XUKUNKA MR.TAAKEEYE IYO KOOXDIISII….

Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye) ayaa lagu soo eedeeyey aas-aasida Xisbi ku sheeg uu ugu magacdaray Talo-kunool, kaasi oo faafiyo fikradaha gurracan ee lidka ku ah Diinta, Dalka iyo Dowladnimmada iyo sidoo kale Taageeridda Ficilada foosha xun ee Argagixisada.

Taakeeye, ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya Siddeed iyo labaatankii September 2023.

Waxa uu Baraha Xiriirka dadweynaha ku gudbin jiray fikirkiisa gurracan ee gaaleysiinta ah, isaggoo ku tashkiilin jiray Caamada in ay soo raacaan Xisbigiisa Talo-kunool.

Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa isna kaga biiray kooxda Taakeeye qaab Online-ah, isaggoo Whatsapp-ka ku faafiyey Fariimo lid ku ah Dowladnimmada iyo inuu garab istaag u muujiyay Taakeeye markii gacanta sharciga uu soo galay, isna waxaa la qabtay Siddeed iyo Labaatankii bishii September 2023.

Maxamed Cabdulqaadir Cali Nuur (Sandheere) ayaa isna ka mid ahaa kooxda Taakeeye kaga biirtay Online ka, Waxa uu isku dayey in uu marin habaabiyo laamaha amniga isaga oo sheegtay in uu yahay isa-soo dhiibe Khawaarijta ah, waxaana la xiray Labaatankii bishii December 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Afar iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Seddexda eedeysane, Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye), ayaa lagu xukumay 2 Sano oo il ku hayn ah, halka Ex Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle isna laga saaray ka mid ahaanshiyaha Ciidanka Xoogga.

Sidoo kale Maxkamadda waxa ay sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere).

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Sarkaal Danab ahaa oo loo haystay Falal Argagixisanimo…

Garsoore – (Mogadishu) – Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab iyo Jaajuusida Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Mucaawiye ayaa hoggaamiyay dhowr horimood oo Ciidanka gaarka ah ee Danab kamid ah, isaggoo kaga faa’iideystay in uu xogaha ciidanka iyo howlgalada uu u dusiyo Maleeshiyada, uuna wakiil kaga ahaa Cabdullaahi Cabdi Cumar (Cabdullaahi Hiiraan) iyo Muxudiin Maxamuud Cabdi (Muxudiin Turki).

Waxaa lagu eedeeyey in uu si gaar ah u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad ee uu ku Shahiiday Abaanduullihii Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuurre), sidoo kale waxa uu gudbiyay xogaha difaacyadda ciidanka iyo in aysan hawada ku jirin Diyaaradaha saxiibada Danab (Drones), dagaaladii Budbud, Cali Yabaal, Alkowsar iyo Daaru-nimca.

Waxa uu dhabar jabin ku sameeyay ciidanka, gaar ahaan dagaalkii Budbud ka dib markii uu difaaca ka saaray horintii uu xukumayey.

Sidoo kale waxa uu sahmiyay Saldhigyadda Military ee Beli-doogle iyo Xero Nac-Nac, isaggoo la wadaagay Cabdullahi Hiiraan xogta ciidanka ku jira iyo koolba waardiyaasha xerooyinkaasi.

Mucaawiye Waxa uu adeegsanayey ereyo afgarasho ah oo ay isla yaqaaneen Cabdullahi Hiiraan, ayna ka mid yihiin, Adeer (Saaxibada Danab Mareykanka), Ilmaha Adeer (Speacial Danab), Abaayo (Beli-doogle), Hooyo (Muqdisho), Meeshii hore (Howlgalkii hore) iyo ereyo kale.

Waxa loo adeegsaday soo iibinta Drone, Ookiyaalaha aragga habeenkii (Night Vision) iyo agabyo kale oo ciidan oo aan u suura gelin.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii bishaan, iyaggoo maxkamadda horkeenay cadeymo ku saabsan kiiskaan oo ay ka mid yihiin marag-fur iyo saraakiishii ka sarreysay Mucaawiye oo marqaati ahaan maxkamaddu ay u dhageystay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukuntay, Ex- Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge Toban sano oo xabsi ciidan ah, Waxaana laga xayuubiyey darajada labo xidigle iyo xubinnimada ciidanka xoogga dalka.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute

 

 

Xukunka Dil ka dhashay Muran salka ku haayay Siyaasad…..

Garsoor – (Mogadishu) – Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) ayaa loo soo xiray dil bareer ah uu u geestay Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan Labo iyo Tobankii bishii Augost 2022, falkaas oo ka dhacay maqaayad lagu shaaho ee kutaal isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan.

Muran salka ku haayay Siyaasad oo soo kala dhaxgalay Marxuumka iyo Cabdiraxmaan ayaa gaartay gacan ka hadal uu midi kaga dhuftay Wadnaha iyo Daanka.

Eedesanaha oo baxsad ka ahaa gacmaha sharciga ayaa soo gacan galay Sideed iyo Labaatankii bishii January ee Sanadkan.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Sideed iyo Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo)  Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

Xukunka Axmed Barre Ka yimid Burco Jillibna usocday…

Garsoor-(Mogadishu)- Axmed Barre Maxamuud Guuleed ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshiyaha Khawaarijta Alshabaab, Waxaana Ku biirista Maleeshiyada uu uga yimid Gar-Adag oo ka tirsan Gobalka Sanaag.

Waxaa Ku biirista Khawaarijta ku tashkiiliyay Aadan Yaroow oo ay isla ahaayeen Reer Gar-adag balse jooga Jilib, isagoo u sheegay in uu maalintii mushaar ahaan u qaadan doono lacag dhan Malyan iyo Shan Boqol oo Shilling Soomaali ah (1,500,000Sh Somaali ah), bishiina uu qaadan doono $1,200 Dollar uuna la shaqeyn doono Maleeshiyada.

Waxaa lagu soo xiray Nin ganacsade ah oo Bakhaar bagaashka lagu iibiyo kuleh Burco, laguna magacaabo Axmed, kaas oo soo saaray gawaarida soo aada Buuhoodle.

Waxa uu soo galay Xamar oo kaga sii gudbay Ceelasha Biyaha, Halkaas uu doonaayay inuu ka sii aado Jilib.

Ciidanka Qarsoon ee NISA ayaa ka soo xiray Ceelasha Biyaha, Lix iyo Labaatankii bishii November ee Sanadkii tagay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Axmed Barre Maxamuud Guulled , 5 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka tira maleeshiyaad ah oo ku dhaawacmay dagaallo kala Duwan…..

Garsoor – (Mogadishu) – Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) ayaa lagu soo eedeeyay Kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Khawaarijta gaar ahaan Kuwa duur galka ah.

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow ayaa Maleeshiyada kaga biiray Bakool sandii 2020 isaga oo tababar socday Sadax bilood ku soo qaatay baadiyaha deegaanka Buulla-falaay Degmada Diinsoor iyadoo labaray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii ka dib isaga iyo Boqol iyo Konton kale  ayaa  loo soo wareejiyay gobalka Hiiran, Cabdi Yare ayaa qayb ka ahaa dagaal ciidanka Xooga dalka ay kula galeen Abooreey isaga iyo Toban kalana ay ku dhaawacmeen.

Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey)  ayaa maleeshiyada kaga biiray gobalka Bay, Tababar socday sedax bilood ayuu ku soo qaatay baadiyaha Buulla-Falaay ee degmada Diinsoor waxana la soo baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii kedib isaga iyo 150 Argagixiso ah waxaa loo soo wareejiyay gobalka Hiiran, Cumar Cusmaan ayaa qayb ka ahaa Dagaallo Ciidanka deegaanka ay kula galeen  Afcad iyo Qorfo oo  Hiiraan ah halkaasina uu ku dhaawacmay.

Cali Cabdullahi Cali (Cawil) ayaa maleeshiyada kaga biiray Bakool sandii 2020, waxa uu tababar socday sedax bilood ku soo qaatay Duleedka Bu’aalle halkaas oo lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan.

Tababarkiisii ka dib isaga iyo Boqol Toban iyo Shan Khawaarij ah ayaa loo daabulay Hiiraan, waxa uu qayb ka ahaa Dagaallo lala galay Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka oo ka dhacay Ceel Axmed, Budbud iyo Ceel Hareeri halkaas ayuuna ku dhaawacmay.

Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) ayaa laga soo qabtay iyagoo saaran gaari Layla calaawi ah deeganka CadCadey ee Shabeellada Dhexe,waxa ayana mushaar ahaan u qaadan jireen 60$ bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay, Cabdi Yare Maxamed Caliyoow, Cumar Cusmaan Ibraahim Aadan(Jarbeey) iyo Cali Cabdullahi Cali Ibraahim(Cawil) Min 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xassan Cali Nur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

XUKUNKA DIL KA DHASHAY MURAN GACAN KA HADAL XIGAY.

Garsoor – (Mogadishu) – Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil ayaa loo soo xiray Dil bareer ah uu u gaystay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed dilkaas oo ka dhacay laamiga Xoosh ee degmada Dharkenlay Kow iyo Labaatankii Bishii November ee sanadkii 2023.

Muran isku bedelay gacan ka hadal oo dhaxmaray Marxuumka iyo Taliye unugii ciidanka ilaalada shacabka ee ku qornaa barta koontarool kedib Badri ayaa soo dhexgalay kedibna dilay maxruumka.

Baaris dheer dabadeed Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

Xukunka Kooxdii gaystay Dhimashada iyo Dhaawaca……

Garsoor – (Mogadishu)- Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed, Axmed Ibraahim Axmed, Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud ( Oo Maqane ah), iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) ayaa lagu soo eedeeyay dembiga ah jid gooyo ay ka dhalatay Dhimasho, Dhaawac iyo burbur Hantiyadeed.

Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed iyo Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud (Oo Maqane ah) ayaa loo haystay dembiyada kala ah Dil bareer ah, Dhaawacyo, Qalqal-gelin shacab, Jidgooyo, ka tagis goob shaqo, isku day dhac iyo qasaaro soo gaaray gaari ay ku rasaaseeyeen uuna lahaa Dhibane Aadan Cabdi Cusmaan, Ayna ku dhinteen Marxuumiinta kala ah Cabdullahi Maxamed Gacal iyo Shukri Axmed Weheliye, kuna dhaawacmeen dhibanayaal Guuleed Ibraahim Hiloowle oo 16 jir ah, iyo Kaaho Cabdulle Caddow falkaas oo ka dhacay Xabaal Duub oo ka tirsan tuulada Maxaa Saciid ee hoostagta degmada Cadalle kow iyo labaatankii bishii Augost 2023.

Halka Axmed Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) iyagana loo haysto gacansiin dambi iyo isku day dhac iyaga oo wadayaal ka ahaa Labo Mooto Fekon oo lagu geeyay Arwaax iyo Maxamed Shariif goobtii uu falka ka dhacay.

Arwaax ayaa usoo gacan galay Laamaha Cadaaladda Shan iyo Labaatankii bishii Augost 2023 halka Axmed Ibraahim Axmed uu isna soo gacan galay Sadax iyo Labaatankii bishii November 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Sedax iyo Tobankii bishii January ee Sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku kala xukuntay:

1- Ex Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed iyo Ex Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud(Oo Maqane ah) ayay Maxkamadda kuwada xukuntay Dil toogasho, ahna Qisaasta Marxuumiinta kala ah Cabdullahi Maxamed Gacal iyo Shukri Axmed Weheliye, Sidoo kale in ay wada bixiyaan Magta iyo Qarashaatkii ku baxay dhaawacyada Dhibanayaasha kala ah Kaaho Cabdulle Caddow iyo Guuleed Ibraahim Hiloowle, sidoo kalana ay bixiyaan qarashka gaarigii ay ka burburiyeen Dhibane Aadan Cabdi Cusmaan.

2- Axmed Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) ayaa iyagana lagu Xukumay min 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Jaajuuskii Khawaarijta ee……

Garsoor (Mogadishu)- Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) ayaa lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshaha maleeshiyada Khawaarijta Alshabaab isaga oo u qaabilsanaaa qeybta dhuumaalaysata iyo kooxda basaasiinta.

Maxamed ayaa Maleeshiyada kaga biiray Jilib sanadii 2013 , Maxamed iyo labo kale oo ka baxsaday waalidkood dugsi diidnimo tuulada Gorgoreey ee hoos tagta degmada Saakow ee Jubbada Hoose.

Waxa uu tababar ku soo qaatay Mucaskarka Abu-zubayr oo ku yaal inta u dhaxayso Jilib iyo Bu’aale tababar socday Sadax bilood waxaana lagu baray isticmaalka hubka noocyadiisa kala duwan, ka dib tabarkiisii isaga iyo kooxdii tababarka la qaatay waxaa loo daabulay gobalka Galgaduud gaar ahaan Wabxo iyo Ceelbuur.

Waxa u qeyb ka ahaa 2 jid gal oo lagu sameeyay Ciidanka Ethopia inta udhaxeesa Wabxo iyo Ceelbuur, Waxbo iyo Maxaas.

Sanadii 2018 ayaa loo soo wareejiyay qeybta Basaasida Muqdisha isgoo gabaad ka dhigtay guri uu abtigiis leeyahay kuna yaal Xaafada Saybiyaano degmada Hodan, waxa uuna ka shaqa bilaabay Baqaar lagu iibiyo Mooska oo kuyaaal suuqa Bakaaraha si uu gabaad uga dhigto.

Waxa u jaajuusay Askar iyo dad shacab ahaa oo qaraabo ahaayeen isaga oo xogtooda u gudbiyay horjoogihisii oo joogay Jubada dhexe.

Ciidanka Qarsoon ee NISA ayaa ka soo qabtay Maxamed Beerta Nabadda ee degmada Xamar Jajab Sadax iyo labaatankii bishii November sandii 2023.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Qaadista kiiskan Sadax iyo Tobankii bishii January.

Garsoorka Maxakamda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbayn maanta ku xukuntay Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

Shabakad Markale ay xukuntay Maxkamadda Sare ee Ciidamadda……..

Garsoor (Mogadishu) Maxkamadda Sare ee Ciidamada ayaa mar kale xukunno kala duwan ka soo saartay Koox loo haystay Argagixisanimo, waxa ay kawada shaqeeyeen Dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo Arbushaad ah.

Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkii 2022 Jid mareexaan Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahalanaatay Ciidamada aan Muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.

Kooxdan ayaa ka koobnaa Koox Jugta Culus ah oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, waxa ay sidoo kale lahaayeen Madax Maaliyadeed, Madax Caafimaad, Bajaaj iyo Gaari raaxo.

Qaarkood oo gacmaha dhiig ku leh kuwan kalane ay ku jireen Gurya qarsoon oo ay kooxdu ku lahayd Muqdisho Sida Gubta, Xaawa Cabdi, OOd-weyne, Alxayaat-Ceelasha, Ciise-Cabdi iyo Cali-Turcaaye ayay ciidamada amniga soo qabteen.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiisaskan, Toban iyo Todobadii Decmber Sanadii 2022 iyo Kowdii bishii July Sanadii 2023.

Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ayaa cod saday Racfaan iyo in la mideeyo kiisaska maadaama ay Maxakamda Darajada koowaad laba mar ay u fadhiisatay.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen Xafiiska Xeer ilaalinta 24 December sanadkii tagay , Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1. Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama iyo 2. Maxamed Daahir Abuukar (Ismaaciil) oo ahaa horjoogaha kooxdan ayaa isna laamaha amniga u soo gacan galau Feberuary 8dii 2023 aye Maxkamada Maxkamada Sare ee Ciidamada ku xukuntay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadkii 2022 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkii 2023.

3. Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkii 2023, waxaana xukunsanaha dhaawacd dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon.

4. Caddow Axmed Calasow ayaa isna lagu xukumay 4 sano oo Xabsi ciidan ah.

5. Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa isagana lagu xukumay 8 Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka.

6.Ibraahim Cabdullaahi Maxemed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumau 5 Sano oo xabsi Ciidan ah.

7. Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada ayaa lagu xukumay 3 Sano oo Xabsi Ciidan ah.

8. Saynab Ibraahim Aadan Xuseen ayaa laamaha Aniga u soo gacan gashay January 13dii 2023 waxayna ahyd keed hayaha Hubka kooxdaan waxa ayana Maxkamadda Sare ku xukuntay 8 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

Xukunka Ibraahim oo qeyb ka ahaa qarax…..

Garsoor – (Baydhaba) – Ibraahim Cusmaan Macalin Abiikar ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha Khawaarijta isagoo u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada iyo kala gudbinta Agabyada ay u baahanyihiin isagoo isticmaali jiray Mooto Fekon.

 

Waxaa deeganka Dugaandug ugu yimid Daahir oo isna ka mid ahaa Maleeshiyada una sheegay in uu wado qarax ayna rabaan in uu geeyo magaalada Baydhabo, Bartilmaameedkuna uu yahay goob dadka isugu yimaadaan.

 

Waxa uu soo qaaday Daahir iyo Miinadii waxa uuna  ku aasay Kaam Xagarka Buush ku yaala,

Waxaa halkaa ku geeriyooday Sadax Qof halka Lix kalana ay ku dhawacmeen.

 

Ciidanka Ha’adda Nabad sugida ayuu u soo gacan galay Ibraahim Labo iyo labaatankii bishii July ee sanadkii hore, halka Daahir uu wali fakad ka yahay gacmaha laamaha sharciga.

 

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Maxkamadda ka codsaday qaadista kiiska Ibraahim, waxaana laga ogolaaday Sagaal iyo Tobankii bishii December ee sanadkii tagay.

 Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda sidoo kalana dhageystay qaar ka mid ah dhibanayaasha kiiskan ayaa ugu danbayn maanta go’aan ka soo saaray Galka Ibrahim Cusmaan Macalin Abiikar, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Cimrigaa haku furto [xabsi daa’in] , sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed wakiilka Maxkamadda Ciidamada Qaybta Lixdanaad.