Rag dhac isku baheystay oo ay Maxkamadda Ciidamadu xukuntay

Muqdisho (Garsoor)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku xukuntay Min Shan-sano oo xabsi Ciidan ah kaddib markii ay dhac u geysteen Shirkadda Hormuud xarumaheeda ku kala yaal kaawo godey  degmada Wadajir  iyo Tree-Disha oo ah halka loo yaqaan  (KM13).

Goor hore oo maanta ah ayaa xukunka Maxkamadda waxaa ku dhawaaqay guddoomiyah Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida  Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Halkan Hoose  ka dhageyso Codka Guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

Taliye  Saldhig  oo Musuq loo xiray.

Muqdisho (Garsoor)- Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha    saldhiga Boliska degmada Wartanabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq  Baaraha Dambiyada Saldhiga  iyo Kormeera Labaada Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsana Ciidamada saldhiga  degmada  ayaa lagu soo eedeeyay in  ay qaateen lacag laauush ah.

Kowda bishan aynu ku jirno ayaa Ciidamada Amniga soo xireen Eedeysanayaal    Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen taliyaha saldhiga degmada Warta-nabadda , baaraha dambiyada saldhiga   Alifle Cabdi Cumar Isaaq  iyo Cabdifitaax Maxamuud Cabdi  oo ka tirsanaa ciidamada saldhiga ayaa  lala xiriirinayaa qaadasho lacag laaluush ah, waxaana markii ay soo xireen Ciidamada Amniga eedeysanayaasha  kadib ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida .

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa markii ay soo gaartay eedda ka dhanka ah eedeysanayaasha, waxa ay   maalin kadib horgeeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiisatay garsoorayaasha in la xiro si’ ay u soo dhameystiraan  cadeymaha eedda loo heysto  Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha  Boliska saldhiga  degmada Wartanabadda  iyo labada askari ee kala tirsanaa saldhiga degmada Warta-nabadda.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsiga dhigtay taliyihii Boliska Saldhiga  Warta-nabadda iyo laba askari oo kala tirsanaa saldhiga, waxa ayna fareen xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo soo afjari lahaa Musuqa, Maxkamadaha rayidka iyo tan ciidamada qalabka sida ayaa la horgeeyay eeddo lala xiriirinayo Musuq-maasuq waxa ayna Maxkamadaha xabsiyada dhigeen  eedeysanayaal loo heysto Laaluush iyo ku tagrifal awoodeed.

 Haweeney Al-shabaaabnimo loo xukumay.

Muqdisho (Garsoor)- Basra Maxamed Cali Warsame  ayaa 21/05, ee sanadkan   ciidamada amniga ka soo qabteen xaafadda Suuqa-xoolaha ee degmada Hilwaa, waxayna xilligaas ciidamada maniga helaan xog  sheegaysa  in haweeneyda ay u aheyd keyd haayaha hubka sida  Bistooladaha iyo Bam-booyinka maleeshiyada amniyaadka ee kooxda arga-gixisada ah ee Alshabaab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa loo soo gudbiyay eed ka dhan ah eedeysanaha,   wixii xilligaas ka dambeeyay ayay xafiiska Xeer ilaalinta isku howleen  jiritanka eedda ka dhanka ah eedeysanaha, 15/07 ee sanadkan ayay soo gaba-gabeeyeen baaristooda,  waxaana ay weydiisteen garsoorayaasha  Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga  waqti qaadista eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame.

28/07 ee sanadkan ayay ogolaatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo fariisto eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame, waxaana ay dhageysteen  garsoorayaasha eedda ka dhanka ah Basra, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay Qareenada difaacayay eedeysanaha in iyana soo bandhigeen sharciyada ay ku diidanaayeen eedda ka dhanka ah Basra Maxamed Cali Warsame.

Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow)  oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ayaa xilligaas u sheegay dhinacyada dacwadda in dib la isugu soo noqon doono oo ay jirto fadhiya  kale xilligaas oo laga dalbaday xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanaha.

04/ bishan aynu  ku jirno ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkmadda, wax yaabaha dheeraadka oo ay xafiiska xeer ilaalinta  soo bandhigeen waxaa kamid ah In eedeysanaha ninkeeda oo lagu magacaabi jiray Liibaan Maxamed Cabdikariin (Liibaan Jaraaye) uu ahaa Alshabaab, sanad iyo bar ka horna uu ugu  dhintay qarax uu waday degmada Hilwaa, waxaa sidoo kale ay soo bandhigeen cadeymo kale oo muujinayo in wixii xilligaas ka dambeeyay nin lagu magacaabo khaalid uu ku qanciyay shaqada ay u heeysay kooxda Alshabaab.

