Xukunka Daacish loo haysto Lacago

0
842

Mogadishu (Garsoor)- Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab  iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo 2008.

Tababarkiisii ugu horreeyay waxa uu ku qaatay Jilib gaar ahaan Arbaay Cabdi,  waxa uu qayb ka ahaa Jabhado weerar ku ekaayay xamar billowgii dowladdii KMG ahayd.

Intii uu qaybta ka ahaa dagaalladii xamar ka jiray ayuu ku dhaawacmay.

2016 ayuu goostay in uu ku biiro kooxda Daacish, waxa uuna xiriirka kooxda ka helay Bilaal Suudaani oo ay mar kawada tirsanaayeen Argagixisada Alshabaab.

Cabdrisaaq Maxamed Cabdi ayay Daacish u wakiilatay Kala gudbinta lacagta,  waxa uuna ku lahaa diristiisa lacagta qoondo gaar ah oo uu si gaar ah uga heli jiray fududaynta howshaas.

March Sanadkan ayay Ciidamada Amniga la qabteen Eedeysanaha lacag dhan 19-kun oo dollarka Maraykanka ah.

Xeer Ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay Eedeysanaha June dabayaaqadeedii waxa ayna xilligaas Codsadeen in lagu hayo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

28 June ayay xeer Ilaalinta Codsadeen Maxkamadeynta Cabdirisaaq, waxa ayna Maxkamadda aqbashay July 5 tedii fadhigii ugu horreeyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku soo Eedeyay Eedeysanaha in uu isku xawilay lacag dhan 400 oo kun dollar ka mareykan intii u dhexeysay 2019 -2020, waxa ay sidoo kale ku Eedeeyeen Xafiiska in uu ahaa nin awood ku leh kooxda Daacish oo gaarsiisnaa in uu la macaamilo horjoogayaasha kooxda sida ku xigeenka koowaad ee kooxda Bilaal Suudaani ahna u qaabilsanahay qaybta faafinta Wararka kooxda iyo Muuqaalladooda.

Dhamme Ismaaciil Saalaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Maxkamadda in eedeysanah uu xitta u isticmaali jiray warbaahinta gaarka ah lacag si’ ay u faafiyeen wararka kooxda Daacish.

Heeryo trading interprise ayuu u isticmaalay lacagtaas iyo nambarrada lacag dirista Electronica ah oo aysan xadidineen lacagta lagu gudbin karo, waxaa sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda la yimaadeen  Cadaymo muujinayo in lacagtaas Qaaarkeed wadanka laga saaray oo loo diray waddada Dibadda ah sida South Africa oo ay lacagtaas u gacan gashay Muwaadiniin u dhashay Uganda iyo Ethiopia.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday In loo Naxariisto Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  maadaama aan lagu haynin Dambi ka baxsan lacag Diris.

Fadhiya kala duwan kadib maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida ay ka heshay Garsoorka Warbaahinta.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-Cisho.