Maxkamadda Sare oo xukunno kala duwan ku riday laba askari.

Muqdisho (Garsoor)- Sedax Alifle Boliis. Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed ayaa loo xiray  dilka Marxuum  Ex Kormeera Sedaxaad Boliis.  Xasan Aadan Ibraahim, dilkaasi oo ka dhacay gudaha Saldhiga degmada Hilwaa ee gobalka Banaadir 13-10-aaad sandkii tegay.

Sedax Alifle Boliis. Cali Mahdi Maxamed  ayaa loo heystaa in qoreygiisa  uu kaga tagay meel cidla ah halka Tahliil oo loo diyaarinayay ciidanimo uu riday xabado sababay dhimashada Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Boliis.  Xasan Aadan Ibraahim.

Ciidamada amniga degmada ayaa isla xilligaasi ku wareejiyay labada eedeysane Hey’adda  baarista Dambiyada CID.

Kadib markii ay ka guteen waajibaadkooda  baarista ayay u soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada  Qalabka Side, waxa ayna xafiiska weydiisteen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo xabsiga dhexe eedeysanayaasha gar-sugo ahaan 22-ka 10-aad sanadii 2018.

Baaritaan kale oo dheerad ayay sameeyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna weydiisteen garsoorka in la muddeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah labada eedeysane.

Maxkamadda Darajada koowaad ciidamada Qalabka Side ayaa muddeysay dhageysiga dacwadda 15-12 ee   2018, waxaana lagu ballamay laba cisha kadib fadhiga hore ee Maxkamadda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda horkeenay laba markaati, baaraha dacwadda oo si wada jir ah loo weydiiyay dhammaan su’aalo ku saabsan dilka,  sawirka marxuumka iyo warqadda dhakhtarka ee muujinta dhimashada.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa ku dooday in Tahliil Cali Maxamed uu yahay qaan-gaar miir qaba sidaas darteed loo ciqaabo dambiga  halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed uu dayacay qoreygiisa loogu tala galay in uu ku difaaco cadowga.

Sedax Alifle Boliiska Cali Mahdi Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in uusan ku tala galin dayac balse qadarta ay ku dhacday in Tahliil Cali Maxamed oo aan aqoon badan u laheyn qoreyga sabab u noqday geerida Marxuum Xasan Aadan Ibraahim.

Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa xilligaas ku dooday in wax walba ay ku dhaceen aqoon darro sidaas darteed lagu xukumo diya gaf ah.

Maxkamadda Darajada koowaad ayaa horay ugu soo  kala xukuntay in Tahliil Cali Maxamed uu bixiyo Diyo boqol halaad ah oo ah magta  Ex Kormeera Sedaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xarig ah  halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed lagu xukumay  laba sano oo xarig ah.

Xukunsayaasha ayaa ku qanci waayay xukunka waxa ayna rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare 31-12-2018.

Markale ayaa dib loo furay galka labada eedeysane iyadoo la marinayo marinka cadaaladda, waxaana markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda 8-bishan aynu ku jirno, waxaana shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadeynta Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed.

Doodda u dhexeeysay dhinacyada dacwadda ayaa si isku mid ah fursada loo siiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa si lamid ah soo bandhiga dhammaan qodobada eeddooda, waxaana sidoo kale Qareenada laba eedeysane ku doodeen in loo naxariisto.

Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ayaa ku kala xukuntay

  • Tahliil Cali Maxamed diyo 100-halaad ah oo ah magta Marxuum Kormeer Sedaxaad Boliis   Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xabsi ciidan ah.
  • Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed ayaa isna lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah.

Maxkamadda Sare ayaa ah halka ugu dambeyso oo uu ula Laabto xukunsanaha hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Bahda Garsoorka Ciidanka oo tacsi u diray Shuhadadii ku baxday gacanta Arga-gixisada…

Muqdisho (Garsoor)- Allaha u naxariistee Janaraal, Cumar Aaden Dhubbad, (Cumar dheere) oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Abaandulahii qeybtaas , Janaraal, Cabdi Cali Jamaame, iyo qaar ka mid ah Askartii la socotay ee ku shahiidday weerarkaasi fulaynimada ah ayay Allah uga baryeyn in Naxariistiisa janno uu ka waraabiyo.

Janaraal Cumar Dheere ayaa ku guda jiray fulinta  shaqo uu  garsoorka ciidanka  u diray, waxaana safarkiisa ku wehliyay saraakiil ka socotay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Sida.

Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad  ayaa si wada jir ah Shuhadada uga baryay EEBBE naxariistiisa.

“Cumar dheere waxa uu ahaa Sarkaal  Hoolkar ah,  xoog furan oo fir-fircoon, waxa uu jeclaa in uu geeriyoodo isaga u shaqeynayo dalkiisa, Allaha Unaxariisto dhamman Sareeya-yaasha iyo askartii ku  geeriyootay  dhagartii shalay” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Janaraal Cumar Dheere ayaa lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa xureynta goobaha cadowga Alshabaab ay ku sugnaayeen, waxa uu sidoo kale ahaa taliyihii ugu horreeeyay ee hor kacay ciidan oo isaga masuul ka yahay kuwaasi oo xureeyay dhul ballaaran iyagoo u madax baan howlgalladooda.

Maanta ayaa loo  sameeyay aas Qaran oo ay ka qeyb galaan  masuuliyiin kala duwan.

Inaan Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun….

 

Sawirradan waxaa la qaaday 19-November ee sanadkan mar ay booqasho ku saabsan wacyi gelin ugu tageen Ciidamada Xoogga dalka madaxda Garsoorka Ciidamada.

Hoolka dacwadda maxkamadaha oo loo dhisay qaabka hoolalka dacwadaha Caalamka.

Muqdisho (Garsoor)- Tan iyo Markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee  Soomaaliya  uu ku dhawaaqay Ololaha is Xilqaan ayaa waxaa sii kor dhayay Xarumaha danta guud. ah ee  lagu dhisayo  mashruucan.

Bahda garsoorka oo shacab iyo ciidan ka kooban ayaa iyagana isku baheystay sidii loo dhisi lahaa hoolka dacwadaha si lamid ah hoolalka Maxkamadaha horumaray.

Lacago ay iska jareen shaqaalaha Ciidanka iyo Rayidka, Madaxda garsoorka qeybahooda kala duwan ayaa suura galisay in dib loo dhiso hoolka, waxaana manta ka qeyb galay xafladda dib u furidda  Hoolka Dacwad qaadista Maxkamadaha dalka Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Ciidamada &Rayidka sida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan  Baasha Yuusuf Axmed , Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobalka Abshir Cumar Cabdullahi, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Niuur Shuute, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir  iyo marti sharaf kale oo ka socday qeybaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobalka  Abshir Cumar Cabdullahi  ayaa ugu horeynba u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in ujeedka dib casriyeynta ay tahay sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen kaalintooda kaga aadan dib udhisidda dalka ee ololaha isxilqaan ee uu horay madaxweyna Farmaajo ugu dhawaaqay.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa kaga mahad celiyay qof kasta oo ka qeyb qaatay dhismaha hoolka, waxa uuna sii raaciyay in cadaaladda ay qeyb ka tahay Quruxda oo ay ku leedahay doorweyn.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa isna goobta furitaan xafladda ka sheegay in ay farxad u tahay in uu goobjoog ka noqdo furitaanka howlkan ee markii la gaarayay  go’aankiisa uu safar shaqo dalka kaga maqnaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda SareGaryaqaan  Baasha Yuusuf Axmed oo soo xiray furitaanka Xafladan ayaa u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in xafladda xirantahay, waxa uuna ugu baaqay bahda cadaaladda in ay gartaan doorkooda oo ah Hey’adda sedaxaad ee ugu sareeyso hey’adaha dalka in ay uyihiin tiir, waxa uuna ballan qaaday in ay kasii shaqeyn doono hormarka garsoorka.

Hoolka dacwad qaadista Maxkamadaha dalka ayaa hadda loo naqshadeeyay sida hoolalka Maxkamadaha Casriga ah.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo sii deysay sarkaal xigeen loo heystay dilka askari.

Muqdisho (Garsoor)-Ciidamamada Danabad oo ah kuwa si gaar ah u fuliyay howlgallada lagula dagaalamayo maleeshiyada Nabad-diidka ah ee Alshabaab ayaa iyaga oo fulinaya mid ka mid ah howlo qorsheysan oo ay ku raad joogaan hor jooge ka tirsan kooxda  Alshabaab, waxa ay la kulmeen Cali Cismaan Ibraahim (sankubaay) oo ka tirsan ciiamada Boliska Soomaaliyeed kedib markii ay gafeen u jeedka halka ay u socdeen.

Intaas kedib Isfahan waa soo kala dhex galay ayaa sababay in is rasaa-seyn dhex marto ciidamadii waday howlgallada qorsheysan iyo sarkaal xigeenkan ka tirsan Ciidamada Booliiska waxa ayna sababtay dhimashada  mid ka mid ah ciidamadii howlgallada waday iyo dhaawaca sarkaal xigeenkan ay maxkamadda sii deysay.

Arrintaas kedib ayaa xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida waxa soo gaaray kiiska la xiriira dhacdadan isgafka ku timid ee u dhaxeysay ciidamada, waxaana fadhiyo maxkamadeyd iyo dodo  dheer kedib horey Maxkamadda D, 1-aad  ugu xukuntay sarkaal xigeenkan in la siiyo xurriyadiisa isla markaana taliska Ciidanka xoogga dalka uu bixiyo magte askarigii ku dhintay isku dhacaasi.

Intaas kedib ayaa qareenka u dooday  askari geeriyooday  ehelkiisa waxa ay qaateen rafcaan iyagoo ku doodaya in aysan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda D, 1-aad eey horay u riday  taariikhdu markey aheyd 04.02.2018 .

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbashay rafcaanka Maxkamadda D,1-aad laga soo qaatay, waxa ayna ugu dambeyn go’aaka ku gaareen Garsoorayaasha Maxkamadda Sare in taliska Ciidanka Xoogga dalka uu bixiyo

  • Diyada Marxuum,,,,
  • In la bixiyo 50-halaad oo geel ah oo ah Megta Isha sarkaal xigeenka iyo
  • 5-kun oo dollar oo lagu qiimeeyay bur-bur hantiyadeed iyo dhaawac jirka kale.

 

Sidoo kale Maxkamadda saree ee ciidamada qalabka side amar ku bixisay K/L Bol. 4225 Cali Cismaan Ibraahim (Sankubaayo) si deg-deg ah xabsiga looga siidaayo hadii uusan u xirneyn Dembi kale.

sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda ka qeyb galayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida S/guuto Liibaan Cali Yarow.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ah meesha ugu dambeyso ee go’aan looga gaaro kiisaska horey ay u soo xukumeen Maxkamadda D, 1-aad.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Hogganada Ciidanka

Muqdisho (Garsoor), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta hoolka shirarka ee Taliska C.B.S kulan kula qaatay dhammaan Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulankaan, ayaa waxaa looga hadlay  dardar gelinta Shaqada Ciidanka Booliska, Adkeynta  ammaanka dalka, Wada shaqeynta Ciidanka iyo Bulshadda Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka waxuu kula dardaarmay in si dardar ah lagu wado shaqada Ciidanka Booliska, isaggoo faray in loo naxariisto, lana caawiyo Shacabka Soomaaliyeed ee Sooman.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Xerada tababarka Ciidanka Danab ee Balli-doogle

Muqdisho (Garsoor), Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ayaa booqday Xarunta tababorka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle, Waxuuna xariga ka jaray  qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.

R/wasaare Kheyre, ayaa booqashada waxaa ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Cali, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Cabdullaahi Cali Caanood iyo masuuliyiin kale, waxaana mid mid ay u kormeereen dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Ballidoogle.

“Waxaan booqday xerada Ciidanka Ballidoogle si aan usoo ogaado horumarka ay sameeyeen sannadkii lasoo dhaafay Ciidanka XDS – DANAB ee ku sugan halkaas” ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika oo maanta lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee cape town

Cape Town (Garsoor), Kooxo Hubeysan Ayaa  Cabdulqaadir Nuur Iiman  waxay ku  Toogteen  tuulo hoostagta Magaaladda Cape town  ee Dalka koonfur Africa, waxaana lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee magaaladda cape town.

