Xukunka Askari lagu Eedeeyey inuu dhaawac Culus geeystay…

0
47

Garsoor – (Mogadisho)- Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida, ayaa maanta Go’aan kasoo saartay kiiska Dable Xoogga Mursal Abuukar Maxamed oo lagu eedeeyey inuu dhaawacay dhibane Mascuud Axmed Xasan taariikhdu markii ay aheyd sodonka Bishii August ee 2023, kaasi oo u naafoobay dhaawicii gaaray.

Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, ayaa racfaan ka qaatay xukun ay horey u riday Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada QS Dable Xoogga Mursal Abuukar Maxamed, kaasi oo eedeysanaha xoriyadiisa ay dib ugu siisay, kadib markii lagu waayey eedihii Xafiiska Xeer ilaalinta.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Dable Mursal Abuukar Maxamed ayey Maxakamadda sare ee Ciidamada QS amartay in si deg deg ah Xabsiga looga sii daayo kadib markii ay maxkamadu ku weysay eedihii loo heystay.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.