XUKUNKA SHABAKAD ARGAGIXISO OO GAALKACYO DHINACYADEEDA KA HOWL GELI JIRTAY

0
2423

Garsoor (Mogadishu) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Qeybteeda 21-aad ee Galmudug ayaa Xukuno kala duwan ku riday Shabakad argagixiso oo Dilal qorshaysan iyo qaraxyo ka geystay Magaaladda Gaalkacyo.

Anas Cabduqaadir Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay Salmaan iyo Aadan Mursal Maxamed oo magaaladda Gaalkacyo ku dilay Cilmi Cali Guuleed, Maxamed Jaamac Maxamed “Caga-biyood”, Cabdi Aadan Siyaad Cabdi dheere ayey Maxkamadu ku xukuntay Dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuumiinta kor ku xusan.

Ibraahim Madeey Macalin Cabdullaahi oo loo diyaarinayey inuu isku Qarxiyo Xerada Ciidanka Danab ee magaaladda Gaalkacyo  ayaa lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxamed Cabdi Yuusuf Hiraabe oo khawaarijta u ahaa Keyd haye iyo Cabdi Jaliil Axmed Shire Raage oo isna qaabilsanaa Daabulidda iyo kala gudbinta xubnaha argagixisada, ayaa labaduba waxaa lagu xukumay min 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxamed Maxamuud Maxamed “ Beylood” ayey Maxkamadda sii deysay kadib markii lagu waayey eedii lagu soo oogay, waxaa sidaas waraahinta u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darjada koowaad qayta kow iyo labaatanaad Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan.

 

 

Anas Cabduqaadir Cali & Aadan Mursal Maxamed - Dil
Anas Cabduqaadir Cali & Aadan Mursal Maxamed – Dil

 

Ibraahim Madeey Macalin Cabdullaahi - 15 sano xukun
Ibraahim Madeey Macalin Cabdullaahi – 15 sano xukun
Maxamed Cabdi Yuusuf Hiraabe & Cabdi Jaliil Axmed Shire Raage - 10 sano xabsi ah
Maxamed Cabdi Yuusuf Hiraabe & Cabdi Jaliil Axmed Shire Raage – 10 sano xabsi ah
Maxamed Maxamuud Maxamed “ Beylood” – xor