XUKUNKA KIIS KA SOO BILOWDAY TIKTOK..

Garsoor (Mogadishu)- Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” iyo Maxamed Faarax Maxamed ayaa is gacan qaaday habeen ka hor geerida Marxuum Saciid Cabdi Cali.

Sharma’arke ayaa 29 -kii June soo watay Maxamed Abuukar Dayax iyo Maxamed Cali Cusmaan oo kawada tirsan ilaalada shacaka NISA, waxa uu CR u soo watay in ay kaalmeeyaan maadaama habeen ka hor isaga iyo Maxamed Faraxa ay isku qabteen gabar TikToker ah oo CR la socotay.

Qorshuhu waxa uu ahaa in Sharma’arke iyo Maxamed ay iska miirsadaan oo aan cidna soo dhex gelin laakiin Marxuum Saciid Cabdi Cali oo aan war u hayn heshiiska nimanka ayaa kala celi is lahaa, waxaana xabad afsaar ah madaxa mariyay Maxamed Abuukar Dayax, isla meeshaas oo Bosh ahayd ayuuna ku naf baxay Marxuumka.

Maxamed Cali Cusmaan oo isna NISA ka tirsan ee ay wada socdeen wax waajib ka gudasha ah ma sameyn, waxaana sabab u ahayd in ay iyaga dhan wada duulaan ahaayeen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa qaaday fadhigii u dambeeyay ee kiiskan 22-kii July, waxa ayna ku kala xukuntay 1- Maxamed Abuukar Dayax Dil toogasha ah, 2- Maxamed Cali Cusmaan Shan-sano oo xabsi ciidan ah halka Sharma’arke Xuseen Jimcaale “CR” lagu xukumay Sanad, sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

 

NISA- MAXAMED ABUUKARAY DAYAX - DIL
NISA- MAXAMED ABUUKARAY DAYAX – DIL
NISA- MAXAMED CALI CUSMAAN - SUULEY
NISA- MAXAMED CALI CUSMAAN – SUULEY
TIK-TOKER- SHARMA'ARKE XUSEEN JICMAALE "CR"
TIK-TOKER- SHARMA’ARKE XUSEEN JICMAALE “CR”

 

Xukunka tuugo ku Afduuban jirtay Hablaha Ganacsatada ah kamid ahaanshiyaha Argagixisada.

Garsoor (Mogadishu)- Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa loo haystaa in ay dadka baad kaga Qaadi jireen magaca Alshabaab iyo Afduubka dhowr qof oo ay madax furasho ka qaateen.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanayeen Bixinta lacagaha ay Argagixisada ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.

Intii ay wadeen Howshan waxa ay sameeyeen dhowr Afduub oo ay u gaysteen Hablo Soomaaliyeed iyaga oo ka qaatay lacag u dhexeyso  kun ilaa laba kun oo dolarka Maraykanka, waxa ay sidoo kale Eedeysanayaasha sheegteen in ay ku qaadi jireen baadda magaca Alshabaab oo ay dhowr jeer ugu suura gashay helidda lacagtaas, waxa ay  dadka ku kalifi jireen in ay ku ballamiyaan Masaajidda iyo Xaafado ku yaal Cirifyada Muqdisho  iyo suuqa wayn ee Bakaaraha.

Mid kamid ah dhibanayaasha  Goobjoogga  u ahaa Maxakamadaynta labada Eedeysana ayaa u sheegtay Garsoorka in ay kaga shakisay labadaba Gor-gortanka lacagta sidaasna ay  ku war gelisay Ciidamada Amniga gaar ahaan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo  soo qabtay Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, dabayaaqadii May sanadkan.

July dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanayaasha Maxkamadda, waxaanna xilligaasi Xafiiska Xeer Ilaalinta oo awood u leh dhaqaajinta Dacwadda ay ka Codsadeen Maxkamadda in Eedeysanayaasha Xabsiga Dhexe lagu hayo Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib Codsday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda Dabayaaqadii August Sanadkan, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay fadhigii koowaad isla xilligaasi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo iyaga Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.

Xeer Ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif  ayaa u sheegay Garsoorka in Eedeysanayaasha ay xitta ku handadi jireen dadka ay Afduubtaan ee lacagaha ay ka qaadaan in Gaariga ay ku xiran-yihiin walxaha Qarxa oo hadii ay dhaq-dhaqaaq sameeyeen ay ka dhaln karto in ay wada Qarxaan taasi oo u fududaysa Eedeysanayaasha in Gabdhaha  ganacsatada  ah ay ka saaraan Magaalada.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda iyagana ka codsaday in laga qaado magdhow eedeysanayaasha oo ay sheegeen dambiga ay galeen kaliya in uu ku koobnaa Turufo.

Dhowr fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay Kiiska Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan 30-cisho gudahood.

 

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq

 

 

Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow

Xukunka Daacish loo haysto Lacago

Mogadishu (Garsoor)- Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab  iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo 2008.

Tababarkiisii ugu horreeyay waxa uu ku qaatay Jilib gaar ahaan Arbaay Cabdi,  waxa uu qayb ka ahaa Jabhado weerar ku ekaayay xamar billowgii dowladdii KMG ahayd.

Intii uu qaybta ka ahaa dagaalladii xamar ka jiray ayuu ku dhaawacmay.

2016 ayuu goostay in uu ku biiro kooxda Daacish, waxa uuna xiriirka kooxda ka helay Bilaal Suudaani oo ay mar kawada tirsanaayeen Argagixisada Alshabaab.

Cabdrisaaq Maxamed Cabdi ayay Daacish u wakiilatay Kala gudbinta lacagta,  waxa uuna ku lahaa diristiisa lacagta qoondo gaar ah oo uu si gaar ah uga heli jiray fududaynta howshaas.

March Sanadkan ayay Ciidamada Amniga la qabteen Eedeysanaha lacag dhan 19-kun oo dollarka Maraykanka ah.

Xeer Ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay Eedeysanaha June dabayaaqadeedii waxa ayna xilligaas Codsadeen in lagu hayo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

28 June ayay xeer Ilaalinta Codsadeen Maxkamadeynta Cabdirisaaq, waxa ayna Maxkamadda aqbashay July 5 tedii fadhigii ugu horreeyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku soo Eedeyay Eedeysanaha in uu isku xawilay lacag dhan 400 oo kun dollar ka mareykan intii u dhexeysay 2019 -2020, waxa ay sidoo kale ku Eedeeyeen Xafiiska in uu ahaa nin awood ku leh kooxda Daacish oo gaarsiisnaa in uu la macaamilo horjoogayaasha kooxda sida ku xigeenka koowaad ee kooxda Bilaal Suudaani ahna u qaabilsanahay qaybta faafinta Wararka kooxda iyo Muuqaalladooda.

Dhamme Ismaaciil Saalaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Maxkamadda in eedeysanah uu xitta u isticmaali jiray warbaahinta gaarka ah lacag si’ ay u faafiyeen wararka kooxda Daacish.

Heeryo trading interprise ayuu u isticmaalay lacagtaas iyo nambarrada lacag dirista Electronica ah oo aysan xadidineen lacagta lagu gudbin karo, waxaa sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda la yimaadeen  Cadaymo muujinayo in lacagtaas Qaaarkeed wadanka laga saaray oo loo diray waddada Dibadda ah sida South Africa oo ay lacagtaas u gacan gashay Muwaadiniin u dhashay Uganda iyo Ethiopia.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday In loo Naxariisto Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  maadaama aan lagu haynin Dambi ka baxsan lacag Diris.

Fadhiya kala duwan kadib maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida ay ka heshay Garsoorka Warbaahinta.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-Cisho.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Nin Watay Boorso Qarax ah…

Mogadishu (Garsoor)- June Todobadeedii Sanadkan  sii dhammaanayo ayay Ciidamada Amniga ka  qabteen Xasan Cabdullaahi Aadan Ex Control Afgooye xilligaasi oo  isu soo diyaariyay Sidii uu isugu Qarxin lahaa Xarunta Murtida iyo Mada-daallada oo uu maalin ka hor sheegay in uu soo fiirsaday “Istidhlaac”.

Diifta ka muuqatay darteed ayay Ciidamada Amniga uga shakiyeen, waxa aysa dhalisay Baaris kadib in laga dhex helo Boorsadiisa Jaakadka Qarax, Isla xilligaasi ayay Ciidamada Amniga  u gacan geliyeen Hogaanka Baarista Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in Sanad iyo xoogaa uu la soo shaqeeyay Alshabaab, waxa uuna Alshabaab kaga biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Bakool 2018.

Tuullo la yiraahdo Ugunji oo hoos tagata degmada Jannaale ayaa la keenay kadib markii lagu Qanciyay in uu Naftiisa gooyo isaga oo sii Salfanaya Bulsha aan waxba galabsan.

May 2020 ayaa ugu dambayn loo keenay Jaakada iyo Boorsada uu wada Isticmaali lahaa si’uu isugu Qarxiyo, waxaana la tusiyay Sedax badhan oo mid kastaahi laga qarxin karo Jaakadda iyo Boorso wada jira ee Argagaixisada dhawaan Isticmaalkeeda Billowday .

August Bartamaheeda ayay iska soo wareejiyeen Hey’ada Baarista, wixii xilligaasi ka dambeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna hubin ku bilaabay daba galka iyo jiritaanka Eedaha Hey’adaha Amniga Baarista.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah Xasan Cabdullaahi Aadan, waxa ayna Maxkamadda ballamisay 26 bishii Tobnaad Sanadkan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Maxkamadda ayaa billowday dhageysiga Kiiskan, xilliya kala duwan ayaa la isugu soo noqday si’ay Maxkamadda jawaab waafi ah uga hesho sida lagu qabtay qof Naftiisa haligaya oo agab qarxa wata, waxa ay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Ciidamada Cadeeyeen In Eedeysanaha uu isku dayay in uu baxsado laakiin ay agabka iyo Eedeysanahaba ay ka wada dajiyeen Gaari Dadweyne.

Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu  u jeedkiisa ahaa in isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay Xarun ay degan yihiin Ciidamo Dhar Cad ah laakiin tilmaamata Cadeymaha ayaa Muujineyso in u jeedkiisu ahaa Tiyaatarka Qaranka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysanaha loo Naxariisto Maadaama ay Alshabaab kaga Faa’ideysteen Aqoon la’aan iyo Duurka uu duruuf kula noolaa.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumo Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu Rafcaan ku dalban karo muddo 30 Cisha ah xukunka Kadib.

Qarax dhajiye la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim ayaa Alshabaab kaga biiray deegaanka  Janaale ee  gobalka Shabeellada Hoose ka hor inta aysan gacan ku haynteeda la wareegin Ciidamada Xoogga Dalka.

Mid ay ehel wadaag yihiin ayaa ku tashkiilay ku biiirista Alshabaab, waxaana la baray Sida gawaarida loogu  Xiro Qaraxyada.

Isku daygiisii ugu horreeyay waxa ay kaga fashilantay degmada Kaaraan, waxaana isku deygiisa labaad isaga oo ku dhajinaya  Gaari hor yiiley Meherad Ganacsi oo ku taal Isgoyska Zoobe ay ku qabteen Ciidamada Amniga ee Ilaalada ka haya Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

25-kii November  sanadkii tegay ayaa lagu soo wareejiyay Xarnta dambi baarista NISA.

Wixii intaas ka dambeeyay NISA ayaa  baaritaan dheer oo la xiriir shaqadeeda ka guduatay, waxa ayna horreenta bishii Sedaxaad Sanadkan ku soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysane Xudeyfa Daa’uud Yuusuf loo gudibiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Baaritaana kale oo uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku go’aaminayo horgeyn Maxkamadeed ayay halkaas ka bilaabeen, waxa ayna ugu dambeyn  ka codsadeen Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf  20-kii June bishii ina dhaaftay.

Shan cisha kadib Maxkamadda ayaa Ogolaatay in loo fariisto  Garmaqalka Eedda ka dhanka ah Xudeyfa, waxa ayna Maxkamadda Ogolaatay 25-kii June Sanadkan.

Dhinacyada dacwadda oo ugu horreeyo Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la siiyay Fursad ay ku soo bandhigi karaan cadeymaha dambi Muujin ee Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida uu qabo hab raaca Sharciga Dacwadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha lagu soo qabtay isaga oo falka gacanta kula jiray Halka Qareenada ay ku dodeen in loo Naxariisto maadama ay tahay shaqadiisii ugu horreysay ee uu ku fashilmay cidina aysan wax ku noqon marka laga reebo bur bur hantiyadeed.

Ugu dambey Maxkamadda ayaa ku Xukuntay 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursada kale oo uu ku dalban karo Rafcaan Muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

 

Bahda Garsoorka Ciidanka oo tacsi u diray Shuhadadii ku baxday gacanta Arga-gixisada…

Muqdisho (Garsoor)- Allaha u naxariistee Janaraal, Cumar Aaden Dhubbad, (Cumar dheere) oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Abaandulahii qeybtaas , Janaraal, Cabdi Cali Jamaame, iyo qaar ka mid ah Askartii la socotay ee ku shahiidday weerarkaasi fulaynimada ah ayay Allah uga baryeyn in Naxariistiisa janno uu ka waraabiyo.

Janaraal Cumar Dheere ayaa ku guda jiray fulinta  shaqo uu  garsoorka ciidanka  u diray, waxaana safarkiisa ku wehliyay saraakiil ka socotay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Sida.

Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad  ayaa si wada jir ah Shuhadada uga baryay EEBBE naxariistiisa.

“Cumar dheere waxa uu ahaa Sarkaal  Hoolkar ah,  xoog furan oo fir-fircoon, waxa uu jeclaa in uu geeriyoodo isaga u shaqeynayo dalkiisa, Allaha Unaxariisto dhamman Sareeya-yaasha iyo askartii ku  geeriyootay  dhagartii shalay” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Janaraal Cumar Dheere ayaa lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa xureynta goobaha cadowga Alshabaab ay ku sugnaayeen, waxa uu sidoo kale ahaa taliyihii ugu horreeeyay ee hor kacay ciidan oo isaga masuul ka yahay kuwaasi oo xureeyay dhul ballaaran iyagoo u madax baan howlgalladooda.

Maanta ayaa loo  sameeyay aas Qaran oo ay ka qeyb galaan  masuuliyiin kala duwan.

Inaan Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun….

 

Sawirradan waxaa la qaaday 19-November ee sanadkan mar ay booqasho ku saabsan wacyi gelin ugu tageen Ciidamada Xoogga dalka madaxda Garsoorka Ciidamada.