Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka dibana dilay Taliye koox…….

Garsoor – (Mogadishu) –  Xuseen Xasan Maxamuud Macda oo ka tirsan Ururka 214-aad Guutada 21-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS ayaa lagu soo eedeeyay  dilka Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali oo ahaa Taliye Koox.

Dilka ayaa yimid ka dib markii Xuseen uu u awood sheegtay walaashiis soo korisay. Wiil ay dhashay walaashiis ayaa qeylo dhaan ugu tagay Ciidamada Boliis Military ee waajibka ka lahaa Xaafadda Al-cadaala Ee Dagmada Heliwaa, si loo joojiyo Eedeysane Macda oo walaashiis ka weyn u gacan  qaadaya.

Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali iyo Seddex askari oo uu watay ayaa u dhaqaaqay Joojinta eedeysanaha, Isagoona Eedeysanaha ka dalbaday in uu ku Wareejiyo qoriga.

Xuseen oo ka biya diiday in uu wareejiyo qoriga ayaa baas ooda kaga qaaday Marxuumka, waana Toban iyo Todobadii Bishii November ee sanadkii tagay.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sideed iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Xuseen Xasan Maxamuud Macda dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Ex S/le Xoogga Shaafici Maxamed Xaanshi Cali.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Shabakad Xogaha Kunteenarada Dekadda ka soo daga u dusin jirtay Khawaarijta………

Garsoor – (Mogadishu) – Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare”, Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi, ayaa loo soo xiray

kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan qeybta soo gudbinta Xogaha ganacsatada iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekadda Muqdisho.

Shaqooyinkii ay Khawaarijta u qabteen ayaa waxaa kamid ah Xogaha Sagaal markab oo si PDF ahaan ah ay whatsapp-ka ugu direen Cabdi Qafaar “Ugaas” oo Khawaarijta u qaabilsan Qeybta Xogaha Maraakiibta iyo Maaliyadda Ee Dekadda Muqdisho, bil kasta ayeyna la wadaagayeen xogaha iyo dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee Dekadda, si Khawaarijta ay u handadaan ganacsatada oo ay uga qaataan lacago baad ah.

Seddexdaan Eeddeysane, ayaa Gacmaha Hay’addaha ammaanka waxay soo galeen Tobankii bisha Lixaad ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labo iyo Labaatankii Bishaan Oktoobar.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi ayey Maxkamadu ku xukuntay min Siddeed Sano oo Xabsi Ciidan ah, halka Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey lagu xukumay Afar sano oo Xabsi ciidan ah.

Xukunka Askar Dishay Sargaal ay dhaceen……

Garsoor – (Mogadishu) – Dable Asluub Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” , Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac( oo maqane ah) iyo Axmed Daahir Cabdi “Shiiqaal” (oo maqane ah), ayaa lagu soo eedeeyey Jidgooyo iyo dhac ay ka dhalatay Dhimashada Ex Labo Xidigle Cabuqaadir Muxudiin Aadan oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, falkaasi oo dhacay Habeen ku Tariikheysan Lix iyo Tobanka bisha labaad ee Sanadkaan.

Marxuumka iyo mid ka mid ah saaxibadiisa ciidmada oo ka soo baxay goobtooda shaqo oo aheyd Xerada Damaanyo ayaa ku soo dhex dhacay Eedeysanayaasha oo isbaaro u taalla laamiga dheer ee Xoosh ee degamdda Garasbaaley.

Eedeysane Maxamed Musiibo Qaran oo ku hubeysnaa qoray Ak 47 ayaa labo Xabad ku dhuftay Marxuumka, isaggoona ka qaatay Bistooladii uu watay.

Hay’addaha Ammaanka oo ku raad-joogay Eedeysaneyaasha, ayaa gacanta ku dhigay Dable AsluubMaxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” Afar iyo Tobankii Bishii April ee Sanadkaan, waxaana baxsad ah Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi “Shiiqaal”.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Tobankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

1- Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabuqaadir Muxudiin Aadan.

Halka 2- Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo 3- Axmed Daahir Cabdi “Shiiqaal” oo labaduba maqane ah ay Maxkamadu ku xukuntay min sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

Xukunka Askari lagu Eedeeyey inuu dhaawac Culus geeystay…

Garsoor – (Mogadisho)- Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida, ayaa maanta Go’aan kasoo saartay kiiska Dable Xoogga Mursal Abuukar Maxamed oo lagu eedeeyey inuu dhaawacay dhibane Mascuud Axmed Xasan taariikhdu markii ay aheyd sodonka Bishii August ee 2023, kaasi oo u naafoobay dhaawicii gaaray.

Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, ayaa racfaan ka qaatay xukun ay horey u riday Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada QS Dable Xoogga Mursal Abuukar Maxamed, kaasi oo eedeysanaha xoriyadiisa ay dib ugu siisay, kadib markii lagu waayey eedihii Xafiiska Xeer ilaalinta.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Dable Mursal Abuukar Maxamed ayey Maxakamadda sare ee Ciidamada QS amartay in si deg deg ah Xabsiga looga sii daayo kadib markii ay maxkamadu ku weysay eedihii loo heystay.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Xukunka Xasan Laari iyo Kooxdiisii…..

Garsoor – (Mogadishu)- Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska Eedeysanaal gaaraya Todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amin iyo ku takrifal dhul dowladeed.

