Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Muqdisho (Garsoor), Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah Madaxa Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha  golaha shacabka JFS, ayaa ugu horeyn wafdigaan uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay golaha shacabka iyo qorshayaasha hadda u degsan.

waxyaabaha labada dhinac  ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah in Midowga yurub uu golaha Shacabka ka taageero dhinacyada farsamada ,inuu tababaro guddiyada golaha shacabka iyo sidoo kale In la helo qubaro ka qeyb qaata diyaarinta shuruucda Dalka muhiimka u ah.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa kulan la qaatay gudiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka oo ay ka wada hadleen arrimaha xeer hoosaadka iyo qodobada wax ka bedelka u baahan .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, 31 May, 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dawladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Andreas von UexküII, waxana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada uu dalkiisu siiyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow ayaa boggaadiyay kaalinta dawladda Sweden kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha shaqo abuurka. waxaana uu sheegay in xiriirka labada dal ee xoogan uu horseeday mashaariic iyo kaalmo dhinacyo kala duwan oo mar walba Sweden ay siiso bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda loogu saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in dhalinyarada loo helo fursado shaqo, sidoo kale waxaa la isla soo qaaday in la sii xoojiyo kaalmada ay Sweden siiso Gobolka Banaadir.

Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wada-shaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Sweden iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo inay ka go’an tahay inay si intaa ka dhow u wada shaqeeyaan.

Wasiirka cusub ee Warfaafinta oo maanta soo gaaray Muqdisho

Muqdisho(Garsoor)–Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle Cusmaan Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah wasiirrada uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey, Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, Eng Yariisoow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Cusub Daahir Maxamuud Geelle ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintii soo dhoweysay,wuxuuna sheegayna in ay sii wadi doonaan horumarinta Warfaafinta, isagoo xusay in 8 sano ka hor xilalkii iyo xaaladahii uu kaga tegay ay aad iyo aad uga sarreeyaan.

“Waxaan jeclahay in marka aan imaado aanan hadlin balse marka aan tagayo inaan hadlo, anoo markaasi wax badan qabtay, waxaan hadda sheegayo waxay noqon karaan oo kaliya balanqaadyo iyo waxyaabo riyo ah”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waxaan ku farax sanahay inaan mar labaad ku soo noqdo Wasaaradda Wafaafinta, waxaana rajeynayaa in wax Dalka iyo dadka anfaca aan sameyno, waxaana idinkula soo noqon daacadnimo iyo waayo aragnimo aan meelo kala ka kasbaday, adinkuna intaasi mid la mid ah aad kasbateen xilliyadaasi, arrimahaasi oo dhan ayaan isku biiri doonnaa”.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa isla maanta kormeeray qaybaha ay ka koobantahay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Qaybaha Warbaahinta sida Radio Muqdisho, TVga Qaranka, Wakaaladda SONNA iyo Wargeyka dalka ayaa ka mid ah goobaha uu booqday Wasiirka, iyadoo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimayaasha waaxyaha ay Warbixin ka siiyeen Wasiirka sida ay u socoto shaqada Warbaahinta iyo guud ahaan shaqada Wasaaradda.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa laga filayaa inuu wax weyn ka qabto howsha baaxadda leh ee ku aadan hormarinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, isagoo hore uga soo noqday Wasiir muddo haatan laga joogo 8 sano.