Xukunka U qaabilsanihii Faafinta Fikirka Argagixisada Alshabaab ee Ceelbuur iyo Ceelgaras.

0
6013

Garsoor (Mogadishu)-Maxamed Cusmaan Maxamed Xasan ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab oo uu kaga biiray Galgaduud 2013 iyo  in uu u qaabilsanaa kooxda  Faafinta fikirka Gurracan ee Argagixisada.

Billowgii March ayay ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida , xilligaas oo ay Xeer Ilaalinta ka Codsatay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga Dhexe Garsuge-ahaan.

Maxamed Cusmaan ayaa dhalinyarada Alshabaab ee ku sugnaa CeelGaras iyo CeelBuur u fasir xumayn jiray Diinta Islaamka isaga oo ugu adeegayo fulinta Qorshayaasha Alshabaab, dhowr jeer oo hore ayuu yimid Muqdisho, waxa uuna u sheegay Garsoorayaasha in xilligaasi uu la wadaagi jiray maleeshiyada dhaq-dhaqaaqyada Muqdisho iyo la wadaagidda wararka la xiriira Gobalka ee ay baahiyahaan Idaacada ku yaal Caasimadda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Maxamed Hiiraan Bartimaha Bishii ina dhaaftay.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga Dacwadda Eedeysanaha dhammaadkii Maarso, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ka dhagaysatay Eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cusmaan.

Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab looga baajin karo ka been sheegidda Diinta Islaamka si loo bad baadiyo dhalin fara badan oo halis ugu jirto Fasirka Qaldan ee Diinta.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Garsoorka ka codsaday in loo Naxariisto Eedeysanaha oo aan laga haynin Fasir qaldan oo kayd ahaan meel u yaallo.

Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay SIDEED SANO oo xabsi Ciidan ah, sida dhinacyada uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsahaya ayaa haysta Fursad uu ku dulban karo Rafcaan Sodon Cisha gudahood.