Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Xerada tababarka Ciidanka Danab ee Balli-doogle

0
741

Muqdisho (Garsoor), Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ayaa booqday Xarunta tababorka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle, Waxuuna xariga ka jaray  qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.

R/wasaare Kheyre, ayaa booqashada waxaa ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Cali, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Cabdullaahi Cali Caanood iyo masuuliyiin kale, waxaana mid mid ay u kormeereen dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Ballidoogle.

“Waxaan booqday xerada Ciidanka Ballidoogle si aan usoo ogaado horumarka ay sameeyeen sannadkii lasoo dhaafay Ciidanka XDS – DANAB ee ku sugan halkaas” ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya