Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika oo maanta lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee cape town

0
858

Cape Town (Garsoor), Kooxo Hubeysan Ayaa  Cabdulqaadir Nuur Iiman  waxay ku  Toogteen  tuulo hoostagta Magaaladda Cape town  ee Dalka koonfur Africa, waxaana lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee magaaladda cape town.

Dadkii ka soo qeyb galay aaska, Ayaa  Tacsi u diray  eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay marxuumkaasi.

Maxamed cumar Talyaani Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaliyeed ee  Dalka koonfur Africa,  Ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Dilka aan joogsiga laheyn ee loo geysto Muwaadiniinta Soomaliyeed, Isaggoona Baaq u diray dowladda Soomaaliya.

Mawaadinkan ayaa  noqonayo mawaadintii  5 Naad  ee tan iyo bilowgii Bishaan barakeysan ee Ramadaan lagu dilo Dalkaasi Koonfur Africa.