Xukunka Qayb kamid ah Laamaha Maamul ee degmada Hodan oo Argagixisanimo …….

Garsoor – (Mogadishu)-     1- Cabdiraxiin Maxamed Cusmaan Jimcaale (Macruuf) Ayaa u qaabilsanaa Khawaarijta Gudbinta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha ka shaqeeya Degmooyinka kala ah, Dayniile, Yaaqshiid, Hilwaa, Hodan, Howl-wadaag. Macruuf ayaa Afar iyo tobankii bishii Jun ee sanadkaan Hay’adda Nabad Sugida ka soo qabatay suuqa weyn ee Bakaaraha. Computerkiis ayaa laga helay liiska xogta iyo taleefanada Shariif Nuur Awliyo iyo Cabdi Cali Tabliiq iyo Xubno kale oo Maqanayaal ah oo uu horjooge u ahaa, Maanta aye Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamadda ku xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

2- Shariif Nuur Cali Aadan Ayaanle (Shariif Owliyoo) oo ahaa gudoomiyaha waaxda October ee Dagmada Hodan ayaa loo soo xiray u gudbinta Khawaarijta Macluumaadka iyo Xogaha Xubnaha Dowladda ee ka shaqeeya Degmada Hodan. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Jabriil Cabdullahi Cali Cadoow (Sheekha) ayaa isna Khawaarijta u qaabilsanaa Qeybta Faafinta Fikirada guracan ee kooxda, waxa uuna tababar ku saabsan Jabhadaha ku soo qaatay Saakow, waxa uuna ka mid ahaa basaasiinta maleeshiyada ku dhuumaaleysata Muqdisha, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Cabdi Cali Cibaar Wardheere (Tabliiq) ayaa uqaabilsanaa Khawaarijta Qeybta Soo gudbinta Macluumaadka Deegaanka Daarusalaam iyo Carafaad, isagoo u gudbin jiray Xogta Qaraxyada ka dhaca Goobahaas. Waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah.

5- Canab Xuseen Cumar Fiidow ayaa Cabdiraxiin ugudbin jirtay xogta Degmada Hodon iyo Xarunta Xisbiga, sidoo kalana ay  ka taageri jirtay Khawaarijta baraha bulshada gaar ahaan Fecbook. Waxa ayna Maxakamadda ku xukuntay Hal sano oo Xabsi ciidan ah.

4 ka mid ah kooxdan ayaa iyagana ay Maxkamadda ku xukuntay Sadax sano oo xabsi ilkuhayn ah.

6- Cawil Jaamac Cabdulle Xiireey.

7- Raxma Cabdishakuur Cali Muumin(Sandheere)

8- Maxamuud Axmed Siyaad Barre(Muruq)

9-Sharma’arke Muuse Ismaaciil Caraale

Halka Asiili Maxamed Dhicisow Faarax iyo Xasan Maxamed Ibraahim (Xasan Kacaan) lagu waayay wax danbi ah ay maxakamadu sii daysay.

– Xukunkan Waxaa la wadaagay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka dilkii ka bilowday danaano…..

Garsoor – (Mogadishu)- Cabdulaahi Cabdi Mustaf ayaa lagu soo eedeeyay dil bareer ah uu u geystay Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali (Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf losoo xiray gacansiin danbi ka dib markuu dilaaga u dhiibay qoriga uu dilka ku geystay.

Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo ka carooday weydiinta Booliska ee warqada fasaxa CID Mooto-Feykoon uu watay ayaa danaano ahaan ugu yeertay walaalkiis Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo ka titsan taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir isla markaana uu u dhiibay qorigii lagu dilay marxuum Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) oo xiligaas ku sugnaa barta gaadiidka lagu hubiyo ee wadada Afisooni Sagaal iyo tobankii bishii December ee 2022.

Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmadda oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf Dil toogasho tasoo ah qisaasta marxuum Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay Shan sano oo xabsi ciidan ah.

Intaasi kadib Qareenada eedeysanayaasha ayaa racfaan u qaatay Maxkamda Sare ee Ciidmadda oo iyana kiiskan mar kale dhageysatay kowdii bishan, ayaa ugu danbeyn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Cabdulaahi Cabdi Mustaf, halka Dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay mar kale Afar sano oo xabsi ciidan ah, Sida uu warbaahinta la wadaagay Janaraal Liibaan CalI Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada.

Dil, Mag, iyo Sanada Xabsiya ah oo ku dhacay Sheegow iyo Maleeshiyadiisa.

