Ciidamo loo soo qabtay burcadnimo oo ay Maxkamadda Ciidamada sii deysay.

Muqdisho (Garsoor)- Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax  ayaa Ciidamada Amniga Deegaanka Garas-baalleey ka soo qabteen  kedib markii lagu soo war geliyay  in ay jiraan rag baad ka qaata dhismayaasha  xaafadaha ee deegaankaasi ku sii kor-dhaya.

Kedib Ciidamada Amniga ayaa u soo gudbiyay Hogaanka Baarista Ciidamada, Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax  kedib baaristooda  waxa ay  u soo gudbiyeen 20-kii   bishii la soo dhaafay  Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Iyana isla maalintaas codsaday in la geeyo xabsiga si loo muddeeyo Maxkamada Qaadista raggan ay soo gudbiyeen Ciidamada Amniga.

19-kii Bishan ayaa Maxkamadda Ciidamada ay u fariisatay  dhageysiga  dacwdda ragga loo heysto oo ah  dhacca oo ay horey u codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana isla maalintaas la furay kiiska ka dhanka ah eedeysanayaasha kor ku xusan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu horreynba sharaxay eedda ka dhanka ah Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax, waxa ayna hor keeneen Maxkamadda Markaatiyaal uu ka mid yahay Guddoomiyaha deegaanka Garas-baalleey iyo Ku xigeenkiisa Amniga iyo Siyaasadda, waxa ayna maxkamadda ka hor sheegeen in eedeysanayaasha lagu   soo qabtay  howlgal si guud loogu baadi goobayay  rag dhac ka geystay deegaanka  balse aysan jirin xilligaasi dambi ay gacmaha kula jireen eedeysanayaasha.

Qareenka difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in ay bari ka yihiin eedda ay soo jeediyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla markaana ay yihiin raggan la soo qabtay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la kulmay howl-gallo sida ay Maxkamadda ka hor cadeeyeen masuuliyiinte Deegaanka.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku  gaaray in la siiyo xurriyadooda Seddax Alifle Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Cabdullahi Maxamed Casir Iyo Dable Xoogga Dalka Cabdi Faarax Cariif Afrax, iyagoo  aan ku qancin cadeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo Markaatiyaasho oo aan si buuxda ugu caddeyn dambiga, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan ( Wabiyow ) oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada ayaa si maalin la’ah u fariisato dambiyada ka dhanka ah Ciidamada iyo kooxaha u habeysan sidii qaab ciidan oo kale gaar ahaan kooxaha Arga-gixisada ah, waxa ayna dacwadaha ay soo gudbiyaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida kala saaraan dambiyada lagu soo oogay jiritaankooda iyo in kale.

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Shaqsi loo soo xiray Dil iyo Ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab

Muqdisho (Garsoor)– Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa loo soo qabtay in ka tirsanaa Maleeshiyada Al-shabaab,  sidoo kale waxaa loo heystay in uu ka dambeey dilka Marxuum Cabdulla Maalin Maxam’d  oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xamar (Minishiibiyo) Taariikhdu markey aheyd 22/02/2018, dilkaasi oo ka dhacay degmada Yaaqshiid.

Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) ayaa Ciidamada Amniga soo qabtay 18/04/2018, waxaana Ciidamada amniga u soo gudbiyeen  Xafiiska Xeer ilaalinta  21/05 ee isla sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla maalintaas codsaday  in xabsiga loo gudbiyo si Maxkamadda loo hor geeyo.

Baaritaan dheer kedib ayaa Xafiiska Xeer Ialaalinta Ciidamada Qalabka Sida  04/06/2018 waxa ay sameeyeen eed ka dhan ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxa ayna ku aadeeyeen ka mid ahaanshiyaha kooxda Al-shabaab iyo Shir-qoolka dilka Marxuumka kor ku xusan.

Eedda ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa loo cuskaday Baarista ay sameeyeen Ciidamada Amniga iyo shaqsi Markaati ah, waxa ayna eedooda ku codsadeen in la muddeyo  waqti  qaadista Maxkamadda.

12 Bishan aynu ku jirno  ayaa loo fariistay markii ugu horreysay eedda ka dhanka ah Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto), waxaana garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ay dhageysteen doodda dhinacyada Xeer Ilaalinta iyo Qareenka difaacayay eedeysanaha.

Dood dheer kedib ayaa garsoorayaasha Maxkamadda Go’aan ku gaareyn in dib la isugu noqdo 19-kii isla Bishan, waxaana markale la sii amba qaaday dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysanaha kor ku xusan.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in uu bari ka yahay dhammaan soo jeedinta xeer ilaalinta, waxa uuna u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay doodda in uu yahay Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) Shaqsi  laga been abuuranayo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya jawaabaha uu Garsoorayaasha ka hor bixiyay eedeysanaha, iyagoo dhuuxaya nuxurka doodda dhinacyada ka dhaxeeyso, iyagoo aan ku qancin cadeymaha Maxkamadda la hor keenay oo uu ka mid yahay Markaati ehel la’ ah Marxuumka,   in Cabdullaahi Xasan Axm’d Maalin (Warranto) uu yahay xur, maxkamaddana ay fareyso in la sii daayo  hadii aysan jirin dambiyo kale oo loo heysto, sida uu u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur (Shuute) Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida,  dhamman dhinacyada ka qeyb galayay doodda dacwadda oo ay ka mid aheyd warbaahinta Garsoor.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ah halka kaliye ee caddeyn karta go’aan ka gaarista jiritaanka eedaha ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale, waaana Maxkamadda leh awoodda aan ka gambashada laheyn ee fulineyd hadii ay u cadaato eedaha ka dhanka ah Ciidamada iyo Maleeshiyaadka u abaabulan sidi Qaab Ciidan oo kale sida Maleeshiyada Al-shabaab.

 

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasha ah ku  xukuntay Sarkaal  dilay  Askari.

Muqdisho (Garsoor)-Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada hor keenay  dacwad ka dhan ah  Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi oo dil bareer ah u geystay Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Urur  ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigay Cadeymihii laga qoray eedeysanaha, warqadda dhimashada marxuumka ay qolyaha caafimaadka ku cadeeyeen dhimashada, qorigii lagu dilay iyo laba askari oo goob joog u ahaa falkaasi.

Intaas kedib ayaa waxaa doodda qaatay Qareenkii difaacayay eedeysanaha, waxa uuna maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha dambiga geystay uu difaacayay naftiisa isagoo qiil kaga dhigay in uu ka da’weynaa, balse ay ka xun yihiin wixii dhacay oo dil ah taa bedelkaadna ay diyaar la yihiin Diyada Marxuumka.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo eegaya  Eedda Xeer Ilaalinta, Cadeymaha Warqadaha Dhimashada, Markaatiyaasha, Qorigii lagu dilay Marxuumka iyo Qiraalka uu ka hor cadeeyay Maxkamadda aya go’aan ku gaareen In Mowliid Cali Cabdi uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil-Toogasha ah  oo ah Qisaasta Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen iyadoo sidoo kale ka xayuubisay Darjadii Ciidan uu lahaa, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dambiilaha dil ka geystay waxaa u furan rafcaan oo u qaadan karo Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda.

 

Rag loo heysto in ay abaabuleen rabashadii Sababtay in la bili-li-qeysto dugsiga Jen Gordan oo Maxkamadd Ciidamada Xukunno kala duwan ku riday.

Muqdisho (Garsoor)– Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeeyay 15-shaqsi oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed  gaar ahaan kuwa ka mid ah Ciidamadii horey u taba-bareen Imaaraadka in ay abaabuleen dhac loo geysto  keydka dugsiga oo ay ku jireen agabka ciidamada.

Eedeysanayaasha ayaa ahaa saraakiil xigeenada dugsiga iyo bare ka mid ahaa saraakiisha ciidamada ay dowladda Imaaraadka ugu tala gashay in uu barro xirfadda Ciidamada ay ku taba-bari jireen dugsiga  Jen, Gordan.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda hor keenay markaatiyaal ka mid ah  ciidamada & saraakiisha kale ee ku jiray dugsiga, sidoo kale Maxkamadda ayaa dhageystay eedeysanayaasha oo iyaga laftooda la weydiiyay dambiyada ay galeen jiritaankooda.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan kaliya aan loo ciqaabin dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna sheegeen in abaabulka dambiyada loo heysto ay ka weyn-tahay eedeysanayaasha, sidaas darteed ayay ka codsadeen  garsoorayaasha Maxkamadda in loo naxariisto  isla markaana la siiyo xurriyadooda.

Maxkamadda oo tix gelineysa cadeymihii horey looga qoray Eedeysanayaasha, Markaatiyaasha iyo Gal-dacwadeedka   la horkeenay Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaratay xukunnada kala ah ;-

“Seddax Alifle Xoogga dalka Yaasiin Ibraahim Aadan hal-sano oo xabsi Ciidan ah

Maxammed Cabdi Sabriye oo shacab ah hal-sano oo xabsi Ciidan ah.

Halka 5-ta kale oo iyagana isku daraja ah lagu wada xukumay 6-bil oo Xabsi Ciidan ah.

