Xukunka Qoslaaye iyo Kooxdiisa oo Qaarijisay Marxuum Abuukar Kaabax….

0
942

Garsoor – (Mogadishu)- Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Dil-toogasho ah ku xukuntay Ex-dhamme Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye & Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo kala ahaa taliyihii Booliska saldhigga Heliwaa & Dable Gacan-yare u ahaa Taliyaha, taasi oo ah Qasaasta Marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay Dileen Labaatan iyo Labadii bishii February 2024.

Sidoo kale Maxkamadda, ayaa ka Xayuubisay Darajadiisa Ciidan, kana Saartay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Ex-Dhamme Qoslaaye & Qoone.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo Sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-kenyan, Waana abaabulaha kiiskan ka agaasimay Dubai.

Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan Diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay min 10-Sano oo Xabsi Ciidan ah halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xukun laga dhigay labadaan.

Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax Dambi ah ku wayday.