Garsoor – (Mogadishu)- Dil, Mag, iyo Sanada Xabsiya ah oo ku dhacay Sheegow iyo Maleeshiyadiisa-

  1. Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed)

Waxa uu ahaa taliyaha kooxda Sheegow ka bar-bar dagaalamaysay, waxa uuna February Sadax iyo Tobankeedii Sanadkan ku dilay Jowhar maxkamad ku taal laba Eedeysane oo xilligaas tabasha kala dhexeysay, waxa ayna kala ahaayeen, Cabdifitaax Cabdullaahi Cali & Maxamed Ismaaciil Xasan, sidaas darteed ayaa loogu xukumay Dil-toogasha ah, waxa uu Sidoo kale qayb ka ahaa weerar ay Ciidamada Amniga kala hor tageen koox uu taliye u ahaa oo Gabaad ka helay Sheegow.

  1. Sheegow Axmed Cali, hor joogaha kooxdii Ciidamada kula dagaalantay Kaawa Godey August sagaal iyo tobankeedii Sanadkan, waxaa si gaar ah fal-celintiisa ugu baxay Sakariye Maxamed Cali oo ka tirsanaa Ciidamada Amniga, waxa uu Sidoo kale dhaawacay Sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir, Sheegow Maxkamadda waxa ay ku xukuntay, Magta marxuumka uu Dilay, Magdhow siinta Dhaawaca uu gaystay iyo 10-sano oo Xabsi Ciidan ah.

18 kamid ah kooxda uu horjoogaha u ahaa Sheegow ayay Maxkamadda ku xukuntay min Lix-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo in ay bixiyaan Magta labada Marxuum Ee kala ah (Cabdi Axmed Shiiraar & Axmed Xasan Axmed), Waxaa Sidoo kale lagu xukumay bixinta xaq siinta lix Askari oo dhaawacantay.

3. Xasan Cali Maxamuud.

4. Saleeban Ahmed Cali Nuur (Baardees).

5. Cabdirisaaq Aadan Cali.

6. Axmed Cabdulle Abuukar.

7. Xuseen Cismaan Xuseen.

8. Maxamed Cabdulkadir Caamir.

9. Xasan Maxamuud Cusmaan.

10. Axmed Maxamed Cabdullahi.

11. Abuukar Cilmi Jeelow.

12. Axmed Abuukar Xaaji.

13. Maxamed Cali Abuukar.

14. Daahir Maxamed Cabdi.

15. Cabdullahi Xasan Aweys.

16. Saciid Cabdullahi Cabdi.

17. Yuusuf Maxamed Aadan.

18. Cabdiraxmaan Ibrahim Xasan.

19. Cali Abuukar Axmed.

20. Cabdiqaadir Maxamed Xasan.

21. Cabdiraxmaan Ibraahim Baashow (Marshaale).  Iyo 22. Maxamed Abuukar Cabdullahi, labadaba waxa ay ahaayeen kuwii dhaca gaystay ee uu ka bilowday Gacan ka hadalka, waxaana loo xeray sadax iyo tobankii August  ee sandkan iyaga oo dhac u gaystay dhibanayaasha kala ah, Xasan Axmed Xasan & Ciise Cali Muuse, waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Shan sano oo xabsi Ciidan ah iyo in loo celiyo Mobile-ladoodii.

Maxamed Cabdi Deeqow(Agaasimaha), waxa uu ahaa maal geliyaha kooxda, waxaana laga helay xeriirka telefoon kiisa ka shaqaynta raadka la qabtay ee ahaa Daabicista Dollarka Madow, waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah.

– Xukunkan Waxaa la wadaagay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukun sanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Vavada bonus code no deposit



Vavada bonus kods bez depozīta piedāvājums



Vavada bonus code no deposit

Iegūstiet maksimālu labumu no tūlītējām izdevībām, ko sniedz tiešsaistes izklaides platformas. Izmantojiet šīs priekšrocības, lai spēlētu bez riska, neieguldot savus līdzekļus. Izpildot dažus vienkāršus soļus, jūs varat piekļūt ekskluzīvām izklaidēm, kas tiks piedāvātas tieši jums.

Ja vēlaties sākt, piekļūstiet platformai, izmantojot vavada login. Reģistrējoties, noteikti pievērsiet uzmanību īpašajiem piedāvājumiem, kas ir pieejami jauniem lietotājiem. Šie stimuli bieži ietver ne tikai bezmaksas griezienus, bet arī citas izdevīgas iespējas, kas padara jūsu pieredzi vēl patīkamāku.

