Guddoomiya-yaasha Maxkamadda Ciidamada ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka.

0
1006

Muqdisho (Garsoor)-Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Jen Liibaan Cali Yarow ayaa ugu horreynba Marxuumka Naxariista janno eebbe uga baryay, waxa uuna bulshada Soomaaliyeed u weydiiyay in ay cafiyaan marxuumka.

G/sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ayaa isna si lamid ah ka tacsiyeeyay geerida Marxuumka “Mudda-dii uu ahaa Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka, kaalintii uu ku lahaa xureynta dhul badan oo laga saaray gacanta nabadiidka iyo siduu uga odayeen jiray ciidamada dhexdooda ayaa lagu xasuusan doonaa” ayuu yiri Guddoomiya Shuute.

Allaha Unaxariiste Gen. Cali Baashi Maxamed Cumar ayaa ku geeriyooday Dalka Ingiriiska