Xukunka  Rag loo haysto weerar ka dhacay Xabsiga Dhexe.

Mogadishu (Garsoor)- Weerar loo adeegsaday Bambooyin gacanta iyo Bistoolada ayaa waxa uu ka dhacay August tobankeedii sanadkan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Ilaa 11-Eedeysane oo isugu jiro Ciidamada Asluubta , Xunkusanayaal iyo Garsugayaal ayaa lala xariiryay weerarkaasi, waxa ayna hey’adaha Baarista Ciidamada Amniga iyo Guddi ay u saartay baaridda dhacdadaasi Xukummadda ay ugu dambeyn ku wareejiyeen Gungaarka dhacdada Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo  awood u leh dhaqaajinta Gal-dacwadeedkaas.

Mubarak Ibraahiim Iidle oo horay ugu xukunaa 10 sano oo xabsi Ciidan ah ayaa ahaa Gacanta hore weerarka, waxa uuna Nolosha u aqoonsaday Maxamed Yusuf Toxow iyo Muqtar Cabdullaahi Muuse, sidaas ayuuna kaga baxsaday dhabarka dambe ee Xabsiga.

Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo isaga ahaa dadkii loo xiray lacaga Online ka ah ee Soomaali badan ka gaartay qasaaraha waxa uu ahaa qofka sida gaarka ah Maxaabiista kaga iibiya Qudaarta laakiin mid kamid ah raggi qorsheeyay weerarka uu soo dhex marsiistay Hubkiisa.

Heerar kala duwan oo Maxkamadeed iyo Baaritaanno muddo dheer qaatay Maanta ayay Maxamadda Go’aan ka soo saartay, waxaana lagu kala xukumay

1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan

2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta  oo ay ka wada tirsanaayeen.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo Iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah halka 11- Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta aha ay Maxkamaddu dambi ku weyday, Sida uu nala wadaagay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa  haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Sagaal kamid eedeysanayaasha ayaa ahaa Ciidamada Asluubta ee shaqa lahaa si guud iyo si gaar ah maalintaas ay mashaqada ka dhacday Xabsiga Dhexe, waxaana loo xukumay in ay ka gaabiyeen howshooda hadba heerka xukunka ay u arkeen Garsoorayaasha ay saareen  halka Maxamuud Forex oo isaga lahaa Agab wax lagu qariyay loo xukumay in uu adeegay Shabaabka qorsheeyay weerarka ee baxsadka ah Mubarik iyo raggii kala qayb galay oo intii howlgalka socday  ay toogteen Ciidamada Amniga.

Askari  loogu xukumay Dil kufsi uu gaystay !

Muqdisho “Garsoor”-Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay  degmada Wadajir.

 

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID.

 

Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo dii  waan geliyay qiraalkii ka dhashay  horgeyntiisa Maxkamadeed.

 

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan.

 

Intii ay socotay Maxkamadeynta  Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray.

 

Eedeysanaha oo isna kamid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa markale ku jawaabay in uu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay  inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.

 

Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in ay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.

 

Qareenada u dooday eedeysanaha  ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in Maxkamadda ay siiso fursad ay  kula macaamilaan  ehelka dhibanaha.

 

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.

 

Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Qarax dhajiye la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim ayaa Alshabaab kaga biiray deegaanka  Janaale ee  gobalka Shabeellada Hoose ka hor inta aysan gacan ku haynteeda la wareegin Ciidamada Xoogga Dalka.

Mid ay ehel wadaag yihiin ayaa ku tashkiilay ku biiirista Alshabaab, waxaana la baray Sida gawaarida loogu  Xiro Qaraxyada.

Isku daygiisii ugu horreeyay waxa ay kaga fashilantay degmada Kaaraan, waxaana isku deygiisa labaad isaga oo ku dhajinaya  Gaari hor yiiley Meherad Ganacsi oo ku taal Isgoyska Zoobe ay ku qabteen Ciidamada Amniga ee Ilaalada ka haya Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

25-kii November  sanadkii tegay ayaa lagu soo wareejiyay Xarnta dambi baarista NISA.

Wixii intaas ka dambeeyay NISA ayaa  baaritaan dheer oo la xiriir shaqadeeda ka guduatay, waxa ayna horreenta bishii Sedaxaad Sanadkan ku soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysane Xudeyfa Daa’uud Yuusuf loo gudibiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Baaritaana kale oo uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku go’aaminayo horgeyn Maxkamadeed ayay halkaas ka bilaabeen, waxa ayna ugu dambeyn  ka codsadeen Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf  20-kii June bishii ina dhaaftay.

Shan cisha kadib Maxkamadda ayaa Ogolaatay in loo fariisto  Garmaqalka Eedda ka dhanka ah Xudeyfa, waxa ayna Maxkamadda Ogolaatay 25-kii June Sanadkan.

Dhinacyada dacwadda oo ugu horreeyo Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la siiyay Fursad ay ku soo bandhigi karaan cadeymaha dambi Muujin ee Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida uu qabo hab raaca Sharciga Dacwadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha lagu soo qabtay isaga oo falka gacanta kula jiray Halka Qareenada ay ku dodeen in loo Naxariisto maadama ay tahay shaqadiisii ugu horreysay ee uu ku fashilmay cidina aysan wax ku noqon marka laga reebo bur bur hantiyadeed.

Ugu dambey Maxkamadda ayaa ku Xukuntay 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursada kale oo uu ku dalban karo Rafcaan Muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

 

Maxkamadda Ciidamada ayaa Xukun Dil ah ku riday Liibaan Cabdi Faarax

Muqdisho (Garsoor)- Liibaan ayaa loo haystay dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Maxamed  Daahir Siyaad, dilkaasi oo ka dhacay degmada Hodan 10-kii December 2019.

Kadib dilka  Marxuumka Sedax Xarigle Liibaan Cabdi Faarax waxa uu u baxsaday gobalka Galgaduud.

Warqad cabasha ah oo ay ehelka Marxuumka ku dalbanayaan in Cadaaladda la hor keeno eedeysanah ayay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida u dirsadeen 15-kii December sedax cisha kadib dhimashad Maxmed Daahir Siyaad.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka dalbaday Taliska NISA  qaybta Galmudug in ay sharciga hor keenaan Sedax  Xarigle Xoogga Dalka Liibaan Cabdi Faarax.

5-tii April Sanadkan ayaya Ciidamada Amniga NISA ku wareejiyeen Saldhiga Boliiska Garoonka Aadan Cadde oo markaas laga soo dajiyay eedeysanah, waxaana isla xilligaas baaris dheeraad ah ku sameeyay Laanta Dambi Baarista Boliiska CID.

13-kii May ayay la wareegeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eedeysane Liibaan Faarax Cabdi oo ay Markaas Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo isna isku howlay baaritaano kale oo dheeri ah ayaa ugu dambeyn Maxkamadda weydiistay in la muddeeyo eedda ka dhanka ah Liibaan Cabdi Faarax 13-kii June bishii na dhaaaftay.

15-ka bishii na dhaaftay ayaa loo ballamay Fadhiga Maxkamadda, waxaana dhinacyada dacwadda ee kala ah Xeer Ilaalinta iyo Qareenada eedeysanaha  si siman loo siiyay fursado ay ku soo bandhigi karaan doodaha la xiriira difaaca iyo cadeymaha dambi muujin iyo kuwa bari yeelaya eedeysanaha labadaba.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu isticmaalay awood laga baaqsan karay, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in Marxuumka uu qalad ka galay eedeysanaha laakiin in dacwad uu la tiigsada ay banaantahay balse sabab uu u dilo aanu jirin mar hadii uu yahay military weliba ka wood roon Marxuumkii gaba-gabada u mareysay wax barashada dugsiga sare, sidaas darteed ayuu weydiistay Garsoor in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen.

Qareennada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in Marxuumka uu u gafay marwada Eedeysanaha  oo waddada dhinaceeda meherad yar ku laheyd, sidoo kale Marxuumka ayaa isku dayay in uu diido in uu saldhiga u raaco askariga taasina ay keentay dhimashada Marxuumka oo aan ku tala gal aheyn, sidaas darteed ayay Maxkamadda ka codsadeen in loo Naxariista Liibaan Cabdi Faarax.

Ugu dambeyn Maxkamadd ayaa go’aan ka soo saartay maanta, waxa ayna ku xukuntay Liibaan Cabdi Faarax dil toogasha ah oo ah Magta Marxuum Maxamed Daahir Siyaad, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

 

Xukunka Askari u dilay xoogsade in uu ku beer fasho

Muqdisho (Garsoor)- Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle ayaa loo heystaa dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo  dhaawaca Yaasiin Geedow Xuseen kadib markii ay ka biya diideen in uu ku fasho Beer uu lahaa Eedeysanaha  oo ku taal magaalada Buullo Mareer 31 October sanadkii tegay.

