Ciidamada Amniga oo hawlgal ka fuliyay deegaanka Awdheegle ee Gobolka Sh/hoose

0
564

Ciidamada amniga ayaa howlgal si wanaagsan loo diyaariyay ka fuliyay deegaanka Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

Hawlgalka oo dhacay habeenimadii 30-ka March ayaa lagu soo qabtay Horjooge ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo Ciidamadu ay doon doonayeen.

Ma jirto waxyeelo kasoo gaartay ciidamada iyo shacabka toona inta uu socday howlgalka laga fuliyay deegaanka Awdhiigle ee Goobolkaasi.

Hawlgalkan ayaa dhacay 24-saac ka dib markii Ciidamadu ay hawlgalkaan mid la mid ah ku burburiyeen saldhig argagixiso ay ku lahaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose.