Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Shaqsi loo soo xiray Dil iyo Ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab

Muqdisho (Garsoor)– Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa loo soo qabtay in ka tirsanaa Maleeshiyada Al-shabaab,  sidoo kale waxaa loo heystay in uu ka dambeey dilka Marxuum Cabdulla Maalin Maxam’d  oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xamar (Minishiibiyo) Taariikhdu markey aheyd 22/02/2018, dilkaasi oo ka dhacay degmada Yaaqshiid.

Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa Ciidamada Amniga soo qabtay 18/04/2018, waxaana Ciidamada amniga u soo gudbiyeen  Xafiiska Xeer ilaalinta  21/05 ee isla sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla maalintaas codsaday  in xabsiga loo gudbiyo si Maxkamadda loo hor geeyo.

Baaritaan dheer kedib ayaa Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida  04/06/2018 waxa ay sameeyeen eed ka dhan ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxa ayna ku aadeeyeen ka mid ahaanshiyaha kooxda Al-shabaab iyo Shir-qoolka dilka Marxuumka kor ku xusan.

Eedda ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo cuskaday Baarista ay sameeyeen Ciidamada Amniga iyo shaqsi Markaati ah, waxa ayna eedooda ku codsadeen in la muddeyo  waqti  qaadista Maxkamadda.

12 Bishan aynu ku jirno  ayaa loo fariistay markii ugu horreysay eedda ka dhanka ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxaana garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ay dhageysteen doodda dhinacyada Xeer Ilaalinta iyo Qareenka difaacayay eedeysanaha.

Dood dheer kedib ayaa garsoorayaasha Maxkamadda Go’aan ku gaareyn in dib la isugu noqdo 19-kii isla Bishan, waxaana markale la sii amba qaaday dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysanaha kor ku xusan.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in uu bari ka yahay dhammaan soo jeedinta xeer ilaalinta, waxa uuna u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay doodda in uu yahay Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) Shaqsi  laga been abuuranayo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya jawaabaha uu Garsoorayaasha ka hor bixiyay eedeysanaha, iyagoo dhuuxaya nuxurka doodda dhinacyada ka dhaxeeyso, iyagoo aan ku qancin cadeymaha Maxkamadda la hor keenay oo uu ka mid yahay Markaati ehel la’ ah Marxuumka,   in Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) uu yahay xur, maxkamaddana ay fareyso in la sii daayo  hadii aysan jirin dambiyo kale oo loo heysto, sida uu u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida,  dhamman dhinacyada ka qeyb galayay doodda dacwadda oo ay ka mid aheyd warbaahinta Garsoor.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ah halka kaliye ee caddeyn karta go’aan ka gaarista jiritaanka eedaha ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale, waaana Maxkamadda leh awoodda aan ka gambashada laheyn ee fulineyd hadii ay u cadaato eedaha ka dhanka ah Ciidamada iyo Maleeshiyaadka u abaabulan sidi Qaab Ciidan oo kale sida Maleeshiyada Al-shabaab.

 

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasha ah ku  xukuntay Sarkaal  dilay  Askari.

Muqdisho (Garsoor)-Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada hor keenay  dacwad ka dhan ah  Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi oo dil bareer ah u geystay Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Urur  ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigay Cadeymihii laga qoray eedeysanaha, warqadda dhimashada marxuumka ay qolyaha caafimaadka ku cadeeyeen dhimashada, qorigii lagu dilay iyo laba askari oo goob joog u ahaa falkaasi.

Intaas kedib ayaa waxaa doodda qaatay Qareenkii difaacayay eedeysanaha, waxa uuna maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha dambiga geystay uu difaacayay naftiisa isagoo qiil kaga dhigay in uu ka da’weynaa, balse ay ka xun yihiin wixii dhacay oo dil ah taa bedelkaadna ay diyaar la yihiin Diyada Marxuumka.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo eegaya  Eedda Xeer Ilaalinta, Cadeymaha Warqadaha Dhimashada, Markaatiyaasha, Qorigii lagu dilay Marxuumka iyo Qiraalka uu ka hor cadeeyay Maxkamadda aya go’aan ku gaareen In Mowliid Cali Cabdi uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil-Toogasha ah  oo ah Qisaasta Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen iyadoo sidoo kale ka xayuubisay Darjadii Ciidan uu lahaa, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dambiilaha dil ka geystay waxaa u furan rafcaan oo u qaadan karo Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda.