Izmantojiet šīs iespējas, lai paplašinātu savas spēlēšanas iespējas un izstrādātu savas stratēģijas. Dažādas spēles un interaktīvi elementi nodrošina pievilcīgu atmosfēru, kurā ir viegli pavadīt laiku. Izmantojiet dotos labumus, lai veidotu savu spēļu pieredzi, izmantojot visus resursus, kas jums ir pieejami.

Kā iegūt Vavada bonus kodu bez depozīta

Lai iegūtu īpašo piedāvājumu, vispirms ir jādodas uz oficiālo vietni. Meklē sadaļu, kas attiecas uz jauniem lietotājiem vai akcijām. Parasti šajā vietnē ir norādīti visi derīgie kodi un instrukcijas, kā tos izmantot.

Piesakies kontam, aizpildot visus nepieciešamos laukus. Jauniem dalībniekiem var būt prasības, piemēram, jābūt vismaz 18 gadus veciem, lai reģistrētos. Pēc konta izveides noteikti pārbaudi savu e-pastu, jo var tikt nozīmēti papildus soļi, kas nepieciešami, lai aktivizētu piedāvājumu.

Prasības kodu izmantošanai

Rezervēts atkārtoti izpēti noteikumus, kas saistīti ar reklāmas koda izmantošanu. Dažreiz var būt ierobežojumi saistībā ar konkrētām spēlēm vai termiņiem. Uzzini arī par izņemšanas nosacījumiem, jo tie var atšķirties atkarībā no veicināšanas veida.

Apsver arī iespēju seko līdzi sociālajiem tīkliem vai jaunumiem, jo tur var tikt publicētas ekskluzīvas akcijas. Dažādi kanāli var piedāvāt unikālus priekšlikumus, kuru iegūšanai nepieciešams pieteikties.

Ieteikumi un uzlabojumi

Izmanto arī dažādas salīdzināšanas vietnes, kas pārskata dažādas akcijas un piedāvājumus. Tas palīdzēs gūt vēl labāku pārskatu par visiem aktīvajiem piedāvājumiem. Izvērtē vairākas iespējas, lai saprastu, kur ir izdevīgākie nosacījumi.

Pārliecinies, ka vienmēr esi informēts par jaunākajiem piedāvājumiem, kas var mainīties. Regulāri pārbaudi vietni un seko līdzi savām iespējām, lai optimizētu savu pieredzi un gūtu labākos rezultātus.

Nosacījumi un prasības Vavada bonusu izmantošanai

Izpēti pieejamos noteikumus. Pirms piedalīšanās nepieciešams rūpīgi pārskatīt visus nosacījumus attiecībā uz piedāvājumu. Ievēro, ka katram bezmaksas griezienam vai atlaidei var būt konkrēti ierobežojumi, piemēram, minimālais likmes apmērs vai minimālais laika periods, kad bonusu var izmantot.

Parasti ir noteikts, ka ir nepieciešams reģistrēties platformā, lai saņemtu piedāvājumu. Reģistrācija ietver personas datu apstiprināšanu, tādēļ pārliecinies, ka visas sniegtās informācijas ir precīzas un atbilstošas.

Izpildi derīguma termiņu. Ikviens akcijas piedāvājums ir spēkā ierobežotu laika periodu, kas nozīmē, ka piedāvājumus nedrīkst atlikt. Pārbaudi derīguma termiņus, lai izvairītos no nepatīkamām situācijām, kad izmantošana kļūst neiespējama.

Svarīgi ir arī apzināties apgrozījuma prasības. Daudziem akcijas piedāvājumiem ir noteikts, cik reižu jāsasniedz konkrēta summa, pirms var izņemt laimestus. Šīs prasības var būtiski atšķirties, tāpēc iepriekš jāsagatavojas un jāplāno stratēģija.

Pārzini pieejamo spēļu sarakstu. Neviena akcija neattiecas uz visiem spēļu veidiem. Bieži vien ir noteikts, kuru spēļu automātu vai galda spēļu izmantošana ir atļauta, tādēļ pirms izmantošanas izlasiet šo informāciju un plānojiet savas spēles izvēles atbilstoši prasībām.

Populārākās spēles, kurās izmantot bonusus Vavada

Ja meklējat ideālas iespējas, kā izmantot piedāvājumus, pievērsiet uzmanību spēlei “Starburst”. Šī ir viena no populārākajām video aparātu spēlēm, kas piedāvā krāšņu vizuālo noformējumu un vienkāršu spēles mehāniku. Izmantojot bezmaksas griezienus šajā spēlē, varat viegli palielināt savas laimestus.

