Muqdisho (GARSOOR)- Dastuurku waa sharciga ugu sarreyo shuruucda dal kasta oo ay waajibtahay in dhammaan shuruucda kale ee la sammeynayo aysan khillaafin, haddii ay khilaaftana lagu duri karo in aanay dastuuri ahayn, sidoo kale dastuurku waa kan qeexayo qaabka ay tahay in ay u dhaqmaan hay’adaha dowladdu, waa buug hagayo tallabooyinka ay tahay in ay qaadaan madaxda qaranku isla markaana asteennayo xuquuqda muwaadiniinta iyo ajaanibta wadankaas ku nool.
Qormaddan kooban waxaan uga hadli doonaa isbadalladda iyo sooyaalka dasaatiirta soomaaliya laga soo bilaabo markii soomaaliya xuriyadda qaadatay ilaa maanta, sidoo kale waxaan si kooban uga hadli doonaa astaamaha dastuur kasta uu leeyahay, laga soo bilaabo dasutukii 1960 ilaa dastuurka FKMG ee maanta dhaqangalka ah.
Sida aan wada oogsoonahay dasaatiirta soomaaliya soo martay waa afar dastuuur oo kala ah:
- Dastuurkii 1960 oo ah kii ugu horeeyay ee dalku dhigto
- Dastuurkii 1979, oo ah dastuurkii labaad ee dalku yeesho
- Dastuurkii soomaaliya ee 1990, oo burburkii uu dhacay asaga oo aan loo qaadin afti
- Dastuurka federalka KMG ah ee la ansixiyay 1 August 2012, haddana ku jiro dib,ueegis (in review process) Iyo sidoo kale laba axdi qarameed oo KMG ah, oo kalana ah
- Axdigii KMG ee Carta ee 2000
- Axdigii KMG ee soomaaliya ee 2004.
Dastuurkii 1960, waa dastuurkii ugu horeeyay ee soomaliya yeelato kadib xurriyadii, dastuurkaan waxaa lagu meelmariyay afti-dadwayne 20 Juun ee 1961, wuxuuna sadhig u yahay dhammaan dhaxalka qanuunneed ee soomaaliya, ( the origin of Somali’s legal legacy) qodobada dastuurkaan waxay ka kooban yihiin 105 qodobka .
Astaamaha dastuurka 1960
Dastuurkaan oo ahaa kii ugu horeeyay ee soomaaliya ay yeelato laguna meelmariyay afti-dadwayne wuxuu lahaa astaamaha hoos ku xusan:
- Dastuurkan waa kii ugu horeeyay ee lagu qeexay maba’dida gundhiga u ah dowladnimada sida, Calanka, astaanka qaranka, magaca jamhuuriyadda , dhulka qaranka, iyo WLM.
- Wuxuu ahaa dastuur dumuquraadi ah oo damaanad qaadayo xuquuqda iyo xuriyaadka
- Wuxuu ahaa dastuur qeexayo kala baxsanaanta ama kala saarnaanta awoodaha dowladda
- Wuxuu ahaa dastuur damaanad qaadayo garsoor ka madaxbanaan laamaha kale ee dowladda
- Dastuurkaani wuxuu qaatay nidaamka daadajinta awoodaha maamul ( regional autonomy system )
Dasturkaan waxaa laalay kacaankii milatariga ahaa ee dalka ka curtay 21 October 1969, halkaas ayuuna ku dhaqn beeelay kuna dhamaaday nidaamkii dimuquraadiga ahaa ee soomaaliya ay qaadatay.
Toban sannadood oo bilaa dastuur ah
Kadib curashadii kacaanka 21 october 1969, iyo laalidii dastuurkii dimuquraadiga ahaa wadanku wuxuu isku badalay wadan bilaa dastuur ah oo lagu maamulo dekireetooyin iyo shuruuc aan laheyn saldhig dastuuri ah , taa waxay keentay in madaxda dalku soo saaraan shuruuc iyo dekireetooyin u adeegayo rabitaankooda maadaama uusan jirin dastuur xaddidayo, halbeegna u ah nidaamka sharci dajinta.
