Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Nin Watay Boorso Qarax ah…

Mogadishu (Garsoor)- June Todobadeedii Sanadkan  sii dhammaanayo ayay Ciidamada Amniga ka  qabteen Xasan Cabdullaahi Aadan Ex Control Afgooye xilligaasi oo  isu soo diyaariyay Sidii uu isugu Qarxin lahaa Xarunta Murtida iyo Mada-daallada oo uu maalin ka hor sheegay in uu soo fiirsaday “Istidhlaac”.

Diifta ka muuqatay darteed ayay Ciidamada Amniga uga shakiyeen, waxa aysa dhalisay Baaris kadib in laga dhex helo Boorsadiisa Jaakadka Qarax, Isla xilligaasi ayay Ciidamada Amniga  u gacan geliyeen Hogaanka Baarista Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in Sanad iyo xoogaa uu la soo shaqeeyay Alshabaab, waxa uuna Alshabaab kaga biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Bakool 2018.

Tuullo la yiraahdo Ugunji oo hoos tagata degmada Jannaale ayaa la keenay kadib markii lagu Qanciyay in uu Naftiisa gooyo isaga oo sii Salfanaya Bulsha aan waxba galabsan.

May 2020 ayaa ugu dambayn loo keenay Jaakada iyo Boorsada uu wada Isticmaali lahaa si’uu isugu Qarxiyo, waxaana la tusiyay Sedax badhan oo mid kastaahi laga qarxin karo Jaakadda iyo Boorso wada jira ee Argagaixisada dhawaan Isticmaalkeeda Billowday .

August Bartamaheeda ayay iska soo wareejiyeen Hey’ada Baarista, wixii xilligaasi ka dambeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna hubin ku bilaabay daba galka iyo jiritaanka Eedaha Hey’adaha Amniga Baarista.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah Xasan Cabdullaahi Aadan, waxa ayna Maxkamadda ballamisay 26 bishii Tobnaad Sanadkan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Maxkamadda ayaa billowday dhageysiga Kiiskan, xilliya kala duwan ayaa la isugu soo noqday si’ay Maxkamadda jawaab waafi ah uga hesho sida lagu qabtay qof Naftiisa haligaya oo agab qarxa wata, waxa ay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Ciidamada Cadeeyeen In Eedeysanaha uu isku dayay in uu baxsado laakiin ay agabka iyo Eedeysanahaba ay ka wada dajiyeen Gaari Dadweyne.

Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu  u jeedkiisa ahaa in isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay Xarun ay degan yihiin Ciidamo Dhar Cad ah laakiin tilmaamata Cadeymaha ayaa Muujineyso in u jeedkiisu ahaa Tiyaatarka Qaranka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysanaha loo Naxariisto Maadaama ay Alshabaab kaga Faa’ideysteen Aqoon la’aan iyo Duurka uu duruuf kula noolaa.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumo Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu Rafcaan ku dalban karo muddo 30 Cisha ah xukunka Kadib.

Askari  loogu xukumay Dil kufsi uu gaystay !

Muqdisho “Garsoor”-Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay  degmada Wadajir.

 

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID.

 

Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo dii  waan geliyay qiraalkii ka dhashay  horgeyntiisa Maxkamadeed.

 

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan.

 

Intii ay socotay Maxkamadeynta  Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray.

 

Eedeysanaha oo isna kamid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa markale ku jawaabay in uu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay  inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.

 

Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in ay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.

 

Qareenada u dooday eedeysanaha  ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in Maxkamadda ay siiso fursad ay  kula macaamilaan  ehelka dhibanaha.

 

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.

 

Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Qarax dhajiye la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim ayaa Alshabaab kaga biiray deegaanka  Janaale ee  gobalka Shabeellada Hoose ka hor inta aysan gacan ku haynteeda la wareegin Ciidamada Xoogga Dalka.

Mid ay ehel wadaag yihiin ayaa ku tashkiilay ku biiirista Alshabaab, waxaana la baray Sida gawaarida loogu  Xiro Qaraxyada.

