XUKUNKA RAG LOO HAYSTO IN LOO DIYAARIYAY WEERAR KA FULINTA GOBALLADA WOQOOYI IYO SOOMAALI GALBEED ETHIOPIA

0
8887

Mogadishu (Garsoor)- Usaama Cabdi-Nuur Saciid, Cabbdi-Samad Cabbdullaahi Maxamed iyo Sakariye  Axmed Cabdullaahi ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab.

 

Usaama Cabdi-Nuur Saciid iyo Cabbdi-Samad Cabbdullaahi Maxamed waxa ay kuwada dhasheen Burco halka Sakariye Axmed Cabdullaahi uu ku dhashasy Hargaysa.

 

Sedaxda dhalinyarada ah ayaa Loo daaray Muuqaal laga sameeyay Dhulka cagaaran Ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay dhegeysteen Codad laga soo duubay dhalinyara Jidbaysan oo Nolosha adduunka ka doortay in Lafahooda ay Holciyaan.

 

U qaabilsanaha goballada Woqooyin ee Maleeshiyada Alshabaab ayaa u sheegay dhalinyarada inay Nolol wanaagsan ka jirto Howdka, waxa ayna Safar Socdaal ah ku soo mareen inta u dhexeyso Burco iyo Garowe.

 

Garowe oo ay diyaarad ka soo raaceen kadib waxaa laga soo dajiyay Muqdisho, haweenay magaceed Xarakigaha uu ahaa Wiillo ayaa dajisay Hotel, waxaana maalma kadib loo kaxeeyay Jilib, maalmo Nasiino ah kadib waxa ay uga sii gudbeen Bu’aale oo lagu baray tababar 90 Cisha ah Isticmaalka Qoryaha AK47-G3-BKM- F1 & PISTOL.

 

Intii ay tababarka ku jireen waxaa sidoo kale loo fasir xumeeyay dhowr Nas oo kamid ah Kitaabka iyo Sunnaha, waxaana loo raaciyay Oraahya laga soo guuriyay Kuwa Diinta Fasir Wareeriyay oo is gaar siiyay darajada Fatwa.

 

Sedaxdan dhalinyarada ahayaa sidoo kale lala soo qabtay Xasuus Qor ay wateen oo ay ku diiwaan gelin jireen Howl maalmeedkooda.

 

Sidoo kale hay’adaha Amniga ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta la wadaagay Fariimo ay u direen Saaxiibbadooda gabdhaha ahaa, waxaana ay tiriyeen tixo Samir siin ah.

 

U jeedkooda ayay ku koobaan in ay billow u yihiin dhalinyaro loogu tala galay in ay ka howl-galaan Goballada Woqooyi iyo dhulka Soomaali Galbeed Ethiopia

 

USAAMA CABDINUUR SACIID
CABDISAMAD CABDULLAAHI MAXAMED
ZAKARIYE AXMED CABDULLAAHI

Dhammaan dhalinyarada ayaa wada qaatay fikirka kooxda October 2021, 15-kii March Sanadkan ayaa lagu wareejiyay hogaanka baarista NISA.

 

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la wareegay Eedeysanayaasha April sanadkan, waxa ayna Codsadeen dabayaaqdii April Garsoorka ciidamada Qalabka Sida  in loo Maxkamadeeyo Sedaxda Eedeysane kamid noqoshada Argagixisada.

 

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan kadib ku xukuntay min 8-sano oo Xabsi Ciidanah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle  Maxamed Cabdi Muumin.

 

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.