Tobankaa sannadood waxaa la soo saaray boqollaal sharci oo ku saleysan nidaamkii hanti wadaaga ahaa ee ciidamadu hogaaminayay, shuruucdaas inteeda badan waa shuruuc aan u adeegeyn xuquuqda aadanaha iyo xurriyaadka dadwaynaha, balse waxaa loogu tala galay in ay u deegto si waafaqsan danaha madaxdii xiligaas joogtay.Ugu dambeyntii soomaaliya waxay aheyd wadan bilaa dastuur ah muddadaas 10 sannadood ah laga bilaabo curashadii kacaanka 1969 ilaa 1979.
Dastuurkii 1979
Dastuurkaan waxaa loogu talagalay in lagu xalaaleyo shuruucdii la soo saaray muddadii 10 sannadood aheyd ee wadanku ahaa bilaa dastuurka, ujeeddada ugu wayn ee dastuurkaan loo sameeyay waxay aheyd in uu u ageedo madaxdii kacaanka oo xillgaas wadanka ka talineysay .
Dastuurkaan waxaa lagu tirtiray dhammaan astaamihii dimuquraadiyadda ee lagu qeexayay dastuukii ka horeeyay, sida ka muuqata astaamaha hoos ku xusan,Dastuurkaan wuxuu ka kooban yahay 114 qodob
Astaamaha dastuurka 1979
Astaamaha hoos ku qoran waa astaamaha ugu muhimsan ee dastuurkii 1979:
- Mabaadi’da gundhiga u ah jamhuuriyadda waxaa ka mid ah nidaamka hantiwadaaga oo ay hogaaminnayso dabaqadda xoogsatada ahi sida lagu sheegay dastuurka.
- Dasturkaan wuxuu qeexayaa in Jamhuuriyadda soomaaliya ay tahay mid qaadatay nidaam ku dhisan hal xisbi oo qura, iyo in aan la ogoleyn xisbi kale.
- Xisbiga iyo hay’adaha qaranku waa isku mid oo majiraan wax ay ku kala gesisan yihiin. Fiiri qeybta 1aad ee dartuurka qodobada ( 1-19).
- Marka aan u nimaado xuquuqda aadanaha, xuquuqda dhaqaalaha, bulshada iyo hiddaha way ka muhimsan yihiin xuquuqda madaniga iyo siyaasadda, arintaan oo ah astaanta lagu yaqaanno dasaatiirta ay dhigtaan wadamada ku dhaqmi jiray minaadkii hantiwadaagga. Fiiri qeybaha 2aad iyo 3aad ee dastuurka gaar ahaan qodobada ( 20-59aad) ee dastuurka.
- Golaha dhaxe ee xisbiga hantiwadaaga ayaa ka muhimsan kana awood badan golaha shacabka.
- Majiro garsoor madax-banaan.
Dastuurkii 1990
Dastuurkaan waxaa lagu daabacay nuqulkiisii ugu horreyay faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda diduquraadiga soomaaliya 12 october 1990, si afti dadwayne loogu qaado hase ahaatee burburkii ayaa dhacay ayada oo aan la hirgelin aftidii dadwaynaha.
Dastuurkan oo ka kooban 119 qodob waxaa loogu talagay in dib’uhagaajin lagu sameeyo hannankii dowladnimo ee wadanku ku jiray muddadii ciidanku hogaaminayay, iyo wadanka loo sammeyo dastuur dimuquraadi ah oo ay ka muuqdaan dhammaaan tiirarka dimuquraadiyada, sida damaanad qaadka xuquuqda iyo xuriyaadka assasiga ah, kala baxsanaanta awoodaha dowladda, ubuuridda nidaam xisbiyo badan iyo WLM.
Astaamaha ugu muhimsan ee dastuurkan waxaa ka mid ah kuwan hoos ku qoran:
- Dastuurkan waxaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda soomaaliya ay qaadatay hannanka xisbiyada badan Fiiri qodobada 8aad iyo 18 aad ee Dastuurkan
- Wuxuu damaanad qaadayaa xuquuqda aadanaha iyo xurriyaadka dadwaynaha asaga oo tixraac ka dhiganayo baaqa caalamiga ee xuquuqda aadanaha oo ummadaha midoobay ay gudoonsadeen 10 /Aug 1948.
- Dastuurkaan wuxuu qaatay mabda’a kala baxsanaanta ama kala soocnaanta awoodah dowladda ( principle of separation of powers)
- Dastuurkaan wuxuu damaanad qaadayaa garsoor ka madaxbanaan hay’adaha kale ee dowladda.
