Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Muqdisho (Garsoor), Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah Madaxa Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha  golaha shacabka JFS, ayaa ugu horeyn wafdigaan uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay golaha shacabka iyo qorshayaasha hadda u degsan.

waxyaabaha labada dhinac  ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah in Midowga yurub uu golaha Shacabka ka taageero dhinacyada farsamada ,inuu tababaro guddiyada golaha shacabka iyo sidoo kale In la helo qubaro ka qeyb qaata diyaarinta shuruucda Dalka muhiimka u ah.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa kulan la qaatay gudiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka oo ay ka wada hadleen arrimaha xeer hoosaadka iyo qodobada wax ka bedelka u baahan .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, 31 May, 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dawladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Andreas von UexküII, waxana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada uu dalkiisu siiyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow ayaa boggaadiyay kaalinta dawladda Sweden kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha shaqo abuurka. waxaana uu sheegay in xiriirka labada dal ee xoogan uu horseeday mashaariic iyo kaalmo dhinacyo kala duwan oo mar walba Sweden ay siiso bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda loogu saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in dhalinyarada loo helo fursado shaqo, sidoo kale waxaa la isla soo qaaday in la sii xoojiyo kaalmada ay Sweden siiso Gobolka Banaadir.

Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wada-shaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Sweden iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo inay ka go’an tahay inay si intaa ka dhow u wada shaqeeyaan.