 

Baaddii Ganacsatada waxaa u bedelay 8-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Muqdisho (Garsoor)- Sanada badan ayaa Soomaaliya waxaa ka jiray in dadka laga handado (Private Number) Nambarka Qarsoon, waxaana dad badani ay ku qasabtay in ay isaga cararaan dalka halka kuwa kalane ay u hogaansameyn in laga qaado baad iyagoo loo sheeganayo Ururadii dalka ka jiray gaar ahaan kan Al-shabaab.

Mar dambe ayaa arrinta (Private Number) joogsatay wallow ay jirtay in dadka laga soo wici jiray Numbarro caadi ah kuwaasi oo lagu fari jiray in loo yeerro ama looga qaado baad.

Arrintaasi iyagoo ka duulaya Hey’adaha Ammaanka ayay gacanta ku soo dhigeen Cabdi Xasan Dhuxuloow oo in mudda ah dadka ku baadi jiray wicitaanka teleefoonka, waxaana lagu soo qabtay isagoo Maamo Soomaaliyeed ku handadayo teleefoon weydiistayna in ay bixiso lacag, waxa ayna aqbashay in ay bixiso lacago ilaa tira seddax jeer.

Markii dambe ayay go’aansatay in ay iska diido wicitaanka Cabdi Xasan Dhuxuloow, waxa uuna u sheegay Maamada  hadii  aysan dhiibin lacagaha uu ka rabo in uu dili doono wiilal dhalinyara ah oo ay dhashay, sidii horeyba loogu dilay aabahood  sanad ka hor.

Maamada Soomaaliyeed ayaa go’aansatay in ay ku war geliso hey’adaha Ammaanka, waxa ayna la xiriirtay ciidamada amniga.

Ciidamada amniga oo ka duulayo wal-walka Maamada Soomaaliyeed iyo dhacca lagu hayo ganacsatada  ayaa daba gal ku sameeyay teleefoonka Cabdi Xasan Dhuxuloow oo ku baadi jiray maamada Soomaaliyeed, waxaana Ciidamada Amniga U suura gashay in ay gacanka ku soo dhigeen Cabdi Xasan Dhuxuloow oo lahaa Fikradda baadda iyo handadaadda.

Hey’adaha dambi baarista ayaa u soo gudbiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Eedda loo heysto Cabdi Xasan Dhuxuloow.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ogolaatay dhageysiga dacawadda ka dhanka ah Cabdi Xasan Dhuxuloow oo lala soo qabtay laba shaqsi mid dumar ay tahay, kuwaasi oo iyaga laftooda mid kamid ah damiin uu ka ahaa nambarka lagu baaadi jiray Maamada Soomaaliyeed.

Dhuxuloow ayaa sheegay in uu in mudda ah ku shaqeysan jiray in uu teleefoonada dadka ka handado isagoo sheeganayo Al-shabaab, waxaana intii ay socotay dacwadda ka dhanka ah sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta ay soo bandhigeen Maamo Soomaaliyeed oo naxadin ay ka qaaday handadaadda Dhuxuloow u jiifta sariir iyadoo miirkii ka tegay.

Qareenka difaacayay eedeysanaha ayaa  ka codsaday Garsoora-yeesha in loo naxariisto eedeysanaha oo ay ku sheegeen in ay baahi u  geysatay.

Garsoorayaasha oo eegaya Dambiga dhacca ah, handadaadda sababtay Miir-daboolka, iyo cadeymaha ay kamid yihiin wareejintii lacagta, Cod laga duubay eedeysanaha, Qiraalkiisa, nambaradii lagu diri jiray lacagta iyo Maaamadii dhibbana aheyd ee garsoorka hortiisa ka caddeysay dhibka lagu hayay  ayaa go’aan ku gaareen  In lagu xukumo Cabdi Xasan Dhuxuloow 8-sano oo Xabsi ah iyadoo sidoo kale Maxkmadda dib ugu celisay lacagtii maamada dhibanaha aheyd laga baaday sida uu u sheegay warbaahinta Garsoor Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa warbaahinta u sheegay  ganacsatada Soomaaliyeed in aysan bixin lacagaha baadda ah si’ aan loo dhiiri gelin dambiyada, waxa uuna ka dalbaday in ay la xiriiraan hey’adaha amniga si loo mariyo ciqaabaha sharciga.

Maxkamadda ayaa sii deysay labada shaqsi ee kale, waxaana sidaas lagu soo gaba-gabeeyay  Shabakad aan iska war heyn oo dadka ku dhici jiray Teleefannada.

 

Rag loo heysto in ay abaabuleen rabashadii Sababtay in la bili-li-qeysto dugsiga Jen Gordan oo Maxkamadd Ciidamada Xukunno kala duwan ku riday.