Ugu dambeyn garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya qiraalka eedeysanaha, ka war-celinta jawaabaha ay ku cadeysay garsooraka hortiisa, dhageysiga markaatiyaal uu kamid yahay baaraha kiiska in Maxkamadda Ciidamada Basra Maxamed Cali  Warsame  ay ku xukuntay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow)  oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada kooweed ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday laba horjooge oo Daacish ah (Dahgeyso)

Muqdisho (Garsoor)- Dhowr jeer oo fadhi ayay soo martay heerarka maxkamadeynta labadan horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish kuwooda  dhibka ka wado Soomaaliya.

Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin   oo ah eedeysanaha  1-aad ayaa loo heystaa in uu  ku mashquulsanaa aas-aasidda  koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin

Max’ed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa  loo heystay in uu ahaa Horjoogaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan,  waxaa  si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday  Suuqa Bakaaraha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee  Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish

Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka,  magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Africa iyo ka  mid ahaanshiyaha Malleeshiyada Al-Shabaab.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA DARAJADA KOOWEED EE CIIDAMADA QALABKA SIDA.

 

 

Filim-qaadihii Daacish oo ay Maxkamadda Ciidamada Xukuntay..

Muqdisho (Garsoor)- Jaamac Xuseen Xasan Nuuni oo ahaa Filim-qaadihii kooxda Daacishta Soomaaliya qala-laasaha ka waddo, sidoo kala  ahaa  mid ka mid ah kuwooda u qaabilsan kooxda qaraxyada ay  ku dhibaateeyaan  shacabka ku dhaqan goballada shabeelaha-Hoose  iyo Benaadir ayaa  maxkamadda darajada 1-aad go’aan ka soo saartay.

Maxkamadda ayaa  u cuskatay xukunkeeda qodobo  kale duwan sida Qiraalka Eedeysanaha,  Caddeymaha laga qoray markaatiyaasha, Kaamiro video uu watay eedeysanaha oo ay kuu duubnaayeen muuqaallo muujinayo ficilada kooxda, Batari, Fiilooyin iyo agab kale oo loo isticmaallo farsamada qaraxyada.

Caddeymaha muuqaal laga duubay Qarax uu aasay eedeysanaha  inta aysan qarxin ciidamada amniga ka hor , codsiga qareenada u doodayay eedeysanaha ee aheyd in loo naxariisto maadaama markii ugu horreysay ee aheyd ee uu geysto ficil nuucaas ah, waxa ay garsoorayaasha go’aamiyeen In jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo eedeeyay waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Xabsi daa’in”- Sida uu u sheegay warbaahinta  G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Eedeysanah ayaa  ku biiray kooxda  Daacish  kadib markii ay is qabteen kooxda Al-shabaab uu horay uga tirsanaa, waxa uuna cel-celis ahaan ku soo qaatay kooxahaasi in ka badan 5-sano.

Goballada bari ee dhulka  Puntland gaar ahaan qandalla ayuu ka soo dagaalamay balse mar dambe oo ay kooxdu u soo wakiilatay dhibaateynta shacabka ku dhaqan Shabeelaha -Hoose iyo Benaadir ayaa  waxa isaga oo ku jira dhagridda shacabka weliba ku mashquulsan qarxinta miino ay ku aaseen wada-da dhinaceeda,     waxa ay ciidamada amniga ka soo qabteen halka loo yaqaano Bood-boodka  oo ah degmada Afgo’e ee gobalka shabeelaha hoose.

U qaabilsanihii Daacish duubista Muuqaallada iyo Qaraxyada goballada Shabeelaha-Hoose iyo Benaadir oo Maanta Maxkamadda Ciidamada ka soo muuqday.

Muqdisho (Garsoor)-Ugu horreynba waxaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii  uu ku soo qaatay kooxaha argagaixisada ee Alshabaab iyo Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013  ka hor inta uusan soo gelin gacant Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel boodka ka ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano bood-boodka ee degmada afHo’e ee gobalka shabeelaha Hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018.

Guddoomiayah Maxkamadda D, 1-aad  ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa weydiiyay Jaamac  Xuseen Xasan  jiritaanka dambiyada ay soo  jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.

