Xukunka  Rag loo haysto weerar ka dhacay Xabsiga Dhexe.

0
4324

Mogadishu (Garsoor)- Weerar loo adeegsaday Bambooyin gacanta iyo Bistoolada ayaa waxa uu ka dhacay August tobankeedii sanadkan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Ilaa 11-Eedeysane oo isugu jiro Ciidamada Asluubta , Xunkusanayaal iyo Garsugayaal ayaa lala xariiryay weerarkaasi, waxa ayna hey’adaha Baarista Ciidamada Amniga iyo Guddi ay u saartay baaridda dhacdadaasi Xukummadda ay ugu dambeyn ku wareejiyeen Gungaarka dhacdada Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo  awood u leh dhaqaajinta Gal-dacwadeedkaas.

Mubarak Ibraahiim Iidle oo horay ugu xukunaa 10 sano oo xabsi Ciidan ah ayaa ahaa Gacanta hore weerarka, waxa uuna Nolosha u aqoonsaday Maxamed Yusuf Toxow iyo Muqtar Cabdullaahi Muuse, sidaas ayuuna kaga baxsaday dhabarka dambe ee Xabsiga.

Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo isaga ahaa dadkii loo xiray lacaga Online ka ah ee Soomaali badan ka gaartay qasaaraha waxa uu ahaa qofka sida gaarka ah Maxaabiista kaga iibiya Qudaarta laakiin mid kamid ah raggi qorsheeyay weerarka uu soo dhex marsiistay Hubkiisa.

Heerar kala duwan oo Maxkamadeed iyo Baaritaanno muddo dheer qaatay Maanta ayay Maxamadda Go’aan ka soo saartay, waxaana lagu kala xukumay

1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan

2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta  oo ay ka wada tirsanaayeen.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo Iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah halka 11- Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta aha ay Maxkamaddu dambi ku weyday, Sida uu nala wadaagay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa  haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Sagaal kamid eedeysanayaasha ayaa ahaa Ciidamada Asluubta ee shaqa lahaa si guud iyo si gaar ah maalintaas ay mashaqada ka dhacday Xabsiga Dhexe, waxaana loo xukumay in ay ka gaabiyeen howshooda hadba heerka xukunka ay u arkeen Garsoorayaasha ay saareen  halka Maxamuud Forex oo isaga lahaa Agab wax lagu qariyay loo xukumay in uu adeegay Shabaabka qorsheeyay weerarka ee baxsadka ah Mubarik iyo raggii kala qayb galay oo intii howlgalka socday  ay toogteen Ciidamada Amniga.