Muqdisho (Garsoor)– Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeeyay 15-shaqsi oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed  gaar ahaan kuwa ka mid ah Ciidamadii horey u taba-bareen Imaaraadka in ay abaabuleen dhac loo geysto  keydka dugsiga oo ay ku jireen agabka ciidamada.

Eedeysanayaasha ayaa ahaa saraakiil xigeenada dugsiga iyo bare ka mid ahaa saraakiisha ciidamada ay dowladda Imaaraadka ugu tala gashay in uu barro xirfadda Ciidamada ay ku taba-bari jireen dugsiga  Jen, Gordan.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda hor keenay markaatiyaal ka mid ah  ciidamada & saraakiisha kale ee ku jiray dugsiga, sidoo kale Maxkamadda ayaa dhageystay eedeysanayaasha oo iyaga laftooda la weydiiyay dambiyada ay galeen jiritaankooda.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan kaliya aan loo ciqaabin dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna sheegeen in abaabulka dambiyada loo heysto ay ka weyn-tahay eedeysanayaasha, sidaas darteed ayay ka codsadeen  garsoorayaasha Maxkamadda in loo naxariisto  isla markaana la siiyo xurriyadooda.

Maxkamadda oo tix gelineysa cadeymihii horey looga qoray Eedeysanayaasha, Markaatiyaasha iyo Gal-dacwadeedka   la horkeenay Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaratay xukunnada kala ah ;-

“Seddax Alifle Xoogga dalka Yaasiin Ibraahim Aadan hal-sano oo xabsi Ciidan ah

Maxammed Cabdi Sabriye oo shacab ah hal-sano oo xabsi Ciidan ah.

Halka 5-ta kale oo iyagana isku daraja ah lagu wada xukumay 6-bil oo Xabsi Ciidan ah.

Maqanayaal kale oo uu ku jiro Macalimkii dugsiga lagu wada xukumay 5-sano oo xabsi ciidan ah.

Waxa ayna kala yihiin;-

Seddax Alifle Xoogga dalka Ismaaciil Abuukar Muudey, Cali Maxammed Xasan, Qaaasim Ibraahim Aadan, Xuseen Maxammed Cusmaan, Maxamuud Muuse Yuusuf”- sida uu u sheegay warbaahinta Garsoor   Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan  Wabiyow oo kamid ah Garsoorayaasha  Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda ayaa sii deysay   Cabdullaahi Xasan Diiriye  oo ahaa shacab da’diisu ay yartahay.

Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan  Wabiyow ayaa  sidoo kale sheegay in  ciddii aan ku qanacsaneen xukunka ay u furantahay Racfaan.

G/sare Shuute “Shacabkii ku dhintay isku dhacyada ciidamada waa in loo ciqaaba cidda masuuliyadda is rasaa-seyntaasi laheyd”.

Muqdisho (Garsoor)-G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida oo la hadlayay ciidamo ka jawaabay dalabkii madaxweynaha kedib weerarkii 14-kii October oo ku jira dugsiga taba-barka Gen Gordan ayaa kula dar-daarmay marka hore in ay ku shaqeeyaan anshax wanaag.
Guddoomiyaha ayaa uga digay ciidamada in dhexdooda ay isticmaalaan qabyaaladda, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in qofkii arrimahaaasi ku soo cadaadaan loo ciqaabi doono, isagoo sii wata hadalkiisa ayuu ciidamada kula dar-daarmay in ay bartaan qeybaha kala duwan ee aqoonta, rajjooyinkooda iyo hamigoodana ay sara u qaadaan.
Mar uu soo hadal qaaday dhacdooyinka ciidamada dhexdooda ah oo maalmahaan dambe ka dhacayaye magaalada ayuu si cara leh u sheegay in aan la aqbali doonin in shacab ay ku dhinteen isku dhacyada ciidamada.
Laamaha barista oo kaa shanaya xeer ilaalinta ciidamada ayuu ku amaray in ay baaraan dambiyadii dhacay, soona cadeeyaan cidda masuuliyadda wixii dhacay dusha u ridata si loo mariyo wadada cadaaladda.
Gaba-gabadii ayuu sheeegay guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad in aysan noqon doonin markii ugu dambeysay oo ay u yimaadaan ciidamada balse ay si joogta ah uga howl geli doonaan rugaha ciidamada.

