XUKUNKA KIIS KA YIMID MURAN LA XERIIRO ISIR ….

Garsoor (Mogadisu) – Xassan Xussen Nuur oo ka Tirsan Xoogga Dalka gaar ahaan ilaalo qarann  ayaa loo soo xiray dhaawac xabadeed oo u geystay Marxuum Xussen Maxamed Xirsi kaasoo ugeeryooday dhaawicii Xabadeed oo u geystay shan iyo tobankii bishii April ee sanadkaan , falkaas oo ka dhacay Dagmada Warta-Nabadda sideed iyo labaatankii bishii Maarso ee Sanadkaan.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Xassan Xuseen Nuur waxaana laga ogolaaday sadaxdii bishii Juun ee sanadkaan.

Maragyadii maxkamada la hor keenay ayaa cadeeyay in sababta Dhaawaca uu u dhintay Marxuumka ay eheed muran salka ku hayo jiir naceeb

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukumay Xassan Xuseen Nuur dil toogasho ahna Qasaastii Marxuum Xuseen Maxamed Xirsi.

Sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Xukunka Taliye Xigeenkii Hangashta ee sababta geerida u noqday Aadan Gaarac.

Garsoor (Mogadishu)-  Gashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ahaa baare ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa dil ka dhashay biyo hafin u geystay Aadan Gaarac Habarwaa 23-kii bishii labaad ee sanadkan, dilka ayaana dhacay intii lagu gudi jiray baarista kiisas argagixiso oo ay ugu horeysay maleegidda Qaraxii lagu dilay Taliyahii Ururka 28 aad ee ciidanka xoogga dalka .

26-kii isla bisha labaad ee sanadkan ayey maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dhageysatay kiiskan .

Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu baarayay Alshabaab isla markaana uu hayay waajib shaqo Qaran, sidaas darteed Maxkamadda ayuu waydiistay in la saaro bixinta magta taliska xoogga dalka.

Qareenka eedeysanaha ayaa isna Garsoorka waydiistay in lagu xukumo eedysanaha Diya adag.

Ugu dambayn maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay14-ka bisha Maarso ee sanadkan  2023 ayay  maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida ku xukuntay Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble  Diya adag  oo ah Qisaasta Marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo Shan sano oo Xabsi Ciidan ah sida uu warbaainta u sheegay Gaasaanle Sare Xasan Cali Nuur Suute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukunsanaha ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Xukunka Taliye Ururkii loo haystay Qaraxyo Argagixisanimo

Mogadishu (Garsoor)- Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, waxaa loo soo xeray  in Gawaari qaraxya ah uu Muqdisho soo geliyay, waxa uu Gawaaridaas ku Baakimay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar iyo Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019.

ilaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha Bulshada ayaa ku geeriyooday Qaraxyadaas inta Diiwaanka Dowladda ku jirto, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tira intaas ka badan.

Eedaha kale ee loo haystay waxaa kamid ah iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo ah Rasaastiisa.

Xeriirka technologyada ayaa laga tix raacay soo qabashadiisa kedib weerarkii garoonka Diyaaradah Aadan Cade 23-kii March Sanadkii tegay 2022 balse waxaa la waysnaa ilaa  November 19-kedii 2022 markaas uu soo galay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Marinta habraacyadii Dacwadda kedib, Maxkamadda Ciidamada ayaa dhegeysiga fadhigii ugu dambeeyay gashay 7-dii January Sanadkan 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ku xukuntay Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle Dil toogasha ah oo ah Qisaasta marxuumiinta ku naf waayay Gawaaridii Qaraxyada ahaa ee uu dhigay, waxaa sidaas Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle
Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle

Xukunsanaha ayaa ka soo mid ahaa Ciidamada ilaa Dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu ka gaaray Ciidanka Darajada Kabtan, waxa uuna soo noqday taliye Urur, waxa uuna la soo shaqeeyay General Cabdikariim Yuusuf Adan (Dhaga-badan) Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ciidamada Xoogga Dalka oo uu noqday Darawalkiisa gaarka ahaa.

Sedax iyo Konton Jir ku dhashay Mudug waaye.

Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo ay Dil ku Xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Gasoor (Mogadishu)- Xasan Maxamuud Dhiblaawe ayaa loo haystaa Dilka Marxuum Maxamed Cawil Jaamac uu u dilay August 2019, Dilkaasi oo  ka d hacay Hodan gaar ahaan Tarabuunka.

Kadib dilkii uu gaystay Xasan waxa uu isaga baxsaday guud ahaan goobaha dowladda, waxaana isla bil kadib September 2019 ay Maxkamadda Ciidamada Waaran soo Qabasha ah u jartay eedeysanaha, Amarka soo Qabashada ayaa lagu socodsiiyay fadhiyadii uu ka tirsanaa iyo cid kasta ee ay qosayso Kiiskan.

Ciidamada Boliika gaar ahaan laanta Dambi baarista CID ayaa ku soo wareejisay Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 18-kii December Sanadkii tegay kadib markii uu u soo Gacan galay bilowgii Bishaas.

Wixii intaasi ka dambeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay isku aadinta Natiijada hay’adaha Baarista iyo Is waafajinta kaalinta kaga aadan ee Horgeynta Maxkamadda Ciidamada, Xafiiska ayaana Codsaday in la mudeeyo dhegysiga Dacwadda ka dhanka ah Eedeysanaha billowgii Janaury Sanadkan.

Maxkamadda ayaa mudaysay dhegeysiga kama dambaysta ah ee kiiskan 25-ka bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid Qiraalka Eedeysanaha, Sedax marag, Baarihii Kiiska, Xaanshida Dhimashada Marxuumka iyo oo ay u dheertahay Waaran uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ka Codsaday Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida soo Qabashada Eedeysanaha September 2019-kii.

Maragyadii goobjoogga u ahaa kiiskan waxa ay sheegeen Marxuumka oo Bajaajla ahaa isla markaana iska xaraynayay mootadiisa maadaama ay xilli dambe ahayd uu sababsaday Xabad uu Riday Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo xilligaasi Maqaaxi lagu Qayilo ka baxay.

Maxamed Cabdullaahi Khaliif  oo ka tirsan Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale Maxkamadda hor keenay Eed kale oo ah in Eedeysane Xasan Maxamuud Dhiblaawe uu iibsaday AK47 oo ah Hantidii Qaranka ee lagu aaminay taasi uu eedeysanaha Maxkamadda ka hor Qirtay.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto oo ay Maxkamadda U fiiriso Sifaalaha Dambiga Fududeeyo Maadaama Uu Qiraal-yahay Eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn maanta go’aan ka soo saartay waxa ayna ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe Dil-Toogasha ah oo Qistaasta Marxuum Maxamed Cawil Jaamac, sida uu dhinacyada Dacwadda u Sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Xasan Maxamuud Dhiblaawe

 

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Maleeshiya Alshabaab ah oo ku soo dhaawacmay Bacaadweyn

Mogadishu (Garsoor)- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo caan kaga ahaa Alshabaab Maxamed Carab iyo Maxamed Xuseen Xasan Abuukar ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab gaar ahaa in ay  ka kala tirsanaayeen qaybaha Caafimaad iyo Jabhadaha gobalka Mudug.

March Sanadkan ayay Labada Eedeysane ka soo qabteen ciidamada xoogga dalka deegaanka Bacaadweyn oo kamid ah goobaha sida wayn loogu jabiyay maleeshiyada isku dayadii ay ku soo qaadeen dhowr jeer oo kala duwan.

Eedeysanayaasha oo lagu soo wareejiyay hey’adaha Dambi Baarista ayaa Gungaar kadib ku soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida billowgii April, xilligaasi oo ay xeer ilaalinta codsatay in loo gudbiyo Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo magiciisu Afgarashadu yahay Maxamed Carab ayaa Alshabaab kaga biiray Xudur 2016, waxaa loo diyaariyay in uu Daweeyo dhaawacyada maleeshiyada, waxa uu ka shaqeeyay Ceel Cadow iyo Galhareeri oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Shabeellada Hoose,

Isaga oo u safaryo sidii uu u dabiibi lahaa dhaawacyo maleeshiyada Alshabaab ka gaaray Bacaadweyn oo la geeyay xilligaasi Camaara ayay waddada isku heleen Military-ga Soomaaliya is rasaaseyn kadib isaga ayaa la qabtay isaga oo dhaawac ah.

Maxamed Xasan Abuukar, waxa uu Alshabaab kaga biiray Bay 2018, Hiiraan ayuu tababar ku qaatay, waxaana isla xilligaasi lagu wareejiyay TuuladaCaad oo mudug ka tirsan si’uu uga mid noqday maleeshiya ku dhuumaaleysato halkaasi oo mararka qaar  weerar qarsoodi ah u tegi jiray qaybaha kale ee Gobalka.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee Bacaadweyn ka dhacay ayuu ku dhaawacmay, waxa ayna Ciidamada Xoogga Dalka ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista.

April bartamaheedii ayay Codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay in loo fariista Dacwadda ka dhanka ah labada Eedeysane 19 April Sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka codsaday labada Eedeysane in loo Ciqaabo dambiga ay galeen Maadaama Ciidamada Amniga ay kala hor tageen hub wax dila balse ay Ciidamada doorteen in la mariyo Nidaamka Cadaaladda.

Qareenada u dooday labada Eedeysane ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama aysan ka dhalan khasaaro weeraradii ay qaybta ka ahaayeen isla markaan ay iyga dhaawacya ka soo gaareen.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo fadhiya kala duwan ka yeeshay kiiskan ayaa ugu dambeyn kuwada xukumay 1- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil & 2- Maxamed Xuseen Xasan Abuukar Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sii Deysay Taliyihii Hore ee Danab

Mogadishu (Garsoor)-Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku eedeeyay wax is daba Marin “Musuq” iyo Isticmaalka Awood dheeri ah oo uusan la Ogeyn Taliska sida Ku tagrifal Hub cadowga laga soo furtay.

Gen. Odowa Yusuf Raage ayaa shaqa joonin ku sameeyay September Sideedii Sanadkan Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, Sidoo kale Taliska  ayaa Ismaaciil ku xanibay Xarunta  Military-ga.

Bartimihii October ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Eed ka dhan ah Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik taliyihii hore ee Danab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo Awood u leh dhaqaajinta Dacwadaha ayaa Gal Dacwadeed Gaashaanle Ismaaciil kala wareegay Hogaanka Baarista Military-ga, waxaana xilligaas loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee Xamar Gar-suge ahaan.

Horgeyn kadib 25-kii November ayaa la dhageystay Eeda ka dhanka ah Ismaaciil, Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada Xoogga Dalka oo kamid ah Markhaatiyaashii ay Xeer Ilaalinta la timid ayaa Qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu ku yaqiinay intii uu Hogaanka Danab hayay Asluub wanaag.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa  dalbaday in dib loo dhigo Dacwadda maadaama aysan dhameystirneen duruufa jira Darteed Maragyada ku xusan Gal Dacwadeedka Sarkaalkan.

Lixdii December bishan ayaa la dhageystay Afar markhaati oo ay Ismaaciil shaqa wadaag ahaayeen mana jirin qof Ka markhaati kacay xattooyo xoolo Dadweyne.

Abuukatayaasha u dooday Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa ku fasiray Isticmaalka Awoodda ee ku xusan Galka in ay aheyd Masuuliyad ay ka gaabiyeen Taliska balse Ismaaciil uu ku dhiiraday dhisidda  Moralka Ciidamada iyo Caafimaadkooda, waxa ayna Garsoorka Ciidamada ka dalbadeen in lagu abaal mariyo howshii qaran ee uu gutay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna Sidoo kale qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu shaqa wanaagsan ka qabtay howlaha loo igmaday laakiin uusan taliskiisa Ogeysiis ka siin howlahaasi.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn Amartay in Xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Taliyihii Danab hadii aysan jirin Dambiya kale oo loo haysto.

 

Maxkamadda Ciidamada ayaa Xukun Dil ah ku riday Liibaan Cabdi Faarax

Muqdisho (Garsoor)- Liibaan ayaa loo haystay dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Maxamed  Daahir Siyaad, dilkaasi oo ka dhacay degmada Hodan 10-kii December 2019.

Kadib dilka  Marxuumka Sedax Xarigle Liibaan Cabdi Faarax waxa uu u baxsaday gobalka Galgaduud.

