Deeqo oo loo Xukumay Kaydinta Hubka iyo Hubinta Howlagallada ay Alshabaab ka sameeyaan Kaaraan.

0
1205

Garsoor (Mogadishu)- Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi ayaa loo soo xeray February Sedaxdeedii sanadkan u sahminta howlgallada dilalka Qarsoon ee maleeshiyada Alshabaab iyo Kaydinta hubka fudud sida BamGacmeed iyo Bistoolad.

May dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loo diray Garsuge ahaan.

Deeqo Alshaab waxaa ku tashkiiliyay nin ay kala tageen mid saaxiib la’ah, waxa ay keedii hore iyo kan dambe kawada tirsan yihiin Alshabaab, laba sano ayaa laga joogaa markii ay ku biirtay kooxda, waxaana lacag ahaan loo siin jiray Boqol dollar bishiiba.

Deeqo Maxamed Cabdi oo magaceeda Afgarashadu yahay Faadumo ayaa laga soo qabtay degmada Kaaraan, waxa ayna xilligaasi joogtay Askari katirsan Dowladda oo ay dileen Argagixisada gurigiisa oo ay daris ahaayeen, waxa ay Qoyska reerka ka shakiyeen sida ay u leedahay dhaqan gaar ah oo ka baxsan dareenka reerka maalintaasi ay qabeen, Ciidamada Amniga oo baaray Deeqo gurigeeda ayaa ka soo helay BamGacmeed iyo Bistoolad wadato Todobo rasaas ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Deeqo ayaa laga Ogolaaday billowgii Bishan July ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Deeqo kaalintii ay ku lahayd Askari lagu Dilay Kaaraan iyo Sida ay Warbixinta Dilka kadib ula wadaagtay Horjoogaheeii Argagixisada ay wakiilka uga ahayd Kaaraan.

Qareenka u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday in loo Naxariisto Deeqo oo ah hooyo Afar Caruur ah u dhashay Cabdullaahi Xasan Yusuf oo isna Alshabaab ka tirsan balse ay kala tageen 2018-kii.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi 15-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu dhincyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Deeqo Maxamed Cabdi