Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Raggii weeraray Hotel Naasa Hablood2

0
675

Muqdishu (Garsoor)-28-kii October 2017 ayay aheyd xilli galab gaab ah saacadda Muqdisho markii maleeshiyada ka tirsan Al-sabaab ay weerar isugu jiro Ismiidaan iyo dagaal toos ah ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Laba ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa eedeysanayaasha kala ah :-

1-Farxaan Maxammed Samatar , 2-C/naasir Dhaqane Xasan, 3-Abshir Xaaji Maxammed Buule

Waxa uu ku soo eedeeyay in raggan la soo qabtay iyagoo isku dayaya in ay ka baxsadaan goobta dagaalka kedib iska cabin xoog leh oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka, sidoo kale xafiiska ayaa soo bandhigay hubka eedeysanaayasha oo isugu jiro bam-booyinka gacanta iyo Ak-47, waxa ayna sidoo kale hor keeneen Maxkamadda Markaatiyaal ay ku jiraan Saraakiisha Ciidamada amniga ee habeenkaas howl-galka wax ka waday, waxa ayna sheegeen in raggan oo iska dhigay ciidamada amniga ay ka soo qabteen, midkoodna dhaawac uu ahaa meel aan ka fogeyn halka ay mashaqadu ka dhacday.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa ka koobneyd 5- xubnood, mid kamid ah ayaa is qarxiyay ka hor dagaalka inta aysan gudaha ugu gelin 4-ta kale, dagaal kedib ayaa 4-tii maleeshiyada aheyd midkood is qarxiyay kaasi oo ku xirneyd walxaha qarxa, waxaana seddaxda kale ay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan hasa ahaate ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigay.

Maxkamadda darajada 1-aad oo dhowr jeer dhageystay kiiskan ayaa ugu dambeyn saakay xukun dil ah ku riday, sida uu subaxii hore ee saakay warbaainta u sheegay guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Weerarkaasi dadka ku dhintay waxa ay isugu jireen Siyaasiin hore oo xil soo qabtay, kuwa hadda qaar oo haayay xilal, saraakiil amni, haween iyo caruur, waxaana inta la xaqiijiyay geeriyooday 18-qof halka ay 47-kale oo ay ku dhaawacmeen.