Xukunka Askari Dilay Taliye Unugiisa.

Garsoor (Mogadishu)- Maxamed Nuur Sheikh Waarre ayaa loo haystaa dil uu u gaystay Allaha Unaxariiste Axmed Cali Cabdi oo ay kawada tirsanaayeen Boliiska Soomaaliyeed, Dilka ayaa ka dhacay Hodan gaar ahaan xarunta Waaxda Kacaan March 17-keedii Sanadkan.

Maalma kadib ayay Ciidamada Amniga ku soo wareejiyeen Eedeysane Maxamed Nuur Sheikh Waarre Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Xabsiga dhexe loo gudbiyay 26-kii March isla bishaas Garsuge ahaan.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsaday in la Maxkamadeeyo Eedeysane Maxamed Nuur Sheikh Waarre May bartamaheedii.

Maxkamadda Ciidamada ayaa aqbashay dhegeysigii ugu horeeyay ee kiiska 31-May  bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda keenay ilaa shan marag oo ay kuwada jireen shaqada Qaranka, maragyada ayaa isku raacay In ay Murmeen  Eedeysanahe iyo Taliye Unugii geeriyooday, waxa ay sido kale Maxkamadda ka hor sheegeen in Maxamed Nuur Sheikh Waarre uu dhameystiray Marxuumka oo ku dhaawacmay xabidihii ugu horeeyay.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto Askariga maadaama Muranka ka yimid howl adag oo dheeraad ah oo askariga ka soo bixi waayay, magtana laga qaado Boliiska.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Maxamed Nuur Sheikh Waarre Xukun Dil ah oo ah Qisaasta taliye Unugiisii Marxuum Axmed Cali Cabdi oo ay kawada tirsanaayeen Boliiska Sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamda Qalabka Sida.

Maxamed Nuur Sheikh Waarre – Boliis- Xukunsane.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Bamba-tuurayaal lagu kala xukumay Xabsi & Dil

Gasoor (Mogadishu)- Cabdi Xasan Rooble Maxamed, Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed ayaa loo haystaa Bambooyin ay mar  qura kuwada tuureen Baro Ciidan iyo kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada Alshabaab.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed oo magiciisa Afgarashadu yahay “Afay”  ayaa loo haystaa in uu Alshabaab kamid ahaa, waxa uu ka qayb galay dhowr weerar oo ay maleeshiyada ku qaaday Fariisimo ay Ciidamada ku leeyihiin deeganno ka tirsan Gedo iyo Shabeellada Hoose.

Waxa uu sidoo kale ku Eedeysanaa ka qayb galka Dil loo gaystay Allaha Unaxariiste Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo ka tirsanaa wasaaradda Gaadiidka iyo in uu Bam ku tuuray saldhiga degmada Hodan.

Cusmaan Xasan Macalim Aadan oo Alshabaab ugu howl-galayay “Anas” waxa uu Alshabaab kala qayb galay weeraro ay ka gaysteen qayba kamid ah Jubbooyinka, waxaa sidoo kale lagu soo qabtay Bam uu ku tuuray Warta-Nabadda.

Maxamed Abuukar Ibraahim oo isna isticmaali jiray magaca “Sakariye” Alshabaab dhexdooda ayaa isna ka soo dagaalamay qayba kamid ah Shabeellada Hoose, waxaa lagu soo qabtay kadib Bam uu ku tuuray Saldhiga Boliiska ee Howl-wadaag.

Mucaad Maxamuud Maxamed oo ina magac ahaan Alshaabaab dhexdooda u isticmaali jiray “Ducaale” waxa uu ka dagaalamay Shabeellada Hoose, waxaana loo soo wareejiyay Muqdisho, waxaa la soo qabtay isaga oo Bam ku tuuray saldhiga Yaaqshiid.

Dhammaan afarta Eedeysane ayaa mar qura kuwada tuuray Bam F1- AH saldhigyada Warta-Nabadda, Howl-wadaag, Hodan & Yaaqshiid, February Sanadkan 22-keedii.

