Safiirka Turkiga oo xaruntiisa ku booqday xeer ilaaliyaha guuud ee qaranka

0
596

Muqdisho (Garsoor)- Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilaya Safiirka Turkiga ee Soomaliya.

Booqasho uu ugu kuur galayay howlaha Xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya ayuu ku yimid Safiirka Dowladda Turkiga Olgan Bakar Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya waxaana ku soo dhaweeyay Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir oo uu wehliyo ku xigeenka koowaad Dr.Muse Macalin Maxamed waxeena ay wada qaateen kullan gaar ah.

Safiirka Turkiga ayaa kullanka kaddib waxa uu booqday Xafiisyada Xeer ilaalinta ay ku shaqeeyaan waxaana warbixin ku aadan habka howsha loo qabto siiyay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir iyo sidoo kale wuxuu uga warbixiyay horumarada uu xafiisku ku tallaabsaday saddexdi sane aynu ka soo gudubnay.

Ugu dambeyntii Xeer Ilaalaiyaha Guud Ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahiir ayaa gudoonsiiyay bilad sharaf Safiirka Turkiga Olgan Bakar oo ugu mahad celiyay Walaalaha Turkiga Garab istaagooda Soomaaliya.