- Wuxuu damaanad qaadayaa fidinta iyo baahinta awoodda Maamulka dalka ( regional autonomy and regional self-governance)
Axddiyadii KMG
Burburkii kadib waxaa la sameeyay isku dayo kala gedisan oo lagu doonnayo dib’udhiska qarannimadii burburtay, sanaku markuu ahaa 2000 ayaa magaalada Carta ee wadanka Djabuuti lagu guddonsaday Axdi qarameedka KMG, sidoo kale 2004, ayaa la qaatay axdiga federalka ee KMG , mid walbo oo laba Axdiga ka mid ah wuxuu ahaa heshiis bulsho oo loogu tala galay in la isticmaalo muddo kooban oo ah muddada wadanku ku jiro KMG.
labada axdi qarameed ma aheyn dasaatiir laaakin waxay ahaayeen heshiiyo bulsho oo ku dhaqankoodu u dhigmo dastuur mid walba mudda uu dhaqan galka ahaa.
Dastuurka federalka KMG ee 1/Aug 2012
Kadib muddo 12 sannadood ah oo lagu jiay marxalad KMG ah laga soo bilaabo 2000 ilaa 2012, soomaaliya waxay ka baxday marxaladii KMG aheyd, waxaan si KMG ah loo ansixiyay Dastuur KMG ah 1/Aug 2012, dastuurkan wuxuu ka koobanyahay 143 qodob iyo 15 Cutub.
15 Cutub ee dastuurkan ka kooban yahay waxay kala yihiin:
- Cutubka 1aad oo ka hadlayo baaqa Jamhuuriyadda oo u dhigmo mabadi’ada guud ee assaaska u ah qaranimada soomaaliya
- Cutubka 2aad oo Ku saabsan xuquuqda iyo xurriyaadka assaasiga ah
- Cutubka 3aad wuxuu ku saabsan yahay Dhulka, Hantida iyo Deegaanka
- Cutubka 4aad: matalaadda shacabka
- Cutubka 5aad: Baahsanaanta awoodaha Xukumadaha, waana Cutubka ka hadlayo heerarka Dowladaha, heer federal iyo heer dowladaha xubinta ka ah dowladda federalka
- Cutubka 6aad; Barlamaanka federalka
- Cutubka 7aad: madaxwaynaha Jamhuuriyadda federalka soomaaliya
- Cutubka 8aad: Laanta Fulinta
- Cutubka 9aad: Awoodaha Garsoorka
- Cutubka 10: guddiyada madaxbanaan
- Cutubka 11aad: Shaqaalaha rayidka ee dowladda
- Cutubka 12Aad: Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda federalka
- Cutubka 13aad: Maaliyadda guud
- Cutubka 14aad: Nabadda iyo amniga
- Cutubka 15aad: Qodobada kama dambeysta ah iyo kuwa kumeel gaarka ah.
Astaamaha guud ee Dastuurkaan
Astaamaha ugu muhimsan ee dastuurkan waxaa ka mid ah kuwan hoos ku xusan:
- Wuxuu qeexayaa in Soomaaliya ay qaadatay nidaamka federal ah oo leh laba heer dowladeed
- Wuxuu dhiira-gelinnayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga, ku dhqanka Xeerarka Caalamiga ah, iyo Sarreynta Sharciga
- Wuxuu damaanad qaadayaa xuquuqda iyo xurriyaadka assasiga ah.
- Wuxuu asteynayaa baahinta awoodaha heerarka dowladaha
- Wuxuu asaasayaa markii ugu horreysay Taariikhda soomaaliya barlamaan ka kooban laba aqal.
- Wuxuu assasayaa markii ugu horreysay maxkamad dastuuri ah oo gaar u ah ka garnaqista arimaha dastuuriga ah kana baxsan nidaamka garsoorka caadiga ah
- Wuxuu damaanad qaadayaa garsoor madax-banaan
- Wuxuu assaasayaa guddiyo madax-banaan oo gudanayo shaqooyin muhiim ah.
Ugu dambeyntii, dhamman arrimaha aan soo tilmaamay waxay muujinnayaan kana marqaati kacayaan in Soomaaliya leedahay dhaxal qaanuuneed oo muhiim ah, gaar ahaan dhaxal dhinaca qaanuunka dastuuriga ah.
Waxaa Diyaariyey: Qareen, Daahir Maxamed Cali