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Raggii weeraray Hotel Naasa Hablood2

Muqdishu (Garsoor)-28-kii October 2017 ayay aheyd xilli galab gaab ah saacadda Muqdisho markii maleeshiyada ka tirsan Al-sabaab ay weerar isugu jiro Ismiidaan iyo dagaal toos ah ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Laba ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa eedeysanayaasha kala ah :-

1-Farxaan Maxammed Samatar , 2-C/naasir Dhaqane Xasan, 3-Abshir Xaaji Maxammed Buule

Waxa uu ku soo eedeeyay in raggan la soo qabtay iyagoo isku dayaya in ay ka baxsadaan goobta dagaalka kedib iska cabin xoog leh oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka, sidoo kale xafiiska ayaa soo bandhigay hubka eedeysanaayasha oo isugu jiro bam-booyinka gacanta iyo Ak-47, waxa ayna sidoo kale hor keeneen Maxkamadda Markaatiyaal ay ku jiraan Saraakiisha Ciidamada amniga ee habeenkaas howl-galka wax ka waday, waxa ayna sheegeen in raggan oo iska dhigay ciidamada amniga ay ka soo qabteen, midkoodna dhaawac uu ahaa meel aan ka fogeyn halka ay mashaqadu ka dhacday.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa ka koobneyd 5- xubnood, mid kamid ah ayaa is qarxiyay ka hor dagaalka inta aysan gudaha ugu gelin 4-ta kale, dagaal kedib ayaa 4-tii maleeshiyada aheyd midkood is qarxiyay kaasi oo ku xirneyd walxaha qarxa, waxaana seddaxda kale ay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan hasa ahaate ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigay.

Maxkamadda darajada 1-aad oo dhowr jeer dhageystay kiiskan ayaa ugu dambeyn saakay xukun dil ah ku riday, sida uu subaxii hore ee saakay warbaainta u sheegay guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Weerarkaasi dadka ku dhintay waxa ay isugu jireen Siyaasiin hore oo xil soo qabtay, kuwa hadda qaar oo haayay xilal, saraakiil amni, haween iyo caruur, waxaana inta la xaqiijiyay geeriyooday 18-qof halka ay 47-kale oo ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Hogganada Ciidanka

Muqdisho (Garsoor), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta hoolka shirarka ee Taliska C.B.S kulan kula qaatay dhammaan Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulankaan, ayaa waxaa looga hadlay  dardar gelinta Shaqada Ciidanka Booliska, Adkeynta  ammaanka dalka, Wada shaqeynta Ciidanka iyo Bulshadda Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka waxuu kula dardaarmay in si dardar ah lagu wado shaqada Ciidanka Booliska, isaggoo faray in loo naxariisto, lana caawiyo Shacabka Soomaaliyeed ee Sooman.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Xerada tababarka Ciidanka Danab ee Balli-doogle

Muqdisho (Garsoor), Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ayaa booqday Xarunta tababorka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle, Waxuuna xariga ka jaray  qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.

R/wasaare Kheyre, ayaa booqashada waxaa ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Cali, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Cabdullaahi Cali Caanood iyo masuuliyiin kale, waxaana mid mid ay u kormeereen dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Ballidoogle.

“Waxaan booqday xerada Ciidanka Ballidoogle si aan usoo ogaado horumarka ay sameeyeen sannadkii lasoo dhaafay Ciidanka XDS – DANAB ee ku sugan halkaas” ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika oo maanta lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee cape town

Cape Town (Garsoor), Kooxo Hubeysan Ayaa  Cabdulqaadir Nuur Iiman  waxay ku  Toogteen  tuulo hoostagta Magaaladda Cape town  ee Dalka koonfur Africa, waxaana lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee magaaladda cape town.

Dadkii ka soo qeyb galay aaska, Ayaa  Tacsi u diray  eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay marxuumkaasi.

Maxamed cumar Talyaani Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaliyeed ee  Dalka koonfur Africa,  Ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Dilka aan joogsiga laheyn ee loo geysto Muwaadiniinta Soomaliyeed, Isaggoona Baaq u diray dowladda Soomaaliya.

Mawaadinkan ayaa  noqonayo mawaadintii  5 Naad  ee tan iyo bilowgii Bishaan barakeysan ee Ramadaan lagu dilo Dalkaasi Koonfur Africa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Muqdisho (Garsoor), Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah Madaxa Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha  golaha shacabka JFS, ayaa ugu horeyn wafdigaan uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay golaha shacabka iyo qorshayaasha hadda u degsan.

waxyaabaha labada dhinac  ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah in Midowga yurub uu golaha Shacabka ka taageero dhinacyada farsamada ,inuu tababaro guddiyada golaha shacabka iyo sidoo kale In la helo qubaro ka qeyb qaata diyaarinta shuruucda Dalka muhiimka u ah.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa kulan la qaatay gudiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka oo ay ka wada hadleen arrimaha xeer hoosaadka iyo qodobada wax ka bedelka u baahan .