Beledweyn (Garsoor)- Lixda eedeysane ayaa soo abaabulay weerar ay dad shacab ku dhinteen 28-ka bishii tegtay iyagoo gacan siinayay Mahad Xuseen Shiidow oo maalin ka hor wada bajaajle ku dilay degmada Beledweyn ee gobalka Hiiraan.
Khubarro baarayaal ah oo Muqdisho kaga yimid dhacdadan, wakiilna ka ahaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa iyana sii baaray dhacdadan, waxa ayna baaristooda ku ogaadeen kaalimihii ay kulahaayeen wixii dhacay eedaysanayaasha loo soo xiray dacwada iyagoo khubaradu u gudbiyay gabagabada baaristooda xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa u gudbiyay maxkamadda eedda ka dhanka ah lixda eedaysane iyagoo soo bandhigay cadaymo laga qoray eedeysanayaasha, wuxuu sidoo kale Maxkamadda horgeeyay xafiiska xeer ilaalinta Markaatiyaal deegaanka ah ee goobjoogga u ahaa dhacdada ay ku dhinteen Laba ruux midna uu ku dhaawacmay.
Maxkamadda oo ka duuleysa arrimahaasi ayaa ugu dambeyn go’aan kasoo saartay Lixda eedeysane oo mid maqan yahay.
Cabdisamad Maxamed Cusmaan (Af-dheere) oo ka tirsanaa guutada Shanaad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayay Maxkamaddu ku heshay in uu ahaa shaqsiga dilka geystay waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha halka Aadan cali cilmi, Burhaan yusuf nuur, Cabdifitaax bedel qoofiyow iyo Maxamed cali cilmi ay kuwada xukuntay Min Shan (5)-sano oo Xabsi Ciidan ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in xabsiga laga sii daayo Maxamed yuusuf tifow hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu u sheegay Warbaahinta Dowladda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.