Spēļu automāti

  • “Gonzo’s Quest” – dinamiska spēle ar unikālu laimēšanas mehāniku.
  • “Dead or Alive 2” – klasiskā savvaļas rietumu tematika ar augstām izmaksām.
  • “Book of Dead” – uz Ēģiptes tēmas balstīta spēle ar lieliskām iespējām laimēt.

Neaizmirstiet par galda spēlēm, piemēram, ruletes variantu. Šeit jūs varat izmantot savus piedāvājumus, ieejot spēlē, kas piedāvā dažādus likmju veidus. Izvēlieties eiropiešu ruleti, jo tai ir zemāka mājas mala, kas palielina uzvaras iespējas.

Kārtis un pokers

  1. “Texas Hold’em” – izvēlieties pokeru, ja vēlaties izaicināt citus spēlētājus.
  2. “Blackjack” – spēlējiet ar labākām izredzēm, izmantojot stratēģiju un piedāvājumus.

Loterijas spēles ir lieliska alternatīva, ja vēlaties riskēt mazāk, bet gūt iespēju uzvarēt. Izmantojamie piedāvājumi šeit var palielināt kopējo ieguldījumu un iespējas laimēt lielu naudas balvu.

Kad runājat par spēļu pasirinkumiem, neaizmirstiet par tiešraidēm, kur varat mijiedarboties ar dīleriem. Šīs spēles piedāvā autentisku kazino pieredzi un iespēju izmantot savus piedāvājumus reālā laikā, padarot girdes vēl aizraujošākas.


Xukunka Dil ka dhashay gaari Dowladeed oo la wada raaci lahaa…..

Garsoor – (Mogadishu)- Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey ayaa lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir oo ay kawada tirsanaayeen Ururka 22aad guutada 23 aad ee Gungaar falkaas oo ka dhacay aargada degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Labaatankii bishii Todobaad ee Sanadkan.

Gacan ka hadal dhax maray kadib eedeysanaha ayaa ka hor istaagay marxuumka in uu raaco gaarigii ay ku wada qornaayeen unugta.

Marxuumka ayaa ku adkeystay in gaariga uu yahay gaari dowladeed uuna raacayo, Eedeysanaha oo ka jawaabaya taalaabadaas ayaa qori AK47 kala soo baxay shirka gaariga kadibna madaxa ayuu xabad kaga dhuftay.

Marxuumka oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta falka uu ka dhacay ayaa ugu danbayn u geeriyooday dhaawicii Labaatan iyo afartii bishii July ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Labaatan iyo kowdii bishii September ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labaatan iyo lixdii bishii September ee sanadkan ku xukuntay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey Dil toogasha ah tasoo ah qisaasta marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir.

Qareenada u doodaayay eedeysanaha ayaa Shan iyo tobankii bishaan qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada afar iyo tobankii bishan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka waayeelkii loo Dilay Dhaxal aan lagu lahayn…..

Garsoor – (Mogadishu)- Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah.

Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen  $17,300 oo dollarka maraykanka ah.

Cali Cumar oo hooyadiis mar qabi jiray marxuumka aabihiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf.

Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka khawaarij uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishii February ee sanadkaan in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Sadaxdii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Raggii lagu helay Dilal ka dhacay Gaalkacyo Dhinacyadeeda…..

Garsoor -(Mogadishu) – Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) Waxa ay ka mid ahaayeen Shabakad ka kooban lix ruux oo dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada ka fulisa Mudug gaar ahaan Gaalkacyo.

Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood).

Halka Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) oo ahaa horjoogihii shabakada isagana lagu soo eedeeyay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed.

Waxa ayna dhamaan dilalkan dhaceen xili marxuumiinta ay kasoo baxeen Masjid Guriga Allah.

Todoba iyo tobankii bishii April ee sanadkan ayee soo galeen gacmaha ciidamada amniga kadib howlgal looga jawaabayay qarax ay la beegsadeen gaari Cabdi Bille ah oo ay lee yiihiin kumaandooska xoogga dalka ee Danab.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii May ee sanadkan ku xukuntay Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) oo dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Labaatan iyo afartii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow), sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka murankii ka bilowday Gaari Dowladeed oo la wada raaci lahaa…..

