Xukunka Argagaxiso Masjid ka dhaxtuuri Rabay Bom F1.

Garsoor – (Mogadishu)-  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Maankeey), ayaa iska Diwaan Geliyay Safka argagixisada, isaggoo qaatay tababaro kala duwan oo lagu barayay adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan,  kagana sii gudbay Qeybta Jabhadaha ku dhuumaaleysta goholka Shabeellaha Hoose.

Soddon Dollar  oo mushaar ahaan uu u  qaadan jiray, ayaa isku beddeshay Afartan Dollar, Waxaana loo soo wareejiyey magaaladda Muqdisho.

Xoogsade dhismaha guryaha ka shaqeeya ayuu gabbaad ka dhigtay, waxaana ka hoos socday indho indheyn uu ku soo sameyn jiray baraha hubinta Ciidamada Amniga.

Labaatan iyo labadii bishii maarso ee sanadkaan, ayaa lagu soo qabtay isaggoo isku dayey Xilli Ramadaan ah in uu Bam F1 ah ka dhex tuuro Masjidka Dabaqa ah ee Xaaji Bashiir oo ku yaalla Degmadda Deyniile, Mid ka mid ah Jameecada Masjidka ayaa gacanta ula tagay Dhagarqabaha, kuna simay laamaha amniga.

Ibraahin Isaaq Aadan Cali (Dawiil) waxa uu 2018 ka mid noqday argagixisada, Waxaana uu Tabbar hal bil ah u qaatay isticmaalka Hubka noocyadiisa kala duwan.

Si la mid ah Eedeysanaha koowaad Jabhad ku dhuumaaleysata Shabeellaha hoose qeybo ayuu kamid ahaa, isaggoo la galay dagaalo lala galay ciidanka Xoogga dalka.

Mar danbe ayaana loo soo beddelay kooxda dilalka gaadmada ah ka fulisa caasimada, Bakaaro ayeyna Khawaarijta uga Camireen miis Gabbaad ah uu ku iibinayay Ookiyaalaha Xaragada iyo Saacadaha, Mushaar Ahaana waxa uu u qaadan jiray 30 Dollar bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Kow iyo Labaatankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Maankeey) Toban Sano oo  Xabsi Argagaxiso ah, halka Ibraahin Isaaq Aadan Cali (Dawiil)  isna lagu xukumay Lix Sano oo xabsi Argagaxiso ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka eedeesanayaal saxiixay qaliin aysan xaq u lahayn…..

Garsoor (Mogadisho)-  Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed ayaa lagu eedeeyey saxiix qaliin aysan xaq u lahayn oo lagu sameeyay Marxuum Nimco Muuse Axmed oo aheyd hooyo xaamilo ah, gaaratayna xilligii dhalmada.
Labada Eedeysane oo lahaa Xiriir aan dhaafsiisneyn in ay ahayeen dad asxaab ah, ayaa Isbitaalo kala Duwan oo ay geeyeen Marxuumada laga wada helay hal natiijo oo isku mid ah, taas oo ah in Qaliin lagu umuliyo, maadaama uu ilmaha uurka ku jiro uu yahay mid dhintay, ayna Maraan Habraaca.
Waxa ay dib ugu laabteen Isbitaalka Digfeer, iyaga oo sheegay in aysan awoodin qarashaadka Isbitaalka, Maalmulka isbitaalka ayaana u fidiyay adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah marxuumadda.
Waxaa loo baahday Saxiixa Ehelka Marxuumada ama Aabaha Cunuga Caloosha ku jira oo Waajib sharci ah ka aheyd isbitaalka in la maro Habraacaas.
Waxa ay Saxiixeen qaliinkeeda iyaggoo kala Matalay Seyga iyo Walaalka Marxuumad Nimco Muuse Axmed oo Sodon iyo Kowda Bishii seddexaad ee sanadkaan geeriyootay Qaliin loogu sameeyay Hospital ka Digfeer Ee Muqdisho.
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday labaatankii Bishaan.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta siiyay xoriyadooda Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed.
Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Xukunka Dil ka dhacay Kismaayo.

Garsoor – (Mogadishu)-  Ex Dable Nisa Maxamed Buulle Muumin ayaa, lagu soo eedeeyay dilka Alifle Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow) iyo dhaawaca dhibanayaal Dable Nisa Maxamed Cabdulaahi Maxamed iyo Alife Nisa Cabdullaahi Axmed Cabdiqaadir (Ilkacase), falkaas oo ka dhacay Magaaladda Kismaayo, Labaatankii bishii Jun sanadkii 2023.

Fal dambiyeedkaan, ayaa dhacay habeen Saq dhexe xilli ay Hurdaayeen marxuumka iyo dhibaneyaasha, Eedeesanaha ayaana ku dooday in sababta dilka keentay in ay aheyd muran dhul oo kala dhaxeeyay Marxuumka.
Dilka ka dib Maxamed Buulle ayaa ka baxsaday magaaladda Kismaayo, isaggoo isku-dhiibay Khawaarijta, kuna wareejiyay qorigii Dawladda ay siisay.
 
Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, isaggoo ku dhuumaleysanaya Sagaal iyo Tobankii Bishii April ee Sanadkaan.
 
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo Tobankii Bishaan .
 
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Nisa Maxamed Buule Muumin Dil toogasho ahna qisaastii Marxuum A/Le Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow) .
 
Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Xukunka Askari Maxaad iisoo Fiirsay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa.

Garsoor (Mogadishu) – Dable bol. Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Haramcad, ayaa lagu eedeeyay dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.

Eedeeysanaha ayaana u dilay Marxuumka Kaliya Maxaad iisoo fiirisay Darteed, Xilli ay isaga horyimaadeen wado u dhow Masjidka Cali Boolaay ee degmadda Waabari, kadibna ku baxsaday Mooto Fekon, Balse Isla maalintaasi oo ku begneyd Labaatan iyo Sideedii Bishii Jun ee sanadkaan ayey degmadda Cabdicasiis kasoo qabteen Hay’addaha ammaanka.

Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobo iyo labaatankii Bishii july.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex- Dable Bol. Bakar Cabdicasiis Maxamed Dil toogasho ahna qisaastii Marxuum Cali Iskoow Daa’uud.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Xukunka Shabakad lagu eedeyay in ay argagixisada u qaabilsaneyd dhagaraha Dilalka iyo qaraxyada….

Garsoore (Mogadishu)- Eedeysaneyaasha kala ah Maxamed Nuur Cali, afgarashadiisuna tahay Cabdimajiid, Cabdullaahi Xuseen Maxamed iyo Deeqoow Aadan Barre Balse kooxda dhaxdeeda loogu yeero Cumar oo dhamaantood isku wada tabbabar ah, Ayaa Shabakadaan uga wakiil ahaa Dilalka qorsheysan ee Gaadmada ah.

Nissa oo ku duulaysa xogo sirdoon ayaa samaysay Howgallo Qorsheysan oo ka hortag  ah seddex Goboodna ka kala dhacay, waxayna ku soo qabatay Eedeysaneyasha iyo Hub ka kooban Seddex  Bastooladood iyo laba Bam F1 Sideed iyo Tobankii Bishii August 2024.

Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed  Webka, ayaa lagu  eedeeyay in uu si gaara Shaqadiisu aheyd Qeybta Qaraxyada, waxaana galkiisa laamaha amniga ku jira in Qarax nooca Miinada Dhulka lagu aaso ah ka fuliyay laamiga dheer ee Degmadda Kaxda, qaraxaasi oo ay ku geeriyoodeen tiktokers muuqaalo ku duubaayey laamiga hareerihiisa, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka, ayaana qabatay isagga labadiisa Horjooge ee Yaasir iyo Guuleed  oo uu u kala gudbinaya Subag.

Farxaan Aadan Xassan, ayaa Qoryoolay uu ku dhashay uga soo cararay dugsi Diidnimo, waxaana laga diiwaan geliyay Safka Khawaarijta, Gaar ahaan Qeybta Dilalka qorsheysan iyo Qaraxyada.

Xassan Cali Ciire Kuuloow, ayaa isna lagu  eedeeyay in uu  shaqo suga u ahaa shabakadaan, waxaana uu gacan galay kadib tilmaam laga helay eedeysane Farxaan oo ay isku shaqa ahayeen.

Baaris dheer ka dib xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday Mudeynta Kiiskaan, waana laga aqbalay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

  • Maxamed Nuur Cali, Cabdulaahi Xuseen Maxamed iyo Deeqoow Aadan Barre ayey Maxkamadu ku xukuntay min Toban Sano oo Xabsi Argagixiso ah.
  •  Cabdishakuur Cabdiqaadir Maxmed Webka, ayaa lagu xukumay Sadax sano oo Xabsi argagixiso ah.
  • Farxaan Aadan Xassan  ayaa isna lagu xukumay Shan sano oo Xabsi Argagaxiso ah.
  • Haalka Xassan Cali Ciire kuuloow dib loo siiyay Xuriyadiisa.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

 

Xukunka Dil ka dhashay Muran Boosaneer……

Garsoor- (Mogadishu)- Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud (Booyada Kabaale) oo ah Baxsad ay ku raad-joogaan Hay’addaha ammaanka, ayaa lagu eedeeyey dilka Marxuum Ex- Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Dharkiinleey Labaatankii Bishii July ee 2024.

Sababta Dilka ayaa aheyd muran sababay gacan ka hadal, kana dhashay Boosaneer ku yaallay wado luuq ah oo la maro, halkaasi oo uu deganaa marxuumka, eedeysanahana uu ku mari jiray Moto Fekon.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waana laga ogolaaday.

Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn ku xukuntay Ex.Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud oo ah Baxsad ay ku raadjoogaan hay’adaha amaanka Dil Toogasho oo ah qisaasta Ex- Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe  Muxumad Maxamed Cumar oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada 1aad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka dibana dilay Taliye koox…….

Garsoor – (Mogadishu) –  Xuseen Xasan Maxamuud Macda oo ka tirsan Ururka 214-aad Guutada 21-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS ayaa lagu soo eedeeyay  dilka Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali oo ahaa Taliye Koox.

Dilka ayaa yimid ka dib markii Xuseen uu u awood sheegtay walaashiis soo korisay. Wiil ay dhashay walaashiis ayaa qeylo dhaan ugu tagay Ciidamada Boliis Military ee waajibka ka lahaa Xaafadda Al-cadaala Ee Dagmada Heliwaa, si loo joojiyo Eedeysane Macda oo walaashiis ka weyn u gacan  qaadaya.

Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali iyo Seddex askari oo uu watay ayaa u dhaqaaqay Joojinta eedeysanaha, Isagoona Eedeysanaha ka dalbaday in uu ku Wareejiyo qoriga.

Xuseen oo ka biya diiday in uu wareejiyo qoriga ayaa baas ooda kaga qaaday Marxuumka, waana Toban iyo Todobadii Bishii November ee sanadkii tagay.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sideed iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Xuseen Xasan Maxamuud Macda dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Ex S/le Xoogga Shaafici Maxamed Xaanshi Cali.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Ganacsade Rag uu Deyn Ku lahaa Ku Dacweeyey Khawaarijta…..

Garsoor – (Mogadishu)- Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne, ayaa lagu eedeeyey in Maxkamad Beenaadka Khawaarijta ee deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha hoose uu ka dacweeyey Afar qof, kuwaasi oo uu ku lahaa lacago deyn ah.

Eedeysanaha oo ah Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka, ayaa ka hor inta uusan u tagin Khawaarijta, waxa uu afarta qof ka dacweeyey Maxkamadda degmadda Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid kamid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Eedeysanaha ayaan tagin Maxkamadda gobolka Banaadir, taas beddelkeedana waxa uu u dhaqaaqay in Khawaarijta uu u dacwoodo, waxaana markii uu soo laabtay ay Hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda Lix iyo Tobanka Bishii kow iyo tobnaad ee sanadkii hore 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Lixdii Bishaan February.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne Lix Bilood oo Xabsi argagixiso ah.

Xukunka Dil ka bilowday Tacadi Loo Geystay Haweeneey Xaamilo ah….

Garsoor – (Mogadishu)- Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunka kasoo saartay kiiska Alifle Bol C/raxmaan Axmed Cumar oo loo heystaa dilka Marxuum Axmed Cali Xasan kadib Xabad uu ka riday qori AK47 ah oo garabka kaga dhacday marxuumka, taasi sabab u noqotay geeridiisa Sagaal iyo Labaatanka Bishii Kow iyo Tobnaad ee Sanadkaan 2024.

Eedeysanaha, ayaa maalintaasi shaqadiisu aheyd fulinta amar maxkamadeed oo ahaa dhul ka saarid, gacan qaad ayuuse u geystay haweeneey xaamilo eheyd, taasi oo dhalisay fal-celin ka timid Marxuumka dhintay oo walaal la ahaa haweeneyda.

Kiiskaan, ayaa horey waxaa kaga garnaqday Maxkamadda darajada ee Ciidamada QS, Taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo labaantankii bisha tobnaad ee Sanadkaan, Xukunkiisana waxa uu ahaa bixinta magta Marxuumka, balse Xafiiska xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkaan.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn xukun ka soo saartay kiiskaan.

Alifle Ex Dable Bol. C/raxmaan Axmed Cumar ayey Maxkamadda sare ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Axmed Cali Xasan.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye guuto Liibaan Cali Yarow, Guddooomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida

Xukunka Shabakad Xogaha Kunteenarada Dekadda ka soo daga u dusin jirtay Khawaarijta………

Garsoor – (Mogadishu) – Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare”, Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi, ayaa loo soo xiray

kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan qeybta soo gudbinta Xogaha ganacsatada iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekadda Muqdisho.

Shaqooyinkii ay Khawaarijta u qabteen ayaa waxaa kamid ah Xogaha Sagaal markab oo si PDF ahaan ah ay whatsapp-ka ugu direen Cabdi Qafaar “Ugaas” oo Khawaarijta u qaabilsan Qeybta Xogaha Maraakiibta iyo Maaliyadda Ee Dekadda Muqdisho, bil kasta ayeyna la wadaagayeen xogaha iyo dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee Dekadda, si Khawaarijta ay u handadaan ganacsatada oo ay uga qaataan lacago baad ah.

Seddexdaan Eeddeysane, ayaa Gacmaha Hay’addaha ammaanka waxay soo galeen Tobankii bisha Lixaad ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labo iyo Labaatankii Bishaan Oktoobar.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi ayey Maxkamadu ku xukuntay min Siddeed Sano oo Xabsi Ciidan ah, halka Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey lagu xukumay Afar sano oo Xabsi ciidan ah.