Eedeysanaha ayaa ku jawaabay in ay sax tahay ka mid ahaanshiyaha kooxaha arga-gixisada ah balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa kiiskan ku mashquulsanaa tan iyo markii la soo qabatay ilaa 17/05-16/07 ee sanadkan waxa ayna Intaas keddib xafiiska xeer ilaalinta garsorayaasha  weydiisteen in  loo ogolaado Maxkamadda  in  ay hor keeneen caddeymo ay ka mid yihiin qiraalKa  eedeysanah,  markaatiyaal ay ka mid yihiin ciidamada amniga ee  degmada afgo’e  ka soo qabtay eedeysanaha,  muuqaallo laga helay gurigiisa sida camero ay ku duubi jireen falalka argagixisada ah  oo ay kooxdu geysato iyo agab dheeraad ah sida fiilooyin batariyaal iyo qalab kale oo loo isticmaalo wax yaabaha qarxa.

Sharaxaadda  baaritaanka eedeysanaha ayaa waxa ku dheeraaday Gaashanle abuukar weli  oo ka tirsan ciidamada  amniga gaar ahaan qeybta dambi baarista, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay ku ogaadeen arrimo ay ka mid yihiin dilal uu ka geystay Boosaaso, dagaallo uu ka qeyb galay ee ka dhacay goballada  bari ee maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira dhibaatooyinka ay geysteen kooxaha argagixisada ah.

Kabtan Muumin xuseen cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guuud ee ciidamada qlabka sida  ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sharaxay cadeymaha la taaban karo oo isugu jiray muuqaallo iyo agab kale, waxaana daawashada muuqaaladaasi ka muuqday falal argagax leh  oo ah muuqaallo  laga dhex heley Kaamiro  lagu soo qabtay eedeysanaha.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha  Kabtan    Maxamed Cabduqaadir ayaa ka codsaday  Maxkamadda maadamaa eedeysanaha  muddo uu ku qanacsanaa dadinta dhigga in la mid ah inta uu geystay  ay ku fuliso Maxkamddda.

Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabaka sida G/sare  Cabdullahi Buula kamey ayaa eedda jeedinta dhankooda ah ku soo xiray in falka nuuca duubista ah ee kooxdan geysato uu yahay mashruuc uusan aheyn diin, waxa uuna maxkamadda ka cosaday in lagu fuliyo xukunnada qodobada ay ku soo eedeeyeen uu dhigayo.

Dhanka kale qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa ku dooday in markii ugu horreysay eey u aheyd falkan uu geysto shaqsigan ay difaacayaan isla markaana la soo qabtay isagoo wax dhib ah geysan sidaas darteed ay codsadeen in loo naxariisto.

 

Guddoomiyaha  Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qlaabka sida G sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda,  waxa uuna u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan

18-Eedeysane oo xabsi iyo ruqsad ay isugu dartay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Muqdisho (Garsoor)- Iyadoo tira dhowr jeer ah ay Maxkamadda Darajada, 1-aad u fariisatay eedda loo heysto 18-qof oo ka tirsan Guutada 14ka October ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xilli hore oo maanta ah ay Maxkamadda D, 1-aad go’aan ka soo saartay dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha.

Dable Xoogga dalka:- Xuseen Baashi Cawad Canshuur, C/wali Ibraahim Max’d Xasan, Sharmarke Cabdi Max’d Nuur, Ismaaciil Saciid Muuse Xiir, C/wali Faarax Ismaaciil Max’ud, C/shakuur Max’d Xirsi Cali, Fatxi Aadan Cali Yuusuf, Jaaamac Cabdullahi Max’ud Cige, C/kaafi Max’d Diiriye Farweyne, Max’d Axm’d Dhalac Cabdi, C/nuur Cabdullaahi Max’d Cabdi, C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise, Daahir Max’ud Gurxan Cali, Ax’d Jaamac Siid Cali, Cabdi Xasan Max’ud jaamac, Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi, Cali Max’d Abyan Cilmi iyo Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay 5-sano oo xabsi ciidan ah keddib markii ay ku cadaatay in si wada jir ah uga qeyb qaateen abaabullo qabyaaladeysan iyo kicinta shoobaro ciidanka dhexdiisa ah, waxa ayna si usku mid ah u diideen amarka taliyahooda oo uu wehliyo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Sooomalaiyeed- sida uu u sheegay G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Adan (Wabiyow) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1-aad dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay go’aanka Maxkamadda.

Eedeysanayaasha ayaa u doodayay 13-ka tirsan guutada 14-ka October oo horay loo ruqseeyay kuwaasi oo xilli ramadan ah isticmaalay Maandooriye markii hore ka mamnuuc ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo.