Isku daygiisii ugu horreeyay waxa ay kaga fashilantay degmada Kaaraan, waxaana isku deygiisa labaad isaga oo ku dhajinaya  Gaari hor yiiley Meherad Ganacsi oo ku taal Isgoyska Zoobe ay ku qabteen Ciidamada Amniga ee Ilaalada ka haya Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

25-kii November  sanadkii tegay ayaa lagu soo wareejiyay Xarnta dambi baarista NISA.

Wixii intaas ka dambeeyay NISA ayaa  baaritaan dheer oo la xiriir shaqadeeda ka guduatay, waxa ayna horreenta bishii Sedaxaad Sanadkan ku soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysane Xudeyfa Daa’uud Yuusuf loo gudibiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Baaritaana kale oo uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku go’aaminayo horgeyn Maxkamadeed ayay halkaas ka bilaabeen, waxa ayna ugu dambeyn  ka codsadeen Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf  20-kii June bishii ina dhaaftay.

Shan cisha kadib Maxkamadda ayaa Ogolaatay in loo fariisto  Garmaqalka Eedda ka dhanka ah Xudeyfa, waxa ayna Maxkamadda Ogolaatay 25-kii June Sanadkan.

Dhinacyada dacwadda oo ugu horreeyo Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la siiyay Fursad ay ku soo bandhigi karaan cadeymaha dambi Muujin ee Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida uu qabo hab raaca Sharciga Dacwadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha lagu soo qabtay isaga oo falka gacanta kula jiray Halka Qareenada ay ku dodeen in loo Naxariisto maadama ay tahay shaqadiisii ugu horreysay ee uu ku fashilmay cidina aysan wax ku noqon marka laga reebo bur bur hantiyadeed.

Ugu dambey Maxkamadda ayaa ku Xukuntay 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursada kale oo uu ku dalban karo Rafcaan Muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

 

Maxkamadda Ciidamada ayaa Xukun Dil ah ku riday Liibaan Cabdi Faarax

Muqdisho (Garsoor)- Liibaan ayaa loo haystay dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Maxamed  Daahir Siyaad, dilkaasi oo ka dhacay degmada Hodan 10-kii December 2019.

Kadib dilka  Marxuumka Sedax Xarigle Liibaan Cabdi Faarax waxa uu u baxsaday gobalka Galgaduud.

Warqad cabasha ah oo ay ehelka Marxuumka ku dalbanayaan in Cadaaladda la hor keeno eedeysanah ayay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida u dirsadeen 15-kii December sedax cisha kadib dhimashad Maxmed Daahir Siyaad.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka dalbaday Taliska NISA  qaybta Galmudug in ay sharciga hor keenaan Sedax  Xarigle Xoogga Dalka Liibaan Cabdi Faarax.

5-tii April Sanadkan ayaya Ciidamada Amniga NISA ku wareejiyeen Saldhiga Boliiska Garoonka Aadan Cadde oo markaas laga soo dajiyay eedeysanah, waxaana isla xilligaas baaris dheeraad ah ku sameeyay Laanta Dambi Baarista Boliiska CID.

13-kii May ayay la wareegeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eedeysane Liibaan Faarax Cabdi oo ay Markaas Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo isna isku howlay baaritaano kale oo dheeri ah ayaa ugu dambeyn Maxkamadda weydiistay in la muddeeyo eedda ka dhanka ah Liibaan Cabdi Faarax 13-kii June bishii na dhaaaftay.

15-ka bishii na dhaaftay ayaa loo ballamay Fadhiga Maxkamadda, waxaana dhinacyada dacwadda ee kala ah Xeer Ilaalinta iyo Qareenada eedeysanaha  si siman loo siiyay fursado ay ku soo bandhigi karaan doodaha la xiriira difaaca iyo cadeymaha dambi muujin iyo kuwa bari yeelaya eedeysanaha labadaba.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu isticmaalay awood laga baaqsan karay, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in Marxuumka uu qalad ka galay eedeysanaha laakiin in dacwad uu la tiigsada ay banaantahay balse sabab uu u dilo aanu jirin mar hadii uu yahay military weliba ka wood roon Marxuumkii gaba-gabada u mareysay wax barashada dugsiga sare, sidaas darteed ayuu weydiistay Garsoor in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen.