30-kii March sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxaana isla xilligaas loo gudbiyay xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Baaris dheer oo ay xafiiska xeer ilaalinta kaalintooda ku qaateen, waxa ay codsadeen in la maxkamadeeyo April billowgeeda, Maxkamadda ayaana Ogolaatay fadhigii koowaad 21 May bishii ina dhaaftay.

Fadhiya kala duwan kadib oo ay qayb ka ahaayeen dhinacyada dacwadda, sida xeer ilaalinta qareenada iyo Caawiya-yaasha  kale sida maragyo iyo dhibanayaal, maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay sida dhinacyada dacwadda uu la wadaagay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayashaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed ayaa lagu xukumay Dil-toogasha ah, kadib markii ay Maxkamadda ku heshay dilka Allaha Unaxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo ka tirsanaa wasaaradda Gaadiidka, dilkaasi oo ka dhacay Wadajir gaar ahaan Xaawo taako February 20-keedii Sanadkan.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed

Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed  ayaa lagu wada xukumay min 15-sano o Xabsi Ciidan ah.

Cusmaan Xasan Macalim Aadan
Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar
Mucaad Maxamuud Maxamed

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Xukunka Bajaajle ku dhaawacmay Qarax uu ku keenay Muqdisho Mootadiisa

Gasoor (Mogadishu)- Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun ayaa loo soo xiray  Qarax uu ku dhaawacmay March 20222-kii  kadib Bilooyin ay Nabad-Sugidda ka daawaysay dhaawac ka soo Gaaray Qaraxaasi.

29-kii May,  ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, xilligaasi oo ay Garsoor Ogolaadeen in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Maxamed Cusmaan Dhagaxow ayaa maleeshiyada ay u isticmaali jireen Qaadista Agabyada Gawaarida “spare parts” iyo Qaraxyada, waxa uuna ku dhaawacmay Qarax uu ka soo Qaaday Tabeelaha Sheikh Ibraahim oo uu soo Waday magaalada Muqdisho.

Beledwayne ayuu Alshabaab kaga biiray, waxaana ku tashkiiliyay nin ay Qaraaba yihiin, waxa uu qaadan jiray 30-40 dollar markii uu kala daabulayo Agabyada ay isticmaali jireen iyo qaraxyada.

5-tii June ayaa loo ballamay Fadhigii ugu horeeyay ee Maxkamadda, waxaana lala keenay cadaymo ay kamid yihiin Dhaawiciisa sawirro laga qaaday iyo bur-burka Bajaajtiisa gaartay.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in loo Naxariisto maadaama uusan fuliya ka ahayn howlaha Argagixisada uu wakiilka kaga ahaa.

maanta ayay Maxkamadda ku xukuntay fadhiya kala duwan kadib 15-sano oo xabsi ciidan ah  Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

Xukunka Lamaane Daacish ah oo isku Guursaday Magacya kale

Gasoor (Mogadishu)- Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim ayaa loo wada haystaa in ay ka tirsan yihii Daacish.

Dayib ayaa ku Eedeysan Samaynta Qaraxyada halka Xaliimo ay ahayd soo dhawaynta Maleeshiyada Daacish iyo Kaydinta Hubka ay dhibta ku gaysanayaan, waxaana Eedeysanayaasha la xiray March Sanadkan.

05-tii may Bishii ina dhaaftay ayaa lagu xeray xabsiga dhexe Garsuga ahaan, isla xilligaas Garsoorka ayaa ka dalbaday Xeer Ilaalinta in ay la Yimaadaan Cadaymo dhamaystiran oo lagu Maxkamadayn karo Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Baaritaan dheer kadib Maxkamadda Ciidamada Waydiistay in la maxkamadeeyo raggan billowgii June, isla xilligaas ayay Maxkamadda aqbashay dhegeysiga Dacwadda laba Eedeysane.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka hor Cadeeyay Labada Eedeysane in ay is Qabeen laakiin ay isku Guursadeen Magacyada Mustaf iyo Xaawo, waxa ay Maxkamadda ka hor sheegeen Eedeysanayaasha in Horjoogahooda uu isku Doonay, Sidoo kalane uu u dhiibay Magacyada Mustaf iyo Xaawo.

