystay.

Muqdisho (Garsoor)- Is qab-qabsi ku saabsan bedel ayaa sababay in ay murmaan Eedeysane Dable Axmed Cali Cawaale iyo Dhibane Yuusuf Daahir Cali, waxaana  eedeysane Axmed Cali Cawaale uu ku furay dhowr xabadood taasi oo mid kamid ah sababtay in dhaawac uu ka soo gaaro Yuusuf Daahir Cali oo ahaa taliyihiisii.

Axmed Cali Cawaale ayaa loo gudbiyay hey’adda dambi baarista Boliiska (CID)  kadib markii uu dhaawac sababay in lugta laga gooyay uu u geystay taliyihiisii Yuusuf Daahir Cali oo ay ka wada tisanaayeen Ciidamada Boliiska 23-ka bishii lixaad ee sanadkan.

Hey’adda  dambi baarista Boliska CID ayaa in muddo ah heysay eedeysanaha iyadoo ka war sugeysa natiijada dhaawacca oo muddo kadib sababay in lugta laga jaro dhibanaha dhaawaca uu soo gaaray.

13-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay u soo wareegtay eedda Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Side, waxa ayna isla xilligaas weydiisteen Maxkamadda  in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska ayaa isku howlay sii wadidda baarista, waxa ayna 04ta bishan ay codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eedda ka dhanka ah Axmed Cali Cawaale oo loo heysto dhaawac  sababay in lugta laga jaro taliyihiisii,  waxa ayna Maxkamadda aqbashay in loo fariisto kiiska dacwadda shan cisha kadib.

09ka bishan ayaa markii ugu horreysay loo fariistay dacwadda, waxaana dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada kadib ay Maxkamadda ka dalbatay  Xafiiska Xeer Ilaalinta in la soo dhameystiro cadeymaha kiiska oo ku filnaan waayay fadhiga hore.

18ka bishan ayaa markale loo ballamay eedda dacwadda ka dhanka ah Dable Boliis Axmed Cali Cawaale, waxaana xafiiska xeer ilaalinta ay horkeeneen fadhiga Maxkamadda  Qiraalka eedeysanaha,  ciidamadii ay kawada tirsanayeen ciidanka Boliiska oo ku  marag furay, warqadda dhaawac muujinta iyo qorigii uu dhibka ku geystay.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa isna codsaday in ay bixiyaan magta dhibanaha, waxa uu sidoo kale codsaday in loo naxariisto eedeysanaha oo uu ku dooday in ay kaga fakatay xabadda.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Axmed Cali Cawaale lagu xukumo Shan sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale uu bixiyo 50-halaad oo ah magta dhibane Yuusuf Daahir Cali, sida uu u sheegay  dhammaan ka qeyb galayaasha fadhiga Maxkamadda  Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan  Aadan Wabiyow.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajda koowaad.

Taliye  Saldhig  oo Musuq loo xiray.

Muqdisho (Garsoor)- Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha    saldhiga Boliska degmada Wartanabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq  Baaraha Dambiyada Saldhiga  iyo Kormeera Labaada Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsana Ciidamada saldhiga  degmada  ayaa lagu soo eedeeyay in  ay qaateen lacag laauush ah.

Kowda bishan aynu ku jirno ayaa Ciidamada Amniga soo xireen Eedeysanayaal    Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen taliyaha saldhiga degmada Warta-nabadda , baaraha dambiyada saldhiga   Alifle Cabdi Cumar Isaaq  iyo Cabdifitaax Maxamuud Cabdi  oo ka tirsanaa ciidamada saldhiga ayaa  lala xiriirinayaa qaadasho lacag laaluush ah, waxaana markii ay soo xireen Ciidamada Amniga eedeysanayaasha  kadib ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida .

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa markii ay soo gaartay eedda ka dhanka ah eedeysanayaasha, waxa ay   maalin kadib horgeeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiisatay garsoorayaasha in la xiro si’ ay u soo dhameystiraan  cadeymaha eedda loo heysto  Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha  Boliska saldhiga  degmada Wartanabadda  iyo labada askari ee kala tirsanaa saldhiga degmada Warta-nabadda.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsiga dhigtay taliyihii Boliska Saldhiga  Warta-nabadda iyo laba askari oo kala tirsanaa saldhiga, waxa ayna fareen xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo soo afjari lahaa Musuqa, Maxkamadaha rayidka iyo tan ciidamada qalabka sida ayaa la horgeeyay eeddo lala xiriirinayo Musuq-maasuq waxa ayna Maxkamadaha xabsiyada dhigeen  eedeysanayaal loo heysto Laaluush iyo ku tagrifal awoodeed.