Xukunka Lamaane Daacish ah oo isku Guursaday Magacya kale

0
1951

Gasoor (Mogadishu)- Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim ayaa loo wada haystaa in ay ka tirsan yihii Daacish.

Dayib ayaa ku Eedeysan Samaynta Qaraxyada halka Xaliimo ay ahayd soo dhawaynta Maleeshiyada Daacish iyo Kaydinta Hubka ay dhibta ku gaysanayaan, waxaana Eedeysanayaasha la xiray March Sanadkan.

05-tii may Bishii ina dhaaftay ayaa lagu xeray xabsiga dhexe Garsuga ahaan, isla xilligaas Garsoorka ayaa ka dalbaday Xeer Ilaalinta in ay la Yimaadaan Cadaymo dhamaystiran oo lagu Maxkamadayn karo Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Baaritaan dheer kadib Maxkamadda Ciidamada Waydiistay in la maxkamadeeyo raggan billowgii June, isla xilligaas ayay Maxkamadda aqbashay dhegeysiga Dacwadda laba Eedeysane.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka hor Cadeeyay Labada Eedeysane in ay is Qabeen laakiin ay isku Guursadeen Magacyada Mustaf iyo Xaawo, waxa ay Maxkamadda ka hor sheegeen Eedeysanayaasha in Horjoogahooda uu isku Doonay, Sidoo kalane uu u dhiibay Magacyada Mustaf iyo Xaawo.

Qareenada Eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto, loona fiiriyo Qodobada Dambiga Fududeeyo, maadaama Eedeysanayaasha lala soo Qatay agabkii Qaraxyada ay u isticmaalayeen iyo Qarax diyaarsan.

Dhowr Fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda kuwada xukuntay min 15-sano oo  Dayib Macalim Maxamed Xasan iyo Xaliimo Cabdi Mursal Ibraahim, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.

XALIIMO CABDI MURSAL