Qareennada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in Marxuumka uu u gafay marwada Eedeysanaha  oo waddada dhinaceeda meherad yar ku laheyd, sidoo kale Marxuumka ayaa isku dayay in uu diido in uu saldhiga u raaco askariga taasina ay keentay dhimashada Marxuumka oo aan ku tala gal aheyn, sidaas darteed ayay Maxkamadda ka codsadeen in loo Naxariista Liibaan Cabdi Faarax.

Ugu dambeyn Maxkamadd ayaa go’aan ka soo saartay maanta, waxa ayna ku xukuntay Liibaan Cabdi Faarax dil toogasha ah oo ah Magta Marxuum Maxamed Daahir Siyaad, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

 

Xukunka Askari u dilay xoogsade in uu ku beer fasho

Muqdisho (Garsoor)- Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle ayaa loo heystaa dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo  dhaawaca Yaasiin Geedow Xuseen kadib markii ay ka biya diideen in uu ku fasho Beer uu lahaa Eedeysanaha  oo ku taal magaalada Buullo Mareer 31 October sanadkii tegay.

Taliska Ciidanka gaar ahaan Ururuka Lixaad ayaa ku  wareejiyay eedeysanaha Sedaxdii November 2019  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna Xafiska isla xilligaas weydiistay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle garsuge ahaan.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay hubinta sida ay wax uga dhaceen Buullo Mareer, waxa uuna Xafiiska weydiistay in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle 29-kii  January sanadkan.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga kiiskan 27-ka bishii ina dhaaftay, waxa ayna Maxkamadda u ogolaatay Xafiiska Xeer Ilaalinta in ay soo bandhigaan cadeymaha iyo qodobada Sharci oo ay u heysteen Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan kadib jeedinta Maxkamadda.

Xafiiska ayaa ugu horeynba weydiistay Maxkamadda in loo ogolaad dhageysiga Sedax Marag oo uu afar ku yahay Dhibane Yaasiin Geedow Xuseen.Markhaatiyaasha oo ay Maxkamadda mid mid u weydiisay Marag furkooda ayaa si isku mid ah isugu raacay in Eedeysana ay hadda ka hor u shaqeeyeen laakiin uu u  diiday inta ay  ugu lahaayeen xaqa ka xoogsata ahaan, muddo kadib ayuu Eedeysanah ugu yimid iyaga oo ka shaqeysnaya meel aan sidaas uga fogeyn goobta beerta uu ku lahaa Eedeysanaha, waxa uu markale ka dalbaday in ay u shaqeeyaan oo ay u falaan Beertiisa laakiin Xoogsatada ayaa weydiistay in uu u hormariyo khidmada adeega loogu qabanayo, waana taas sababta dhalisay dhimashada Marxuumka iyo dhaawaca mid kamid ah Xoogsatadii.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida  Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ka sheegay Fadhiga Maxkamadda in Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu ula dhaqmay xoogsatada sidii in ay addooma u yihiin oo kale, Damaciisuna ahaa in uu dilo marxuum Xuseen Axmed Cabdulle ita kalane ay ugu shaqeeyaan si qasab ah, sidaas darteedna uu mudan yahay in la dha-dhansiiyo xanuunka Geerida.

Abuukaataha u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu u riday xabadda si’ aysan xoogsatada isugu dhicin maadaama ay ka tira badnaayeen sidaasna ay sababtay dhaawaca Yaasiin iyo dhimashada Xuseen, sidaas darteed uu u codsanayo in loo Naxariisto Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle lagu xukumo dil toogasha ah  oo ah qisaaasta Marxuum  Xuseen Axmed Cabdulle   sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta Fursad 30-cisha oo ku qaadan Rafcaan Xukunka kadib.