Taliska Ciidanka gaar ahaan Ururuka Lixaad ayaa ku  wareejiyay eedeysanaha Sedaxdii November 2019  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna Xafiska isla xilligaas weydiistay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle garsuge ahaan.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay hubinta sida ay wax uga dhaceen Buullo Mareer, waxa uuna Xafiiska weydiistay in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle 29-kii  January sanadkan.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga kiiskan 27-ka bishii ina dhaaftay, waxa ayna Maxkamadda u ogolaatay Xafiiska Xeer Ilaalinta in ay soo bandhigaan cadeymaha iyo qodobada Sharci oo ay u heysteen Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan kadib jeedinta Maxkamadda.

Xafiiska ayaa ugu horeynba weydiistay Maxkamadda in loo ogolaad dhageysiga Sedax Marag oo uu afar ku yahay Dhibane Yaasiin Geedow Xuseen.Markhaatiyaasha oo ay Maxkamadda mid mid u weydiisay Marag furkooda ayaa si isku mid ah isugu raacay in Eedeysana ay hadda ka hor u shaqeeyeen laakiin uu u  diiday inta ay  ugu lahaayeen xaqa ka xoogsata ahaan, muddo kadib ayuu Eedeysanah ugu yimid iyaga oo ka shaqeysnaya meel aan sidaas uga fogeyn goobta beerta uu ku lahaa Eedeysanaha, waxa uu markale ka dalbaday in ay u shaqeeyaan oo ay u falaan Beertiisa laakiin Xoogsatada ayaa weydiistay in uu u hormariyo khidmada adeega loogu qabanayo, waana taas sababta dhalisay dhimashada Marxuumka iyo dhaawaca mid kamid ah Xoogsatadii.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida  Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ka sheegay Fadhiga Maxkamadda in Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu ula dhaqmay xoogsatada sidii in ay addooma u yihiin oo kale, Damaciisuna ahaa in uu dilo marxuum Xuseen Axmed Cabdulle ita kalane ay ugu shaqeeyaan si qasab ah, sidaas darteedna uu mudan yahay in la dha-dhansiiyo xanuunka Geerida.

Abuukaataha u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu u riday xabadda si’ aysan xoogsatada isugu dhicin maadaama ay ka tira badnaayeen sidaasna ay sababtay dhaawaca Yaasiin iyo dhimashada Xuseen, sidaas darteed uu u codsanayo in loo Naxariisto Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle lagu xukumo dil toogasha ah  oo ah qisaaasta Marxuum  Xuseen Axmed Cabdulle   sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta Fursad 30-cisha oo ku qaadan Rafcaan Xukunka kadib.

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Horjoogayaal iyo Wariye Alshabaab ah

Muqdisho (Garsoor)- Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi  ayaa loo  heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah maleeshiyada Alshabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Eedeysanaha koowaad ayaa ahaa  horjoogaha tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha xagga Uruurinta baadda ay ka qaataan dadka deegaanka.

Cabbduqaadir oo magiciisa afgarashadu yahay Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay  degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir  sideedii October sanadkii ina dhaaafay halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid  laga soo qabtay  xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii  September Sanadkii hore.

Xafiiska Xeer Ilaalinta  ayaa Shantii November codsaday in labada eedeysane loo dhaa dhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaann, waxa ayna markale baaritaan dheer kadib codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-ka January sanadkan.

Horaantii February ayay Maxkamadda u fariisatay dhageyisga dacwadda labada eedeysane.

Cabduqaadir iyo Saciid  ayaa ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay labadooda hoos tegi jireen Dakhare oo isna  dhuumaaleysi ka ah gacmaha sharciga.

Ibraahim Aadan Dakhare ayaa ah horjoogaha tobanka tuullo  ee kala ah Yunbis, Buulle-kulan, Bangaleey, Baladul-Amiin, Moor-diinle, Sabiid, Mareerey, Gaalle-wer, Cumar-beerre iyo Sagaalaad, waxa ayna labada xukunsane ahaayeen kuwa ku xigeen iyo wakiil uga ah Tuullada Mareerey.

Maxkamadda ayaa wada tashi  dheer kadib go’aan ka soo saartay labada shaqsi ee kala ah Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi   waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute.

Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisu afgarashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabtay degmada Howlwadaag ee        gobalka Banaadir 28  August sanadkii ina dhaafay.

Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu si gaar ah ugu  ahaa wakiil wareed  mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Alshabaab.

Xafiiska xeer  ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada weydiistay in eedeysanaha loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan 10-kii December sanadkii tegay.

Baaris kale ayuu isku howlay xafiiaska  xeer ilaalinta Ciidamada oo leh awoodda horgeynta Maxkamadda eedeysanaha marka ay u arkaan in ay  jiraan eedo mudan in Maxkamad lala tiigsado eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa 25-kii bishii ina dhaaftay ee sanadkan   ogolaatay soo jeedinta Xafiiska Xeer Ilaalinta ee aheyd dhageysiga eedda loo heysto Xasan  luqmaan.

Xasan oo fursad loo siiyay in uu ka hadlo fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in uu ka shaqeyn jiray kaliya ka war bixinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqyada Muqdisho si gaar ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Xafiiska ayaa sidoo kale la wadaagay garsoorayaasha Maxkamadda fariimo maqal iyo qoraal isugu jiro taasi oo muujineysa howshiisa wardoonimo oo uu shirkada kula ahaa kooxda Alshabaab.

Qareenka eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo fududeeyo xukunka maadaama uu eedeysanaha kaliya ku sinaa sii deynta dhacda maalmeedka suuqa sida isagaba uu qirtay

Garsoorayaasha ayaa iyagane ugu dambeynta go’aan ka soo saaray waxaana lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu  la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo  ay ku  dalban karaan Rafcaan.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Askari dilay Haweeney ganacsata aheyd

Muqdisho (Garsoor)- Dable Xogga Dalka Cabdullaahi Cali Cumar ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo ganacsata aheyd, dilkaas oo ka dhacay degmada Wallaweyn ee gobalka Shabeellada Hoose 23 May sanadkan.

Eedeysanaha oo muddo baxsad ka ahaa hey’adaha Amniga   ayaa  xafiiska Xeer Ilaalinta  01 August ee Sanadkan  waxa uu weydiistay Garsoorka in la siiyo waaran lagu soo xiri karo Cabdullaahi Cali Cumar oo baxsad ah, waxa ayna xilligaas aqbashay Maxkamadda Codsiga dacwad oogayaasha.

Cabdullaahi Cali  Cumar ayaa soo galay gacanta hey’adaha Amniga 28-kii September ee Sanadkan,  waxaana xilligaas lagu soo wareejiyay xafiiska  Xeer Ilaalinta oo codsaday in xabsiga dhexe loo taxaabo  garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaris dheer kadib codsaday 16-ka bishii tagtay in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Cabdullaahi Cali Cumar,  waxa ayna Maxkamadda  aqbashay dhageysiga dacwadda todobaad kadib.

Maxkamadda ayaa ugu horreynba u jeedisay eedda loo heysto Cabdullaahi Cali Cumar, waxaana  sidoo kale Maxkamadda  ay dhageysatay  Cadeymaha iyo markaatiyaasha Maxkamadda la hor keenay.

Dadka ay dhageysatay Maxkamadda waxaa kamid ah Sarkaalkii u talin jiray Dable Cabdullaahi Cali Cumar, waxa uu Maxkamadda u sheegay in ay Fakad ka gudbiyeen eedeysanah, wixii intaas ka dambeeyane uu dhuumaaleysi ku ahaa waddada xiriirisa Yaaq Biri Weyne, IIdow Jaalle ilaa leego oo uu ka geysan jiray dhac.

Sidoo kale Maxkamadda waxa ay dhageysatay mid kamid ah dhibanayaasha gaadiidka ee Isticmaala waddada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, waxa uu u sheegay Garsoorayaasha in $300  kaga qaatay Isbaara ahaan eedeysanaha Maxkamadda hor taagan.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa Maxkamadda u sheegay in eedeysanaha uu ahaa shaqsi caadeystay dhacca dadka, waxa uu u sheegay Maxkamadda in uu  sidoo kale baxsad ka ahaa Ciidamada.

Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ka hadlayay gabagabada Kiiska ayaa sheegay in Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan oo dil bareer ah u geystay Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed oo aheyd haweeney Ganacsata ah oo aad looga yaqiinay Degmada Wallaweyn ee  gobalka Shabeellada Hoose, waxa uu u sheegay Maxkamadda in eedeysanaha uu u dilay Marxuumadda deyn uu ka qaatay darteed.

Markaatiyaal  afar ah oo ay ku jiraan dad uu dhac u geystay iyo kuwa ka marag kacaya  dilka Marxuumadda ayay dhageysatay Maxkamadda, waxaa sidoo kale Maxkamadda la horkeenay cadeymaha warqadda waaranka Maxkamadda, Cabashooyinka gaadiidleyda iyo warqad uu ka qoray taliyihiisa.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo naxariisto oo lagu xukumo magta Marxuumada Dhibaay Maleele Maxamed.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in lagu xukumo Dable Cabdullaahi Cali Cumar dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Dhibaay Maleele Maxamed sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukun waxaa ka furan Rafcaan ku siman 30-Cisho Xukunka kadib.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay askar xabado ku furtay Bajaaj

Muqdisho (Garsoor)- Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa loo heystaa in ay si bareer ah  ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj  mareysay bar kontorool oo ay  ku qornaayeen  07-da bishii  sagaalaad ee Sanadkan.

Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka wada tirsanaa ciidamada Boliiska, waxaana isla xilligii ay geysteen dhaawaca iyo dhimashada la wareegay hey’adaha  baarista.

Hey’adda dambi  baarista Boliiska CID  ayaa ku soo wareejiyay labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa uuna xafiiska  weydiistay Maxkamadda  15-ka bishii  Sagaalaad ee sanadkan in loo dhaa-dhiciyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kadib 16-ka bishii tegtay, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo  loo heysto dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay  agagaarka Isbitaalka  Masaarida ee degmada Hodan.

Shan cisha kadib ayay Maxkamaddu ballamisay dhageysiga dacwadooda.

Maxkamadda ayaa ugu horeynba u jeedisay eedaha loo heysto labada eedeysane, waxaana fursad loo siiyay in ay ka jawaab celiyaan.

Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed oo ka jawaabayay  eedda loo  heysto ee  ah dilka  iyo dhaawaca  ay u geysteen gabdho walaalo ah oo  Bajaaj wada saarnaa ayaa Maxkamadda u sheegay in  ay si wada jir ah xabada u rideen isaga iyo eedeysanaha labaad ee Maxkamadda hor taagan.

 

Dable Boliis Xasan Muuse Warsame oo isna fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiyo eedda ay Maxkamadda u jeedisay ayaa u sheegay Garsoorayaasha in si wada jir ah ay xabada u rideen  iyagoo oo kaga dan leh in ay ku kala fududeeyaan  Jaamka ka jiray Isgoyska Maseerida ee degmada Hodan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo ugu horeynba lahaa hab raacca dacwadda ayaa Maxkamadda weydiistay in la dhageysto markaatiyaal uu ku jiray wadihii gaariga, waxa uu Maxkamadda u cadeeyay in si wada jir ah ay xabada kas ah ugu rideen Bajaajta uu wadaha ka ahaa taasina ay dhalisay In gabdha walaalo ah midna geeriyootay midna dhaawacantay.

Qoryihii dhaawacca ay ku geysteen, warqadaha dhaawacca iyo dhimasha muujinta iyo markaatiyaal kale ayay Maxkamadda dhageysatay.

Xeer ilaaliya ku xigeenka Ciidamada Qalabka Sida Dhamme  Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda u sheegay in labada eedeysane ay ku tala galeen dilka wadaha Mootada balse xabad uu riday Xasan Xuseen Maxamed xabad  uu riday ay sababtay geerida Marxuumad Istar Axmed Cabdulle, halka Xasan Muuse  Warsame uu  dhaawac u geysatay Faadumo Axmed Cabdulle.

Qareenka labada eedeysane ayaa Maxkamadda u sheegay in ay ku wada jireen labada eedeysan howl shaqo oo lagu ogyahay, waxa uuna Maxkamadda weydiistay in magta dhibanayaasha lagu xukumo taliska Boliiska.

 

Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed  ayay Maxkamaddu ku xukuntay diltoogasho oo ah qisaasta Marxuumad Istar Axmed Cabdulle halka  Dable Boliis Xasan Muuse  Warsame  ay Maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ciidan ah iyo  in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle sida uu  u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka waxaa ka furan Rafcaan ku siman Sodon Cisha xukunka kadib.

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday sagaal Shabaab ah oo ay mid haween tahay

Muqdisho (Garsoor)– Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), CabdiShakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar ayaa dhammaantood loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan qeyb ay ula baxeen Amniyaadka oo ay ula jeedaan kuwa dadka gaadmada ku dila ee sida gaarka ah kaga howlgala magaalada Muqdisho.

Dhammaan eedeysanayaasha ayaa soo galay gacanta ciidamada amniga 14/03/2019.

08/07/2019 ayaa loo diray xabsiga dhexe kadib markey codsaden xafiiska xeer ilaalinta in xabsiga dhexe lagu haaayo garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay barista Shabakadan u qaabilsaneyd Alshabaab deegnnada cirifka jire ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada weydiisteen dhageysiga dacwadda 06/10/2019 xilligaas oo ay garsoorayaasha go’aamiyeen in uu dhaco fadhigii ugu horreeyay.

Guddoonka fadhiga dacwadan ayaa ugu horreynba u jeediyay eedeysanayaasha eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana mid kasta fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiya jiritaanka eedda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka sheekeeyay dhammaan eedeysanayaasha xilliyadii kala duwanaa oo ay Alshabaab kusoo qaateen iyo howlaha ay hayeen oo u badnaa tuuridda bambooyinka, Handadaada shacabka degan Bariga Muqdisho iyo daba galka dhaqdhaqaaqyada xarumaha iyo baraha ciidamada ee magaalada dhexdeeda.

Eedeysanaha koowaad Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira) ayaa Alshabaab ku biiray 2017, meela kamid ah Shabeellada Hoose ayuu tababarkiisii ugu horreeyay soo qaatay.

Farxaan Faarax Maxamuud oo ah eedeysanaha labaad ayaa ahaa shaqsi Alshabaab u iibin jiray gawaarida ay u adeegsadaan howlahooda argagixisanimo.

Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ayaa ahaa madaxa wardoonka kooxdan, waxa uu ku biiray Shabaab 2018, dhowr goobo ayuu sahan u ahaa oo siyaaba kala duwan bambooyin loogu tuuray, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in kal hore Bariire u aaday tababar iyo is diiwaan gelinta kooxda, eedeysanaha labaad ayuu sheegay in uu ku tashkiiliyay kooxda.

Saafi Ciise Arwaax 2018 Alshabaab ayay ku biirtay waxa ay aheyd kala gudbiyaha hubka fudud oo ay maleeshiyada Alshabaab ku howl-galaan, waxa ay sheegtay in ay ugu yeertay ku biirista kooxda haweeney ay daris la ahayd oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay, duruufa kala duwan oo ay kamid ahaayeen in laba nin kala tageen ayay ku sheegtay in ay ugu biirtay kooxda, xaafada badan oo cirifyada magaalada jira ayay u kala gudbin jirtay Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada, waxa ay sheegtay Saafi in xiriiriyaha shabakaddan uu ka hagayay banaanka magaalada gaar ahaan Mubaarak.

Yaasiin Maxamed Axmed waxa uu Alshabaab ku biiray 2013, waxa uu katirsanaa jabhadaha dadka ku dhibaateeyo Ceelbuur, waxa uu sheegay in uu isaga tago Alshabaab laakiin CabdiShakuur ayaa uu sheegay in uu u hanjabi jiray.

CabdiShakuur Cali Maxamuud ayaa ku biiray Alshabaab 2016, waxa uu sheegtay in uu qeyb weyn ka qaatay tuurista Bambooyinka, waxa uu sidoo kale sheegay kaalinta eedeysanayaasha kale qaarkood ay ku lahaayeen kooxda ay kawada tirsanyihiin.

Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye ayaa isna Alshabaab ku biiray 2016, lix billod ayuu tabbar ku qaatay Jilib, tababarka ayaa ku saabsanaa Qaraxyada, waxa uu sidoo kale ahaa wardoon kasoo warrama dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Ex, Control Balcad.

