Basaaskii ugu xirfadda badnaa Alshabaabka Muqdisho oo la Xukumay.

0
2277

Garsoor (Mogadishu)- November sanadkii tegay bartamaheedii ayay ciidamada Amniga ka soo xeraan xaafadda Oodweyn ee degmada Dayniile Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow oo loo haystaa in uu Alshabaab u qaabilsanaa Howlaha Basaasnimada.

Xilliga ay ciidanka qabanayeen waxa laga helay Agabyada Basaasnimada loo isticmaalo sida, OOkiyaal Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telephono.

Waxa uu lahaa Gaari uu kula shaqeeyo Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay 2015 ilaa 2020 Bajaaj, Sedax meel oo lagu kala magacaabo Kaabe Travel Agency, Salaama stationary & Tamaam printing Center oo uu isaga lahaa balse mar dambe uu iska xaraashay.

Waa 28 jir ku dhashay Muqdisho, kana baxay Jaamacadda Jamhuuriy, waxa uuna ka bartay Computer Science.

Waxa ay sidoo kale Hay’adama amniga cadeeyeen xeriir gaar ah oo uu lalahaa u qaabilsanaha Alshabaab Arrimaha Dibadda.

June bishii ina dhaaftay ayay ciidamada Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.

Baaris dheer kadib Xafiiska xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la mudeeyo dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow, waxa ayna Maxkamadda aqbashay 16-kii bishan aynu ku jirno.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow  15-sano oo xabsi ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow