Xukunka Kiis ka billowday muran Qoys

0
6888

Garsoor (Mogadishu)- Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah.

Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen  $17,300 oo dollarka maraykanka ah.

Cali Cumar Axmed
Cali Cumar Axmed

Cali Cumar oo marxuumka aabihiis mar qabi jiray hooyadiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf.

Muuse Cali Nuur Axmed
Muuse Cali Nuur Axmed

Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka khawaarij uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishan February in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada kuwada xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed Dil toogasha ah oo ah Qisaasta marxuum Yusuf Cabdi Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalaka sida.