XUKUNKA YUSUF DUQOW OO BOM F1 – AH TUURAYAY

0
2060
Garsoor (Mogadishu)- Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, waxa uu Argagixisada kaga biiray Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray $70.
Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si’uu uga fuliyo Muqdisho Dilal iyo Qaraxyo.
14 May sanadkan ayaa Yusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.
Waxa uu sahmin ku sameeyay baro koontarool oo ku kala yaala Shiirkole, Warshada Taraqa iyo Sigaarka, Baar Ubax, iyo kan lagu soo qabtay oo ku tuuray Bam F1 ah.

Baaris dheer ka dib Xafiiska xeer ilaalinta maxakamadda ciidamada ayaa codsatay qaadista kiiska Yuusuf waxaana laga aqbalay Labaatan iyo afartii bishii Juun ee sanadkaan.

Habraacyadii Maxkamadeed kedib, Maanta ayaa lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse