Wasiirka cusub ee Warfaafinta oo maanta soo gaaray Muqdisho

0
650

Muqdisho(Garsoor)–Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle Cusmaan Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah wasiirrada uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey, Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, Eng Yariisoow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Cusub Daahir Maxamuud Geelle ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintii soo dhoweysay,wuxuuna sheegayna in ay sii wadi doonaan horumarinta Warfaafinta, isagoo xusay in 8 sano ka hor xilalkii iyo xaaladahii uu kaga tegay ay aad iyo aad uga sarreeyaan.

“Waxaan jeclahay in marka aan imaado aanan hadlin balse marka aan tagayo inaan hadlo, anoo markaasi wax badan qabtay, waxaan hadda sheegayo waxay noqon karaan oo kaliya balanqaadyo iyo waxyaabo riyo ah”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waxaan ku farax sanahay inaan mar labaad ku soo noqdo Wasaaradda Wafaafinta, waxaana rajeynayaa in wax Dalka iyo dadka anfaca aan sameyno, waxaana idinkula soo noqon daacadnimo iyo waayo aragnimo aan meelo kala ka kasbaday, adinkuna intaasi mid la mid ah aad kasbateen xilliyadaasi, arrimahaasi oo dhan ayaan isku biiri doonnaa”.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa isla maanta kormeeray qaybaha ay ka koobantahay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Qaybaha Warbaahinta sida Radio Muqdisho, TVga Qaranka, Wakaaladda SONNA iyo Wargeyka dalka ayaa ka mid ah goobaha uu booqday Wasiirka, iyadoo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimayaasha waaxyaha ay Warbixin ka siiyeen Wasiirka sida ay u socoto shaqada Warbaahinta iyo guud ahaan shaqada Wasaaradda.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa laga filayaa inuu wax weyn ka qabto howsha baaxadda leh ee ku aadan hormarinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, isagoo hore uga soo noqday Wasiir muddo haatan laga joogo 8 sano.