Qareenada Eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto, loona fiiriyo Qodobada Dambiga Fududeeyo, maadaama Eedeysanayaasha lala soo Qatay agabkii Qaraxyada ay u isticmaalayeen iyo Qarax diyaarsan.

Dhowr Fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda kuwada xukuntay min 15-sano oo  Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

XALIIMO CABDI MURSAL

 

Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo ay Dil ku Xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Gasoor (Mogadishu)- Xasan Maxamuud Dhiblaawe ayaa loo haystaa Dilka Marxuum Maxamed Cawil Jaamac uu u dilay August 2019, Dilkaasi oo  ka d hacay Hodan gaar ahaan Tarabuunka.

Kadib dilkii uu gaystay Xasan waxa uu isaga baxsaday guud ahaan goobaha dowladda, waxaana isla bil kadib September 2019 ay Maxkamadda Ciidamada Waaran soo Qabasha ah u jartay eedeysanaha, Amarka soo Qabashada ayaa lagu socodsiiyay fadhiyadii uu ka tirsanaa iyo cid kasta ee ay qosayso Kiiskan.

Ciidamada Boliika gaar ahaan laanta Dambi baarista CID ayaa ku soo wareejisay Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 18-kii December Sanadkii tegay kadib markii uu u soo Gacan galay bilowgii Bishaas.

Wixii intaasi ka dambeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay isku aadinta Natiijada hay’adaha Baarista iyo Is waafajinta kaalinta kaga aadan ee Horgeynta Maxkamadda Ciidamada, Xafiiska ayaana Codsaday in la mudeeyo dhegysiga Dacwadda ka dhanka ah Eedeysanaha billowgii Janaury Sanadkan.

Maxkamadda ayaa mudaysay dhegeysiga kama dambaysta ah ee kiiskan 25-ka bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid Qiraalka Eedeysanaha, Sedax marag, Baarihii Kiiska, Xaanshida Dhimashada Marxuumka iyo oo ay u dheertahay Waaran uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ka Codsaday Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida soo Qabashada Eedeysanaha September 2019-kii.

Maragyadii goobjoogga u ahaa kiiskan waxa ay sheegeen Marxuumka oo Bajaajla ahaa isla markaana iska xaraynayay mootadiisa maadaama ay xilli dambe ahayd uu sababsaday Xabad uu Riday Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo xilligaasi Maqaaxi lagu Qayilo ka baxay.

Maxamed Cabdullaahi Khaliif  oo ka tirsan Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale Maxkamadda hor keenay Eed kale oo ah in Eedeysane Xasan Maxamuud Dhiblaawe uu iibsaday AK47 oo ah Hantidii Qaranka ee lagu aaminay taasi uu eedeysanaha Maxkamadda ka hor Qirtay.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto oo ay Maxkamadda U fiiriso Sifaalaha Dambiga Fududeeyo Maadaama Uu Qiraal-yahay Eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn maanta go’aan ka soo saartay waxa ayna ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe Dil-Toogasha ah oo Qistaasta Marxuum Maxamed Cawil Jaamac, sida uu dhinacyada Dacwadda u Sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Xasan Maxamuud Dhiblaawe

 

Xukunka Muuqaal Duube Daacish ah

Mogadishu (Garsoor)- Cabdisamad Ibraahi Cumar  oo magiciisu Afgarashu yahay Abuu-Cali ayaa loo xiray dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay kamid ahaanshiyaha Daacish oo uu ka soo tirsanaa ilaa 2016.

Cabdisamad ayaa ku dhashay magaalada Gaarise ee dalka Kenya, waxa uuna go’aansaday ku biirista Daacish isaga oo joogo Nairobi.

Isla xilligaas ayuu ka soo degay Boosaaso oo uu kaga sii gudbay buuraha Gal-gala, tababbarkiisii ugu horreeyay waxa uu  ku qaatay meel lagu magacaabo Il iyo Camaaro, waxa uu kamid noqday koox jabhad ah oo arbushaad ka sameyso dhulka bari ee Puntaldn, wixii intaas ka dambeeyay kooxda ayaa go’aamisay in lagu daro qaybta warbaahinta oo loo diyaariyay in uu noqdo Muuqaal Duube.

Waxa uu u sheegay hey’adaha baarista in uu ahaa Muuqaal duubihii dagaal ku dhex maray Daacish iyo Alshabaab Muraale December 2018 iyo sidoo kale Baar-Gaalle oo isna dhacay March 2019, dagaalladaasi oo tirada la wariyay ee dhimasha iyo dhaawac ee kala gaaray kooxaha Argagixisada lagu Ogaaday in ka badan 30-Maleeshiyaad ah.

28 june ayay iska soo wareejiyeen hay’adaha dambi baarista kadib baaritaana dheer oo ay ku sameeyeen Eedeysanaha, waxa ayna xilligaasi ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta si’uu u mariyo habraaca Dacwadda.

Xafiiska ayaa isla xilligaasi ka codsaday Garsoorka Ciidamada  in xabsiga-Dhexe  lagu hayo Cabdisama Gar-suge ahaan, bartamihii july ayaa loo ballamay fadhigii ugu horeeyay Eedda ka dhanka ah Cabdisamad Ibraahim Cumar.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la wadaagay taariikhda sida uu ugu biiray Daacisho Eedeysanaha iyo Raggii kale ee fikirkan ay ka soo wada Xambaareen Nairobi, waxa ay Xeer Ilaalinta sheegtay in saaxiibbadiisa ay dagaallo u aadeen Liibiya ayna ku dhinteen halka labo kale oo isna ay wada joogeen ay ku dhinteen dagaal ay la galeen Ciidamada PSF-ta Puntalnd ee loogu tala galay la dagaalnka Argagixisada, waxa ay sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ay la wadaageen Garsoorka dhaawac muujinta Eedeysanaha oo ku dhaawacmay dagaalladii ay la galeen Ciidamada Puntland.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka Codsaday in lagu xukumo ciqaab adag maadaama Daacish ay Eedeysanaha u soo wakiilatay Qal-qal gelinta Amniga Muqdisho balse ay Ciidamada Amniga qabteen isaga oo ka soo degayo Garoonka Aadan-Cadde.

Qareenada u doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto eedeysanaha Maadaama  uu ahaa Muuqaal Duube kaliya.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu xukumay Cabdisamad Ibraahim Cumar 10-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan 30-cisho gudaheed.

 

 

 

Xukunka Daacish loo haysto Lacago

Mogadishu (Garsoor)- Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab  iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo 2008.

Tababarkiisii ugu horreeyay waxa uu ku qaatay Jilib gaar ahaan Arbaay Cabdi,  waxa uu qayb ka ahaa Jabhado weerar ku ekaayay xamar billowgii dowladdii KMG ahayd.

Intii uu qaybta ka ahaa dagaalladii xamar ka jiray ayuu ku dhaawacmay.

2016 ayuu goostay in uu ku biiro kooxda Daacish, waxa uuna xiriirka kooxda ka helay Bilaal Suudaani oo ay mar kawada tirsanaayeen Argagixisada Alshabaab.

Cabdrisaaq Maxamed Cabdi ayay Daacish u wakiilatay Kala gudbinta lacagta,  waxa uuna ku lahaa diristiisa lacagta qoondo gaar ah oo uu si gaar ah uga heli jiray fududaynta howshaas.

March Sanadkan ayay Ciidamada Amniga la qabteen Eedeysanaha lacag dhan 19-kun oo dollarka Maraykanka ah.