 

Yaa loo xukumay ciyaar yahaankii Danaanada loo dilay?

Muqdisho (Garsoor)- Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur ayaa loo heysta dilka Allaha Unaxariiste Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan  oo uu ku dilay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta  kaas oo ku yaal degmada Kaxda sedaxdii January ee sanadkan.

Maalin kadib  ayay ku guuleysteen ciidamada Amniga ee joogo baraha qaybta galbeed in ay ku wareejiyaan Maxamed Cismaan Maxamed Nuur hey’adaha ku shaqada leh sida laanta dambi baarista Boliiska CID.

Hey’adda    dambi baarista boliiska CID  ayaa  ka gudatay waaajibka kaga aadan ee baaris, waxa ayna ku soo wareejisay Gungaarka eedeysanaha  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 12/01/2020, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla  xilligaaasi weydiistay garsoorka in loo gudbiyo eedeysanaha xabsiga dhexe  garsuge ahaan si’ ay u sameeyaan baaris kale oo dheeraad ah.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay baarista sida ay wax uga dhaceen garoonka lagu ciyaaaro kubadda cagta ee ku yaal degmada Cirifka jirta ee Kaxda, waxa ayna bilowgii February codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur.

Labadii bishan ayay Maxkamadda u fariisatay eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur, waxaana ugu horreyn la weydiiyay jiritaanka eedda loo heysto in uu ka jawaabo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dheeraaday sharaxaadda sida ay wax u dhaceen, Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in eedeysane Dable Xoogga Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uusan ka mid aheyn dadka ku ciyaarayay garoon ku yaal degmada Kaxda dhinaca Xoosh balse uu garab siin ugu yimid wiil ay isku heyb yihiin, waxa uu meesha ka saaray Xeer Ilaaliyaha in wax wada xaajood ah dhex maray dhalinyaradii kubadda ciyaareysay iyo eedeysanaha balse si’aan ka fiirsasha laheyn uu ugu riday xabado sababay laba kamid ah in ay galaafteen nolosha Marxuumka.

Abuukaataha u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uu u tagay garoonka si’ uu uga fal celiyo walaalkiis oo ciyaarta ku badda looga saaray awood sheegasho balse markii uu meesha tegay isku deygiisa kala eryidda dhalinyaradii ciyaareysay ay sababtay xabadihii uu riday dhimashada Marxuumka.

Garsoorayaasha  ayaa dhageysiga dhinacyada kadib go’aamiyay in lagu xukumo Maxamed Cismaan Maxamed Nuur dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan   sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta  fursad  30-cisho ah oo   uu ku dalban karo Rafcaan .

Koox ka qaatayaal ah oo lagu xukumay xukunno kala duwan

Muqdisho-Garsoor- Maxamed Cabduqaadir  Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa loo heystaa in ay yihiin koox ka qaatayaal ah oo loola jeedo koox dhac ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Bajaaj, waxa ayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada  iyo Kombiitarrada.

23-kii August Sanadkii tegay ayay weerar furasha ah ku qaadeen Askari ka  tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo xilligaas ka yimid Jaamacad, waxa uuna maareeyay isku daygoodii isaga oo ay u suura gashay in uu dhaawaco mid kamid ah kooxdan ka qaatayaasha halka kuwa kalane ay ka baxsadeen xilligaasi balse mar dambe oo ay dabagal ku sameeyaan hey’adaha Amniga ay soo qabteen Sedaxda eedeysane bishii sagaalaad ee sanadkaas.

Hey’adaha baarista ciidamada amniga ayaa ka gutay waajibaadkooda Baariseed, waxa ayna Xafiiska Xeer ilaalinta ku soo wareejiyeen kiiska Sedaxda eedeysane.

Xafiiska oo ka duulayo waajibkiisa baaris iyo kiisa horgeynta Maxkamadeed ayaa weydiistay Garsoorsayaasha in  eedeysanayaasha loo gudbiyo Xabsiga Dhexe garsug ahaan 25-kii November sanadkii ina dhaafay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la muddeeyo 18-kii  January ee sanadkan dhageysiga dacwad ka dhan ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre,  waxa ayna Maxkamadda ogolaatay dalabka xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sedaxda bishan aynu ku jirno.

Sedaxda eedeysane ayaa mid kastaahi fursad loo siiyay in ay ka jawaabaan eedda ay u jeedisay Maxkamadda oo ay horey u soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada qalabka Sida.

Eedeysanaha koowaad Maxamed Cabbduqaadir Maxamed Cumar Xalane ayaa u sheegay garsoorayaasha in uu bixiyay laba dollar oo mid kamid ah labada eedeysane weydiistay kaasi oo ayaqoon hore ka dhaxeysay balse aysan jirin wax fal dambi ah oo uu kala qeyb qaatay labada eedeysane.

Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame oo ah eedeysannaha labaad, sidoo kalane ahaa eedeysanaha isku dayay in uu dilo Askariga maraya xaafadda  taleex ee degmada Hodan ayaa Maxkamadda u sheegay in  uu jiro shaqsi kale oo isna kamid ah kooxdan oo xilligaasi kula jiray howlaha Burcadnimada ah, waxa uu sheegay in uu ku hubeysnaa Bistoolad Taate ah sidoo kale hadda ka hor  saldhiga degmada Wadajir loogu xiray tuuganim.

Eedeysanaha Sedaxaad Cabdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa ahaa milkiilaha mootada, waxa uuna u dhiibi jiray sida uu qirtay eedeysanaha labaad mana jirin wax kale oo xiriir ah oo ka dhexeeyay marka laga yimaado in ay is fahansayeen sida uu u sheegay Garsoorayaasha.

Xafiiska ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen Sedaxda  eedeysane oo dhaqan ahaa shabahaa kuwa wax dhagra ee ka tirsan Argagixisada.

Qareennada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda weydiistay in la siiyo xurriyadiisa eedeysanaha koowaad oo ay xafiiska xeer ilaalinta ku waayeen wax dambi ah marka laga reebo in uu caawiyay yar saaxiibkiis ah halka labada kale uu codsaday in loo fiiriyo qodobbada dambiga fududeeyo.

Garsoorayaasha oo ka baaran degaya nuxurka dacwada iyo mugga kiiska ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Maxamed Cabduqaadir  Maxamed Cumar la siiyo xurriyadiisa hadii uusan jirin dambi kale halka Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame lagu xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle  Sare xasan Cali Nuur  Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukunsayaasha ayaa heysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaab muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Madixii Baxnaaninta Bukaanada Alshabaab oo la Xukumay

Muqdisho (Garsoor)– Axmed Cali Aybakar ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa kooxda in uu  kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho  oo uu ku lahaa  wakaalad iyo kor joogteyn inta ay dib ugu noqonayaa maleeshyada.

Axmed oo ay ciidamada amniga xogtiisa hayeen ayaa laga soo qabtay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee ku yaallo magaalada Muqdisho, waxaa xilligaas lala qabtay Bukaan  Alshabaab ah  oo uu ku diiwaan geliyay in uu adeer u yahay

July ayay soo qabteen ciidamada Amniga, waxa ayna baaris dheer ku soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 14-kii September, isla xilligaasi waxa uu Garsoorayaasha  Xafiiska  ka  codsaday in la geeyo Eedeysanaha  xabsiga dhexe  garsuge ahaan.

Baaris dheer kadib ayay Codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 12-kii November , waxa ayna Maxkamadda aqbashay 23-kii bishii tagtay.

Ugu horeynba  Maxkamadda ayaa u jeedisay Eedda loo heysto Axmed Cali Aybakar ee ah kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu u qaabilsanaa Alshabaab xanaaneyta bukaannada Alshabaab kuwooda dhaawca ah iyo kuwa qaba xanuunada kale, isagoo u kireyn jiray guryaha iyada oo la isticmaalayo magiciisa wakaaladeed.

