Xukunka Yacquub Cabdullaahi oo ay u dhaawaceen Ciidamada Amniga Bam uu tuurayay

0
708

Garsoor (Mogadishu)- Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan “CabdiNaasir”  ayaa loo soo xeray kamid ahaanshiyaha Alshabaab oo uu ka tirsanaa ilaa 2018.

Baaris dheer oo ay ciidamada Amniga ku hayeen kadib ayay ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida May Sanadkan, Isla xilligaasi ayay Maxkamadda Ogolaatay in loo gudbiyo Xabsiga Dhexe Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo Dowrkiisa baaritaan qaadanayo ayaa isku howlay sidii uu u soo dhamaystiri lahaa hab raaca Muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan oo magiciisu afgarashadu yahay CabdiNaasir.

Yacquub ayaa isku maray laba tababar oo uu ku kala qaatay Jilib Marka iyo Mubaarak, waxa uu la jir la ahaa labadiisii sano ee ugu horreeyay Jabhad Shabeellada Hoose ka dagaalanto oo dhowr weerar oo isugu jiro jid gal iyo Arbushaad ka sameeyay Gobalka, Sanadii 2021 ayaa loo soo wareejiyay Qaybta Amniga, waxaana si gaar ah loo baray Degmooyinka Hodan, Howlwadaag Warta-Naadda iyo Dayniile oo markii hore ku degay Gabar Walaashiis ah oo daganeyd.

Isla Sanadkaas ayaa dib loogu celiyay tababar kale oo la xiriira Dilalka Qorshaysan iyo Tuurista Bamka.

Bam ayuu ku tuuray Bar hubin oo ay leeyihiin Ciidamada Amniga oo ku taal Warshadaha Xerada Warsame Dool July sanadkii tegay, sidoo kale August  kowdeedii sanadkii ina dhaafay ayuu Bam kale ku tuuray Waaxda Taleex ee degmada Hodan waana marka ay Ciidamada Amniga laba Xabadood ay ku dhufteen, wixii xilligaas ka dambeeyay Dowladda Soomaaliya ayaa la tacaalaysay Xaaladiisa Caafimaad.

Maxkamadayntiisa ayaa soo bilaabatay June Bartamaheedii oo ay Codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Qareenka u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday in loo Naxariisto Maadaama uu isaga laftiisa Dhaawac u noqday dhibaatooyinkii uu maleegayay.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan ku xukuntay Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan 20-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.


Yacquub Cabdullaahi Cabdi Xasan “CabdiNaasir”