Xukunka Argagaxiso Masjid ka dhaxtuuri Rabay Bom F1.

0
1

Garsoor – (Mogadishu)-  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Maankeey), ayaa iska Diwaan Geliyay Safka argagixisada, isaggoo qaatay tababaro kala duwan oo lagu barayay adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan,  kagana sii gudbay Qeybta Jabhadaha ku dhuumaaleysta goholka Shabeellaha Hoose.

Soddon Dollar  oo mushaar ahaan uu u  qaadan jiray, ayaa isku beddeshay Afartan Dollar, Waxaana loo soo wareejiyey magaaladda Muqdisho.

Xoogsade dhismaha guryaha ka shaqeeya ayuu gabbaad ka dhigtay, waxaana ka hoos socday indho indheyn uu ku soo sameyn jiray baraha hubinta Ciidamada Amniga.

Labaatan iyo labadii bishii maarso ee sanadkaan, ayaa lagu soo qabtay isaggoo isku dayey Xilli Ramadaan ah in uu Bam F1 ah ka dhex tuuro Masjidka Dabaqa ah ee Xaaji Bashiir oo ku yaalla Degmadda Deyniile, Mid ka mid ah Jameecada Masjidka ayaa gacanta ula tagay Dhagarqabaha, kuna simay laamaha amniga.

Ibraahin Isaaq Aadan Cali (Dawiil) waxa uu 2018 ka mid noqday argagixisada, Waxaana uu Tabbar hal bil ah u qaatay isticmaalka Hubka noocyadiisa kala duwan.

Si la mid ah Eedeysanaha koowaad Jabhad ku dhuumaaleysata Shabeellaha hoose qeybo ayuu kamid ahaa, isaggoo la galay dagaalo lala galay ciidanka Xoogga dalka.

Mar danbe ayaana loo soo beddelay kooxda dilalka gaadmada ah ka fulisa caasimada, Bakaaro ayeyna Khawaarijta uga Camireen miis Gabbaad ah uu ku iibinayay Ookiyaalaha Xaragada iyo Saacadaha, Mushaar Ahaana waxa uu u qaadan jiray 30 Dollar bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Kow iyo Labaatankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Maankeey) Toban Sano oo  Xabsi Argagaxiso ah, halka Ibraahin Isaaq Aadan Cali (Dawiil)  isna lagu xukumay Lix Sano oo xabsi Argagaxiso ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.