Dadkii ka soo qeyb galay aaska, Ayaa  Tacsi u diray  eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay marxuumkaasi.

Maxamed cumar Talyaani Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaliyeed ee  Dalka koonfur Africa,  Ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Dilka aan joogsiga laheyn ee loo geysto Muwaadiniinta Soomaliyeed, Isaggoona Baaq u diray dowladda Soomaaliya.

Mawaadinkan ayaa  noqonayo mawaadintii  5 Naad  ee tan iyo bilowgii Bishaan barakeysan ee Ramadaan lagu dilo Dalkaasi Koonfur Africa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Muqdisho (Garsoor), Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah Madaxa Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha  golaha shacabka JFS, ayaa ugu horeyn wafdigaan uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay golaha shacabka iyo qorshayaasha hadda u degsan.

waxyaabaha labada dhinac  ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah in Midowga yurub uu golaha Shacabka ka taageero dhinacyada farsamada ,inuu tababaro guddiyada golaha shacabka iyo sidoo kale In la helo qubaro ka qeyb qaata diyaarinta shuruucda Dalka muhiimka u ah.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa kulan la qaatay gudiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka oo ay ka wada hadleen arrimaha xeer hoosaadka iyo qodobada wax ka bedelka u baahan .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, 31 May, 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dawladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Andreas von UexküII, waxana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada uu dalkiisu siiyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow ayaa boggaadiyay kaalinta dawladda Sweden kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha shaqo abuurka. waxaana uu sheegay in xiriirka labada dal ee xoogan uu horseeday mashaariic iyo kaalmo dhinacyo kala duwan oo mar walba Sweden ay siiso bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda loogu saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in dhalinyarada loo helo fursado shaqo, sidoo kale waxaa la isla soo qaaday in la sii xoojiyo kaalmada ay Sweden siiso Gobolka Banaadir.

Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wada-shaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Sweden iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo inay ka go’an tahay inay si intaa ka dhow u wada shaqeeyaan.

Wasiirka cusub ee Warfaafinta oo maanta soo gaaray Muqdisho

Muqdisho(Garsoor)–Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle Cusmaan Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah wasiirrada uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey, Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, Eng Yariisoow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Cusub Daahir Maxamuud Geelle ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintii soo dhoweysay,wuxuuna sheegayna in ay sii wadi doonaan horumarinta Warfaafinta, isagoo xusay in 8 sano ka hor xilalkii iyo xaaladahii uu kaga tegay ay aad iyo aad uga sarreeyaan.

“Waxaan jeclahay in marka aan imaado aanan hadlin balse marka aan tagayo inaan hadlo, anoo markaasi wax badan qabtay, waxaan hadda sheegayo waxay noqon karaan oo kaliya balanqaadyo iyo waxyaabo riyo ah”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waxaan ku farax sanahay inaan mar labaad ku soo noqdo Wasaaradda Wafaafinta, waxaana rajeynayaa in wax Dalka iyo dadka anfaca aan sameyno, waxaana idinkula soo noqon daacadnimo iyo waayo aragnimo aan meelo kala ka kasbaday, adinkuna intaasi mid la mid ah aad kasbateen xilliyadaasi, arrimahaasi oo dhan ayaan isku biiri doonnaa”.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa isla maanta kormeeray qaybaha ay ka koobantahay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Qaybaha Warbaahinta sida Radio Muqdisho, TVga Qaranka, Wakaaladda SONNA iyo Wargeyka dalka ayaa ka mid ah goobaha uu booqday Wasiirka, iyadoo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimayaasha waaxyaha ay Warbixin ka siiyeen Wasiirka sida ay u socoto shaqada Warbaahinta iyo guud ahaan shaqada Wasaaradda.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa laga filayaa inuu wax weyn ka qabto howsha baaxadda leh ee ku aadan hormarinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, isagoo hore uga soo noqday Wasiir muddo haatan laga joogo 8 sano.