Axmed Cali Aybakar ayaa ahaa  shaqsi  ku ii biya agagaarka Qabuuraha Barakaat agabka duugta, waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in saaxiibkiis ay ka wada shaqeyn jireen Waratada  Dharka xilli hore uu ku qanciyay ku biirista Alshabaab, Axmed guryo ayuu u kirayay Bukaanno ay u soo direen Alshabaab, waxa uu geeyay Xaruma Caafimaad oo ku kala yaal degmooyinka Hodan iyo Yaaqshiid, sida uu ka hor sheegay fadhiga Maxkamadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha Cimrigiisa oo kaga faa’ideystay dhagridda dadka, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen da’da uu jiro oo la siman 60-ka.

Maxkamadda ayuu weydiistay in laga qariyo bulshada maadaama uu suurad xumeynayo dadka waayeelka ah ee bulshada nuuc walba ay ku ixtiraamaan da’dooda.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu da’ yahay.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Askari dilay Haweeney ganacsata aheyd

Muqdisho (Garsoor)- Dable Xogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ganacsata aheyd, dilkaas oo ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose 23 May sanadkan.

Eedeysanaha oo muddo baxsad ka ahaa hey’adaha Amniga   ayaa  xafiiska Xeer Ilaalinta  01 August ee Sanadkan  waxa uu weydiistay Garsoorka in la siiyo waaran lagu soo xiri karo Cabdullaahi Cali Cumar oo baxsad ah, waxa ayna xilligaas aqbashay Maxkamadda Codsiga dacwad oogayaasha.

Cabdullaahi Cali  Cumar ayaa soo galay gacanta hey’adaha Amniga 28-kii September ee Sanadkan,  waxaana xilligaas lagu soo wareejiyay xafiiska  Xeer Ilaalinta oo codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo  garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaris dheer kadib codsaday 16-ka bishii tagtay in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Cabdullaahi Cali Cumar,  waxa ayna Maxkamadda  aqbashay dhageysiga dacwadda todobaad kadib.

Maxkamadda ayaa ugu horreynba u jeedisay eedda loo heysto Cabdullaahi Cali Cumar, waxaana  sidoo kale Maxkamadda  ay dhageysatay  Cadeymaha iyo markaatiyaasha Maxkamadda la hor keenay.

Dadka ay dhageysatay Maxkamadda waxaa kamid ah Sarkaalkii u talin jiray Dable Cabdullaahi Cali Cumar, waxa uu Maxkamadda u sheegay in ay Fakad ka gudbiyeen eedeysanah, wixii intaas ka dambeeyane uu dhuumaaleysi ku ahaa waddada xiriirisa Yaaq Biri Weyne, IIdow Jaalle ilaa leego oo uu ka geysan jiray dhac.

Sidoo kale Maxkamadda waxa ay dhageysatay mid kamid ah dhibanayaasha gaadiidka ee Isticmaala waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, waxa uu u sheegay Garsoorayaasha in $300  kaga qaatay Isbaara ahaan eedeysanaha Maxkamadda hor taagan.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha uu ahaa shaqsi caadeystay dhacca dadka, waxa uu u sheegay Maxkamadda in uu  sidoo kale baxsad ka ahaa Ciidamada.

Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ka hadlayay gabagabada Kiiska ayaa sheegay in Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan oo dil bareer ah u geystay Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo aheyd haweeney Ganacsata ah oo aad looga yaqiinay Degmada Wallaweyn ee  gobalka Shabeellada Hoose, waxa uu u sheegay Maxkamadda in eedeysanaha uu u dilay Marxuumadda deyn uu ka qaatay darteed.

