Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo Maxkamadda Ciidamada Xukuntay

0
793

Muqdisho (Garsoor)- 07/08/2018  ayaa la soo gaba-gabeeyay Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  oo loo heysto dilka AUN  Marxuum Xasan Abshir Warsame oo ka dhacay magaalada  Beladweyn 07/02/2018.

Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu Yariisow isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd degmada Beledweyn ee  xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo  gaaray  magaalada Muqdisho.

07/07/2018 ayuu isku dayay in u iska diiwaan  geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan  qeybta 27-aad  ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah  Garsoorayasha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoor in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  go’aankiisa loo tiiriyay Qiraalkiisa oo ahaa in ay kaga fakatay xabad Marxuumka , Markaatiyaal goob joog u ahaa dilka weliba cadeeyay in uusan wax gar-gaar ah u fidin kadib dilka balse uu baxsaday iyo doodii qareenada ee aheyd in loo naxariisto loona fududeeyo ciqaabta maadaama uu qirsan-yahay, waxa ayna Garsoorayaasha gaareen in Ex Dable Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, Sidaasna loogu xukumay dil toogasha ah

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  ayaa heysta fursad kale uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.