Xeer Ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay Eedeysanaha June dabayaaqadeedii waxa ayna xilligaas Codsadeen in lagu hayo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

28 June ayay xeer Ilaalinta Codsadeen Maxkamadeynta Cabdirisaaq, waxa ayna Maxkamadda aqbashay July 5 tedii fadhigii ugu horreeyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku soo Eedeyay Eedeysanaha in uu isku xawilay lacag dhan 400 oo kun dollar ka mareykan intii u dhexeysay 2019 -2020, waxa ay sidoo kale ku Eedeeyeen Xafiiska in uu ahaa nin awood ku leh kooxda Daacish oo gaarsiisnaa in uu la macaamilo horjoogayaasha kooxda sida ku xigeenka koowaad ee kooxda Bilaal Suudaani ahna u qaabilsanahay qaybta faafinta Wararka kooxda iyo Muuqaalladooda.

Dhamme Ismaaciil Saalaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Maxkamadda in eedeysanah uu xitta u isticmaali jiray warbaahinta gaarka ah lacag si’ ay u faafiyeen wararka kooxda Daacish.

Heeryo trading interprise ayuu u isticmaalay lacagtaas iyo nambarrada lacag dirista Electronica ah oo aysan xadidineen lacagta lagu gudbin karo, waxaa sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda la yimaadeen  Cadaymo muujinayo in lacagtaas Qaaarkeed wadanka laga saaray oo loo diray waddada Dibadda ah sida South Africa oo ay lacagtaas u gacan gashay Muwaadiniin u dhashay Uganda iyo Ethiopia.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday In loo Naxariisto Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  maadaama aan lagu haynin Dambi ka baxsan lacag Diris.

Fadhiya kala duwan kadib maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida ay ka heshay Garsoorka Warbaahinta.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-Cisho.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Maleeshiya Alshabaab ah oo ku soo dhaawacmay Bacaadweyn

Mogadishu (Garsoor)- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo caan kaga ahaa Alshabaab Maxamed Carab iyo Maxamed Xuseen Xasan Abuukar ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab gaar ahaa in ay  ka kala tirsanaayeen qaybaha Caafimaad iyo Jabhadaha gobalka Mudug.

March Sanadkan ayay Labada Eedeysane ka soo qabteen ciidamada xoogga dalka deegaanka Bacaadweyn oo kamid ah goobaha sida wayn loogu jabiyay maleeshiyada isku dayadii ay ku soo qaadeen dhowr jeer oo kala duwan.

Eedeysanayaasha oo lagu soo wareejiyay hey’adaha Dambi Baarista ayaa Gungaar kadib ku soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida billowgii April, xilligaasi oo ay xeer ilaalinta codsatay in loo gudbiyo Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo magiciisu Afgarashadu yahay Maxamed Carab ayaa Alshabaab kaga biiray Xudur 2016, waxaa loo diyaariyay in uu Daweeyo dhaawacyada maleeshiyada, waxa uu ka shaqeeyay Ceel Cadow iyo Galhareeri oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Shabeellada Hoose,

Isaga oo u safaryo sidii uu u dabiibi lahaa dhaawacyo maleeshiyada Alshabaab ka gaaray Bacaadweyn oo la geeyay xilligaasi Camaara ayay waddada isku heleen Military-ga Soomaaliya is rasaaseyn kadib isaga ayaa la qabtay isaga oo dhaawac ah.

Maxamed Xasan Abuukar, waxa uu Alshabaab kaga biiray Bay 2018, Hiiraan ayuu tababar ku qaatay, waxaana isla xilligaasi lagu wareejiyay TuuladaCaad oo mudug ka tirsan si’uu uga mid noqday maleeshiya ku dhuumaaleysato halkaasi oo mararka qaar  weerar qarsoodi ah u tegi jiray qaybaha kale ee Gobalka.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee Bacaadweyn ka dhacay ayuu ku dhaawacmay, waxa ayna Ciidamada Xoogga Dalka ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista.