Maqanayaal kale oo uu ku jiro Macalimkii dugsiga lagu wada xukumay 5-sano oo xabsi ciidan ah.

Waxa ayna kala yihiin;-

Seddax Alifle Xoogga dalka Ismaaciil Abuukar Muudey, Cali Maxammed Xasan, Qaaasim Ibraahim Aadan, Xuseen Maxammed Cusmaan, Maxamuud Muuse Yuusuf”- sida uu u sheegay warbaahinta Garsoor   Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan  Wabiyow oo kamid ah Garsoorayaasha  Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda ayaa sii deysay   Cabdullaahi Xasan Diiriye  oo ahaa shacab da’diisu ay yartahay.

Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan  Wabiyow ayaa  sidoo kale sheegay in  ciddii aan ku qanacsaneen xukunka ay u furantahay Racfaan.

G/sare Shuute “Shacabkii ku dhintay isku dhacyada ciidamada waa in loo ciqaaba cidda masuuliyadda is rasaa-seyntaasi laheyd”.

Muqdisho (Garsoor)-G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida oo la hadlayay ciidamo ka jawaabay dalabkii madaxweynaha kedib weerarkii 14-kii October oo ku jira dugsiga taba-barka Gen Gordan ayaa kula dar-daarmay marka hore in ay ku shaqeeyaan anshax wanaag.
Guddoomiyaha ayaa uga digay ciidamada in dhexdooda ay isticmaalaan qabyaaladda, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in qofkii arrimahaaasi ku soo cadaadaan loo ciqaabi doono, isagoo sii wata hadalkiisa ayuu ciidamada kula dar-daarmay in ay bartaan qeybaha kala duwan ee aqoonta, rajjooyinkooda iyo hamigoodana ay sara u qaadaan.
Mar uu soo hadal qaaday dhacdooyinka ciidamada dhexdooda ah oo maalmahaan dambe ka dhacayaye magaalada ayuu si cara leh u sheegay in aan la aqbali doonin in shacab ay ku dhinteen isku dhacyada ciidamada.
Laamaha barista oo kaa shanaya xeer ilaalinta ciidamada ayuu ku amaray in ay baaraan dambiyadii dhacay, soona cadeeyaan cidda masuuliyadda wixii dhacay dusha u ridata si loo mariyo wadada cadaaladda.
Gaba-gabadii ayuu sheeegay guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad in aysan noqon doonin markii ugu dambeysay oo ay u yimaadaan ciidamada balse ay si joogta ah uga howl geli doonaan rugaha ciidamada.

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Raggii weeraray Hotel Naasa Hablood2

Muqdishu (Garsoor)-28-kii October 2017 ayay aheyd xilli galab gaab ah saacadda Muqdisho markii maleeshiyada ka tirsan Al-sabaab ay weerar isugu jiro Ismiidaan iyo dagaal toos ah ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Laba ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa eedeysanayaasha kala ah :-

1-Farxaan Maxammed Samatar , 2-C/naasir Dhaqane Xasan, 3-Abshir Xaaji Maxammed Buule

Waxa uu ku soo eedeeyay in raggan la soo qabtay iyagoo isku dayaya in ay ka baxsadaan goobta dagaalka kedib iska cabin xoog leh oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka, sidoo kale xafiiska ayaa soo bandhigay hubka eedeysanaayasha oo isugu jiro bam-booyinka gacanta iyo Ak-47, waxa ayna sidoo kale hor keeneen Maxkamadda Markaatiyaal ay ku jiraan Saraakiisha Ciidamada amniga ee habeenkaas howl-galka wax ka waday, waxa ayna sheegeen in raggan oo iska dhigay ciidamada amniga ay ka soo qabteen, midkoodna dhaawac uu ahaa meel aan ka fogeyn halka ay mashaqadu ka dhacday.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa ka koobneyd 5- xubnood, mid kamid ah ayaa is qarxiyay ka hor dagaalka inta aysan gudaha ugu gelin 4-ta kale, dagaal kedib ayaa 4-tii maleeshiyada aheyd midkood is qarxiyay kaasi oo ku xirneyd walxaha qarxa, waxaana seddaxda kale ay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan hasa ahaate ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigay.

Maxkamadda darajada 1-aad oo dhowr jeer dhageystay kiiskan ayaa ugu dambeyn saakay xukun dil ah ku riday, sida uu subaxii hore ee saakay warbaainta u sheegay guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Weerarkaasi dadka ku dhintay waxa ay isugu jireen Siyaasiin hore oo xil soo qabtay, kuwa hadda qaar oo haayay xilal, saraakiil amni, haween iyo caruur, waxaana inta la xaqiijiyay geeriyooday 18-qof halka ay 47-kale oo ay ku dhaawacmeen.