Xasan Seekh Cabdullaahi ayaa iska diiday kamid ahaanshiyaha Alshabaab, waxa uusa sheegay in in badan oo kamid ah kuwa la xiran ay is yaqaaneen, halka iyaga laftooda ay ku marag fureen.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa is dul taagay sharraxaad Eeedeysanaha koowaad ee Axmed Cabduqaadir Axmed oo magiciisa Afgarashadu yahay Khadiira, waxa uu maxkamadda u sheegay in uu ahaa Khadiira isku duwaha iyo horjoogaha kooxdan, waxa uu abaabulay weerraro dhowr ah oo isugu jiro bambooyinka gacanta lagu tuuro iyo dilal Fashilmay, halka Saafi Ciise Arwaax ay aheyd xubin firfircoon oo kaga faa’ideysatay ixtiraamka ay haweenka u hayaan hey’adaha Amniga, Maxkamadda ayuu way weydiistay in dhamaan eedaysanayaasha lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada lagu soo eedeeyay.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa iyagana Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanayaasha ay Alshabaab ku biireen hasa ahaate ay isaga soo tageen kooxda, qaarkooda ayay Alshabaab handadaad ku shaqa geliyeen, waxa ay Maxkamadda weydiisteen in loo naxariisto kuwa kale ee mar hore isaga soo tegay Alshabaabna la cafiyo oo xurriyadooda la siiyo.

Garsoorayaasha oo dhageysi kiiskan waqti badan geliyay ayaa ku kala xukumay sagaal eedeysane:- Axmed Cabduqaadir Axmed Xabsi Daa’in, waxa ay sidoo kale Maxkamadda kuwada xukuntay min Shan iyo Toban (15)-sano 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye, halka ay Maxkamadda min Sideed (8)-sano ku kala xukuntay:- 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo 2-Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar.

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku siman 30-cisho ah.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun kasoo saartay Cumar Cabduqaadir….

Muqdisho (Garsoor)- Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal  Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari.

Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa qaatay waqti dheer maadaama xilliga uu dhacca geysanayay ay aheyd xilli dambe oo habeen ah, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta usoo gudubtay Eedda eedeysanaha  20-kii July Sanadkan.

Xilligaaas ayuu Codsaday Xafiiska In loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Xafiiska oo wixii xilligaas ka dambeeyay isku howlay aruurinta Xogta la xiriirta sida ay wax u dhaceen ayaa  ugu dambeyn codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Sedaxda bishii ina dhaaftay ee September.

24-kii September ayaa loo ballamay fadhiga Maxkamadda waxaana ugu horreynba  loo jeediyaya eedeysane Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen eed ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalab Sida, waxaana eedeysanaha la weydiiyay jiritaanka eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa fursad loo siiyaya   soo bandhigidda Cadeymaha la xiriira Qodobada ay kusoo eedeeyeen oo ka koobnaa Dil iyo Dhac.

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor aqriyay Qiraalka eedeysanaha uu ka qoray Garsoorka Ciidamada Qalabka  Sida kaas oo  uu eedeysanaha ku cadeystay in xilliya kala duwan uu  dhac ka geystay degmada  Waabari, waxa ay sidoo kale fadhiga Maxkamadda  xafiiska Xeer Ilaalinta horkeeneen Dhibane uu eedeysanaha ka qaatay Teleefoonkiisa gacanta.

Wax yaaba kale oo ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta waxaa kamid ah intii ay socotay dhageysiga dacwadda laba markaati oo iyagana ka marag kacay in Eedeysanaha uu xabado ku furay Ilaaladii Boliiska iyo dhibanaha taasi oo ugu dambeyn sababtay Geerida Ex. Dalbe Boliis Jamaal  Abuukar Jiinow.

Cadeymaha kale ee la horkeenay Maxkamadda waxaa kamid ah Qorigii uu dhacca ku  geystay oo nuuciisu ahaa AK-47, Sawirka Marxuumka iyo Warqadda dhakhtarka ee cadeynta Dhimashada.

Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Qodobada ay kusoo eedeeyeen maadaama eedeysanaha uu caadeystay dhacca dadweynaha iyo u bareeridda in uu nolosha dhaafiyo mid kamid ah ciidamada loogu tala galay in ay ilaaliyaan xuquuqda Shacabka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in  Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen uu  iska difaacayay xabado ay kusoo rideen Ciidamada Boliiska, Sidoo kale uusan ku tala gelin dilka Marxuumka, waxa ayna Garsoorayaasha weydiisteen in laga qaado diyo.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan kasoo saartay Eedda loo heysto Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur  Xuseen waxa ayna ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Ex Dable Boliis  Jamal Abuukar Jiinow sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku eg 30-cisho xukunka Kadib.