Markaatiyaal  afar ah oo ay ku jiraan dad uu dhac u geystay iyo kuwa ka marag kacaya  dilka Marxuumadda ayay dhageysatay Maxkamadda, waxaa sidoo kale Maxkamadda la horkeenay cadeymaha warqadda waaranka Maxkamadda, Cabashooyinka gaadiidleyda iyo warqad uu ka qoray taliyihiisa.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto oo lagu xukumo magta Marxuumada Dhibaay Maleele Maxamed.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in lagu xukumo Dable Cabdullaahi Cali Cumar dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukun waxaa ka furan Rafcaan ku siman 30-Cisho Xukunka kadib.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay askar xabado ku furtay Bajaaj

Muqdisho (Garsoor)- Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa loo heystaa in ay si bareer ah  ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj  mareysay bar kontorool oo ay  ku qornaayeen  07-da bishii  sagaalaad ee Sanadkan.

Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka wada tirsanaa ciidamada Boliiska, waxaana isla xilligii ay geysteen dhaawaca iyo dhimashada la wareegay hey’adaha  baarista.

Hey’adda dambi  baarista Boliiska CID  ayaa ku soo wareejiyay labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa uuna xafiiska  weydiistay Maxkamadda  15-ka bishii  Sagaalaad ee sanadkan in loo dhaa-dhiciyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kadib 16-ka bishii tegtay, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo  loo heysto dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay  agagaarka Isbitaalka  Masaarida ee degmada Hodan.

Shan cisha kadib ayay Maxkamaddu ballamisay dhageysiga dacwadooda.

Maxkamadda ayaa ugu horeynba u jeedisay eedaha loo heysto labada eedeysane, waxaana fursad loo siiyay in ay ka jawaab celiyaan.

Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed oo ka jawaabayay  eedda loo  heysto ee  ah dilka  iyo dhaawaca  ay u geysteen gabdho walaalo ah oo  Bajaaj wada saarnaa ayaa Maxkamadda u sheegay in  ay si wada jir ah xabada u rideen isaga iyo eedeysanaha labaad ee Maxkamadda hor taagan.

 

Dable Boliis Xasan Muuse Warsame oo isna fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiyo eedda ay Maxkamadda u jeedisay ayaa u sheegay Garsoorayaasha in si wada jir ah ay xabada u rideen  iyagoo oo kaga dan leh in ay ku kala fududeeyaan  Jaamka ka jiray Isgoyska Maseerida ee degmada Hodan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo ugu horeynba lahaa hab raacca dacwadda ayaa Maxkamadda weydiistay in la dhageysto markaatiyaal uu ku jiray wadihii gaariga, waxa uu Maxkamadda u cadeeyay in si wada jir ah ay xabada kas ah ugu rideen Bajaajta uu wadaha ka ahaa taasina ay dhalisay In gabdha walaalo ah midna geeriyootay midna dhaawacantay.

Qoryihii dhaawacca ay ku geysteen, warqadaha dhaawacca iyo dhimasha muujinta iyo markaatiyaal kale ayay Maxkamadda dhageysatay.

Xeer ilaaliya ku xigeenka Ciidamada Qalabka Sida Dhamme  Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda u sheegay in labada eedeysane ay ku tala galeen dilka wadaha Mootada balse xabad uu riday Xasan Xuseen Maxamed xabad  uu riday ay sababtay geerida Marxuumad Istar Axmed Cabdulle, halka Xasan Muuse  Warsame uu  dhaawac u geysatay Faadumo Axmed Cabdulle.

Qareenka labada eedeysane ayaa Maxkamadda u sheegay in ay ku wada jireen labada eedeysan howl shaqo oo lagu ogyahay, waxa uuna Maxkamadda weydiistay in magta dhibanayaasha lagu xukumo taliska Boliiska.

 

Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed  ayay Maxkamaddu ku xukuntay diltoogasho oo ah qisaasta Marxuumad Istar Axmed Cabdulle halka  Dable Boliis Xasan Muuse  Warsame  ay Maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ciidan ah iyo  in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle sida uu  u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka waxaa ka furan Rafcaan ku siman Sodon Cisha xukunka kadib.