GUDDOOMIYAHA CUSUB EE MAXKAMADDA SARE OO MAANTA LA DHAARIYAY

Muqdisho, 29ka May, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta koowaad siinayso dib-u-habeynta garsoorka dalka.

“Muddooyinkii la soo dhaafay dadkeennu waxa ay ka hadlaayeen caddaalad darro dhinac walba ah oo baahsan. Waxaan ku samaynaynay daraasad meesha dhibku ka taagan yahay iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka. Waxaa noo soo baxday in loo baahan yahay dib-u-habayn, dib-u-habayntaasina maanta ayay bilaabatay, waxaana noogu xigi doona in aan dhisno Golaha Adeegga Garsoorka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda xilka culus ee uu u magacaaabay, isaga oo ka codsaday laamaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba in ay gacan ku siiyaan sidii uu u gudan lahaa xilka culus ee loo igmaday.

Guddoomiye Baashe oo hadal kooban jeediyay dhaarinta kaddib ayaa yiri: “Helitaanka garsoor hufan, madax-bannaan, dhexdhexaad ah, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeega caddaalad, waxa uu aasaas u yahay in la helo caddaalad oo iyaduna saldhig u ah wax kasta oo saameeya nolosha bini’aadamka.”

“Haddii ay noqoto horumar, haddii ay noqoto amni iyo haddii ay noqoto kor-u-kac dhaqaale dhammaantood waxaa aasaas u ah in la helo caddaalad, helitaanka caddaaladduna waa masuuliyad wadareed saaran qof kasta oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed, aniguna waxaan ahay qofka masuuliyadda koowaad ay ka saaran tahay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu duceeyay Guddoomiyaha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka, wuxuuna faray goleyaasha dowladda in ay soo dhameystiraan dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka oo wax weyn ka taraya dib-u-habeynta iyo hufnaanta garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu magacabaayo Guddiga Dib-u-eegista Dacwadaha iyo Cabashooyinka oo si dhaw ula shaqeynaya Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare. Guddigan oo ka kooban sharci yaqaanno iyo culumada diinta ayaa dib u dhegeysanaya dacwadaha lagu muransan yahay iyo xukunnada ay sida khaldan u rideen hay’daha Garsoorka dalka.

Munaasabadda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Guddoomiye K/Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiirka Caddaalada Mudane Xasan Xaaji, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac, Garsooreyaasha Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliye K/Xigeenka Qaranka iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Asluubta.

DHAMMAAD

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Hogganada Ciidanka

Muqdisho (Garsoor), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta hoolka shirarka ee Taliska C.B.S kulan kula qaatay dhammaan Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulankaan, ayaa waxaa looga hadlay  dardar gelinta Shaqada Ciidanka Booliska, Adkeynta  ammaanka dalka, Wada shaqeynta Ciidanka iyo Bulshadda Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka waxuu kula dardaarmay in si dardar ah lagu wado shaqada Ciidanka Booliska, isaggoo faray in loo naxariisto, lana caawiyo Shacabka Soomaaliyeed ee Sooman.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Xerada tababarka Ciidanka Danab ee Balli-doogle

Muqdisho (Garsoor), Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ayaa booqday Xarunta tababorka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle, Waxuuna xariga ka jaray  qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.

R/wasaare Kheyre, ayaa booqashada waxaa ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Cali, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Cabdullaahi Cali Caanood iyo masuuliyiin kale, waxaana mid mid ay u kormeereen dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Ballidoogle.

“Waxaan booqday xerada Ciidanka Ballidoogle si aan usoo ogaado horumarka ay sameeyeen sannadkii lasoo dhaafay Ciidanka XDS – DANAB ee ku sugan halkaas” ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika oo maanta lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee cape town

Cape Town (Garsoor), Kooxo Hubeysan Ayaa  Cabdulqaadir Nuur Iiman  waxay ku  Toogteen  tuulo hoostagta Magaaladda Cape town  ee Dalka koonfur Africa, waxaana lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee magaaladda cape town.

Dadkii ka soo qeyb galay aaska, Ayaa  Tacsi u diray  eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay marxuumkaasi.

Maxamed cumar Talyaani Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaliyeed ee  Dalka koonfur Africa,  Ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Dilka aan joogsiga laheyn ee loo geysto Muwaadiniinta Soomaliyeed, Isaggoona Baaq u diray dowladda Soomaaliya.

Mawaadinkan ayaa  noqonayo mawaadintii  5 Naad  ee tan iyo bilowgii Bishaan barakeysan ee Ramadaan lagu dilo Dalkaasi Koonfur Africa.