Xukunka Maxamuud oo Muqdisho Lacagaha Baada ah uga aruurin jiray Khawaarijta…

Garsoore -(Mogadishu)- Eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” , ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan inuu Qaabilsanaa aruurinta lacagaha baadda ah ee Khawaarijta ay ka qaadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Muqdisho.

Maxamuud oo ku dhashay degmadda Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa Khawaarijta ku biiray dhammaadka sanadkii 2020-ka, waxaana ku tashkiiliyey nin lagu magacaabo Axmed Maxamed oo Khawaarijta ka tirsanaa, kaasi oo ay isku barteen magaaladda Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Eedeysane Maxamuud, ayaa argagixisada u aruurin jiray lacagaha baadda ah, isaggoo Khawaarijta u gudbin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, si loo handado goobahaasi ganacsi, loogana qaado lacago baad ah.

Sidoo kale waxa uu Khawaarijta u gudbin jiray Qiyaaata qiimaha hantida taalla goobta ganacsi ee xogteeda uu gudbinayo, Numberka iyo Dukaanka magaciisa, waxaana arrimahaan uu ka shaqeynayey muddo Seddex Sano iyo Lix bilood ah, isaggoo Mushaar ahaan seddexdii biloowdba mar ay Khawaarijtu siin jireen lacag dhan Labo boqol oo Dollar, Gacanta Hay’addaha amnigana waxa uu soo galay Sagaal iyo Laabaatankii Bishii January ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Kow iyo Labaatankii Bishii May ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” 8 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare…..

Garsoor – (Mogadishu)- Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana ayaa loo heystay in uu dil bareer ah u geystay marxuum Sacad Cabdi Muuse, inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah Deegaanka Shabeeloow Gobolka Galgaduud, lunsasho hanti dowladeed, Qalgal gelin Goob ganacsi, Xatooyo Xoolo Ciidan iyo Jabin Xeerka xakameynta hubka caasimadda.

Seddexdii Bisha Afaraad ee Sanadkaan 2024 kaliya muran dhinaca kala horreynta timo jare ayaa keenay in Eedeysane Daa’uud Bashiir uu madaxa xabad kaga dhufto marxuum Sacad Cabdi Muuse, Falkaan ayaana ka dhacay Degmadda Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Todobada bisha shanaad ee sanadkaan 2024 Maxkamdda Darajada kowaad ee Ciidamda Qalabka Sida oo Dhageysatay kiiskaan waqti ku Filanna siisay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbeyn Maanta oo ay taariiikhdu tahay sideed iyo Tobanka Bisha May ee 2024 Ku xukuntay Dable Daa’uud Bashiir Coloow Dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Sacad Cabdi Muuse.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Koox ay ku jirto haweynay oo dhac ka geysatay Muqdisho….

Garsoor – (Mogadishu)- Kormeere Labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Dable Xoogga Cabdisalaam Arwaax Shariif, Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed iyo Nimco Maxamuud Cali, ayaa si wadajir ah lagu soo eedeeyey fal burcadnimo hubeysan ah iyo Isticmaalka Qamri.

Afartaan Eedeysane oo watay gaari, ayaa dhac u geystay dad shacab ah oo gaaraya Afar iyo Toban Qof, kuwaasi oo ku sugnaa degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Eedaysane Nimco Maxamuud ayaa laheyd doorka qarinta agabyadii la soo dhacay, iyaddoo saarneyd qeybta hore ee gaariga, si loo marin habaabiyo ciidanka amniga.

Eedeysaneyaasha ayaa Cabsanaa Qamri xilligii ay dhaca geysanayeen, waxaana ay isku soo mareen dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Gaarigii ay wateen oo ka halaabay, ayaa iyaggoo ku sameynaya garaasha ku yaalla degmadda Hodan waxaa kasoo qabtay Ciidanka ammaanka, taariikhdu markii ay aheyd Tobanka bisha siddeedaad 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobada bishii Seddexdaad ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Shanta eedeysane, waxaa lagu kala xukumay:-

Ex-Kormeere Labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Ex-Dable Xoogga Cabdisalaan Arwaax Shariif, Ex-Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed ayaa lagu Xukumay min 8  sano oo Xabsi ciidan ah, halka Nimco Maxamuud Cali lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Qoslaaye iyo Kooxdiisa oo Qaarijisay Marxuum Abuukar Kaabax….

Garsoor – (Mogadishu)- Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Dil-toogasho ah ku xukuntay Ex-dhamme Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye & Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo kala ahaa taliyihii Booliska saldhigga Heliwaa & Dable Gacan-yare u ahaa Taliyaha, taasi oo ah Qasaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay Dileen Labaatan iyo Labadii bishii February 2024.

Sidoo kale Maxkamadda, ayaa ka Xayuubisay Darajadiisa Ciidan, kana Saartay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Ex-Dhamme Qoslaaye & Qoone.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo Sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-kenyan, Waana abaabulaha kiiskan ka agaasimay Dubai.

Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan Diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay min 10-Sano oo Xabsi Ciidan ah halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xukun laga dhigay labadaan.

Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax Dambi ah ku wayday.

Xukunka Sarkaal Danab ahaa oo loo haystay Falal Argagixisanimo…

Garsoore – (Mogadishu) – Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab iyo Jaajuusida Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Mucaawiye ayaa hoggaamiyay dhowr horimood oo Ciidanka gaarka ah ee Danab kamid ah, isaggoo kaga faa’iideystay in uu xogaha ciidanka iyo howlgalada uu u dusiyo Maleeshiyada, uuna wakiil kaga ahaa Cabdullaahi Cabdi Cumar (Cabdullaahi Hiiraan) iyo Muxudiin Maxamuud Cabdi (Muxudiin Turki).

Waxaa lagu eedeeyey in uu si gaar ah u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad ee uu ku Shahiiday Abaanduullihii Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuurre), sidoo kale waxa uu gudbiyay xogaha difaacyadda ciidanka iyo in aysan hawada ku jirin Diyaaradaha saxiibada Danab (Drones), dagaaladii Budbud, Cali Yabaal, Alkowsar iyo Daaru-nimca.

Waxa uu dhabar jabin ku sameeyay ciidanka, gaar ahaan dagaalkii Budbud ka dib markii uu difaaca ka saaray horintii uu xukumayey.

Sidoo kale waxa uu sahmiyay Saldhigyadda Military ee Beli-doogle iyo Xero Nac-Nac, isaggoo la wadaagay Cabdullahi Hiiraan xogta ciidanka ku jira iyo koolba waardiyaasha xerooyinkaasi.

Mucaawiye Waxa uu adeegsanayey ereyo afgarasho ah oo ay isla yaqaaneen Cabdullahi Hiiraan, ayna ka mid yihiin, Adeer (Saaxibada Danab Mareykanka), Ilmaha Adeer (Speacial Danab), Abaayo (Beli-doogle), Hooyo (Muqdisho), Meeshii hore (Howlgalkii hore) iyo ereyo kale.

Waxa loo adeegsaday soo iibinta Drone, Ookiyaalaha aragga habeenkii (Night Vision) iyo agabyo kale oo ciidan oo aan u suura gelin.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii bishaan, iyaggoo maxkamadda horkeenay cadeymo ku saabsan kiiskaan oo ay ka mid yihiin marag-fur iyo saraakiishii ka sarreysay Mucaawiye oo marqaati ahaan maxkamaddu ay u dhageystay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukuntay, Ex- Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge Toban sano oo xabsi ciidan ah, Waxaana laga xayuubiyey darajada labo xidigle iyo xubinnimada ciidanka xoogga dalka.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute

 

 

Xukunka Dil ka dhashay Muran salka ku haayay Siyaasad…..

Garsoor – (Mogadishu) – Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) ayaa loo soo xiray dil bareer ah uu u geestay Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan Labo iyo Tobankii bishii Augost 2022, falkaas oo ka dhacay maqaayad lagu shaaho ee kutaal isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan.

Muran salka ku haayay Siyaasad oo soo kala dhaxgalay Marxuumka iyo Cabdiraxmaan ayaa gaartay gacan ka hadal uu midi kaga dhuftay Wadnaha iyo Daanka.

Eedesanaha oo baxsad ka ahaa gacmaha sharciga ayaa soo gacan galay Sideed iyo Labaatankii bishii January ee Sanadkan.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Sideed iyo Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo)  Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

XUKUNKA DIL KA DHASHAY MURAN GACAN KA HADAL XIGAY.

Garsoor – (Mogadishu) – Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil ayaa loo soo xiray Dil bareer ah uu u gaystay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed dilkaas oo ka dhacay laamiga Xoosh ee degmada Dharkenlay Kow iyo Labaatankii Bishii November ee sanadkii 2023.

Muran isku bedelay gacan ka hadal oo dhaxmaray Marxuumka iyo Taliye unugii ciidanka ilaalada shacabka ee ku qornaa barta koontarool kedib Badri ayaa soo dhexgalay kedibna dilay maxruumka.

Baaris dheer dabadeed Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.

Xukunka Kooxdii gaystay Dhimashada iyo Dhaawaca……

Garsoor – (Mogadishu)- Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed, Axmed Ibraahim Axmed, Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud ( Oo Maqane ah), iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) ayaa lagu soo eedeeyay dembiga ah jid gooyo ay ka dhalatay Dhimasho, Dhaawac iyo burbur Hantiyadeed.

Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed iyo Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud (Oo Maqane ah) ayaa loo haystay dembiyada kala ah Dil bareer ah, Dhaawacyo, Qalqal-gelin shacab, Jidgooyo, ka tagis goob shaqo, isku day dhac iyo qasaaro soo gaaray gaari ay ku rasaaseeyeen uuna lahaa Dhibane Aadan Cabdi Cusmaan, Ayna ku dhinteen Marxuumiinta kala ah Cabdullahi Maxamed Gacal iyo Shukri Axmed Weheliye, kuna dhaawacmeen dhibanayaal Guuleed Ibraahim Hiloowle oo 16 jir ah, iyo Kaaho Cabdulle Caddow falkaas oo ka dhacay Xabaal Duub oo ka tirsan tuulada Maxaa Saciid ee hoostagta degmada Cadalle kow iyo labaatankii bishii Augost 2023.

