XUKUNKA ASKARI DILAY NIN QABAY XAASKII AY KALA TAGEEN.

Muqdisho (GARSOOR)-Dable Nisa Tahliil Guure Culusow Caraale oo loo yaqaano “Lagatay” kana ka tirsan Ciidanka Duufaan, ayaa lagu Eedeeyey Dilka Marxuumka Maxamed Maxamuud Axmed, kaas oo qabay Xaas ay kala tageen Eedeysane Tahliil Todobo sano ka hor, una dhashay Shan caruur ah.

Baaris Dheer kadib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Labo iyo tobankii Bishaan November.

Dhageysi kadib, Wadatashi Dheer oo ay yeesheen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaana ugu dambeyn maanta ku xukumay Dable Nisa Tahliil Guure Culusow Caraale “Lagatay” Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Maxamuud Axmed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

XUKUNKA ASKARI TURUFO & DHAC HUBEYSAN GEEYSTAY.

Muqdisho (Garsoor) Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu  Eedeyay inuu geeystay Dhac  hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis & qof ay xigto yihiin.

Axmed Xasan Maxamuud oo ay saaxiibo ahaayeen ayuu Ka tarufeeyay Mooto Nuuca  Fekonta ah, isaggoo u sheegaya inuu u dhiibo Mootada, meel dhowna uu kasoo noqonayo, Balse Dib  looma arkin, waana Sagaalkii Bisha Todobaad ee sanadkaan 2026.

Sidoo kale Xuseen Cali Maxamed oo isna ehel xigto ah ay yihiin ayuu  kala Tagay Taleefan Samsung A12 ah, Waxaana uu ku maray inuu Qof ka kala hadlayo, uuna u soo celinayo.

Waxaa kale oo galkiisa eedda ku jirta inuu lunsaday Qorigii uu ku qornaa, kaasi oo loogu dhiibay inuu ugu adeego dadkiisa.

Baaris Dheer kadib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Sideed iyo labaatanka Bishii Sagaalaad ee sanadkaan 2026.

Dhageysi kadib, Wadatashi Dheer oo ay yeesheen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaana ugu dambeyn maanta ku xukuntay Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf shan sano oo xabsi ciidan ah, Bixinta agabkii uu turufeeyey & sidoo kale Qorigii uu ka lunsaday Ciidanka xoogga dalka.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe Muxumed Maxamed Cumar (Samajecel) oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida.

XUKUN KASOO BAXAY KIISKA GENERAL-KII BOOLISKA EE GURIGIISA LAGU DILAY.

Muqdisho (Garsoor) Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” ayaa loo soo Xiray Dilka Taliyihii hore ee hoggaanka isgaarsiinta iyo Tiknooljiyadda Booliska sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed, kaasi oo gurigiisa lagu dhex dilay labadii bishii Lixaad ee sanadkaan 2026.

Eedeysanaha koowaad Jamaal Xasan Cabdulle, ayaa ahaa ilaaliyaha gaarka ah ee Janaraalka, waana wiilkii uu barbaariyey ilaa uu damiin kaga noqday, kana diiwaan geliyey ciidanka booliska Soomaaliyeed, tababar kadib, ayuuna usoo beddelay hoggaanka isgaarsiinta Booliska oo markaasi Janaraalka uu ka ahaa Taliye hoggaan, labo boqol mushaarka ciidanka ah iyo shan boqol oo gunno ah, ayaana u dhici jirtay eedeysanaha ilaa geerida Taliyaha.

Muran ku saabsan lunsashada qoray AK47 ah oo uu ku qornaa marxuumka, Eedeysanahana uu gacanta ku hayey si ilaaliye ah, ayaa billowday, balse qorigii wuu iibsaday Jamaal, isaggoo lacagtii iibka saartay 1Xbet, taas ayaana keentay in Jamaal lagu war geliyo in uu kusoo laaban guriga isaggoo aan wadin qorigii dowladda laheyd.

Kowdii bishii Lixaad ee Sanadkaan 2026, Jamaal oo aan looga baran in uu kasoo dib dhaco guriga, ayaa xilli dambe soo gurya noqday, waxaana ugu dambeyn uu ku kacay inuu dilo Sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed, kadib seddex baalooto AK47 ah oo uu kaga dhuftay dhabarka dambe iyo gacanta.

Wax caawimaad ah uma fidin marxuumkii soo gacan qabtay, waxaana kasii darneyd inuu tir-tiray dhiigga & raadka cadeymaha, si loo marin habaabiyo baarista, shukumaan iyo garan uu lahaa marxuumka ayuuna u adeegsaday inuu ku masaxo, sidoo kale waxa uu tuuray fooqii rasaasta, waliba banaanka hore ee guriga sida laga arkay CCTV Camera ku xirneyd guriga marxuumka.

Eedeysanaha Labaad Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” Engineer IT Qorbe joog ah isticmaalayna aqoonsiyo & darajo ciidan oo been abuur ah, ayaa isna ahaa saaxiibka Sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed tan iyo 2019, iyaggoo Kuwada joogay saaxiibtinimo salka ku heysa cilmi & farsamo shaqo, xiriirkaas, ayaana gaaray inay wada degaan hal guri.

Mustaf Kaamil ayaa, si gaar ah loogu eedeeyay gacansiin dembi, la shaqeynta eedeysanaha Koowaad Jamaal, Qarin faldembiyeed iyo caawin u fidin la’aan uu dilka kadib gudaha kusii jiray muddo 12 daqiiqo ah, sidoo kalana xaqiijiyey in banaanka uusan qof joogin, isaggoo saraakiishii timidna ku marin habaabiyay warbixin qaldan.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo tobankii Bishaan October 2026.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta oo ay taariikhdu tahay Labo iyo labaatanka Bisha October 2026 kiiskaan waxay kasoo saareen go’aan..

  1. Ex- Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle ayey maxkamadu ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum sarreeye guuto Salaad Maxamed Guuleed.
  2. Mustaf Xuseen Guure “Kaamil” ayaa isna lagu xukumay hal sano oo il ku-heyn amni ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

XUKUNKA ASKARI SAAXIIBKIIS U DILAY CARO UU KA QAADAY TURUB AY WADA CIYAARAYEEN.

Muqdisho (Garsoor) Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Ex Dable Booliska Libaan Nuux Sooc oo ay kawada tirsanaayeen Ciidanka laanta ilaalada canshuuraha Booliska, falkaasi, ayaana ka dhacay degmadda Xamar jajab, taariikhdu markii ay aheyd labo iyo tobankii bishii todobaad ee Sanadkaan 2026.

Eedeysanaha ayaa ka carooday in loo diiday Turub ay askartu dheelayeen, madaama loo arkay in uusan wax aqoon ah u laheyn Ciyaarta, waxaana uu doontay  Qori AK-47 ah, si xoog uu ugu Ciyaaro, marxuumka ayaana isna ku adkeystay go’aanka Diidmada Turubka uu isagu lahaa.

Intaasi kadib Eedeysane Nuur, ayaa aflagaado iyo xabado tiro beel ah is daba dhigay, isaggoo adeegsanaya Qori Ak-47 ah, taasi oo keentay geerida Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamadda qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Kowdii Bishaan October 2026.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Ex Dable Booliska Liibaan Nuux Sooc.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

XUKUNKA ASKARI DILAY MUWAADIN FARYAAMO AHAA.

Muqdisho (Garsoor) Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu Naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo ahaa Muwaadin Ku Shaqeysta Xirfadda Dhismaha Guryaha ee Faryaamo, kaasi oo Xilliga la dilayo saarnaa Mooto Bajaaj isaga u Kireysneyd, si uu u gaaro Hoygiisa, Maadaama ay aheyd Xilli galab ah oo uu kasoo baxay shaqadiisa.

Eedeysane Soddon oo Waddada Xaafadda Iga-daba-geey ee Degmadda Garsabaaleey u taagan Mooto uu raaco, ayaa Joojiyey Bajaajtii uu saarnaa Marxuumka, Qaab u eg Awood Sheegasho, ayuuna ula hadlay, si loo sii qaado, balse waxaa loo sheegay inaysan qaadi karin, Maadaama isku jiho aysan u socon, Jawaabta Eedeysanaha, ayaana noqotay inuu hakiyo Bajaajta, kadibna ku handado inuu ka shakiyey oo ay tahay in la hubiyo, Waxaana Muran kadib uu riday Labo Baalooto oo Mid dhulka ku dhacday, Tan Kalana Caloosha Ka haleeshay Marxuumka oo Kireystihii Mootada ah, Isla goobtaasi ayuuna ku geeriyooday, Falkaan, ayaana dhacay Lix iyo Labaatankii Bishii Todobaad ee Sanadkaan 2026.

Eedeysanaha oo isku dayey inuu baxsado, ayaa ku dhuuntay geedka Soomaalida ay u taqaano Cali garoobka oo ku yaalla meel aan ka foggeyn goobta falka uu ka dhacay, Balse dad shacab, ayaa ciidamada ammaanka u tilmaamay halka uu ku jiro, sidaas ayeyna ku suurta gashay in la qabto.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, Waxaana laga oggolaaday Lix iyo Tobankii Bishaan September.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ex-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim “Soddon” Dil Toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.