Eedeysaneyaasha oo kala ah Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey, Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi, Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, Dable xoogga C/qani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayaa racfaan kasoo qaatay Xukun ay horey ugu riday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Afartii Bishii August ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey iyo 2-Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inay bixiyaan Boqol Halaad oo geel ah “Diyo Muqalado ah” ahna Magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo Min shan sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Dable Xoogga Xasan Cabdulle Samatar ayey maxkamadu ku xukuntay Todobo sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen 5- Dable Xoogga Cabdiqani Cali Xaaji 6- Dable Xoogga Nuur Cabdi Maxamed 7- Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada QS ku xukuntay min seddex Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Maxkamadda sare ee ciidamada oo mar kale xukun ku riday ………..

Garsoor – (Mugadishu)- Maxkamadda sare ee Ciidmada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “ Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, waxaana lagu eedeeyey dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo Cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is-rasaaseyn dhex martay Labada eedeysane, ayaa waxaa ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray Mahad iyo Cadnaan.

Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse ayaa Racfaan ka qaatay xukunkii Maxkamadda darajada Koowaad ay horey ugu riday Labada Eedeysane, Sideed iyo Labaatankii August, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa mar kale codsaday qaadista kiiskaan.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” ayey Maxkamada sare ku xukuntay Dil toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cismaan Muuse.

2- Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ayaa isna lagu xukumay Lix sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Xukunka Dil ka dhashay Haweeney mareysay Bar Hubin ah….

Garsoor – (Mogadishu)-  Maxkamadda Ciidmada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “ Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, kuwaasi oo ku eedeysan dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo Cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

Arrintaan, ayaa markii dambe isku beddeshay  in hub la isku adeegsado, Waxaana Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is rasaaseen xaafadda Taleex ee Degmadda Hodon ku dhex martay Dable Nisa Mahad Cali  Cabdi “Madaxeey”  iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ku dhintay Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray labadooda.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday toban iyo todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” shan sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Magta Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse halka Cadnaan Muuse Maxamed lagu xukumay hal sano oo Xabsi Ciidan ah..

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Walaallo wada dhashay……

Garsoor -(Mogadishu)- Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd Sodonka Bishii Maarso ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Sodonkii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka
Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Xukunka Rag loo haysto Dilka Arday………..

Garsoor – (Mohadishu)- Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow) , Dable Nisa Cabdi Axmed Cadow Axmed iyo Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi, ayaa si wadajir ah loogu soo eedeeyey in ay geeysteen Dilka marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo ahaa arday siddeed iyo toban jir ah oo dhiganayey sanadkiisii ugu horreeyey ee dugsiga sare.

Waxaa kale oo diiwaankooda eeda ku jirta Afduub iyo Bur-burinta gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku fureen rasaas.

Eedeysaneyaashaan oo isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya ayaa dilay Marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo marayey inta u dhexeyso Deyniile iyo Garasbaaleey, xilli  uu la socday saaxiibadiis oo ay wada saarnaayeen Gaari Propox ah, marxuumka ayaana u geeriyooday rasaas ay eedeeysaneyaasha ku fureen gaariga taariikdu markii ay aheyd Tobankii bisha April ee Sanadkaan  2024.

Ka hor falkaan waxay si khasab ah ku afduubteen Dhibane C/wahaab Siyaad Jamaal oo wade ka ahaa gaari Nooha oo ah kii lagu horjaray gaariga marxuumka uu saarnaa.

Eedeysaneyaasha o baxsaday dhacdadaan kadib, ayaa gacanta Hay’adaha ammaanka oo ku raad-joogay waxay soo galeen maalmo kala duwan oo is xig-xigay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Lixdii Bishaan July.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku  xukuntay, Ex Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage “Qataatow iyo Ex Dable Nisa Cabdi Axmed Cadow Axmed dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq, halka Ex Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi lagu xukumay seddex sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Askari Dil Bareer ah u gaystay……..

Garsoor – (Mogadishu)- Dable Bol Cabdisamad Faarax Nuur “Minishiibiyo”, ayaa loo soo xiray in uu dil kas ah u geystay Marxuum Ex Seddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud, Falkaan oo lagu geystay Qori AK47 ah ayaa ka dhacay degmadda Yaqshiid, gaar ahaan halka loo yaqaano Miisaanka dhuxusha taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobanka bishii afaraad ee sanadkaan 2024.

Marxuumka oo saarnaa mooto Bajaaj, ayna la socdeen Seddex qof, ayaa soo gaaray Bar lagu hubiyo Gaadiidka kala duwan oo Ciidanka Booliska ay ku lahaayeen isgoyska Miisaanka Dhuxusha, xilligaasi oo shaqada uu saarnaa Eedeysane Cabdisamad, baaris kadibna waa la fasaxay Mootada.

Mootadii uu la socday Marxuumka, ayaa markii la fasaxay kadib waxay istaagtay meel aan ka fogeyn Bartii hubinta, si ay u sugaan qof ka degay intay ku jireen Feelka Baarista, Eedeysane Dable Bol. Cabdisamad ayaa u yimid isaggoo ku yiri meeshaan ka taga, kadibna waxaa xigtay in Xabad uu ku soo riday Mootada, taasi oo madaxa ka haleeshay Marxuum Ex Seddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud oo mootada gudaheeda fadhiyey, halkaas ayuuna ku geeriyooday.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Afar iyo labaatanka bishii Lixaad ee Sanad 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Bol Cabdisamad Faarax Nuur “Minishiibiyo”dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Ex Seddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.