Halka Axmed Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) iyagana loo haysto gacansiin dambi iyo isku day dhac iyaga oo wadayaal ka ahaa Labo Mooto Fekon oo lagu geeyay Arwaax iyo Maxamed Shariif goobtii uu falka ka dhacay.

Arwaax ayaa usoo gacan galay Laamaha Cadaaladda Shan iyo Labaatankii bishii Augost 2023 halka Axmed Ibraahim Axmed uu isna soo gacan galay Sadax iyo Labaatankii bishii November 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Sedax iyo Tobankii bishii January ee Sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn ku kala xukuntay:

1- Ex Dable Xoogga Arwaax Ibraahim Axmed iyo Ex Dable Xoogga Maxamed Shariif Rooble Maxamuud(Oo Maqane ah) ayay Maxkamadda kuwada xukuntay Dil toogasho, ahna Qisaasta Marxuumiinta kala ah Cabdullahi Maxamed Gacal iyo Shukri Axmed Weheliye, Sidoo kale in ay wada bixiyaan Magta iyo Qarashaatkii ku baxay dhaawacyada Dhibanayaasha kala ah Kaaho Cabdulle Caddow iyo Guuleed Ibraahim Hiloowle, sidoo kalana ay bixiyaan qarashka gaarigii ay ka burburiyeen Dhibane Aadan Cabdi Cusmaan.

2- Axmed Ibraahim Axmed iyo Abshir Axmed Xasan Cabdi Jalaf (Oo Maqane ah) ayaa iyagana lagu Xukumay min 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Tababare Ciidan oo loo xukumay la Shaqaynta Argagixisada….

Garsoor (Mogadishu)- Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah 63 jir ah ku dhashay Baydhaba ayaa loo soo xiray in uu ka tirsanyahy Khawaarijta Alshabaab Qeybta Amniyaadka una qaabilsanaa bixinta xogaha Ciidanka Xooga Dalka, waxaana laga soo qabtay gudaha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Waxa uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana Cadaatay in inta kale uu iska saartay.

Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xertay Alshabaab, waxaana hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen In Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.

Habraacca Go’aan ka gaarista iyo dhamaystirka dacwad qaadistiisa ayaa soo socotay ilaa January 22 Keedii Sanadkan.

Maxkamadda ayaa ugu danbeyn maanta Go’aan ka soo saartay Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

 

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku riday Sarkaal hore oo loo haystay Weerarkii AirPort Aadan Cadd…..

Garsoor (Mogadishu) – Lix iyo Sodon jirkan ku dhashay Jamaame ayaa ka soo mid ahaa Military-ga ilaa Dowladdii Cabdullaahi Yusuf laakiin waxa uu ka haray Liiska Ciidamada Xoogga Dalka Xilligii Dib u habaynta Electronic ahayd Ee Xukuumadii Madaxweyne Farmaxajo 2018.

Sanad ii 2017 kii ayay Xafiiska xeer Ilaalinta iyo Hay’adda Nabad Sugidda Cadeeyeen in uu bilaabay la shaqaynta Alshabaab, waxa uuna Argagixisada u Qaabilsanaa Gudbinta Gawaarida Qaraxyada ah Ee ay Argagixisada ku weerari jirtay Muqdisho.

Waxa uu isticmaalayay Magiciisa iyo Kaarkiisa Aqoonsiga isago oo aan ku jirin Liiska Saraakiisha oo uu mar ka gaaray Laba Xidigle.

Maragyada wax laga waydiiyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow waxa ay Qireen in shaki badani ka qabeen intuu uu kamid ah Saraakiisha ku Qoran Villa Baydhabo ee aan howlaha Ciidamada ku Jirin .

September 19 keedii 2019 ayaa lagu helay in uu Qarax geeyay Ururka 38 Aad Ee degan Villa Baydhabo.

23 kii March Sanadkan ayuu ku geliyay Gaarigiisa Garoonka Diyaaradaha Laba dhagar Qabe oo ka tirsan Argagixisada, waxaana Abaabulka Biyamaalow ku naf waayay Allah Unaxariisto Cabdirisaaq Aabi Cali oo kamid ah Halyeeyadii soo afjarayay weerarkaas, waxaana jiro khasaara gaaray Saaxiibbo kale oo joogay goobta gaarka ah ay isku fara saareen Maleeshiyada Weerarka ahaa iyo Ciidamada gaarka ah Ee Haramcad.

Sideedii bishan ayay soo gaba gabowday Maxkamadaynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow.

Waxaa Maxkamadda laga Daawad Siiyay Muuqaalka Camerooyinka Amniga Ee CCTV xilligii uu gudbinayay Naftood haligayaashii Arbushay Garoonka.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn Maanta Go’aan ka soo saartay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qosaasta Marxuun Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.