Warqad cabasha ah oo ay ehelka Marxuumka ku dalbanayaan in Cadaaladda la hor keeno eedeysanah ayay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida u dirsadeen 15-kii December sedax cisha kadib dhimashad Maxmed Daahir Siyaad.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka dalbaday Taliska NISA  qaybta Galmudug in ay sharciga hor keenaan Sedax  Xarigle Xoogga Dalka Liibaan Cabdi Faarax.

5-tii April Sanadkan ayaya Ciidamada Amniga NISA ku wareejiyeen Saldhiga Boliiska Garoonka Aadan Cadde oo markaas laga soo dajiyay eedeysanah, waxaana isla xilligaas baaris dheeraad ah ku sameeyay Laanta Dambi Baarista Boliiska CID.

13-kii May ayay la wareegeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eedeysane Liibaan Faarax Cabdi oo ay Markaas Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo isna isku howlay baaritaano kale oo dheeri ah ayaa ugu dambeyn Maxkamadda weydiistay in la muddeeyo eedda ka dhanka ah Liibaan Cabdi Faarax 13-kii June bishii na dhaaaftay.

15-ka bishii na dhaaftay ayaa loo ballamay Fadhiga Maxkamadda, waxaana dhinacyada dacwadda ee kala ah Xeer Ilaalinta iyo Qareenada eedeysanaha  si siman loo siiyay fursado ay ku soo bandhigi karaan doodaha la xiriira difaaca iyo cadeymaha dambi muujin iyo kuwa bari yeelaya eedeysanaha labadaba.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu isticmaalay awood laga baaqsan karay, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in Marxuumka uu qalad ka galay eedeysanaha laakiin in dacwad uu la tiigsada ay banaantahay balse sabab uu u dilo aanu jirin mar hadii uu yahay military weliba ka wood roon Marxuumkii gaba-gabada u mareysay wax barashada dugsiga sare, sidaas darteed ayuu weydiistay Garsoor in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen.

Qareennada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in Marxuumka uu u gafay marwada Eedeysanaha  oo waddada dhinaceeda meherad yar ku laheyd, sidoo kale Marxuumka ayaa isku dayay in uu diido in uu saldhiga u raaco askariga taasina ay keentay dhimashada Marxuumka oo aan ku tala gal aheyn, sidaas darteed ayay Maxkamadda ka codsadeen in loo Naxariista Liibaan Cabdi Faarax.

Ugu dambeyn Maxkamadd ayaa go’aan ka soo saartay maanta, waxa ayna ku xukuntay Liibaan Cabdi Faarax dil toogasha ah oo ah Magta Marxuum Maxamed Daahir Siyaad, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Muuse Maxamed  Axmed

Muqdisho (Garsoor)- Muuse Maxamed  Axmed ayaa loo heysta kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab iyo farsameynta agabka qarxa sida Bom F1.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October  ayaa ka qabtay eedeysane Muuse Maxamed  Axmed magaalada Marka bilowgii November 2019  isaga oo uga  soo safray Janaale, waxa uu watay xilligaas eedeysanaha la qabanayay Caagad lagu soo qariyay Bambo nuuca gacanta F1 oo lagu dhex qariyay raashin iyo nuuc dareeraha kamid ah oo dadka qaarkiis u yaqaanaan Subag.

Intaas kadib ayaa loo soo  wareejiyay  eedeysanaha magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada xoogga dalka ku wareejiyeen ciidamada Boliiska  gaar ahaan qeybta dambi  baarista Boliiska CID.

Baaritaan dheer kadib ayay  ku wareejiyeen  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Sida  dabayaaqadii  November sanadkii ina dhaafay, waxa ayna markale isku howleyn baarista kiiska eedda ka dhanka ah  Muuse Maxamed  Axmed.

15-kii February sanadkan ayuu codsaday xafiiska xeer ilaalinta mudeynta kiiska ka dhanka eedeysane Muuse Maxamed  Axmed  waxa ayna Maxkamadda  muddeysay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Muuse Maxamed  Axmed 24 February sanadkan.