April bartamaheedii ayay Codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay in loo fariista Dacwadda ka dhanka ah labada Eedeysane 19 April Sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka codsaday labada Eedeysane in loo Ciqaabo dambiga ay galeen Maadaama Ciidamada Amniga ay kala hor tageen hub wax dila balse ay Ciidamada doorteen in la mariyo Nidaamka Cadaaladda.

Qareenada u dooday labada Eedeysane ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama aysan ka dhalan khasaaro weeraradii ay qaybta ka ahaayeen isla markaan ay iyga dhaawacya ka soo gaareen.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo fadhiya kala duwan ka yeeshay kiiskan ayaa ugu dambeyn kuwada xukumay 1- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil & 2- Maxamed Xuseen Xasan Abuukar Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Xukunka U qaabilsanihii Faafinta Fikirka Argagixisada Alshabaab ee Ceelbuur iyo Ceelgaras.

Garsoor (Mogadishu)-Maxamed Cusmaan Maxamed Xasan ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab oo uu kaga biiray Galgaduud 2013 iyo  in uu u qaabilsanaa kooxda  Faafinta fikirka Gurracan ee Argagixisada.

Billowgii March ayay ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida , xilligaas oo ay Xeer Ilaalinta ka Codsatay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga Dhexe Garsuge-ahaan.

Maxamed Cusmaan ayaa dhalinyarada Alshabaab ee ku sugnaa CeelGaras iyo CeelBuur u fasir xumayn jiray Diinta Islaamka isaga oo ugu adeegayo fulinta Qorshayaasha Alshabaab, dhowr jeer oo hore ayuu yimid Muqdisho, waxa uuna u sheegay Garsoorayaasha in xilligaasi uu la wadaagi jiray maleeshiyada dhaq-dhaqaaqyada Muqdisho iyo la wadaagidda wararka la xiriira Gobalka ee ay baahiyahaan Idaacada ku yaal Caasimadda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Maxamed Hiiraan Bartimaha Bishii ina dhaaftay.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga Dacwadda Eedeysanaha dhammaadkii Maarso, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ka dhagaysatay Eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cusmaan.

Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab looga baajin karo ka been sheegidda Diinta Islaamka si loo bad baadiyo dhalin fara badan oo halis ugu jirto Fasirka Qaldan ee Diinta.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Garsoorka ka codsaday in loo Naxariisto Eedeysanaha oo aan laga haynin Fasir qaldan oo kayd ahaan meel u yaallo.

Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay SIDEED SANO oo xabsi Ciidan ah, sida dhinacyada uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsahaya ayaa haysta Fursad uu ku dulban karo Rafcaan Sodon Cisha gudahood.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Cumar Muxudiin Maxamuud

Garsoor (Mogadishu)- Cumar Muxudiin Maxamuud ayaa loo haystaa Dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow, dilkaas oo ka dhacay degmada Boondheere gaar ahaan Ex Wasaaraddii Caafimaadka 20-kii September 2020.

Maalma kadib ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo awood u leh dhaqaajinta Dacwadda Eedeysanaha, waxa ayna isla xilligaasi weydiisteen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo gudbiyo Xabsiga  Eedeysane Sedax Xarigle Xoogga Dalka Cumar Muxudiin Maxamuud garsuge ahaan.

Baaritaana dheer kadib 21-kii November Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysane Cumar Muxudiin Maxamuud, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga Dacwadda kowdii Decembber bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid  Sedax marag oo cadeeyay in Eedeysanaha uu dhac u geysanayay Marxuumka, Warqadda Cadeynta dhimashada iyo Gungaarka Baarista Boliiska oo ay sameeyeen saldhiga degmada Boondheere.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigay eedeymo hore oo ay Maxkamaddu u haysatay Eedeysanaha laakiin dhibanayaashii waagaas ay ka noqdeen Dacwaddii ay u heysteen kowdii June Sanadkii tegay.

Qareenada U dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo Naxariisto Eedeysannaha lagana qaado diyo.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn Cumar Muxudiin Maxamuud ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Xasan Abow.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-Cisho.