Guutada 14-ka October ayaa ku yimid baaqa madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya keddib dhacdadii xasuuqa aheyd ee argagixisada ka geysteen isgoyska Ex, Soobe oo loogu magac daray 14-ka October, waxa ay guutadan ka mid tahay ciidamada sida gaarka ah ay dadka Soomaaliyeed ugu faani karaan.

18-QOF OO LOO HEYSTO AMAR DIIDDO IYO ABAABUL QABIIL CIIDAMADA DHEXDOODA AH AYAA MAANTA  MARKALE U FARIISATAY MAXKAMADDA D, 1-AAD EE CIIDAMADA QLABKA SIDA.

Muqdisho (GARSOOR)-Iyadoo ay jirtay ciidama gaarayay 13-qof oo horay loo ruqsaayay kedib markii ay isticmaaleen bishii ramadaan balwad ayaa wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa ka dhex bilowday guutada 14-ka Octobar abaabul rabshada ah iyo kicinta qabiillo ciidamada  dhexdooda, waxaaana 18-qof oo  ka mid ah ciidamadaasi u baraareen amar diiddo iyo kicin qabiil iyagoo ku difaacayo ciidamadii la ruqseeyay ee buriyay mid ka mid ah shuruudaha ku biirista ciidamadaasi oo aheyd in aan la isticmaali Karin wax balwad ah.

Is qab-qabsi kedib ayaa waxa soo kala dhex galay saraakiisha ugu sareeyo ciidamada xoogga dalka oo ay qaarkooda u dacwoodeen, waxaana intaas kedib loo bandhigay in ay kala doortaan qaranka iyo qabiilka.

Meel fagaara ah ayay ku doorteen qabiilka iyagoo sidoo kale rabshada kiciyay taasi oo ugu dambeyn keentay in ay ciidamada ka jawaabaan oo ay dhamaan intii gaar  isku soocday xabsiga dhigaan.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida oo waajibookoda gudanaayaa ayaa weydiistay maxkamadda ciidamada in la muddeeyo dawcdo qaadistood, tira dhowr jeer kedib Maxkamadda ciidamada ayaa  soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah 18-kan shaqsi.

Intii ay socotay maxkamadda ayaa eedeysanayaasha la weydiiyay jiritaanka dambiyada loo heysto, badidood  ayaa qiray in ay isku isbaheysteen hab beeleed iyagoo ku andacooday in si gaar ah loo takoorayo.

Xafiiska xeer ilaalinta  oo ka jawaabay arrimahaasi ayaa markaatiyaasha uu  maxkamadda hor keenyay waxaa ka mid ahaa abaanduula guutada 14ka October oo reer ahaan ay is xigeen hasa ahaate ku marag furay dhaqanada ka baxsan ciidanka oo ay ku dhaqmayeen in raggan muddo ay ugu  soo dulqaadanayeen iyagoo dhowraya midnimada ciidanka.

Xeer ilaaliyah guud ee ciidamada qalabka sida ayaa Maxkamadda ka codsaday iyadoo la ilaalinyo midnimada ciidamada in ciqaab adag la mariyo raggan si kuwa kale ay ugu tusaala qaataan.

Qareenka difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in balwad aysan jirin sharci guud oo wadanka dhan ka mamnuucayo taasina yasan ku muteysan ciqaab adag, sidoo kale waxa ay codsadeen in loogu naxariisto rabshadda iyo gooni isu-taagga ay samaayeen xubnahan.

Ugu dambeyn fadhiga Maxkamadda waxaa soo xiray guddomiyaha MAxkamadda D, 1-aad ee ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeybgalayaasha dacwadda in fadhiga xiran-yahay oo ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

Guutada 14-ka October ayaa la’aas-aasay kedib weerarkii dadka badani ku dhinteen ee  ka dhacay isgoyska soobe ee  Magaalada Muqdisho sanadkii tegay.

Seddax sano oo xabsi ciidan ah iyo ka saaridda liiska ciidamada ayuu ku muteystay kedib isku dayl dil uu ku sameeyay taliyihiisa

Muqdisho (Garsoor)-Seddax Alifle Boliska Soomaaliyeed  Saciid Cumar Cusmaan ayaa loo soo qabtay in uu ka dambeeyay amar diido iyo isku day dil uu ku qaarijin lahaa taliyiiisa, waxaana Ciiamada amniga ay ku soo wareejiyeen   Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida  05/05 ee sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isla maalintaas ka  codsaday Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo  gudbiyo Xabsiga si loo dhameystiro baarista kiiska ka dhanka ah eedeysanaha.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa wixii xilligaas ka dambeeyay   guda galay baarista kiiska ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ayna soo diyaariyeen gal dacwadeed ka dhan ah Seddax Alifle Boliska Soomaaliyeed  Saciid Cumar Cusmaan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa go’aamisay in loo fariisto kiiska ka dhanka ah Seddax Alifle Boliska Soomaaliyeed  Saciid Cumar Cusmaan oo loo heysto amar diido iyo isku day dil, waxaana Garsoorayaasha 28 bishii tegtay  dhageysteen dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida.

Ku xigeen Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida dhamme Muumin Xuseen Cabduulaahi ayaa ka hor sheegay fadhiga Maxkamadda in Seddax Alifle Boliska Soomaaliyeed  Saciid Cumar Cusmaan uu yahay eedeysanaha dhabta ah  iyagoo xafiiska horkeenay Qiraalka eedeysanaha, Markaatiyaal uu ku jiro taliyihii la isugu daray amar diidada iyo isku dayga dil, waxa ayna Maxkamadda ka codsadeen in sharciga la waafajiyo.

Qareenka difaacayay eedaysanaha ayaa ku dooday in loo naxariisto maadaama uu ka hor qirtay  Fadhiga Garsoorka dambiga uu leeyahay eedeysanaha.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya Qiraalka eedeysanaha laga qoray, Markaatiyaasha iyo jawaabaha uu eedeysanaha  fadhiga Maxkamadda ka hor cadeeyay ee aheyd qiraalka dambigiisa in eedeysanaha lagu xukumo Seddax sano oo xabsi ciidana,  laga xayuubiyada darajadii ciidan isla markaana laga saaro liiska Ciidamada, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda ka qeyb galay oo ay warbaahinta Garsoor ka mid tahay mid ka mid ah garsoorayaasha  Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow).

Eedeysanaha ayaa 30-cisho gudahood ku qaadan karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda D, 1-aad.

Ciidamo loo soo qabtay burcadnimo oo ay Maxkamadda Ciidamada sii deysay.

Muqdisho (Garsoor)- Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax  ayaa Ciidamada Amniga Deegaanka Garas-baalleey ka soo qabteen  kedib markii lagu soo war geliyay  in ay jiraan rag baad ka qaata dhismayaasha  xaafadaha ee deegaankaasi ku sii kor-dhaya.

Kedib Ciidamada Amniga ayaa u soo gudbiyay Hogaanka Baarista Ciidamada, Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax  kedib baaristooda  waxa ay  u soo gudbiyeen 20-kii   bishii la soo dhaafay  Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Iyana isla maalintaas codsaday in la geeyo xabsiga si loo muddeeyo Maxkamada Qaadista raggan ay soo gudbiyeen Ciidamada Amniga.

19-kii Bishan ayaa Maxkamadda Ciidamada ay u fariisatay  dhageysiga  dacwdda ragga loo heysto oo ah  dhacca oo ay horey u codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana isla maalintaas la furay kiiska ka dhanka ah eedeysanayaasha kor ku xusan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu horreynba sharaxay eedda ka dhanka ah Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax, waxa ayna hor keeneen Maxkamadda Markaatiyaal uu ka mid yahay Guddoomiyaha deegaanka Garas-baalleey iyo Ku xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda, waxa ayna maxkamadda ka hor sheegeen in eedeysanayaasha lagu   soo qabtay  howlgal si guud loogu baadi goobayay  rag dhac ka geystay deegaanka  balse aysan jirin xilligaasi dambi ay gacmaha kula jireen eedeysanayaasha.

Qareenka difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in ay bari ka yihiin eedda ay soo jeediyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla markaana ay yihiin raggan la soo qabtay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la kulmay howl-gallo sida ay Maxkamadda ka hor cadeeyeen masuuliyiinte Deegaanka.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku  gaaray in la siiyo xurriyadooda Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax, iyagoo  aan ku qancin cadeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo Markaatiyaasho oo aan si buuxda ugu caddeyn dambiga, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan ( Wabiyow ) oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada ayaa si maalin la’ah u fariisato dambiyada ka dhanka ah Ciidamada iyo kooxaha u habeysan sidii qaab ciidan oo kale gaar ahaan kooxaha Arga-gixisada ah, waxa ayna dacwadaha ay soo gudbiyaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida kala saaraan dambiyada lagu soo oogay jiritaankooda iyo in kale.