Fursadda habraaca doodda waxaa bilow u ah xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, waxa ay Maxkamadda la hor yimaadeen agabkii lagu soo qabtay oo ka kooban labo BOM F1 iyo qiraalka eedeysnaha uu Maxkamadda ka hor sheegay, Gaashaanle Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa u sheegay garsoorayaasha in eedeysanaha uu isticmaalay dhagar aan laga maleysan Karin isaga oo isku dhex milay raashin dareera ah iyo walxaha qarxa.

Abukaataha u doodayay eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto maadama uusan aqoon ulaheyn wax yaabaha lagu soo qabtay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan, waxa uu sheegay in qof kale uu usoo qariyay Muuse Maxamed Axmed.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed  Axmed  10-sano oo  xabsi ciidan ah  sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku qaadan karo rafcaan xukunka kadib muddo 30-cisha ah.

 

Askari dilay Seddax walaalo ah oo la Xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Todobadii June  sanadkan ayaa lasoo xiray  dable xoogga  Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka  Xasan Axmed Abuukar,  Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar  oo ahaa walaalo, dilkaas oo  dhacay degmada Kaaraan  gaar ahaan Gumarey, kasoo hor jeedka xarunta xirta xaaji Daa’uud Taariikhdu markay aheyd  17-ka bishii lixaad 2018.

Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho.

15-ka bishii todobaad ee  sanadkan ayay ku soo wareegtay xafiiska xeer ilaalinta eedda eedeysanaha,  waxaana xilligaas  ay garsoorka weydiisteen in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuga ahaan.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiska uu eedeysanaha ka yahay Dable Xoogga Xaashi Cali Maxamuud, baaritaan dheer kadib waxa ay codsadeen in la muddeeyo dhageyiga dacwad qaadista.

26-ka bishii tagtay ayaa  la isugu yimid fadhigii  koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan.

Markale ayaa loo ballamay dhageysiga dacwadda eedeysane Dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud labadii bishan, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen cadeyma dheeri ah oo ay kamid yihiin Muwaadiniin ka shaqeynayay geerashka ay mashaqada ka dhacday kuwaasi oo ku marag furay eedeysanaha sheegashadiisa ah in muran dhuleed kala dhaxeeyay marxuumiinta aysan waxba ka jirin, sawirka marxuumiinta, warqadda cadeynta dhimashada iyo baarihii kiiska.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa  ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni  degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan), wax yaabaha kale ee cajiibka ah oo ay markaatiyaasha ka marag fureen waxaa kamid ah in mid kamid ah Marxuumiinta oo dhaawac  ahaan u baxsaday fogaan uu dhameystiray Eedeysanaha, Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan ayaa sidoo kale iibsaday hantidii dowladda ku aamintay isaga oo muddo gambad ka ahaa hey’adaha amniga ee ku raad joogay.

Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay  reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukum Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar,  Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar  oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay wade gaari

Jowhar (Garsoor)- Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali   ayaa loo heystaa dilka Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe  26-11-2018.

Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud    ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinte gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee goalka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la  socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali    ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka.

Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali   oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto.

Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale hey’adaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali  xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii tagtay, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Muddo kadib baaristooda ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali 12-01-aad ee sanadkan, waxaana loo ballamay fadhiga hore ee maxkamadda 9-ka Bishii 2-aad ee sanadkan.

Garsoorayaasha ayaa  garowsaday in aysan ku filneyn dhageysiga dacwadda fadhi qura, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta amreen in la soo dhameystiro cadeymaha dambi ee loo heysto eedeysanaha.

Afar cisha kadib ayaa markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda, waxa ayna xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanah, Markaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada  oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada, waxa uuna weydiistay garsoorayaasha in lagu xukumo dil toogasha ah oo kaga filan abaalka ficilkii uu geystay eedeysanaha.

 

Dhanka kale Qareenada ayaa ku dooday  maadaamaa qiraal uu yahay  eedeysanaha  in loo fududeeyo  oo ay bixiyaan magta marxuumka.

Garsoorayaasha ayaa maalintaas soo xiray fadhiga Maxkaamdda, waxaana ku dhawaad bil kadib ay maanta go’aan kasoo saareen dhageysiga  dacwadda loo heystay, Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay dil-toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.