Garsoor – (Mogadishu)- Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey ayaa lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir oo ay kawada tirsanaayeen Ururka 22aad guutada 23 aad ee Gungaar falkaas oo ka dhacay aargada degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Labaatankii bishii Todobaad ee Sanadkan.

Gacan ka hadal dhax maray kadib eedeysanaha ayaa ka hor istaagay marxuumka in uu raaco gaarigii ay ku wada qornaayeen unugta.

Marxuumka ayaa ku adkeystay in gaariga uu yahay gaari dowladeed uuna raacayo, Eedeysanaha oo ka jawaabaya taalaabadaas ayaa qori AK47 kala soo baxay shirka gaariga kadibna madaxa ayuu xabad kaga dhuftay.

Marxuumka oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta falka uu ka dhacay ayaa ugu danbayn u geeriyooday dhaawicii Labaatan iyo afartii bishii July ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Labaatan iyo kowdii bishaan.

Garsoorka Maxkamdda Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda waqti ku filanna siiyay ayaa ugu danbeyn maanta ku xukumay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey Dil toogasha ah tasoo ah qisaastii marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka Darawalkii lagu Qabtay Bustaha Gabaadka Diyaaradaha…..

Jamaal Yaasiin Xasan Yaasiin ayaa ka ahaa darawal gaari ka shaqeeyo Kismaayo iyo Muqdisho, Waxaa Jilib looga soo dhiibay agabka looga dhuuno Diyaaraha arageeda maalintii iyo habneenkii (Night Vision), agabkaas loo yaqaan Emergency Space Blanket si uu ugeeyo Suuqa Bakaaraha, balse waa laga kor baxay oo looma sheegin cida iyo meesha saxda ah uu geenaayo.

Ciidanka aamniga ayaa ka soo xiray deegaanka Ceelasha Biyaha Sideedii Bishii May ee Sanadkan.

Baaris dheer kadib Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Lix iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Jamaal Yaasiin Xasan Yaasiin 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

Saaxiibbo isla Cabi jiray Xashiishka oo Argagixiso ahaan Loo xukumay……

Garsoor -(Mogadishu)- Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye iyo Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow ayaa loo xiray ka mid ahaanshaha Maleeshiyada Khawaarijta una u qaabilsan aayeen Istidlaaca iyo arbushaada Caasimadda iyagoona fuliyay weeraro ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Aadan Qoslaaye iyo Xassan Baariyoow ayaa ahaa saaxiibbo ku bahoobay balwadda iyo nooc kasta oo maan dooriye ah.

Axmed Xassan jimcaale Nuur Baariyoow Ayaa Maleeshiyada kaga biiray deegaanka Ceelasha Biyaha 2010 waxuuna muddo bil ah tababar la xiriira sahanka iyo jaasuusnimada ku qaatay isla deeganka Ceelsha Biyaha

Axmed Baariyoow ayaa loo wareejiyay kooxda amniyaadka waxa uuna kaga sii bedeshay kooxda qaabilsan kala gudbinya agabka muhiimka u ah kooxda.

Mar kale ayuu sanadii 2012 u bedeshay qeybta istidlaaca ee Muqdisho isagoo adeegsanaaya Magaca Cubayd.

Waxa uu qeyb ka noqday Sahminta dilal iyo weeraro arbushaad ah oo ka dhacay Caasimadda, waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray 50$ bishii.

Aadan Maxamed Maxamuud Qoslaaye Ayaa Maleeshiyada khawaarijta kaga biiray Muqdisho sanadkii 2022 waxaana ku tashkiiliyay Baariyoow oo aay saaxiibbo ahaayeen.

Aadan Qoslaaye isagoo aan wax mushaar iyo tababar ah qaadan ayuu saxiibkii Baariyoow kala shaqeenaayay qeybta Sahminta.

Qoslaaye ayaa ku fogaaday isticmaalka maan dooriyaha noocyadiisa kala duwan xitaa isagoo dhaawac ah kama baaqsan cabista Xashiishka oo ay si wadajir ah u wada cabi jireen saxiibkiis Baariyoow.

Waxa uu sahminyay weerar arbushaad ah oo loo adeegsaday qoriga RBG bar koontarool ee ciidanka amniga ku lahaayeen isgoyska Taleex.

Baariyoow iyo Qoslaaye ayaa laga soo kala qabtay Taleex iyo Suuqa Bakaaraha Laba iyo Tabaatankii bishii December ee 2022.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii a bishii August ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku kala xukuntay. Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow 15 Sano oo Xabsi ciidan ah, halka Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye isna lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.